“Waddada Suubban Q4AAD. W,D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada Suubban Q4AAD.  W,D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Runta Iyo miraheeda:

Runta iyo dadka runloowyaasha ah “Eebbe” waa ammaanay, Aayada badan oo qur’aanka ka mid ah ayaana kusoo degay, iyo axaadiis fara badan; sidaa aawgeed Dhowr Aayad oo ku saabsan runta, iyo dhowr Xadiis oo saxiix ah ayaan kusoo qaadan doonaa qormadeeydaan  kooban haddii Eebbe idmo, kuwii ka faa’iidasta awoodda runta Eebbe  ha naga Dhigo! 

Eebbe kor ahaayee waxuu yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّـهَ وَكُونُوا مَعَ الصَّادِقِينَ ﴿١١٩﴾ 

Kuwa xaqa rumeeyoow! dhowra xilka iyo waajibkuu Eebbe idin saaray, oo kamid ahaada run sheegayaasha, ama kuwa runta caddeeya. (Suuradda at-Towba: Aayadda 119).

Waxaa kaloo yiri “Eebbe” kor ahaaye:

وَالصَّادِقِينَ وَالصَّادِقَاتِ 

Ragga run sheegayaasha ah ee isu dhiiba “Eebbe” iyo Dumarka run sheegooyinka ah. Liibaan ayaa u ahaatay (Suuradda Al-Aszaab: Aayadda 35).

Waxaa kaloo yiri “Eebbe” kor ahaaye: 

طَاعَةٌ وَقَوْلٌ مَّعْرُوفٌ ۚ فَإِذَا عَزَمَ الْأَمْرُ فَلَوْ صَدَقُوا اللَّـهَ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُمْ ﴿٢١

Daacad iyo hadal san. Dabeecad, marka arrin la go,aansho, haddii ay daacad u yihiin “Eebbe” waxay u roon tahay iyaga. (Suuradda muxammad Aayadda 21).

Cabdullaahi bin Mascuud Alle haka raali noqde; waxaa lagasoo xigtay in Nabigu yiri: (S.C.W.).


عن ابن مسعود رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:   ان الصدق يهدي الى البر ، وان البر يهدى الى الجنة، وان الر جل ليصدق  حتى يكتب عند الله صديقا ،  وان الكذب يهدي الى الفجور،  وان الفجور يهدي الى النار،  وان الرجل ليكذب حتي يكتب عند الله كا ذبا  متفق عليه! 
Runtu waxeey kugu hoggaamisaa dhabbaha samaanta iyo falalka suubban. Samaan falidduna waxay xaartaa jidka uu qofku u mari lahaa Jannada.  Markii uu qofku caadeesto  inuu ku hadlo run waxaa “Eebbe” agtiisa looga  magacaabaa runloow. Beentuna waxay kugu hogggaamisaa Xumaanta, Xumaantuna waxay kugu hoggaamisaa wax xil leh falid iyo faanjirnimo. Markii uu qofku been caadeysto waxaa “Eebbe” agtiisa looga magacabaa Beenloow”.
(Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Muxammad al-Xasan ibn Cali (A.K.R.).  waxuu sheegay inuu ka bartay erayadaan soo socda Nabiga(S.C.W.).

عن ابي محمد الحسن بن علي بن ابي طالب رضي الله عنهما قال:  حفظت من ر سول الله صلى الله عليه وسلم:  دع ما ير يبك الى ما لا ير يبك؛ فان الصدق طمانينة، والكذب ريبة  رواه الترمدي وقال: حديث صحيح. قوله:  ير يبك  هو بفتح الياء وضمها :  ومعناه ا ترك ما تشك في في حله واعدل الى مالا تشك فيه.

Ka tag waxii aad ka shaki santahay, oo raac waxii aan shaki ku jirin. Maxaa yeelay runtu waa raaxo qalbiga uu ku dago, beentuna waa welwel iyo walbahaar.” (Tirmidi waxuu yiri: waa xadiis Saxiix ah.).

