Tuugsigii dadbanaa Q13AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Tuugsigii dadbanaa Q13AAD 

Waxaa halkaas nooga bilaawday farxad iyo reynreyn, gaarigeenii ayaan ku soo dhacnay ayadoo sidii boqorrada naloo soo ambobixiyay. Markii aan aniga iyo Daahir laamiga ku soo dhacnay ayaan bilaawnay inaan faaqidno tallaabada xigta aan sameyn doono, ileen waxaa la yiri TALO ADIGAA KU NOOL EE IYADA KUGUNA NOOLA, Daahir ayaa hadalkii qaatay oo yiri durba waxaan dareemayaa mustaqbalkeyga oo uu iftiinkiisii baxayo wax walbana qadarta Rabbi ayey ku dhacaan safarkaan ma aheyn mid xisaabka iigu jiray, laakiin waxaa qorneyd inaan isku soo lug darsano, si kastaba arrinku ha ahaadee, waxaa ii bilawday nolol cusub oo aan Allah (swt) ka rajeynayo inaan ku guuleysto, wax walba maalin ayey bilawdaan meel ayeyna ka bilawdaan reerkaan wax aqoon ah haba yaraatee uma laheyn waxaan oo wanaag ah iney sameeyaan madaxaaga ayey ku dhacday Allah ka sokoow waana kaaga mahad celinayaa Ammaanada sida ay tahay inaan uga soo baxo iigu duceey oo aan ceeb kuu keenin.

Waxaan ku iri: Daahiroow fursadaan oo kale waa yar tahay nin isku helo gabar iyo xoolo la iskugu kaa daro sharuudna lagaaga dhigo adiga wax is tar, Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa CIYAAYE AYAA LOO CIIDAMIYAA  hadda waxaa na horyaal oo culeys ah haba yaraatee ma jiraan aanan ka aheyn inaad adiga nolosha baadiyo guntiga dhiisha iskaga dhigto.
Waxa uu yiri: Waa run horta aniga waa iga go’an tahay inaan isbaddalka waayaha igu cusub aan la jaan qaado, muddo badan ayaan ku hamminaayay inaan nolosheyda wax ka badalo guursado oo reer yeesho, caqabada ugu weyn ee i hortaagneyd waxa ay aheyd dhaqaalo la’aan taasoo aan kali ku aheyn dhallinyaro badan oo guur doon ah ay ila qabaan waa la guursadaa ee guursana  waligeey kuma fakarin waxaan ku fakari jiray ilaa iyo intii ay gacanteyda wax ka soo galayaan inaan ku dagdagin guur, oo aan sugo waqti ku habboon intaana waqtigu waa is gurayay Waxaa jirtay hadda ka hor mar aan aad u xanuunsaday guur iska daaye aanba adduunka inaan sii dul joogo aan nacay daruufaha dhaqaale aan awoodi waayay inaan is daaweeyo cid i daryeesha ama i gacan qabatana ay ii muuqan markaas ayaan tiriyay Maanso aan ugu

Magac daray (GEERI)
Geeriyeey xishoodlaay
Xaqii lagu tilmaamaay
Aayadaha xurmada badan
Xaakim noogu sheegaay
Xabiibkeenii Muxamed (scw)
Tii aan xushmeynine
Xawda goysay subaxnimo
Bal inaan xanuunsado
Ama baqo xagleeyaa
Hadmaad dhugan xageyga.

Maalmahaa waxa ay ii ahaayeen maalmo mugdiya oo aan nolosha dunida nacay kana jeclaa inaan Aaqiro uga hayaamo, markaan soo xasuusto waan ka murugoodaa, ha moodin inaan ka murugoonayo maxaad u xanuunsatay ee qaraabada iyo ehelka naxariis daradooda ayagoo og inaan agoonnimo aan ku soo koray adeeradeey dhammaantood waxa ay igu shabeeyeen ma shaqeyste aan waxba isku faleyn inaan ahay  oo wixii la baray dayacay sidaa darteed aan istaahilin waxooda ha ii diidaan ma xumo ayagaa iska leh laakiin waxa ay iigu dareen ku digasho, waxaa iigu darnaa adeerkeey aabbaheey da’dii ku xigtay ah waxa uu igu yiri mid aanan waligeey ilaabi doonin noloshaydi laakiin marnaba ma ka cad goosan doono kor iyo hoosba waa waalidkeey oo wiilka uu dhalay ee curadkiisa ah waan is aadanahay ayaa hiil iyo hooba ila garab taagnaa waliba asagoo aabbihii ka qarinaayo in qarashka daawadeyda igu baxaayey uu asaga dhiibaayay, muhiimada ayaa waxa ay tahay AAR NIN GANA IYO NIN GALADAY waa kala yaqaan, hadda maxaa inoo talo ah, wax TAGAY TIIGSIMAAD MA LAHA, TAGTANA TIMAADO AYAA KA BADAN  Aniga go’aankeygu iskuma darsano.

Waan guurayaa anigu
waana geedi galayaa,
gocosho iyo xasuus daran,
wixii gurrac isoo maray
gadaaleey danbeetiyo
balad iyo guhaadiiis,
Gadaas waaba xirayaa.
inaan dalxiis usoo galo
ama danaha gaarkaa,
Hawl gaaban maahine
gargaarkii Allaa yimid
Iyo guul adduunyaad.

Waxaan ku iri Daahiroow ga’aan kale oo kuu dhiman ma jiro hadda waadba xirxiratay udbahaaga iyo dhigahaagii oo baadiyo ayaad baxsad u tahay waxaa muhiim aan ku dhaqaaqno sida ugu dhaqsiyaha badan oo aan waqti danbe nooga lumin haddana maadaama ay habeen tahay waxaan isla garanay wareer cawo waa loo waabariistaaye inaan u seexano subaxdiina aan ka anbo qaadno halkaa.

La soco qeybaha xiga

 

W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

SHEEKOOYIN