Home Qoraallo turkey. Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

turkey. Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

0
SHARE

Turk

                                                                           بسم الله الرحمن الرحيم

 

 

الحمد لله رب العالمين وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد

 

Shacbiga soomaalidu waa shacbi muslin ah oo waliba diinta aad ugu dheggan, dalkoodana jecel, waana dad nabadeed, dalkiise waa looga adkaaday, oo xoog ayan u beer dhigi karin ayay NATO dul keentay, laga bilaabo kun sagaal boqol laba iyo sagaashan (1992) ee qarnigii lasoo dhaafay.

 

Gabadha soomaaliyeed ee la yiraahdo Daahiro Macallin Xasan oo uu takhtarka turkigu dharbaaxay, oo ayadoo musqul ku jirta albaabka haraati ku jebiyay, kaddibna, dharbaaxay oo candhuuftana ku tufay aydoo loo jeedo, dhawr maalmood ka hor, aanna ka akhrinnay “Marcadey.com” markay taariikhdu ahayd afar iyo labaatanka bisha Disembar laba kun afar iyo toban miilaadiga, gabadha hadalkeedana waan ka dhegeystay, waan ka wada xumaannay, kan sidaas yeelayna waa gun aan qiimo lahayn.

 

Ninka gabar yar oo kaaliye caafimaad isbitaalka ka ah, u awood sheegtay oo ka boohiyay waa gun hoos loo dhugto, mana istaahilo inuu dalka sii joogo ee waa in maxkamad la hor keenaa oo la xukumaa, kaddibna la musaafiriyo, haddii kale wax kasii xun ayuu gabdhaha ku falayaa. Xeerka soomaalidii hore ciqaabta ninka gabar kufsada waxaa ka mid ahaa in gobolkaas laga musaafiriyo.

 

Xeer adag ayay soomaalidu ka leedahay ninka gabar ka oohiya, wuxuuna ahaa sidatan, sida ku xusan kitaabka la yiraahdo “Xeerkii Soomaalidii Hore” waxaa dhigay Axmad Sheekh Cali Axmad (Buraale), waxaana daabacday “Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare – Akadeemiyaha Dhaqanka” ee Soomaaliya sanadka kun sagaal boqol toddoba iyo toddobaatan Miilaadiga, waxaana lagu daabacay Muqdisho.

 

Buraale wuxuu bogga laba iyo soddon ku yiri:

 

Qadafka iyo Xeerkii laga lahaan jiray

 

Soomaalidii hore qadaf waxay dhihi jireen wixii fool xun oo aan ahayn dil iyo dhaawac, wuxuuna raacsanaan jiray qadafku qaybta dhiigga markii loo kala qaybiyo  xeer soomaaligii hore dhiig iyo dhaqan.

Hadaba waxaa ka mid ahaa waxyaabihii soomaalidu qadaf oran jirtay: aflagaaddada, dharbaaxada, jeedalka, kabta, haraatida, jifada waranka ama takiga qoloba siday u taqaan. iwm.

Waxayna u yaqaaneen soomaalidii hore waxyaabaha aan soo sheegnay oo dhan waxyaabo shrafta banii aadanka  dhaawaca, waxaana loo yaqaanay ninkii waxaas lagu sameeyo nin sharaftiisa meel looga dhacay, waxayna ahaan jirtay xaajo aad loo dhibsado, haddii aan si degdeg ah  looga hortaginna  waxaa ka imaan jiray dagaal iyo dil, sidaas darteedna, markii ay maqlaan dadka wax garadka ah nin lagu sameeyey waxyaabahaas aan soo sheegnay oo aan ka dagaallamin isla markiiba ama aan u geysan qofkii ku samneeyey wax looga samri karo waxaas lagu sameeyey, si degdeg ah ayay u gurman jireen, waxaana la qaadi jiray gar, gartaasna waxay ahaan jirtay mid ah “jilib carro”, waxayna ahaan jireen waxyaalahaas qadafka ahi kuwa ka qaalsan am aka magdhaw badan dhaawacyada waaweyn, waxa xeerku ahaan jiray in lagu baxsho ama la siiyo ruuxa qadafka loo geystay wax ka weyn waxa la siiyo qofka qoonta loo gaystay. Waxaa laga yaabaa in degmo walba wax gaar ah  ka dhigi jirtay sababtoo ah degmo walba waxay bixin jirtay ama kala qaadan jirtay qadafka wixii ugu qaali badan hantida ay dhaqato, sidaas darteedna degmooyinka qaarkood  ama gobollada qaarkood ma aysan dhaqan jirin fardaha oo ahaan jiray kuwa ugu qiimo badan ama ugu sharaf badan xoolaha ay soomaalidu dhaqato; waxaa kaloo laga yaabaa in beeraaleydu aysan lahayn ama aysan dhaqan jirin geela, oo isagu ahaa kan ku xiga fardaha xagga qaalinnimada; sidaas darted qolo walba waxay madhdaw u siin jireen ninkii la qadfo wixii ugu qaal badan waxa ay dhaqato….Mararka qaarkoodna waxaa la siin jiray ninka la qadfay neef fardo ah oo wanaagsan, meelaha qaarkoodna waxaa shardi ahayd inuusan ka yarayn qiimaha neefkaas fardaha ah shan geel ah, ama waxaa la siin jiray ninka la qadfay geel ay u yartahay shan dhadig ah oo affar jir ah.”

