XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 39aad                

 

                                      1 XUSUUSNOW INTA KAA LIIDATA

Si Qalbiga aad Qani uga noqoto mar walba waxaa kula gudboon in aad xusuusnaato inta aad haysato ee aadan ku faraxsanayn in, in kasii yar ay qof uun faraxa galiso, tusaala ahaan saddex waqti ayaad Afka wax galisaa, balse kuma qanacsanid qaabk ay tahay cuntadaada, waa in aad maanka ku haysaa in uu jiro qof hal waqti haysto waxa uu waqtigaas cunana ay yihiin wax ka liito waxa aad halka waqti qaadato.

Xusuusnow in mar walba ay jiraan Dad kaa liito, si qalbigaada deeqtoonaantiisa ay u baahdo.

Mmusa  

 

                                               2 XAGEE KUU ROON

Isaga oo kaalma i waydiisanaya ayuu ii yimid maalin, nasiib wanaag wixii jeebkayga ku jiray ayaan u dhiibay, kolkaas ayuu damcay in uu sheeko yar ila wadaago,markaas ayuu yiri “adduunyo!! hadda waxay iga taagantahay in aan u laabto dhalin yaranimadayda, maalin aan ogaana waxaan ku hammin jiray in aan koro oo nin wayn oo dunidiisa lagu hoydo noqdo”

Wuxuu yiri damaca aadanaha kolba waa halka uu taagan yahay halkeeda kale, maxaa yeelay, ma lahan meel u roon, maanta waxa uu haysto kuma qanacsana oo wuxuu u hanqla taagaa waxa uu barri heli lahaa ama noqon lahaa, marka uu barri gaarana wuxuu dib ugu hammiyaa wixii uu shalay kasoo tagay taas oo uusan u noqon Karin ama heli Karin, hadalkiisa ayuu kusoo gunaanaday xagee u roon Aadanaha?!

Mmusa

 

                                           3 Damaca waa in la wadaagaa

 

Damac marka uu kusoo galo waa in aad la wadaagtaa qofka uu kaa gaalay, ha u qaadan in uu dareemi karo ama ogaan karo u sheegis la’aantaada, damaca waa wax la wada wadaago oo ay wadaagaan qofka uu ku hormaro iyo qofka uu ka doonayo in uu la wadaago, sidaa darteed Xiriirka damaca ku dhisan waa mid saldhigiisa la doonayo in uu noqdo mid iska warqabkiisu baahsan ayahay oo wax walba oo Akhbaar ah la wada wadaagaa, ma ahan in uuu noqdo wax Cabir ahaan la iska maleeyo oo loo qaateen ah.

Mmusa

 

                                                          4  NIYAD JABKA

Niyad jabka waa qayb ka mid ah qaybaha tacliiminta ah ee uu Alle inoogu tala galay inta aan ku jirno nolosha dunida, waana cashar nalagu barayo Dulqaadka si iimaankeena uu u sugnaado, ama aan awood ugu yeelano gaaritaanka Horumar ama Farxad.

Runta marka laga hadlo, qalbi jabka ama niyad jabka Aadnaha ma ahan wax u roon, balse, waa nooc ka mid ah nuucyada uu Alle ku baro Bani aadamka dulqaadka, taas oo sida badan la macna ah, inta badan ee aad dulqaad u yeelaataa Niyad jabka kugu dhaca, waa inta badan oo ay awooddaada korortaa wax wanaagsana aad nolosha ka hesho ama wax wanaagsan aad gaarto.

Hadaba niyad jabka waa mid ka yimaada Alle xagiisa sababtiisana sida badan aan inaga leenahay, waxaasa hubaal ah in qofka dulqaadka badan uusan Alle hoojin, oo wax ka wanaagsan waxa uu ka niyad jabay loo yabooho, sidaa darteed, dulqaadkeena ha bato, aana ugu noolaano nolosheena hab iimaani ah. Micnaha waafaqsan iimaanka iyo ku kalsoonaanta Alle.

Mmusa

 

                                  5 TAAJIRNIMADA LACAG MAAHAN

Taajir marka aad maqashid waxaa u sawirmaya qof walba Qof Hanti badan leh oo Nolol ahaan dagan, balse xaqiiqda taas ma ahan, taajirnimada ma ahan oo kaliya sida loo kala xoola badan yahay ee waa sida loo kala iimaan badan yahay, hubaal qof walba in uu Alle si gooni ah deeqtoonaan u siiyay taas oo dadka uusan kala mid ahayn, balse waxay ku xirantahay sida qofka uu u fahmo deeqtoonaanta lagu mananaystay naftiisa, inkastoo Dadka qaar ay isku arkaan in ay Faqrinimada ku dhasheen kuna dhiman doonaan taas oo ah fikir aad u qaldan, Alle waa caddaalad sameeye, wax aad aad u doonaysay oo aan lagu siin haddaad aragto, waa in aysan kuu wanaagsanayn ama aadan ka bixi Karin.

