“Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q24AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q24AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Haddaan sii amba qaadno qormadii taxanaha noo aheyd ee “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” tii hore waxaan kusoo qaadannay Abwaan Carabow Maxammad Axmed iyo murtidiisa maan tooxiyaha ah, gaar ahaan Shiribyadiisa dadku ay ku hal qabsaan, ee miidda wada ah. maadaama aan qoraal iyo qoraallo kooban lagu dhameyn karin oo ay tahay in buugaag lagu qoro, shiribyadiisa uu tirinayay, waqti ku dhaw toddobaatan sano. waxaanse ku billaabayaa Guuroow aad u dheer oo uu Abwaan Caraboow Maxammad uga qeyb galay xaflad lagu daahfurayay laba ceel oo la qoday, iyo ISBITAAL aad u weyn oo laga dhisay deegaanka Ceelbacad oo ah Tuula hoos tagta Dedmada Ruunnirgood ee Gobalka Shabeellaha Dhexe. inkastoo 2012-dii Xilligii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ahaa hoggaamiyaha waddanka ugu sarreya uu DEGMO u magacaabay Ceelbacad. mase hirgalin oo waxaa ka horyimid Garabkii kale ee uu hoggaaminayay reysul-wasaarihii waqtigaas ee DFKMG Cabdiweli Maxammad Cali Gaas. khilaafkii madaxa hareeyay xilligaas iyo kala jeedashadii ololihii Doorashada ayaana saamixi waayay in degmo rasmi ah loo aqoonsado waxaase xaqiiq biya kama dhibcaana ah, inay ka horreyso magaalooyin badan oo maanta degmo lagu sheego. 

Abawaan Caraboow Maxammad Axmed wuxuu ku dhashay is la tuulada Ceelbacad kuna soo barbaaray, sidaa ayuuna xaflada deegaanka wax loogu qabanayay ama lagu daah furayay labada ceel iyo isbitaalka uu hoggaamiye firfircoon ka ahaa iyo nabaddoon dadka iyo maamulka shaqada haaya u dhaxeeya, sidaa aawgeed qeybtaan dhamaanteed waxaan kusoo qaadan doonaa xafladdaas iyo wixii uu abwaanku ka yiri:   waxayna dhacday 2014-tii xilligaas oo Isbitaalka la howl geliyay. haddaan ku bilaabo Guurowgiisa iyo shiribka xafladdaas lagu daah furay wuxuu ku guuroobay sida tan:

SHEEKOOYIN