Home Qoraallo TAKOOR IYO TACADDI Q2AAD:”Siyaabaha kala duwan ee Takoorka Soomaalida”

TAKOOR IYO TACADDI Q2AAD:”Siyaabaha kala duwan ee Takoorka Soomaalida”

0
SHARE

 

TAKOOR IYO TACADDI Q2AAD

"SIYAABAHA KALA DUWAN EE TAKOORKA SOOMAALIDA"

Hassan Mudane[1] iyo Cabdiraxiin H. Galayr[2]

 

 

 

 

 

 

 

 

Geeska Afrika

Geeska Afrika waxa ay ka mid tahay meelaha lagu tilmaami karo in ay tahay gobalada ay weli ku dambeyso takoorka. Marka ay timaado takoorka geeska Afrika, waxaa tusaale ahaan loo soo qaadan karaa labadan dal: Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya waxaa ka jira jaalal kala duwan ee takoorka ah, qabiilada inta badan la takooray waxaa ka mida: Midgaha (Gabooye), Jareer, Eyle, Tumaal, Yibir iwm. Intooda badan waxaa loo takooray sababo kala duwan. Dhanka kale, Itoobiya waxaa ka jira qabiilo lagu takooray farsamo-dhaqameedkooda sida birtumis, sameynta kabaha iwm. Taasi waa mid ay ka mideysan yihiin dhammaan bulsha weynta qaaradda Afrika. Waana arrin la yaab leh ee u baahan in sahan dheer lagu sameeyo, si loo daahfuro runta daahsoon.

Bulshada ku nool geeska Afrika waxa ay inta badan xiriir ganacsi la lahaayeen dowladdaha Carabta, taasina waxa ay saameeyn xooga ku yeelatay hab-dhaqanka bulshada. Sida ay galbeedka Afrika Yurub ugu aheyd xarun laga dhoofiyo ganacsiga adoomaha, ayay geeska Afrikana Carabta ugu aheyd xarun laga dhoofiyo ganacsiga adoomaha.

Takoorka Soomaalida

Suugaanta Soomaalida ee tilmaamaysaa ama dhaliileysa arrimaha takoorka, aad ayay u badan yihiin balse aynu ka soo qaadano laba tix oo mid weliba tusinaysa qodob ka mid ah, hababka gurracan ee loo adeegsaday takoorka. Waxa uu yiri Hal-abuur Cabdiraxiin Hilowle Galayr; 

  • Qoom hadalka iyo diinta iyo, Qolofta muuqeeda
  • Qaadirkeen mid qudha uga dhigoo, Kala qamaadaaya,
  • Oon qurus wadaagaynin waa ,Qaabka aan nahaye
  • Qoladiisa ruux lagu nacoo, Lagu qaataateeyo
  • Qaar aan gabdhaha loo dhisayn, Laga qashaafaayo
  • Qarnigeynu joognaa ma jiro, Duni qawaamkeede
  • Dad qalooca sax wada moodayoo, Qiilna marinayaa
  • Oo aan qaddarin aadminimo, Quusey baan nahaye.

Tixdan waxa ay suuraysay in umadda soomaaliyeed ay isku yihiin dad wadaaga Midab, Af, Dhaqan, haddana is takooraysa, kuna dhaqmaysa qaabka kala sarreynta iyo mudnaanta, in qolo gaar ah isa siiso iskana biddo kuwa kale. Waa arrin dhab ah oo aan caad saarneyn, in qolyaha isku sheega gobta ay u dhaqmaan qaab fool xun oo ka fog hab-dhaqanka bulshada adduunka. Waa hab qofka wax takooray uu ku liido, kuna faquuqo qof uusan waxba dheereyn, iyada oo iin iyo dhaliil looga dhigay beesha uu ka dhashay, muuqaalka abuurkiisa, hawsha ama shaqada uu qabto awgeed, farsamo-dhaqameedkiisa iwm.