 

  Burale wuxuu bogga toddoba iyo sodoon isagoo xeerka kufsiga ka hadlaya, kaddib yiri:

 

“Dumarka oo laga oohiyo ama loo geysto wax aan kufsad ahayn wuxuu ahaan jiray mid ku dhaw kan kufsashada, waxaana la bixin jiray ama uu bixin jiray ninka geystay waxaas xaal iyo xoolo kale oo qiimahoodii aysan ka yarayn neef geel ah, hase ahaatee ninka waxaas.” Waa intaas warkiisu Allaha u naxariistee. Xaalkuna waa u dheer yahay.

 

Daahiro Xasan Macallin waxay kaloo ku leedahay ninka turkiga ah qisaas, ahna in intuu ku falay ay ayaduna ku fasho, oo ay meeshuu ka dharbaaxay ka dharbaaxdo, meeshuu candhuufta uga tufay ay uga tuftao, wixii xun oo uu ku yiri oo kalena ay ku tiraahdo.

 

Taasaa igu kalliftay inaan qoraalkaan turkiga ka sameeyo si ay intaan ogayn u ogaadaan waxay turkigu yihiin.

 

Turkigu waxay wada dhasheen oo ay dhiig ahaan walaalo yihiin ingiriiska, jarmaka, fransiiska iyo qabaa’ilka yurub dega, waxaana wada dhalay Yaafith bin Nuuxيافث بن نوح\.

Waxaa maanta Soomaaliya isugu yimid oo ka taliya kuwuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ ku sheegay Suuratu Al Kahfiسورة الكهف\ inay adduunka fasaad ka wadaan, fasaadkuna waa gaalnimada, daadinta xaq darrada ee dhiigga muslimiinta, xatooyada xoolohooda, burburinta guryohooda iyo in qaxooti laga dhigo oo nolosha ciriiri looga dhigo.

 

Kuwaas fasaadka madaxdooda ah waa ingiriiska. Waxaa kaloo ka mid ah turkiga oo walaalohood ah.

 

Waxaana ka mid ah oo khalqiga ugu shar badan amxaarada siduu ku tilmaamay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.

 

Saddexdaasaa maanta Soomaaliya ka Talisa oo fasaad ka wada, oo ummadda soomaaliyeed u diidan inay nabad ku noolaadaan, dalkoodana ay joogaan.

 

Nabiguna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu nagu amray inaan kuwaas ka fogaanno oo aanan wax ku darsan.

 

Sidee hadaba khayr iyo nabad lagu helayaa intay kuwaasu dalka ka talinayaan?

 

Saddexdaas iyo kuwa kaloo ka dambeeya waxay doonayaan inay soomaalida intay qaxooti ka wada dhigaan ay dalkooda kala wareegaan oo amxaaro iyo gaalo kale soo dejiyaan, oo ay markaas khayraadka dalka la wareegaan: ujeedada dagaalkuba waa intaas!

 

Qabiilka turkiga

 

Kitaabka la yiraahdo رفع شأن الحبشان Rafcu sha’ni al xubshaani waxaa allifay Al Imaamu al xaafitu Jalaalu Al ddiini Cabdu Al Rrraxmaanu Al Ssayuudhiiالإمام الحافظ جلال الدين عبد الرحمن السيوطي\ (oo dhintay sanadka sagaal boqol iyo kow iyo toban ee Hijrada), ahna mid ka mid ah labada nin oo alliftay kitaabka tafsiirka ee Tafsiiru Al Jalaalayniتفسير الجلالين\.

Kitaabkaanna waxaa lagu daabacay Masarمصر\ sanadka kun afar boqol iyo kow iyo toban, una dhiganta kun iyo sagaal boqol kow iyo sagaashan miilaadiga ah, waxaana sharxay Al Doktoor Muxammad Cabdu Al Wahhaab Fadlد\محمد عبد الوهاب فضل\ oo kaaliye macallin ku ah taariikhda islaamka ee Kulliyada afka Carabiga ee Al Qaahirah ee Jaamacada Al Azharجامعة الأزهر بالقاهرة\.

 

Al Sayuudhiiالسيوطي\ wuxuu bogga afar iyo lixnadaad ee isla kitaabkiisaas Abuu Hurayrah أبوهريرة\ uga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

 

“ولد نوح سام وحام ويافث. فولد سام العرب وفارس والروم والخير فيهم. وولد يافث يأجوج ومأجوج والترك والصقالبة ولاخير فيهم. وولد لحام القبط والبربر والسودان.”                                         

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Nuuxنوح\ wuxuu dhalay Saamسام\ iyo Xaamحام\ iyo Yaafithيافث\. Markaasuu Saamسام\ wuxuu dhalay Carabta iyo Faarisفارس\ (oo ah iiraaniyiinta) iyo Roomaanka, khayrkuna ayaguu ku jiraa.

 

Yaafithnaيافث\ wuxuu dhalay Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج\ (oo ah ingiriiska, jarmanka, fransiiska iyo inta ka farcantay) iyo Turkiga iyo Al Saqaalibahالسقالبة\ (oo ah dadka slavs la yiraahdo, sida kuwa bariga yurub dega), khayrna ma laha,

 

Xaamnaحام\ waxaa loo dhalay Al Qibdhuالقبط\ (oo ah dad Masarمصر\ degah) iyo Barbartaالبربر\ iyo dadka madow.”

