Dhibbanaha Allow caawi W/Q: Hanni Maxamuud Cabdi

Dhibbanaha Allow caawi

 

Islaamku wuxuu lahaa quwad aad u sarreeysa, oo uu ku manneeystay ‘ALLAAH’ waana hibo u gaara muslimiinta. Sanadahan dambe waxaa aad u soo batay dunidan eynu joogno iyo qaaradaha adduunka in lagu dhibo muslimiinta sida Falastiin, Ciraaq, Afgaanistaan, Suuriya, Lubnaan, Mareykanka iyo meela aad u badan oo ah dunida dacalladeeda. Islaamka qudhooda ayey gaaladu isku adeegsadaan, iyagoo dhaxdooda ka abuura naceyb iyo gulufyo colaadeed ayagoo ka faa’ideysta meelaha ey daciifka ka yihiin kuwooda sida dhaw lagu marin habaabin karo, iyagoo loo adeegsaddo loona qowlo dabinno, si sahal ah ey ugu soo dhici karaan.

Run ahaantii islaamku meel waliba waa lagu cadaadiyaa, iyagoo ey gaaladu ku faaneyso quwad iyo hub, lacag iyo waxyaabba yaryar ee qofka iimaankiisa daciifka ah lagu lumin karo.

Gaaladu goob waliba oo aay dunidan dusheeda ka joogtaa, waxey jecel yihiin guuldarrada Islaamka, Alle ha naga najeeyee, halka Islaamku qudhoodu aanay quwad yareyn, balse, waxaa dhaxdooda ka jira tafaraaruq, Ilaah un baa garan maslaxaddeenee, balse, dunidan waxaa jira cadaw adiga kuu diran iyo mid dabinka kuu dhiga, ee jecel jabkaaga.

Sanadahani waxaa soo korodhay, in Islaamku uu badi ka guuray dhulalkoodi una guureen dhanka iyo reer galbeedka, mararka qaarna dulduleelladadu wuu ogaan karaa cadawgaaga, aaditaanka dhulalka gaaladuna mararka qaar aad u ma wacna daruufo mooyee.

Falastiin maxey galabsatay oo ey Yahuuddu ku heysataa, halka caawinteeda ey leedahay waddammo badani oo gaala ah haba ugu horreeyo Mareeykankuye, Suuriya maxey gashay oo loogu duulayaa halka ey caawinayaan Ruushku, Ciraaq iyo Lubnaan maxaa laga burburinayaa, Afgaanistaanse maxaa laga rabaa? Tanni waa gardarro aad arkeysaan.

Runtii Islaamka meel waliba cadaw mid yar iyo weynba wuu ku leeyahay nacabkiisana waa uu batay xaqiidii. Allaha Qaaddirka weyn waxaan ka baryayaa, in uu Islaamku xoojiyo meel waliba oo ay adduunka ka joogaan, is caawiyaan jaceylkooda uu sii bato, insha Allahy .

 

W/Q: Hanni Maxamuud Cabdi

SHEEKOOYIN