عن ابي سفيان صخر بن حرب رضي الله عنه في حديثة الطويل في قصه هر قل؛ قال هرقل: فماذا يا مركم – يعني النبي صلى الله عليه وسلم-  قال ابو سفيان قلت: يقول:  اعبدوا الله وحده لا تشركوا  به شيا ،  واتركوا ما يقول اباؤكم   ويا مرنا بالصلاة، والصدق، والعفاف، والصلة، متفف عليه. 

Abuu Sufyaan Sakhar bin Xarb (A.K.R.). waxaa lagasoo xigtay oo ka mid ahaa  xadiiskiisii dheeraa oo uu Hiraqal kaga warramayay  in hiraqal uu weydiiyay maxuu isagu ( Waxuu ula jeedaa Nabiga (S.C.W.). Idin faraa, Abuu Sufyaanna  waxuu yiri:  waxuu na faraa: Caabuda “Eebbe” oo kaliya waxbana ha u shariig  yeelina, oo ka taga waxii ay aabbayaashiin dhihi jireen, waxuu kaloo na faraa salaadda, Run sheegidda, dhowsanaan iyo xoojinta xariirka qaraabada aad ku xoojisid kaalmeynta  kuwaa kuu dhaw oo qaraabada kula ah.” (Muslim iyo Bukhaari).

عن ابي ثابت، وقيل: ابي سعيد، وقيل ابي الوليد، سهل بن حنيقن وهو بدري رضي الله عنه ان النبي صلى الله عليه وسلم قال:  من سال الله تعالى الشهادة بصدق بلغه منازل الشهداء وان مات على فراشه رواه مسلم.

Sahal bin Xunayf “Alle” Haka raali noqdee; oo raggii bader ka qeyb galay ka mid ahaa waxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). waxuu yiri: qofkii “Eebbe” ka barya si kal iyo laab ah Shahiidnimo, waxuu “Alle” Gaarsiiyaa oo u qoraa darajada Shahiidyada, xitaa hadduu ku dhinto Sariirtiisa. (Bukhaari iyo Muslim).

عن ابي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:  غزا نبي من الانبياء صلوات الله وسلا مه عليهم فقال لقومه: لا يتبغني رجل ملك بضع امراة  وهو يريد  ان يبني بها ولما بين بها،  ولا احد بنى بيوتا لم يرفع سقوفها ، ولا احد اشترى غنما او خلفات وهو ينتظر اولادها. فغزا فدنا من القرية صلاة العصر او قريبا من ذلك، فقال للشمس:  ا نك مامورة وانا ما مور،  اللهم  احبسها علينا، فحبست حتى فتح الله عليه، فجمع الغناءم فخاءت – يعني النار- لتا كلها  فلم تطمعها ،  فقال: ان فيكم غلولا،  فليبا يعني من كل قبيلة رجل، فلزقت يد رجل بيده فقال: فيكم الغلول فلتبا يعني قبيلتك،  فلزقت يد الرجلين او ثلاثة بيده فقال: فيكم الغلول فجاووا برس مثل رس بقرة من الذ هب، فو ضعها فجاءت النارفا كلتها. فلم تحل الغناءم لا حد قبلنا، ثم احل الله لنا الغناءم لما راى ضعفنا وعجزنا فا حلهالنا متفق عليه 
 الخلفات  بفتح الخاء المعجمة وكسر اللام: جمع خلفة وهي الناقة الحامل!