 

Xadiithka waxaa kaloo uu Ibnu Xajar Al Casqalaaniiإبن حجر العسقلاني\ ku wariyay Fatxu Al Baariiفتح الباري\, kaddibna ku daray oo yiri:

“Silsiladdiisana taag darro ayaa ku sugan.”

Waxaa kaloo wariyay ibnu Kathiirإبن كبثر\ (Al Bidaayah wa al Nihaayahالبداية والنهاية\).

 

Al Mascuudiiالمسعودي\ wuxuu Muruuju Al Th-thahabiمروج الذهب\ ku sheegay inayan dadka wax baara isku khilaafsanyan inuu Yaafith ina Nuuxيافث إبن نوح\ yahay kan ugu yar ee wiilasha Nuux نوح\, iyo inay dhashiisa ka mid yihiin Al Afranjahالأفرنحة\ (oo ah fransiiska iyo dadka Yurub degah qaarkood) iyo al Saqaalibahالسقالبة\ iyo Al Nuukubardالنوكبرد\ (oo ah qabiil ka mid ah jarmanka, ayna ka mid yihiin dadka waqooyiga dalka talyaaniga dega) iyo Al Ashbaanالأشبان\ (oo ah dadka dega dalka la yiraahdo Spain oo koofurta galbeed ee yurub ku yaalla) iyo Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج\ iyo Turkiga iyo Al Khazarالخزر\ (oo ah dadka degah dhulka Bari iyo Waqooyi ka xigah dalka Turgiga oo buuraaleyda Al Qawqaaz/kaukasusالقوقاز\ kasii dambeeya iyo Badda Kaspian, ayna magaalo madax u ahaan jirtay Itiilأتيل\, lehna indhaha yar sida shiinaha, siduu Lisaanu Al Carabلسان العرب\ u yiri).

 

 

Al Saqaalibahالسقالبة\ waa dhasha Maar bin Yaafith bin Nuuxمر بن يافث بن نوح\ isagayna ka farcameen dhammaan jinsiga Saqaalibada, waxayna degaan Al Judaaالجدا\ ilaa ay kala xiriiraan Al Maghribالمغرب\, waana jinsiyo kala duwan oo ay dagaallo dhex yaallaan, qaarkoodna ay Nasraaniyada ka diin yeeshaan, qaaraana Kitaab lahayn.” (Muruuju Al Thahabمروج الذهب\ 2/32-34)

 

Ibnu Kathiirإبن كبثر\ wuxuu Al Bidaayah wa Al Nihaayahالبداية والنهاية\ (2/110) ku yiri:

“Yaafithيافث\ ayaa dhalay Turkiga. Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج\ waa qayb turkiga ka mid ah waana dadka la yiraahdo Maghuulالمغول\ (oo hadda la yiraahdo Mongol oo shiinaha la dariska ah, ama kaba tirsan). Turkigana waxaa magacoodaan ah turki loogu bixiyay ayadoo markuu Thuu Al Qarnaynذوالقرنين\ darbiga dhisay, uuna Ya’juuj iyo M’ajuujيأجوج ومأجوج\ uu gadaashiisa ku takooray waxaa ka hartay koox aan fasaadkooda oo kale gaarin, markaasay ka tageen, markaasaa turki lagu magacaabay, oo  تركoo ah waa ka tegay).”

 

Quudh bin Xaamقوط بن حام\ wuxuu guursaday gabadha la yiraahdo Bukhtبخت\ uuna dhalay Bitaawiilبتاويل\, markaasey waxay u dhashay wiil uu u bixiyay Qibdhقبط\, oo ay Masaariduالمصارى\ ka farcamdeen.

 

Wiilka kale ee Xaamحام\, magaciisuna yahay Kancaanكنعان\ wuxuu guursaday Bukht ina Bitaawiilبخت بنت بتاويل\ walaasheed magaceedu yahay Artiilأرتيل\, markaasey waxay u dhashay wiilasha ay dadka madow oo idil ku abtirsadaan, ayna ka mid yihiin Nuubahنوبة\ (oo ah aabaha dadka Suudaan degah oo Nuubiyiinta la yiraahdo) iyo Fazaanفزان\.

 

Burcadnimada turkiga

 

Al Nasaa’iiالنسائي\ wuxuu “Kitaabka Jihaadkaكتاب الجهاد\ “ ku ee Sunankiisa, Al Dhabraaninaالطبراني\ Al Kabiirالكبير\ iyo Al Awsadhالأوسط\, labadooduna ay Cabdu Allaahi bin Mascuudعبد الله بن مسعود\ Allaha raalli ka noqdee ka wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

“اتركوا الترك ما تركوكم، فإن أول من يسلب أمتي ما خولهم الله بنوا قنطوراء.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Turkiga ka fogaada oo wax ha ku darsannina, intay ayaguna iska kiin daynayaa, oo cidda ugu horraysa oo ummaddayda xoog iyo duullaan hubaysan uga qaadanaysa nicmooyinkuu Ilaahay siiyay waa Banuu Qandhuuraa’بنوقنطوراء\.”

Banuu Qandhuuraa’ بنوقنطوراء\ waa turkiga.

