TAKOOR IYO TACADDI Q1AAD: “SIYAABAHA KALA DUWAN EE TAKOORKA SOOMAALIDA”

TAKOOR IYO TACADDI Q1AAD

"SIYAABAHA KALA DUWAN EE TAKOORKA SOOMAALIDA"

Hassan Mudane[1] iyo Cabdiraxiin H. Galayr[2]

Arrar

Qoraalkani waa mid soo koobaya takoorka Afrika, si gaar ahaaneed waxa uu muuqaal guud ka bixinayaa Jaadadka iyo hababka takooreedyada kala duwan ee ka jira Soomaaliya. Indha-indheen lagu sameeyey dhaqanka Soomaalida, laguna soo ogaaday jiritaanka afar nooc takoor oo kala ah:

  • Sinji Takoor
  • Jinsi Takoor
  • Muuq Takoor
  • Dhaqan Takoor

Sahan-ogaaleedkani waa mid ku dhisan hab-aqooneed iyo tixraac badan oo raadraac leh, kuna dhisan indha-indheen iyo xog-ogaalnimo ku’aadan hab-dhaqan bulsheedka takoorka  la falgala.

Inkasta oo Soomaalidu sameysay wax ka baxsan xayndaabka Xeer dhaqankii hore, haddana qoraalkani waxa uu tilmaamay in siyaabaha kala duwan ee takoorka ee ku dhex jira dhaqanka Soomaalida cusub, aan loo garan karin in ay yihiin kuwa dhammaantood laga soo xigtay isla xeer dhaqanka. Guud ahaan markaad eegto xeer dhaqanka Soomaalida waa mid dhowra nafta iyo hantida qofka, iyada oo aan loo fiirin qabiil iyo fir toona.

Hordhac

“Waxa aynu sameyno marka aynu joogno dalka gudahiisa ayaynu ka cabanaa marka aynu joogno dalalka shisheeye.”

Hassan Mudane

Soomaalinimada, Laandheernimada, Gobonnimada maxaa go’aamiya? Ma dhalasho, Af, Dhaqan, Sinji? Nooc-takooreedyada kala duwan ee ku dhex jira dhaqanka Soomaalida ma mid asal ku ah dhaqan Soomaaliga mise waa dhaqan dibadda kaga yimid? Maqaalkan waxa aynu ku soo gudbinaynaa dhacdooyin hore, kuwa hadda taagan, waana mid ku dulwareegan doona sababaha dhalliyey takoorka bulshada Soomaaliyeed.

Dhaqanka ku dhisan takoorka (Faquuqa) waa mid ka mid ah dhaqamada xun xun ee soo jireenka ah, kaas oo ka dhex muuqda dhaqanka bulshada Afrika. Soomaaliyana waxa ay ka mid tahay waddamada ku abtirsada Afrika. Waxa ay wax badan oo ka mid ah dhaqamadaas xun xun la wadaagtaa bulshada Afrika iyo Carabta oo ay xiriir la leedahay.

Takoorku waa hab-dhaqan  bulsha weynta adduunka oo dhammi saameeyey, si dadban iyo si toos ah, balse 70% dunida inteeda kale maanta waa ay ka gudbeen, inkasta oo ay jiraan dad habab dahsoon u adeegsada haddana ma jirto cid bannaanka la taagan takoor qaawan, marka laga reebo waddamada Carabta iyo Afrika.

Erayga takoor waa mid ujeeddo ahaan tilmaamaya qof, koox, beel, bulsho gooni loo faquuqey. Haddii aynu si kale u dhahno, takoorku waa kala sarreyn tixgelin, taas oo qofna lagu xumeeyey qofna lagu wanaajiyey arrin isku mid ah. Meelaha ugu badan eeTakoorku dhaco waxaa ka mida: Sinjiga, jinsiyada iyo dhaqanka, shaqada, diinta, midabka, dhaqaalaha, caafimaadka iwm.

Takoorka kaliya ma saameeyo dadka, xitaa waxa uu saameeyaa xoolaha waa haddii cudur aan daawo lahayn ku dhaco’e, waana la Fanteeya. Inta badan dadka la hayb-sooco, si loo takooro waxaa laga dhex saarey dadkii ay deegaan wadaagta ama danwadaag la ahaayeen. Ugu dambeyntii, qeybta xigta waxa aynu kaga hadli doonaa takoorka ka jira qaar ka mida dalalka Afrika. 

Takoorka Afrika

Marka ay timaado ka sheekeynta takoorka Afrika waxa ay dib ugu laabanaysaa xilligii addoonsiga. Xilliyadii hore, nooca ganacsi ee u dhaxeeyey Afrika iyo Yurub waxa uu ku jaan go’naa dhoofinta muruqmaalka Afrika. (Arag, Walter 1972, bogga 95). Waayo Yurub xilligaasi waxa ay u baahneed dad oga shaqeyn kara beeraha, warshaddha iwm. Horumarintii Tiknoolijiyada beeraha ee Gumeystaha Yurub iyo Waqooyi Ameerika waxa ay badbaado nololeed u noqotay dhallinyarada Afrika. Waayo haddii aysan jiri laheyn horumarka ay galbeedku ka gaareen dhanka beeraha, waxa ay sii joogteen laheyd afduubka iyo dhiig-miirashada ay ku haayeen dhallinyarada Afrika. Si kastaba, maxaa ka dhaxeeya adoonsiga iyo takoorka?

