“Kii warqad dhiibay aragnaye, kii dad dhiibay?. W/Q: Proff Yaxya Sheekh Caamir

“Kii warqad dhiibay aragnaye, kii dad dhiibay?. W/Q: Proff Yaxya Sheekh Caamir

 

A-Dowladii Somalida ee shibilka aheed ayaa 1967 dacwad ku soo oogtay Wasiirkeedii Arrimaha Dibadda- qayaana qaran,kuna xakuntay 24 sanno. Muxuu sameeyay?.

Wasiirkii arrimaha dibadda Md. Axmed Yuusuf Ducaale( fiiri sawirka) koobaad (1) ayaa booliska Somalidu ka qabteen Iridda Safaaradii Farnsiiska ee Mogadishu 14 Agoosto 1967 asaga oo halkaa kula balansanaa Safiirkii Itobiya u joogay Somaliya si uu ugu gudbiyo waraaqado ay ku qornaayeen sirta qaranka somaliyeed.

Wariir Axmed ,waxa uu xilka hayay 1964-1967, waxa uuna kala wareegay Md. Cabdullahi ciise oo xilkaa hore u hayay 1960-1964.

Markii la xiray wasiir Axmed iyo Md.Ali iid Omar oo ka tirsanaa wasaaradii warfaafinta ,wixii ka dambeeyay illa waqtigii kacaanka xilka arrimaha dibada cid kale laguma aaminin waxaa hayay Raisul wasaare: Md.Mohamed Ibrahim Cigaal 1967-1969.

Axmed yusud Duale waxaa la horgeeyay Maxkamad ,markii uu ku cadaaday dambigii, waxaa maxkamadu ku xakuntay 24 sanno oo xarig ah, bacdamaa ay aheed khiyaano qaran Xukuumadihii cabdirashiid iyo cigaal waa diideen in ay cafis u fidiyaan ,sidoo kalena kacaankii ma cafin.

Haddii berigaa wasiir lagu xiray warqado uu u dhiibi rabay safiirka itobiya , muxuu moqonayaa sharcigu haddii qof la dhiibo. ( qaybta “A” waxaan ugu talagaly da’ yarta berigaa kadib dhalatay iyo Diasporada kuwooda aan taariikhda akhrin).

B-Heshiiska dowlada somalidu la gashay Dowlada Itobiya 7 june 2015 qodobka 7aad /3aad.waxaa ku qoran:

(( Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay ula dagaalamaan si wadajir ah cadowgooda Al-Shabaab, UBBO iyo u Adeegayaasha Wadamada Shisheeye ee cadowga ku ah degenaanshaha iyo nabadgelyada labada dhinac)).

Qodobkan Kama muuqato in ONLF loo aqoonsaday Cadaw, waxaa ka muuqda UBBO,sidoo kale heshiiska kama muuqato cid ha loo gacan galiyo Itobiya. Si heshiiskaasi u noqdo sharci la dabaqi karo.

1.waa in marka hore dowladu cadeeyso in ONLF ay tahay urur argagixiso sida itobiyaba u cadeeysatay.

2. waa in heshiiska la raaciyaa fasiraad ah ,UBBO waxaan ula jeednaa ONLF.

3.in la cadeeyo in uu dalka dambi ka galay,kadibna dalka lagu maxkamadeeyo.

4. si uu u ansaxo heshiiska ay labada dowladeed kala saxiixdeen waa in Baarlamaanku ansixiyo ,ka horna ma dhaqan gali karo.

Qof la dhiibay iyo warqad dhiibi rabay?????!!!!!.

C. Markaan yaraa waxaan baadiyaha ku maqli jiray,maahmaah aheed “ Qof la haayo, qof uu hayo waa hilib haad u loogan”. Madaxda qaran iyo kuwa gobalada yaan la eedeeyn ilyeen ma laha awood ay go’aan ku qaataan. Hadda ka hor Md. Cali Geedi oo ra’iisul wasaare ah ayaa itobiya aaday, waxa uu soo noqday isaga oo leh ra’iisul wasaare ma ihi. Md. Cabdullahi yusuf oo madaxweeyne ah ayaa dibadda noo aaday waxa uu soo noqday asaga oo leh madaxweeyne idiinma ihi ee cid kale doorta, Md. Farmaajo oo ra’iisul wasaare ah ayaa ugandha aaday, dibba nooguma soo noqon.

Marka dadka aan madax u heeysano waa Nal meel kale laga shido lagana damiyo, waxa ay sugayaan :sidaa wax u qabo iyo sidaa wax u dheh. .. markeey tooda u madax banaanaadaan Alla hana gaarsiiyo,waa niman la haayo,anaguna waxaan nahay kuwii ay haayeen. Qalbi dhagaxna waa hilib Haad u loogan.

FG: Fadlan ha u qaadan qoraalkan Mucaarad ama Muxaafad, wixii khalad ah waad ka sixi kartaa,wixii dhaliil ahna waad muujin kartaa, adigoo miyir qaba.

W/Q: yahya Sheekh Caamir

 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Md. Axmed Yuusuf Ducaale (qiyaano qaran).

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) 

SHEEKOOYIN