 

 

 

 

Kitaabka “Jaamicu Al Usuuli fii Axaadiithi Al Rrasuuli جامع الأصول في أحاديث الرسول” ee ibnu Al Athiirإبن الأثير\ wuxuu wariyay labadaan Xadiith:

6810 –  عبد الله بن عباسرضي الله عنهما – قال : قيل :

 «يا رسول الله ما يمنع الحبشة أن يأتوك إلا مخافة أن تردَّهم ، قال :

 “لا خير في الحبشة ، إن جاعوا سرقوا ، وإن شَبِعُوا زَنَوْا »

 أخرجه الطبراني، البزار، الرازن.

Xadiithka oo ay wariyeen Al Dhabraanii الطبرانيiyo Al Bazzaar البزار iyo Raziin الرازن. Waxaana isaguna wariyay Al Haythamiiالهيثمي\ kuna wariyay “Majmacu Al Zawaa’idi wa    Manbacu Al Fawaa’idiمجمع الزوائد ومنبع الفوائد\ (mujalladka afaraad bogga laba boqol shan iyo soddon) macnihiisu waxaa weeye:

“Cabdu Allaahi bin Cabbaas عبد الله بن عباس, labadoodaba Allaha raalli ka noqdee, wuxuu yiri: “waxaa la yiri:

“Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, uma diidayo amxaarada inay kuu yimaadaan waxaan ahayn cabsi ay ka qabaan inaad diidid oo aad (islaannimada) ka yeeli waydid.”

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“amxaaradu khayr ma laha oo markay gaajoodaan waxbay xadaan oo tuugo ayay noqdaan, markay dhergaanna way zinaystaan.”

 

6811 – (د) أبو سكينة – رجل من المحرَّرين – عن رجل من أصحاب رسولِ الله -صلى الله عليه وسلم- عن رسولِ الله -صلى الله عليه وسلم- قال :

 «دَعُوا الحبَشَةَ ما وَدَعُوكمْ ، واتْركوا الترك ما تركوكم»

 أخرجه أبو داود.

 

Xadiithaan labaad oo ay wariyeen Abuu Daauudأبوداود\ (4302) iyo Al Nasaa’iiالنسائي\ (6/43) macnihiisu waxaa weeye:

 

“Iska daaya oo ka fogaada oo waxba ha ku darsannina amxaarada intay ayaguna iska kiin daynayaan, turkigana iska daaya oo ka fogaada oo waxba ha ku darsannina intay ayaguna iska kiin daynayaan.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciraaqعراق\ iyo Mongolka u dhashay qabiilka turkiga

 

Muslimمسلم\ wuxuu Abuu Hurayrahأبوهريرة\ ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

 

“لاتقوم الساعة حتى يقاتل المسلمون الترك، قوم وجوههم كالمجان المطرقة يلبسون الشعر ويمشون في الشعر.”                                                                                                                  

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Saacaddu istaagi mayso jeer ay muslimiintu la dagaallamaan turkiga, ahna dad wajiyadoodu ay la mid yihiin gaashaan dubbe lagu dubbeeyey, waa burrise (oo leh wajiyo balaaran oo siman, oo aan sanqaroor oo gooman midna lahayn), dharkooda ay labbisan yihiinna uu dhogor ka samaysan yahay, kabahay ku socdaanna ay dhogor ka samaysan yihiin.”

 

Riwaayada kalena uu Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ku tilmaamay waji balaaran oo fidsan, san gaaban oo bagafsan, wajiyo guduudan, indho yaryar. Waana mongolka oo turki u dhashay.

Turkigaasna waa kan dawladda islaamka kusoo duulay oo malaayiin ka dilay, uuna marka hore waday Haluuko Khaan, kanoo uu Jenjis Khan awoowe u yahay. Turkiga iyo Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوج iyo dadka Georgia dega, dalak ay Tiblisi caasimadda u tahay, waxay soo weerareen boqortooyada Banii Al Cabbaasبني العباس\ oo ay xukuna ka fara maroorsadeen, siduu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hore ugu sii sheegay inay turkiga qawmkiisa boqortooyada ka xoogi doonaan.

 

Inta madax oo ay gooyeen oo la tiriyay waxay ahaayeen laba malyan oo madax, intaan la tirinna waa ka badnaayeen, sida la wariyay. Wabiga Baghdaadبغداد\ mara wuxuu la guduutay dhiigga maydka lagu daadiyay. Kutubbadii oo idilna waxay ka dhigeen waxay gubaan iyo waxay wabiga ku shubaan. Magaaladana waxay bililiqeysanayeen afartan maalmood.

 

Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج و مأجوج\  waa ingiriiska, jarmanka, fransiiska, ruushka iyo inta ka farcantayba, sida maraykanka, Kanada, Australiya, New Zealand iyo dalaka yurubba.

 

Ruushku labada dhinacba waa ka tirsan yihiin, oo Yaafith bin Nuuxيافث بن نوح\ ayaa dhalay oo Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج و مأجوج\   ayaa la sheegay inay ka mid yihiin, dhanka kalena waa “Slav” sidaan kor kusoo sheegnay. Runtana Rabbi ayaa og.

 

Turkigu waxay weerareen oo ay Baghdaad qabsadeen sandka Hijriga ah lix boqol shan iyo afartan una dhiganta 1247 Miilaadiga, ayagaana dilay boqorka dawladda Cabbaasiyiinta ugu dambeeyey

 

 

 

 

 

 

 

Turkiga iyo Turkiya

 

Turkigu waa qabiil weyn oo fara badan, kumana koobna inta maanta Turkiya deggan. Dawladaha Azerbijan, Uzbekistan, Kirgysia, Turkmenistan, Kazachistan, Mongoliya, dadka deggan galbeedka shiinaha, qayb weyn oo shacbiga Russia ka mid ah, kuwa deggan Siberiya qaarkood waa wada turki.