Abuu hurayrah ” Alle” haka raali noqdee waxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). Nabi Nabiyadii hore ka mid ahaa goor uu jihaad u baxayay (Dagaal loola jeedo kor yeelidda kalimadda “Alle” ) waxuu ka dhex yiri qoomkiisii nin naag mehersaday oo aan wali dhisan ama nin dhisay derbiyo, ama gedaarro gurigiise aan wali dedin oo kor u bannaan yihiin ama nin  soo iibsaday Ari ama geel, Halo riman oo sugaya intay ka dhalaan midkoodna waa inuusan isoo raacin. 
Dabadeed waxuu u kicitimay magaaladii, uu u socday. Waxuuna gaaray goor casir gaab ah, markaa wuxuu ku  yiri qorraxdii: waxaad ku socotaa Amarka “Eebbe” aniguna waxaan ku socdaa oo la ii diray dagaal dar “Alle” ah. markaasoow “Eebbe” baryay oo yiri: Alloow meesheeda qorraxda noogu celi; waana ay istaagtay ilaa uu “Eebbe” siiyay guushii oo uu meeshii qabsaday. Markaa kaddib waxaa la isu keenay xoolahii laga helay dagaalka si loo gubo qurbaan ahaan. Dabkiise waa gubi waayay. Dabadeed waxuu yiri: qaar idinka mid ah ayaa qarsaday qeyb ka mid ah xoolihii dagaalka laga helay ee qabiilo walba nin ha ii gacan qaado oo cahdi hor leh ha i gula galo kor yelidda Diinta. Sidiibaa la yeelay, nin ayaa markaas gacantiisii ku dhagtay  waxuuna ku yiri: Rag qabiiladaada ah ayaa qarsaday wax ka mid ah qaniimadii dagaalka, ee qof qof Ragga qabiilkiinna ah ha ii gacan qaadaan.  Labo ilaa seddex nin ayeey gacantoodii gacantiisa ku dhagtay. Waxuuna ku yiri: idinka waaye Ragga dembiilayaasha ku ah qarsashada qaniimada. Markaa ayay keeneen madax aad madax lo’aad mooddo oo dahab ah,  waxaana lagu daray qaniimadii iyo xoolihii dagaalka la gusoo furtay dabkiina waa gubay. Waxuu Nabigu intaa raaciyay: Qaniimadu ama xoolaha dagaalka jihaadka ah lagu helo Xalaal uma aheyn ummadihii idin ka horreeyay. Ee  Allaa inoo xalaaleeyay, markuu arkay tabar yarida iyo dhaqaalo xumideenna.” 
(Bukhaari iyo Muslim).

عن ابي جالد حکیم بن حزام رضی الله عنه قال: قال رسول الله صلی الله علیه وسلم:  البیعان بالجیار ما لم یتفرقا، فان صد قا وبینا بورگ لهما في بیعهما، وان کتما وکذبا محقت برکت بیعهما متفق علیه.

Xaakim ibn Xizaam “Alle” haka raali noqde. Waxuu yiri: Nabigu( S.C.W.). waxuu yiri: Heshiiska wax kala gadasho waa laga noqon karaa inta ayan kala tegin labada wax kala gadaneeysa. Haddii ay sheegaanna runta oo ay caddeeyaan wax waliba oo la xariira Badeecada iyo iibkooda, waa loo barakeeyaa labadaba; haddii ayse been ku hadlaan oo ay qariyaan waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo oo daaha laga qaado, barakada iibkaasi waa laga qaadaa.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Runta guud ahaan waxaa loola jeedaa inaad ku hadasho run, islaam ahaan runtu waa wax macno ballaaran, oo waxaa soo gelaya ka run sheeggidda camal kasta oo aad qabaneyso. Qofkuna waxay hadalladiisa iyo Camalkiisuba toosayaan markii ay is waafaqaan waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu uurka ku heesto, taa ayaana layiraa “Run” 
IMAAM Ghazaali waxaa uu sheegay in Lix nooc Runtu u kala qeybsanto:


(1). inaad run ku hadasho;
(2). In niyaddaadu run iyo daacad tahay.
(3). Inay run kaa tahay guddoonka iyo go’aanka aad qaadaneyso.
(4). Inaad si run iyo daacadnimo ah aad u fuliso Go’aankaas.
(5). Inaad si run iyo daacad ah howsha aad qabaneyso u  gudato.
(6). Ineey run iyo dhab kaa ahaato Diinta iyo iimaanka aad Sheeganeyso oo qowl iyo ficilba aad u muujiso. w
aana sax in runtu tahay aasaaska samaan falidda. 

Qofka aan runloowga aheyn, waxuu ku haysanayaa qalbigiisa nooc kasta oo xumaan ah;  qofkase runloowga ah waxuu awood u yeelanayaa inuu gaaro samaan iyo kheyr waliba  si fudud oo aan dhib laheyn. Qofka tilmaamahaa wanaagsan ee aan kor kusoo xusay leh waxaa la dhihi karaa waa qof “Runloow” ah.! Wabillaahi Towfiiq!’  

la soco. qeybta xigta iyo Runta. W,D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com

Shiribmaal@gmail.com

SHEEKOOYIN