Sidoo kale, (3)Abwaan Maxamuud Indha-geelle oo ka hadlaya, is bidka iyo is bogga beel weliba ay gaarkeed isu taqaan tan ugu mudnaanta badan uguna gobsan wuxuu yiri:

  • Reer waliba quursade naflaha, Qayrki oo idile
  • Inagoo Qudhaaa goba dabeed, qaas isugu sheegye
  • Daya qaladka meeshaa ku jira, weeye qayladu…                      

Takoorka Soomaalidu waa mid soo jireen ah, waxaana jirta beelo badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah, beelahan ayaa waxaa jira siyaabo badan oo loo takooray, waana dad tiro badan, balse kala qaybsanaantooda darteed iyo iyada oo aan jirin tiro koob guud ayaa kuwa wax takooray waxa ay ku sheegaan, dad laga tiro badan yahay. Maadaama aysan jirin tiro koob guud, way adagtahay in lagu dheeraado adeegsiga weerta ah ‘laga tiro badan yahay,’ oo inta badan lagu sunto dadka la takooray. Haddaba, la’aanta tiro koob sax ah, way adagtahay in la oggaado cidda tiro badan iyo cidda tirada yar.

Beelaha la takooray waa kuwa Soomaalida kale la wadaagta Af, Dhaqan, Diin, Midab iwm. Haddana waxa ay ku suntan yihiin in ay yihiin dad laga mudan yahay oo liita, waxaana loo diiday in ay ka mid noqdaan, mugna ku yeeshaan maamulka, dhaqanka, dhaqaalaha iyo wax kasta oo bulshadu wadaagto.

Dadkan la takooray waa kuwa ku nool dhammaan gobollada dalka, balse haddaad ka dhex eegto goobaha waxbarashada iyo shaqada waxa ay ka yihiin boqolkiiba 1% taas oo loo aanayn karo niyad jab xaga rejada ah, oo qofkii aanu haysan dhiirigalin, haddii uu waxbarto xitaa in uusan wax noqon karin. Warka wanaagsani waa in maanta taasi ay u muuqato in ay meesha ka sii baxayso, ilbaxnimo hor lehna iftiinkeedu soo baxayo.

Midab Sooc iyo Takoor

Inta badan waxa ay dadka isku khaldaan ‘Midab sooc iyo takoorka Soomaalida,’ balse markaad dib u eegto dhaqanka Soomaalida waxaad ka dhex heli kartaa noocyo kala duwan ee lala xiriiriya takoorka. Iyada oo jiraan noocyadaas kala duwan, haddana way adag tahay in aad dhaqanka Soomaalida ku dhex aragto faquuqa la xiriira midab-sooca-oo ah mid lala xiriiriya qeybta taban ee midabka. Waayo Soomaalidu waa dad intooda badan ay ka mideysan yihiin dhanka midabka, waana dad isku midab ah. Marka, waa dhif iyo naadir in aad aragto laba qof oo Soomaali oo isku takooraya midabkooda, ayaga oo isku ceebeenaya nooca midabka saaran maqaarkooda.  Haddaba, marka aynu u fiirsanay oo aynu indha-indheen ku sameynay dhaqanka Soomaalida, waxa aynu ku dhex aragnay afar nooc takoor oo kala ah:

  • Sinji Takoor
  • Jinsi Takoor
  • Muuq Takoor
  • Dhaqan Takoor

Jaadadkan kala duwan ee takoorka ah, kaliya maahan kuwa ku gaar ah dhaqanka Soomaalida balse qaar ka mida waxa ay la wadaagaan bulshada qaaradda Afrika. Si kastaba, sahan-cilmiyeedkani waa mid ku dhisan hab-aqooneed raadraac badan leh, kuna dhisan indha-indheen iyo xog-ogaalnimo ku’aadan hab-dhaqanka bulshada ee quursiga iyo takoorka ku dhisan.

Haddaba, takoorka Soomaalida kaliya maahan mid dhaca sinji, jinsi, muuq iyo dhaqan toona balse waxa uu dhacaa meelo badan oo nolosho bulshada ah sida: Dhaqaalaha, Waxbarashada, Goobaha Shaqada, Xafiisyada dowladda, iwm.

Sinji Takoor

Isirka ama haybta inta badan Soomaalidu wax bay ku takoortaa. Tusaale, waxaa jira beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu takooray haybtooda (Sinjigooda ama abtirsigooda). Inta badan lagama guursado, sidoo kale looma ogolaado in ay qabiillada kale ka guursadan. Taasi waxaa caddeyn u ah maahmaahda Soomaaliyeed oo oranaysa: ‘Waxaad taqaano guurso waxaad taqaano ha kuu dhalaane.’ Iyo mid kale oo dhahaysa ‘Geed weliba dheecaankiisa ayuu dhiima,’ tan dambe waa mid lagu durayo in wiilka ay dhalaan beelahaasi uusan noqon karin mid gobonnimo iyo dadnimo keeni kara. Haddaba, marka ay timaado sinjiga su’aasha ugu muhiimsan ee la iska weydiin karo waxa ay tahay, Soomaalidu ma yihiin dad isir wadaag ah?

Waxa aynu ku dooddaynaa in dhammaanteen aynu nahay dad sinjigooda nadiif yahay, oo isku isir ah, waxa aynu nahay faracii Xaawo iyo Aadam. Haddaad aragto bulsho isku takoorta sinjiga, waxaa u sabab ah qaab dhismeedka ay bulshadaaasi u dhisin tahay. Tusaale, bulsho walba waxa ay leedahay dabaqaad (kala sareeyn) sida dabaqa sare iyo mida hoose ama dhexe.  Takoorka qaar waxa uu yimaada marka dabaqada sare isku aragto in iyadu tahay tan hagta bulshada inteeda kale, kana cabsata in dabaqada hoose ay ku qabsato ama ciriiri galiso booska ay joogaan. Waxa ay faafiyaan dacaayad ka dhan ah dabaqada hoose oo ku saabsan sinjigooda. 

Haddaba, guud ahaan markaad eegto noocyada kala duwan ee takoorka gaar ahaan noocyadan kala ah: Dhaqan-takoor, sinji-takoor iyo jinsi-takoorka waa sheegasho runta ka fog, oo aan asal iyo raad toona laheyn. Waa wax ay bulshadu iskeeda iskaga abuuratay, mana ahan wax bini’aadamka la dhashay. Noocyadaas takoorka ah, wax kale maahan oo aan ka aheyn qaar ka mida sheekooyinka ay bulshadu soo saarto, iyada oo u marta hababka kala duwan sida curinta sheekooyinka.

Waxaa jirta su’aal aan inta badan weydiiyo dadka aamminsan jiritaanka qabiilka, taas oo saldhig u ah sinji-takoorka. Yaa kuu sheegay in aad reer X tahay? Qofka waxa uu iigu jawaab celiyaa, waalidkayga ama aabbehay. Yaa u sheegay Aabbehaa in uu reer X yahay? Marka kale, waxa uu iigu jawaab celiyaa waalidkiisa? Waxa uu Aabbehaa kuu sheegay, kama duwana sheekooyinka caadiga ah, ee waalidkeenna nooga sheekeyn jiray waagii aan yareen. Waayo waxa uu Aabbe kuu sheegay, asagana waxaa loogu soo gudbiyey hab sheeko wadaag ah, sidaas ayuuna isla sheekadii kuugu gudbiyey. Qabiilku wax kale maaha, waa wax ku dhisan sheeko beeneed waa hore fakatay, bulshaduna soo saartay, kadibna noqotay caado dhaqameed dhaqangalay.   

Si kastaba, sinji waa Eray tilmaamaya dad dhaqan iyo dhalan wadaag ah, waa eray buuxinaya, hidderaaca ama iska dhaxalka muuqaalka, alabka iyo isu ekaanta dad is dhalay oo isku isir iyo fir ah, waa halka ay maahmaahda Soomaaliyeed ka tiraahdo ‘Sinji ma tago suulashana ka galee,’ tan oo looga jeedo in qofku meel uun dadka uu faraciisu ka yimid uga ekaado, muuqaal iyo dhaqan mid un.

Dhanka kale, culumada odorosta barashada bulsho-aadamiga (social Anthoropology), iyaguna isirka ay kooxi sheegato (Ethnic Group) waxa ay ku qeexeen sidan: ‘Xiriir u dhaxeeya koox, iskuna arka in ay isku isir yihiin, kuwa kalena ay kaga duwan yihiin dhanka dhaqanka.’ Qeexitaankan waxaa laga fahmi karaa in dhaqanku uu qeyb weyn ka ciyaaro isir sameysiga. Intii isku dhaqan ah waxa ay isku arki karaan in ay isku sinji yihiin, Intii aan isku dhaqan aheyna waxa ay isk arki karaan in aysan isku sinji aheyn.