 

Yurubna waxaa deggan dad badan oo asalkoodu turki yahay. Kutubbada hore waxay turkiga u qaybin jireen afar qaybood:

(1) Turkiga galbeed oo ilaa shiinaha gudihiisa deggan.

(2) Turkiga qorrax kasoo bax oo ilaa turkiyada maanta deggan.

(3) Turkiga cad ee waqooyi, oo waqooyiga Siberiya degi jiray, kaddibna qaxay oo ay qaarkood dalalka maanta Skandinavia la yiraahdo degeeen oo ilaa maanta deggan, qaarkoodna yurub hoos ugu soo daadegeen sida jarmanka.

(4) Turkiga koofureed oo madow, oo ilaa Afganistaan dega.

 

Dalka maanta Turkiya la yiraahdana waxay ka mid ahaan jirtay boqortooyada roomaanka ayagaana degganaa, oo dadka turkiga maanta la yiraahdo waagaas waxay degganaayeen qaaradda Aasiya, halkaanna wali sooma gaarin.

 

Boqortooyada roomaankana waxaa arligaas ka saaray msulimiinta oo duullaanno ku bilowday zamanka Cumar Al Faaruuqعمر الفاروق\ Allaha u naxariistee. Waxaaba halkaas ku duugan magaalada Istanbuul saxaabiga weyn ee Abuu Ayyuub Al Ansaariiأبوأيوب الأنصاري\ saaxiibka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo duulaankaas ku dhintay sanadka laba iyo konton hijriga, waxaana ku tukaday Yaziid bin Mucaawiyah bin Abii Sufyaanيزيد بن معاوية بن أبي سفيان\ oo ciidanka watay markuu ku duulay magaalada maanta Istanbuul la yiraahdo oo caasimadda roomaanka ahayd. Roomaanku way booqan jireen qabrigiisa, markay abaari haleeshana qabrigiisay ku roob doonan jireen siduu Ibnu Sacadإبن ٍسعد\ ugu wariyay Al Dhabaqaatu Al Kubraaالطبقات الكبرى\.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Boohinta gabar muslin ah ayaa u sabab ahayd burburinta boqortooyada Roomaanka

 

Magaalada ugu weyn oo ugu xoog badan roomaanka waxaa la oran jiray Camuuriyahعمورية\ oo halkaas ku tiillay.

 

Markuu sanadku ahaa laba boqol saddex iyo labaatan hijriga ayay roomaanku waxay soo weerareen magaalo ay muslimiintu deggan yihiin oo xuduudda ku taalla lana yiraahdo Rabadharah ربطرة oo dad fara badan laayeen, haween bandanna qafaasheen oo la wariyay inay ahaayeen haween kun ka badan.

Markay roomaanku haweenka qafaalayeen ayuu nin roomaanka ka mid ahi gabar shariifad calawiyadعلوية\ ah dhudhunkeeda maradu ka fayday markaasey qaylisay waxayna tiri:

 

“وا معتصماه!”

 

oo waa baroor ay ku habar wacanayso boqorka muslimiinta oo ahaa Al Muctasim bi Allaahiالمعتصم بالله\ oo markaas Baghdaadبغداد\ ku sugan una jirta boqollaalo kiilomitir.

Markaasuu nin muslimiinta ka mid ah oo markay sidaas lahayd goob jog ahaa ayaa Al Muctasim المعتصم u tegey una sheegay qaylo dhaanka gabadhaas. Markaasuu wuxuu ku yiri:

“Ma adiga dhegahaaga taas ku maqlay?”

Wuxuu yiri:

“Haa, waan u jeeday oo maqlay.”

Markaasuu Al Muctasimالمعتصم, oo khulafada Cabbaasiyiintaالعباسيين\ ka mid ahaa, wuxuu warqad u dhigay boqorka roomaanka uuna ku yiri:

 

“من امير المؤمنين إلى كلب الروم اخرج المرأه من السجن والا اتيتك بجيش بدايته عندك ونهايته عندي.”                        

 

Oo macnihiisu yahay:

 

“Waxay ka socotaa Amiiru Al Mu’miniina امير المؤمنين, una socota eyga roomaanka ah. Haweenta kasoo saar xabsiga, haddii kale waxaan kuu imaanayaa anigoo wata ciidan bilowgiisuna agtaada ku sugan yahay, dhammaadkiisuna aniga agteyda.”

 

Sidaasuu ciidan aad u weyn watay oo uu Camuuriyaعمورية\ furtay, ghaniimaystay, inteeda kalena ay dab qabadsiiyeen oo burburiyeen. Intuu Camuuriyahعمورية usii socdayna wuxuu ayadan furtay Ankara, caasimadda maanta ee turkiga.

Riwaayad kalena waxay warisay inay warqadda ku dhignayd “midka ay dhashay eeyadda dhillada gaalka ahow, ma gabar muslimad ah ayaad ka boohisay….”

 

Furashadaas waxaa fadligeeda lahaa gabadhaas shariifadda ah oo Calii bin Abii Dhaalibعلي بن أبي طالب\ ku abtirsata Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.

Waagaas kaddib ayay dadka turkiga la yiraahdoo dalkaas soo degeen oo ay islaameen ayna Istanbuul wada furteen oo ay Turkiya dawladda islaamka ka mid noqotay.

 

Camuuriyahعمورية\ waxaa la furtay bisha Ramadaanرمضان\ ee sanadka laba boqol saddex iyo labataan Hijriga, una dhiganta sideed boqol sideed iyo soddon Miilaadiga.

 

Laba madaxweyne

 

Al Muctasim bi Allaahiالمعتصم بالله\ wuxuu ahaa madaxweynaha dawlad, markaasuu gabar muslimad ah oo dal kale oo ay leedahay dawlad xoog wayn oo gala ah oo roomaanka ah lagu dulmiyay ayuu ka danqaday oo uu u hiilliyay oo uu dawladdaas ku duulay isagoo wata ciidan boqollaalo kun oo muslimiin ka kooban, uuna gabadhaas sharafteeda iyo karaamadeeda usoo celiyay.

 

Daahiro Macallin Xasan waxaa lagu dulmiyay oo sharafteeda iyo karaamadeeda uu nin shisheeye ahi  meel uga dhacay ayadoo joogta caasimadda dalkeeda, guriga iyo xafiiska madaxweyneheeduna u jiro dhowr boqol oo mitir, mana maqal wuxuu ka qabtay.

Daahiro madaxweyne u danqada oo u hiilliya ma laha miyaa?

 

Laba gabdhood, iyo laba dhacdo iyo laba madaxweyne.

 

Daws that Thaclabaan/دوس ذا ثعلبان

 

Markuu boqorkii yamaneed ee yuhuudiga ahaa ee Thuu Nawaas muslimiinta Nabi Ciise Calayhissalaamu raacsanaa laayay, masjidyadoodana gubay, ayaa waxaa gumaadkaas kasoo fakaday nin dalkaas u dhashay oo la oran jiray Daws Thuu Thaclabaan دوس ذا ثعلبان, oo inta boqorka Rooma, kan Masarمصر\ iyo kan amxaarada u tegey Yaman kusoo laabtay isagoo ciidan amxaaro ah wata, oo raggii yamaneedna laayay, dalkoodana kharaabiyay, haweenkooda iyo caruutoodana suuqyada Afrika addoon ahaan ugu gatay.

 

Markaasey Yamaniيمن\ maahmaah ka dhigatay wuxuu dhibaato Daws Thaa Thaclabaanدوس ذا ثعلبان usoo hoggaamiyay, oo xabashada ah, oo Yamanيمن\ waxay ku fashay ku fashay. Maahmaahdaasna wa sidatan:

 

“لا كدوس ولا كأعلاق رحله!”

 

“Laa ka Dawsin wa laa ka aclaaqi raxlihi”,

oo ah

 

“Maya oo ma dooneynno wuxuu Dawsدوس\ falay oo kale iyo wuxuu watay,” oo amxaaraduu keenay ah.

 

Gabayo badan oo dheerdheer ayay reer Yamanيمن\ ka tiriyeen hoogga iyo ba’da ay amxaaradu dadkooda iyo dalkooda ku faleen, siday dalkii iyo daarihii u burburiyeen iyo waxay kuwa madow haweenkooda ku faleen. Gabayaagaas waxaa kuwa ugu af dheer ka mid ahaa Thuu Jadan Al Ximyariyyiذوجدن الحميري\.

 

 

 

Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan

 

Waxaa Dawsدوس\ la mid kuwa amxaarada uraysa sanadka laba kun iyo lix Soomaaliya keenay oo intay awoowayaalkood Yamanاليمن\ ku faleen ay soomaalida ku faleen, ayagoo ay dawladaha krishtaanka ah ee reer galbeed soo ijaarteen ayagoo calooshood u shaqaystayaal ah, ayna ugu horreeyaan maraykanka, ingiriiska, jarmanka, fransiska, Beljiique, talyaaniga, Australiya, Kanada, kaddibna Kenya, Uganda, Tanzaniya, Ruwanda, Burundi, Sierra Leone, iyo kuwo kaleba soomaalida ku faleen waxay ku faleen, oo ka dhigay waxay laayeen, waxay qaxooti ka dhigeen, guryohoodii, isbitaalladi, dugsiyadii, warshadihii, wadooyinkii, iyo inta lagu dhaqmoo idil wada burburiyay.

 

Soo la mid ma aha tuu Sayyid Maxammad Cabdille Xasan gabayga “Gudban” ku yiri:

 

Eebow geyiga oo dhan waa, nala ka guulaayee

Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaayee

Eebow Giriig kolay tahay, nala gamuuneeye

 

Go’na lagama qaadine dulmey, nagu gelaayaane

Gabbaad kale hadday noo helaan, waa gam’i lahaaye

Eebow waxay nagu gabreen, diinta soo gala e

 

Eebow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye

Eebow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibayey

Eebow garow kagama helin, gogoshaan wadaye.

 

Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan kuwa amxaarada iyo gaalada Soomilida Muslinka ah ssoo gelisay, oo Soomaalida waxay ku faleen ku falay, wuxuu ka yiri waxaa ka mid ahaa, gabayga “Afbakayle” la yiraahdo. Afbakayle waa meel degmada Laas Caanood afartan Mayl dhinaca Galbeed ka xigta, waana goobtii ugu horreysey oo ay Darawiishta iyo Ingiriis dagaal hubaysan isaga hor yimaadeen saddexdii bisha Maajo ee kun iyo sagaal boqol iyo kow.

