DARDAARAN W/D: Hanni Maxa’ud Cabdi

DARDAARAN

 

Si kasta oo aan u ooyo oo eey indhaheygu ilmada u seyriyaan, si kasta oo uu damiirkeygu u diido waxyaabo badan oo i damqinaya, in kastoo uu ooyayo nuurkii indhaheyga/indhahiinna ee ahaa cawaale calankeeygi, in kasto oo ey maandeeq hasheennii aan gaawaha u soo qaadan weli, waan rajeynayaa idanka Eebbe, iney dalkanni u soo bixi doonaan halyeeyo ka dhiidhiya waxyaabaha diidaya damiirkooda, kuwaasi oo soo dhicin doona libta umadda soomaaliyeed oo ay harsan doonaan geedka haraca weeyn ee doowladnimadda.

Maan gabin rajadeydi oo maan niyad jabin, adinkana ha niyad jabina dadkeygoow. Hankiinnu ha sarreeyo, yuusan idinku wiirsan cadaawuhu, yuusan hog ku sii dhicin cawaale calankeennii, Hasha quruxda badan ee maandeeq ah een baadi goobeynana yey inagasii lumin, si aan u helnaa waa inaan u halgannaa weliba anagoo isgarabsaneyno, iyada oo ay na mideysay SOOMAALINIMO.

Dhalinyaradda soomaaliyeedow waxaad ogaataan, misana maskaxda ku heysataan dalkani badbaadadiisa waxa uu sugayo waa adinka oo igu wallaahi ah, ma sugayo oday gaboobay ee inaga iyo idinka ayuu ina sugayaa. Hadalku wax mataree howl baa loo baahan yahay, si aynabbad ugu diirsadaan jiilka eynu dhalidoonno, marka waxaa iga dardaarana inaad u dirirtaan quruxda xornimada, calan ciil baxay iyo dowladnimo, si ey inoogu/idiinkugu mahadceliyaan carruurteenna mustaqbalka dhalan doonta ama kuwi ey sii dhaleen mid un.

Xornimo aan loo halgamin xornimo ma ahan. Dawladnimo aan loo diririn dawladnimo ma ahan. Dareen aan daacad laga noqon dareen ma ahan. Talo aan tigaad lahayn talo ma ahan. Waxaan uga socdaa, yaan la is dhigan, ee aan ka run sheegno damiirkeenna nool iyo dadnimadeenna nuxur. Wixii aad is ku dayo ayaa ku daashada, ee kaca oo wixii dhiiglahow kaca.

 

W/D: Hanni Maxa’ud Cabdi

SHEEKOOYIN