Hadab waxaan ku dhihi lahaa laga yaabee in aad Taajir ahayn marka laga eego xaga Xoolaha ama Dhaqaalaha, balse waan hubaa in aad taajir ku tahay wax badan oo lacag ka qiima badan, ha ahaato xag caafimaad  iyo dhinacya kalaba.

Mmusa

 

                                     6  LAHAANSHIYAHA NOLOSHAAD

 

Marka laga hadlayo muhiimadaha Nolosha ma ahan wax halkan lagu soo koobi karo dhinac walba, balse waxaan jeclaa lahaa in aan ku soo qaato afar qodob oo aan is leeyahay waa u saldhig nolosha qofka aadanaha ah afartaasna waa

Jacayl:

Daacadnimo

Runta ama xaqiiqda

Xushmadda

Intaas qofka haddii uusan haysan qofka wax uu haysto ma jiraan noloshiisa, wax uu dareemi karana haba sheegin.

Mmusa

 

                                                  7   SHALAY IYO MUSTAQBALKA

 

Laga yaabee in noloshaada saddex meel marka loo dhigo meel ka mid ah in ay ahayd Nolol aan xusuus lahayn, marka aan sidaa leeyahay waxaan ka wadaa nolol xusuusteeda ay Mugdi tahay oo ka kooban wax walba oo xanuujin kara qalbigaada.

Hadaba ma ahan in taariikhdaada hore ee Mugdiga ahayd ay dhibaato u keento ama saamayn ku yeelato rajadaada Mustaqbalka, maxaa yeelay, inta ku sugaysa iyo inta aad soo qabatay xisaab ahaan mar walba waxaa badan inta ku sugaysa nolosha, sidaa darted, mustaqbalka waa wax ku sugaya taariikhdaada shalayna way ahayd oo ma ahan mid kugu soo laabanaysa.

Marka waxaa lagaa doonayaa in aad horey u socoto oo ogaataa in xusuustaada la tiri karo, balse mustaqbalkaaga uusan u qalmin in uu maro Ciqaabta wixii shalay aad gaysatay.

Hadaba wax walba xaqooda si,i noloshaadana ugu noolow hab waafaqsan Dulqaad, Naxariis, Caddaalad iyoTaxaddar.

Mmusa

                                                                    8  ISKU DIYAARI

Si aad u garato qiimahaaga nolosha waa in taariikhdaada hore ee Mugdiga ah shalaaytadeeda aad yaraysaa, waqti xaadirkaagana aad kula noolaataa si kalsooni ku jirto adiga oo dib u eegayn wixii kaa dhacay shalay cabsina aadan ka qabin qaladaadkaagi hore ee murugta ku dhaxalsiiyay, intaas waxaa sii dheer u diyaar garow aad u diyaar garowdaa mustaqbalkaaga dambe cabis la’aan.

Mmusa   

                                                                     9 HA IS CAJABIN

 

Laga yaabee in Waqti xaadrikan aad ku naaloonayso hadalo xikmadaysan, Ficillo wanaagsan iyo fakar wacanba, hambalyada dadkana ay iska soo daba dhacayso, hadaba waxaa lagaa doonayaa in aysan ku cajab galin dareenka wanaagsan ee kaaga imaanaya ama aad ka helaysid xaga Dadka, bal is waydii ilaa intee ayay dadku ku amaanayaan?  ilaa inteesa ku naaloon kartaa waxa aad maanta tahay? ma moogtahay in sida xilliyada oo kale ay dadku isku baddalaan oo qofkii maanta kor ah uu bari hoos imaan karo?

Ha yaraato is cajabintaada, u qaado waqti walba sida uu kuugu yimaado, ficil aad suubisay ama hadal wanaagsan oo aad tiri dartiisna ha isku cajibin, mar walba maankaaga ku haay in aad tahay qofka u baahan wanaagaas lagugu amaanayo, naftaadana aad u suubisay sidaas oo aadan u suubin dadku ha ku amaanan.

 

                                                          10 FAHAN DANTAADA

 

Inta nafta ay kugu jirto ma jiraan wax la dhaho Qasaaro iyo Quusasho, maxaa yeelay, waxaa mar walba jaanis u haysataa in aad dib u hanato wixii kaa qaasaray dibna aad iskugu daydo waxa sababay in aad quusato ama aad ka niyad jabto.

Hadaba ka dhig maalin walba maalintaada adiga oo darsaya waxa u wanaagsan noloshaada iyo waxa aan u wanaagsnayn.

Mmusa 

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN