Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q51AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q51AAD 

Mudanayaal, Innagoo fiiriheyno shuruucda dalka u degsan, iyo ilaalinta xaqa nafsadda muwaadinka, iyo xuquuqda guud ee muwaadinka sida ku cad xeerka ciqaabta. Waxaan maxkamadda sharafta leh ka codsaneynaa in eedeysanayaashaan lagu qaado ciqaabta ay mudan yihiin taas oo ah, in maxkamaddu ku xukunto Dil toogasho ah, si ay ugu waano qaataan cid kastaa oo isku dayi laheyd fal la mida falkaan naxariista darran sida ku xusan xeerka ciqaabta Qodobkiisa xxaad faqradiisa xaad.

Mudane Guddoomiye, Waxaan halkaan kuugu soo gudbinaa dhammaan baaritaanadii ku saabsanaa kiiskaan iyo caddeymankoodii, Waadna mahadsan tihiin.

Kolkii uu Dacwad oogihii arrinkii dacwada soo gubiyay, waxaa istaagay oo hadalkii qaatay Garyaqaan Cosoboow, oo kolkuu istaagayba dadkii bilaabeen hadal hunuhunu ah, oo ay ka muuqatay in dood adag ay ka dhici doonto goobta.

Garyaqaan Cosoboow, Waxaa ka muuqatay Kalsooni iyo degenaan, waxuuna hadalkii ku bilaabay: Mudane Guddoomiye iyo dhammaan mudanayaal,

Waxaan halkaan u istaagay inaan ka daafaco Muwaadiniinta kala ah: Dalmar Hareeri Dubbad oo da’diisu tahay 16 jir ian Cawralo Shamuuq iyo Axmed Maxaad Cali Da’diisuna tahay 16 sano iyo 9 bilood ina Kutubo ow Muxuddiin.

Mudane Guddoomiye, iyo dhammaan mudanayaal, inta aanan u guda gelin tafaasiil kaleba waxaan halkaan ka caddeyhaa in dacwada loo heysto eedeysanayaasha ay tahay baadil, wax caddayn ahna aan loo hayn  eeddaha lagu soo oogay. Sidoo kale xuriyadda laga qaaday iyo hab raaca loo maray in lagu caddeeyo fal dambiyeedkaan waxa ay xad gudub ku tahay dhammaan xuquuqdoodda bini’aadinimo iyo tooda dastuurigga ah, waxa ayna siddoo kale xeerilaalinta dhinac martay shariciyadda xeerka hab ciqaabeed ee dalka u yaal maaddaama xarigga carruurtaan eedaysanayaasha aan la soo marsiin Guddoonka Maxkamadda , Isla markaana ayan Maxkamadda marnaba amrin hab raaca baaritaanka lagu sameeyay eedeeysanyaashaan.

Dooddu markeey intaas mareyso ayaa waxaa hoolka ka bilaawday Guux badan, taas oo mkuujineyso in dadkii goobta fadhiyay intooda badan u riyaaqeen qaabka uu difaaca ku bilaabay Cosoboow, laakiin Garsoorihii Dacwada Ayaa Burus ku dhuftay Miiska Aamusnaana ku baaqay.

Garyaqaan Cosoboow, ayaa hadalkiisii sii watay Waxuuna yiri: Mudane Guddoomiye, Mudanayaal, Waxaa ii muuqdo in Baroorta orgiga ka weyn tahay, Ilmahaan qafaska ku jiraana yihiin Dhibbanayaal gardarro ku xiran, Xeer ilaalintuna ma muuqato ineey caddeyn u heyso arrinkaas, sidaa daraadeed, Waxaan maxakamadda Sharafta leh ka codsanaa in maxakamaddu sida ugu dhaqsiyaha badan ay u siiso xurriyaddooda Muwaadiniintaan dhallinyarada ah ee aan weli gaarin xitaa qodobada uu u cuskaday Xeer ilaaliyaha, Waadna mahadsan tihiin, Mudane guddoomiye iga guddooon caddeynta da’da saxda ah ee Axmed Maxaad Cali.

Guddoomiyihii Maxkamadda ayaa ku celiyay Xeer ilaaliyihi, Waxuuna yiri: Caddeyn kale maxaad u heysaa arrinkaan?

Xeer Ilaaliyihi: Mudane Guddoomiye, Dhammaan mudanayaal, Haa, waxaan filaa in caddeyni ay noogu filan tahay qiraalka eedeysanayaasha ,kaas oo ku cad gal dacweedka aan idiin soo bandhigay[.] Maxkamaddu haddii ay u baahatona waxaa jira Arrimo kale oo caddeyn iyo Marqaatiyaal ahba.

Wixii caddeyn ah aad heyso Maxkamadda ka hor caddeey, waxaa saa yiri Guddoomiyihi maxkamadda.

Xeer Ilaaliyihi: Mudane Guddoomiye, Dhammaan Mudanayaal, Waxaa maxkamadda horteeda yaal oo caddeyn ah, Galkii middida lagu dilay Marxuumadda oo uu watay eedeysane Dalmar Hareeri Dubbad, waxaa kaloo maxkamadda horteeda yaal Ushii iyo kabihii uu watay eedeysane Dalmar oo leh Dhiiggii Marxuumadda, taas oo wadato caddeynta Warqadda caafimaad oo sheegeyso in Dhiigga ku yaal kabaha iyo ushaba uu yahay dhiigga Marxuumad Toosheey. Sidaa daraadeed Mudane Guddoomiye, iyo mudanayaal, waxeey ila tahay in arrinkaas uu cad yahay.