Adoonsiga iyo Takoorka waa ay isku xiran yihiin, oo waxa ay isku yihiin dhuux iyo laf. Mar haddaad lumiso xornimada, raadkaaguna uu galay addoonsi ama aad ka soo jeedo qoys adoonsi ku yimid, muran kama taagna  jiro in bulshadu ay kugu xukumayso raadkaagii hore, iyada oo sumad kaaga dhigaysa, kuguna takoorta adoonsiga awgiis. Aan ku siiyo tusaale daliil u noqon karta arrinkaas. Ka hor inta aan billaabin Sahan-ogaalkeedkan, ayaan isku dayey in aan sameeyo kuurgal badan aan ku doonay in aan ku ogaado xiriirka ka dhaxeyn kara addoonsiga iyo takoorka ka jira Afrika. Su’aal aheyd in ay jiraan dad ama qabiilo la takooray, sababna looga dhigay in gundhigoodii (Asalkoodii hore) ay ka soo jeedeen qoysas addoonsiga lala xiriiriya? Su’aashan ayaan weydiiyey arday aynu isku qol aheyn, oo u dhashay dalka Murutaaniya (Waa dal dhaca waqooyiga Afrika). Waxaa uu igu yiri ‘Haa way jiraan, oo xitaa kama guursano.’ Isla su’aashaas oo kale, ayaan weydiiyey arday aynu isku fasal aheyn, oo u dhashay dalka Gaana (Waa dal dhaca galbeedka Afrika ). Asagana waxa uu yiri ‘Way jiraan, lamana guursado.’ Labadoodaba waxa ay isku raaceen in ay jiraan qabiilo lagu takooray, sababna looga dhigay in markoodii hore ay ahaayeen dad addoonsi ku yimid.

Haddaba, dalalka dhaca qaaradda Afrika, kuwaas oo weli ka jira dhaqanka takoorka waxaa ka mida: Murutaaniya, Gaana, Siraliyoon, Maali, Sinigaal, Gaambiya, Gini, Efiri-koosto, Nayjer, Burkiino Faaso, Kaamiruun, Leebeeriya, Al-jeeriya, Nayjeeriya, Itoobiya iyo Soomaaliya. (IDSN, 2002).[i] Mar aan indha-indheen ku sameynay dhaqanka bulshada Afrika, waxa aan ku dhex aragnay in ay ka mideysan yihiin dhaqan-takoorka. Dal walba oo dhaca Afrika, ugu yaraan waxa uu leeyahay bulsho lagu takooray farsamo-dhaqameedkooda sida birtumida, sameynta kabaha iwm. Sidoo kale, nooc-takoorkani waa mid ay la wadaagaan dalalka Carabta.

Inkasta oo takoorka ku dhisan midab-sooca uusan ku badneen bulshada Afrika, haddana marka ay timaado midab-sooc, tusaalaha ugu fiican ee loo soo qaadan karo waa kii ka jiray dalka Koonfur Afrika. Kaasina waxa uu ahaa mid u dhaxeeyey dadka madow ee dalka loogu yimid, waxaana takooray dad cad ee dhoofka ku yimid. Balse, arrinka la yaabka leh waxa ay tahay, wixii uu gumeystaha Afrika ku heyn jiray xilligii gumeysiga, ayay iyaduna isku haysaa. Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, takoorka Afrika miyuu jiray gumeysiga ka hor mise waxa uu ka mid yahay mid ka mida dhaqamadii uu gumeystaha reebay? Waa arrin u baahan in la dul istaago si weyna loo lafa guro, si loo ogaado xaqiiqda daahsoon.

Sikastaba, rogrogid iyo lafagurid ku saabsan dhaqanka ku dhisan takoorka oo ay inta badan wadaagaan bulshada Afrika, waa mid dalbanaya daraasad qaadan karta waqti dheer, waana arrin u baahan in wax badan la  baaro, raadraac ballaarana lagu sameeyo.

Galbeedka Afrika

Galbeedka Afrika waa mid ka mida goballada ugu badan oo ay weli ka muuqdaan raadadkii takoorka. Qaar ka mida dalalka dhaca galbeedka Afrika weli waxaa ku dambeeya noocan sinji-takoorka ah. Bulshada halkaasi ku nool, waxaa sameyn xooggan ku yeeshay ka ganacsigii addoonsiga oo ay la lahaayeen dowladdaha Yurub.

Xiriirkaas ganacsi ee foosha xumaa, waxa uu ku reebay raad-xun. Raadadkaas xun waxaa ka mida sinji-takoorka, oo inta badan ka dhex muuqda dhaqanka bulshada. Haddaad eegto bulshada dalka Gaana, Siraliyoon, Nayjeeriya, Nayjer iwm. Waxaad arkaysaa qabiil dhan oo loo takooray haybtooda, iyada oo sabab oga dhigay in ay yihiin dad faracoodii hore galay dadkii la addoonsan jiray. Sidoo kale, waxaad arkaysaa isla qabiilkaas oo kale, oo lagu takooray farsamo-dhaqameedkooda sida birtumis.

La soco qaybaha kale.

Erayada suntan(Keywords): Takoor, Soomaaliya, Afrika, Gun, Gobannimo, Laandheer, Laangaab.

Emails: Mudanep5@gmail.com iyo Galayr77@gmail.com

[1] Arday heerka labaad ee Jamaacadda ka akhrista Istanbul Ticaret University. Qoraa, Lafagura arrimaha Afrika, kana faallooda Siyaasadda Dunida.

[2] Qoraa, Hal-abuur, lafagura Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.

[i] Discrimination based on descent in Africa 2002. The Internaitonal Dalit Solidarity Network. London, United Kingdom.



         

Top