Qeexitaanka la xiriira isirka in lagu bees gareeyo kala duwanaanshaha dhanka dhaqanka ah, waxa uu leeyahay dhaliil badan. Fredrik Barth (1969), waxa uu isirka ku qeexay ‘U dhalasho …kaas oo go’aamiya shakhsiga, iyada oo laga fiiriyo qofka aqoonsigiisa aasaasiga ah.’ Qeexitaankiisa waxaa laga fahmi karaa in isirka uu yahay waxa lala xiriiriyo u dhalasho, waxa uuna ka eegay dhanka dhalashada isaga oo aan iska indha-tirin doorka uu dhaqanka ka ciyaaro isirka.     

Jinsi Takoor

 

Jinsiga dumarnimada ah inta badan Soomaalidu wax bay ku faquuqdaa. Tusaale, haddaad eegto qaar ka mida maahmaahyooyinka Soomaalida waxaad ka dhex arki kartaa aragtidooda taban ee ku’aadan jinsiga dumarnimada iyo meesha uu kaga jiro bulshada. Maahmaahyooyinkaas waxaa ka mida: ‘Nacab iyo naago kuu taliye.’ Weertan ayaa ah mid lagu liidayo in ay cadow yihiin oo aysan lahayn karti ay hoggaamin badan ku hannan karaan.

Mid kale waxa ay tilmaamaysaa in dumarku aysan laheyn aragti fog oo wax weliba la fudud yihiin, waxa ayna dhahaan: ‘Habar fadhida legdan la fudud.’ Dumarka uma aamminsana in ay talin karaan, dagaallami karaan, wax soo saari karaan, umana ogola wax ka badan maamulka qoyska iyo hooyanimada. Waxaad ka dareemaysaa marka odayga wiilka dhalay canaan dusha kaga tuurayo wiilkiisa waxa uu ku dhahaa: ‘Habaryahay caanaha leh,’ isaga oo ceeb uga dhigaya hooyadiisi dhashay ee caanaha nuujisay inay liidnimo tahay. Halkan laguma soo koobi karo hababka iyo qaababka kala duwan ee loo takooray, loona fogeeyey dumarka.

Sikastaba, takoorka loo geysto dumarka dhinacyo badan ayuu dhacaa, sida shaqada, talada, waxbarashada, maamulka, siyaasadda dalka iwm. Waxaad arkaysaa nin markuu hadlayo ku halqasada dumarku waa lafdhabarta bulshada, wax yar kadibna ku hal goosanaya, jilicsanidaa ma qof dumaraad tahay, adkeysi daranida ma haween baad tahay, waa isla isagii oo lafdhabartii ku tilmaamay wax jilicsan oo ugu liita bulshada.

Dhaqan Takoor

 

Dhaqanku waa wax walba, waxa uu qeyb ka yahay mid ka mida wax yaabaha qaabeeya ama soo saara nolosha bulshada. Inta badan dhaqanka waxaa loo kala qeybiyaa laba qeybood oo kala ah: Dhaqan iyo hidde, dhanka kale culumada lafagurta dhaqanka bini’aadamka waxa ay u kala saaraan: Dhaqanka Maaddi ah iyo mid aan maaddi ahayn.

Qeybta Maaddiga ah (Hidde) waxaa ka mida dharka la xirto, Hu`ga, Agabyada la adeegsado, Cuntada iyo dhammaan Farsamo-gacmeedyada ay bulsho u gaar tahay. Kan aan Maaddiga aheyna waa dhaqan soo jireenka ah, xeerarka, habka kala guursiga, habka nolosha iwm. Tusaale, reer guuraaga iyo xoola dhaqatada habka ay u dhaqmaan, habka maamulka iyo xalinta arrimaha bulshada.