Warka markuu intaas maraayo ayaa haddana dadkii nuxnux iyo hunu hunu iyo guux kale ka dhex bilawdeen, BUGBUG ayuu miiska ku siiyay Burus garsoorihii dacwada, aamusnaana wuu ku baaqay, Hal mar ayaa shib la wada yiri.

Waxaa istaagay oo meel dhexe soo joogsaday Avv.Cosoboow, Waxuuna yiri:

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal,:Waxaan maxkamadda u caddeynayaa in qiraalka lagu sheegay eedda dacwada uu yahay waxba kama jiraan, maxaa yeelay, Waa qiraal lagu sameeyay Jirdil iyo handadaad, waxaana caddeyn u ah iyaga oo hortiina hadda taagan oo la weydiin karo iyo Jirdilka iyo dhaawacyada loo geystay ee ka muuqdo jirkooda.

Midda kale, Mudane Guddoomiye, Mudanayaal:U maleyn maayo ineey caddeyn tahay waxuu xirnaa Gal middi sidaa daraadeed isagaa wax dilay, Midda ah Kabaha iyo Usha, waxaan rabaa in aan dadweynaha su’aal weydiiyo, haddii Garsoorku ii ogolaado.

Waxaa isku laabtay oo dhagaha isu dhaweeyay saddexdii miiska kore fadhiday kolkii ay wax isu sheegeen kadibna waxeey yiraahdeen: Weydii su’aashaada.

Avv.Cosoboow, oo dhoolla caddeynaayo ayaa yiri: Walaalayaal, ma aragteen idinkoo waddada socdo in kabahiinna Xaar iyo dhiiqo waddada yaal idiin soo qaadeen?

Dadkii Hoolka fadhiyay in badan oo ka mida ayaa mar qura wada yiri: Haa Haa, Qosol badana waa raaciyeen. Xeerillaaliyahii  oo ay ka muuqato caro ayaa gacanta taagay oo ka codsadday Guddoonka Maxkamadda in la siiyo fursad dhextaal ah.

Guddoomiyhii ayaa ku baaqay aamusnaan GUBGUBna Bruriskii ayuu miiska ku siiyay. Kolkii la aamusay, ayaa Guuddoomiyihii u ogalaadday Xeerillaaliyihii oraahdiisa dhextaalka kana codsaday inuu haddalkiisa soo koobo. Xeerillaaliyihii oo ka faa’iidaysanaaya ayaa ka codsadday Guddoonka in la illaaliyo sharcigga lagana dhowro in dadweynaha ka soo qeyb galay dhagaysiga dacwadda in loo isticmaalo dhoolatus shacbiyaddeed.Guddoomiyahii oo tixraacaya haddalkii Xeerillaaliyihii ayaa xussuusiyay Avv. Cosoboow in dadweynaha ayna dowrna ku laheen doodda dacwadda.

Haddalkii waxaa sii watay Avv. Cosoboow, Waxuuna yiri:Mudane Guddoomiye, Mudanayaal;Waxaan filaa anagoo arrinkaa isla garwsanayna haddana in aan laga tagin waxii caqli gal ah oo ah in arrinka uu Xeer ilaaliyaha keenay jawaabtiisu ay dadweynaha bixiyeen, taas oo ah in aaney caddeyn dembi ah noqon karin waxa la soo bandhigay.

Avv. Cosoboow, isagoo dhoollacaddeynaayo ayuu fadhiistay.

Garsoorihii, Ayaa su’aalo weydiiyay Eedeysanayaasha, Waxuuna yiri:

Maxaa ka jira Eedeynta la idinku soo eedeeyay?

Axmed, Ayaa istaagay,isagoo oohin la fiqfiq leh, Waxba kama jiraan.

Dalmar, Ayaa isna istaagay Madaxa ayuu gilgilay waxuuna raaciyay maya.

Marka xaalku halkaas maraayo waxaa istaagay Xeer ilaaliyihii, waxuuna su’aalo weydiiyay Dalmar, isagoo leh: Usha iyo kabaha soow adiga ma lihid?

Haa ayuu ku jawaabay Dalmar.

Xeer ilaaliyuhu isagoo rabo inuu su’aalo ku waabiyo eedeysanayaasha ayaa waxaa ka soo dhex galay Garsoorihii, oo yiri: Xeer ilaalinta Wax kale oo caddeyna maad heysaan?

Haa, ayuu ku yiri Xeer Ilaaliyaha.Mudane Guddoomiye, Mudanayaal;waxaan maxkamadda ka codsanaa in maxkamadda dib naloogu dhigo si aan maxkamadda u horkeeno caddeyno dheeriya iyo marqaatiyaal.

Waxaa istaagay Avv.Cosoboow wuxuu yiri:Mudane Guddoomiye, Mudanayaal;waxaa hortiina ka cad in xeer ilaalintu aaney heeyn caddeyn, sidaa daraadeed Waxaan codsanayaa in Ilmahaan eedeysanayaasha ah la sii daayo, Wuuna fadhiistay.

Waxaa showr bilaabay Garsoorayaashii, muddo kolkii la aamusnaa, ayaa Garsoorihii yiri: Waxaan isku soo noqoneynaa asbuuca dambe taariikhdu marka ay tahay 12.12.0000. Maxkamadduna waa xiran tahay.

Kolkuu intaa yiri waa la wada istaagay, Waxaana maxkamadda ugu horreyn ka baxay Garsoorayaashii iyo qorihi maxkamadda.Kaddib waxaa hoolka ka dhex bilawday Guux iyo sawaxan aan kala go’ laheyn.Maxaad Cali, isagoo aan dheg la qabtaa laheyn ayuu si halhaleela u abbaaray Wiilkiisii Axmed Dheere, Waase laga hor istaagay.

La soco Q.56aad

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

 

SHEEKOOYIN