 

Xuseenow caqligu kaama baxo

(Afbakayle)

 

Xussenow caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye

Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye

Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

 

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu khayre

Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaaye

Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

 

Hawl kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Alla igama qaadow adaan, kala ilaaweynee

Eedaanka maqal waa Salaad, loo addimayaaye

 

Ilaahii abuurayba kuwii diiday, amarkiisa

Ambiyaalihii iyo kuwii, owliyada caayay

Asxaabtii dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

 

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, ugu adeegaayey

Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey

Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aaneystay

 

Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey

Oo Aw Cabbaas diley, dadkaan eedi kala gaarin

Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

 

Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey

Oo Mililikh aabe u yehee, u arrin qaadaayo

Oo Xabashi eedi u noqdee, u ololaynaayey

 

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey

Afbakayle nimankii kufriga, uraya noo keenay

Ee Oodagooyoiyo na dhigay, aydii Daratoole

 

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey

Ragga ehelukhayrkaa warmaha, kala ajoon waayey

Oo umal daraadiis girliga, ugu afuufaayey

 

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imanaayey

Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haystay

Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

 

Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig wixii joogay

Ee Eeraago iyo Batalo, igu uquumeeyey

Ee omoska Beerdhiga tukaha, igu ormaysiiyay

 

Nimankii ayaantii Gumburo, oboda ii dhiibay

Ardaashii Jidbaale i heshee, igu unuun goysey

Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

 

Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba

Anigoo islaamaba, ii arxami waayay

Nimankaan Ilaahow lahaa, eyda iga doono

 

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey

Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey

Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka

 

Nimankii iblays nagu diree, naga ajoon waayay

Nimankii arlada Eebahay, naga ugaareeyey

Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

 

Nimankii abaartii Caleed, Bari na aadsiiyey

Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayey

Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

 

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iiga keenay

Nimankaan ku alaaladay markii, uunku wada jiifay

Nimankii ajuurada cunee, iibka ii bixiyay

 

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin

Waxba yey addoomada Ilaah, nooga aargudine

Waxba yaan aduun layga siin, ilintidaydiiye

 

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine

Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane

Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne.

 

Wuxuu kaloo gabayga “Dardaaran la yiraahdo ku yiri, kaddib markii uu Ingiriis kun sagaal boqol sagaal iyo toban markii ugu horreysey taarikhda Afrika uu dayuurado dagaal kusoo kiciyay Xarunta Darwaawiishta ee Taleex tiillay oo uu duqeeyey, dhulkana kasoo weeraray, Sayyid Mammad Cabdille Xasanna uu Koofur u guuray, ayuu gabaygaan tiriyay, wuxuuna yiri:

 

Dardaaran

 

Min daroofle aqal daahya weyn, dadab la heedaamay

Dermo iyo firaash lagu gam’iyo, daalam iyo googgo’

Aniga oo waxaan doonayaba, derajaday haysta

 

Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero

Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshey

Dumbuq subuca degalkaan ka kacay, dahab wixii yiillay

 

Dhakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duugmay

Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay

Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela

 

Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dhukhuulaayey

Dabatoobka Iidoor wuxuu, darayey caarkiisa

 

Lo’ durdura wixii deebla geel, nala ka sii daayey

Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyey

Dirrowgii qabsaday reerkayga, dalankicii gaaray

 

Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska

Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku

 

Doonyaha shammalka ah haddii, dakhalka loo laalo

Maruun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane

Oo doofaarradii ku jiray, daraxu caynshaaye

 

Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqqay

Annagu diidi maynoo mar baa, Daayin noo wacaye

 

Ninkiise tiisa loo deynayaa, haygu diirsado e

Kolna haddaan cid laga deynahayn, mowdka dabaqdiisa

Ninkii haatan nagu diganayow, dan iyo xeeshaa

 

Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa

Inkastoo daleel nala dhigaan, docna nagu cayman

Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna

 

Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey

Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye

Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

 

Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaayee

Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e

Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye

 

Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye

Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede

Anaan labada daarood tan hore, derejo moodayne

 

Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine

Goortay dareereen anaan, diiradduu qabane

Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine

 

Anaan doora weynow kufriga, daacadnuu geline

Ferenjiga dirayska leh anaan, diiradduu qabane

Sida doxorka Iidoora anaan, duudxammaal noqone

 

Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline

Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirane

Anigaan dariiqada Alliyo, Diinta caasiyine

 

Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye

Waa wixii durbaan tumay markaan, dowga sii maraye

Waa wixii dayoy yiri intuu, soo dabbaaldegayee

 

Dadow maqal dabuubtaan ku iri, ama dan haw yeelan

Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa

Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado

 

Daw lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane

Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane

Dirhankuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane

 

Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye

Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine

Marka xiga dalkuu idinku oran, duunya dhaafsada e

 

Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye

Mar haddaan dushii Adari iyo, Iimey dacal dhaafay

Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye.

 

Qorallada ay reer galbeedku dhigeen waxay ku sheegeen inuu ingiriisku waagaas shacbiga soomaalida ka dilay dalool, oo ah marka saddex loo qaybiyay qayb.