Haddaba, markaad fiiriso qaar ka mida qabiilada Soomaaliyeed ee la takooray sida Tumaalaha, Kabba tolaha, Jaajida iyo Eeylaha waxaa lagu takooray qeyb ka mida farsamo-dhaqameedkooda, waxa ayna bulshada ku xukuntay qeyb ka mid ah dhaqankooda:

Tumaalaha waxa ay soo saaraan wixii wax soo saar iyo farsamo ah ee birta ku saabsan, waana farsamo aysan bulshda ka maarmin.

Kabbatolaha waxa ay hagaajiyaan ama farsameeyaan wax allaale wixii kabbo ah, ee cusub iyo kuwa xumaadayba, sidoo kale waxa ay sameeyaan agabyo badan oo ay bulshadu adeegsato.

 Jaajida waxa ay ka mid yihiin dadka lagu takooray dhaqankooda iyo wax soo saarkooda dhinaca kalluumeysiga iyo ka shaqaysiga badda.

Eeyladdu waa kuwa iyaguna lagu takooray ku tiirsanaanta ugaarsiga iyo dabatada, taas oo biday duruufta hanti la’aanta iyo xoola yarida.

Haddaba, marka aad maqasho magacyada beelahaas aynu kor ku soo xusnay, maxaa durbadiiba kugu soo dhici kara? Waa dhibanayaal ay bulshadu ku xukuntay qeyb ka mida dhaqankooda.

Muuq Takoor

Inta badan Soomaalidu waa ay sameeyaan faquuqa lala xiriira qaab dhismeedka qofka, sida Timihiisa, sankiisa iyo muuqaalkiisa. Haddaba, beelaha sida ba`an loo Muuq-takooray waxaa ka mid ah:  Beelaha Jareerta iyo Baajuunta. Beelahan waaa kuwa dhaqan iyo Af la wadaaga beelaha kale ee Soomaaliyeed, balse ay ku kala duwan yihiin dhanka muuqa iyo sinjiga, taasina waxa ay keentay in la muuq-takooro.

Ugu dambeyntii, inkasta oo Soomaalidu sameysay wax ka baxsan xayndaabka Xeer dhaqankii hore, haddana Maqaalkani waxa uu tilmaamayaa in noocyada kala duwan ee takoorka ee ku dhex jira dhaqanka Soomaalida cusub, aan loo fahmi karin in ay yihiin kuwa dhammaantood laga soo xigtay isla xeer dhaqanka. Guud ahaan markaad eegto xeer dhaqanka Soomaalida waa mid dhowra nafta iyo hantida qofka, iyada oo aan loo fiirin qabiil iyo fir toona.

Beelaha la takooray iyo Bahwadaagtooda

Haddaad dib u eegto takoorka ka jira Soomaaliya waa mid ku salaysan fogeyn, liidid, quursi iyo yasmo loo geysto dadka aan laheyn awood siyaasaddeed muuqata iyo mid dhaqaale. Haddaba, shaxda hoose kala soco magacyada qabiilada la takooray, gobalada ay degaanka ku yihiin iyo bah-wadaagtooda:

 

 

 

 

 

 

 

 

Marka ay timaado bahwadaajintooda waxa ay isku raacaan sidan:

 

Waxaa jira sheekooyin badan oo ku saabsan sababta loo takooray, waana sheekooyin mid walba goonideeda loo tebiyey. Sheekooyinkan hoose oo ka mid ah raadraac aynu ka helney dadka u dhashay beelahan iyo dadka waayeelka ah. Sheekada koowaad oo ah mid aan la hubin, balse marmarsiyo looga dhigay takoorka. Abdulqaadir Aroma (2005), buuggiisa ‘Hadimadii Gumeysiga’ waxa uu ku xusay laba ka mida sheekooyinkaas. Mid ka mida sheekooyinkaas waxa ay u qorneed sidan:

Emails: Mudanep5@gmail.com iyo Galayr77@gmail.com

[1] Arday heerka labaad ee Jamaacadda ka akhrista Istanbul Ticaret University. Qoraa, Lafagura arrimaha Afrika, kana faallooda Siyaasadda Dunida.

[2] Qoraa, Hal-abuur, lafagura Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.

[3] Abwaan, Maxamuud Indhageelle

 

SHARE