Gabaygaan soo socdana, oo la yiraahdo Maqashiiya Uunka, wuxuu u dhiibay labada nin oo la kala oran jiray Cabdalla Shixiri iyo Xirsi Afdiir, oo aqoon dheer u lahaa afafka qalaad ee reer galbeedka, ummadaha shisheeyaha dhex markooda iyo Diinta Islaamkaba, wuxuuna yiri:

 

Maqashiiya uunka

 

Cabdalla maan qaboobiyo, Xirsi maakib laawow

Mid yar waxaad tiraahdaan, murtadiinta reer Hagar

Habaryoonis madasheeda, mariya weedha aan iri

Toljeclaha muraadkaygiyo, masaafadayda ula taga

Maqashiiya uunkaba, miyir inuu ku soo galo

Mid mid waxow tiraahdaan, nimanka mooradii furay

Mawaacidada Diinkii, ma wax leysku maagaa?!

Jahaadka moosinkii galay, ma wax laga maqnaadaa?!

Mushaarada beenihii, ma wax lagu mannaagaa?!

Loxodkii madoobaa, ma lays moogadeeyaa?!

Muufada cadaabeed, maw adkaysanaysaan?!

Gaal nin u midiidimay, maqaan naara inuu tegi

Kutubtaa u maragee, ma wax lagu murmaa baa?!

Mushrik inaad jeclaataan, amaad mudan ku sheegtaan

Haddaydnaan mujrim ahayn, masala maad u haysaan?!

Masala-gaabyadiinnaa, meel daran idiin dhigay

Muftiga waanadiisii, idinkaa ka maagtoo

Macbuudkii Rabbi ahaa, idinkaaba moogoo

Maxsharkiyo qiyaamaha, idinkaa munkirayoo

Muqfiradii Ilaahay, idinkaa ka maarmoo

Macaankii Firdowsana, idinkaa muraystoo

Muuminnimada laabtaa, idinkaa mantagayoo

Minadiinna gaalowday, idinkaa muquunshoo

Kufriga i mahoobbiyey, idinkow miciinoo

Makaankii shareecada, idinkaa matamiyoo

Muslinkiyo qusuusidda, idinkaa makalaayoo

Maalkii agoomeed, idinkaa malhabayoo

Masxafkiyo Quraankii, idinkaa maljadayoo

Waxse mowtigiin galay, ama meleg idiin yimi

Markaad Maxammadkiinnii, malcuun uri ka raacdeen!

Mariyoo macneeyaye, mid kaleeto wuxuu yahay

Waxaan maqallay ferenjigu, inuu miiri idin qoray!

Waxaan maqallay maalkii, inuu idinka meersaday!

Waxaan maqallay ooryaha, mid san inaad ka weydeen!

Waxaan maqallay madaxdiinna, in midiidin laga dhigay!

Aan miis yar mooyee, Maydho geel la siinayn!

Waxaan maqallay maahyahow, magaciin inuu ba’ay

Intaasoo masiibaa, waxa igala maad badan

Maska iyo abeesada, magta aad ka bixiseen!

Aanad midigta fidinayn, aar hadduu ku miciyayn!

 

Gabayada sayyidkana waxaan kasoo qaatay Diiwaanka Sayiidka oo ay hore u daabacda Wasarrada Hidaha iyo Tacliinta Saree e Soomaalia.

 

Dawrka Turkiga zamankaan ee burburinta dawladaha carabta ah

 

Dawladaha NATO weerarka carabta waxay ka bilawday dalka Soomaaliya sanadka kun sagaal boqol laba iyo sagaashanka (1992) ee qarniga lasoo dhaafay, kadiibna waxay ku xijisay Ciraaq العراق\, iyo Suudaanالسودان\, Tuunisتونس\, Libiyaليبيا\, Masarمصر\, Suuriyaسورية\, Yamanاليمن\, walina waa socdaa.

 

Dawladda Masarمصر\ ayaa waxay carabta u ahayd hormuudka taariikhiga ah ee xagga ilbxanimada, cilmiga, xoogga siyaasadeed iyo kan militariba.

 

Marka Masarمصر\ jilibka dhulka loo dhigay qiyaas saddex sano ka hor, ayay NATO waxay u diyaarisay walaalohooda turkiga ah inay dawladda turkigu beddesho oo la wareegto dawrkay Masar مصر\gobolka bariga dhexe ku lahayd, si carabna loo kala furfuro, diintana looga xumeeyo ayadoo ay dawladda turkiga dastuurkeedu dhigayo inay dawlad cilmaani ah oo aan diin ku dhaqmin tahay, diintana ka reeban, dawladaha galbeedna loo hoos geeyo oo ay mustacmarad ugu noqdaan.

 

Safka ugu horreeya ee burburinta Suuriyahسورية\, Libiyaليبيا\ iyo Yamanاليمن\ waxaa uga jira dawladda turkiga.

 

Turkigu hore ayuu Soomaaliya u gumaysan jiray, Ilaahayالله\ ayaana ka dul qaaday, haddana waxay doonayaan inay kusoo laabtaan.

 

Soomaalida ayay jirtaa siday arrinkaas ka yeeli lahaayeen.

 

الحمد لله رب العالمين وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون.

 

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Sabti shanta Rabiicu Al Awwalربيع الأول\ kun afar boqol lix iyo soddon Hijriga, una dhiganta toddoba iyo labaatan Disembar laba kun afar iyo toban Miilaadiga.

 

 

SHARE