Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q10AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

 

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q10AAD 

Waxaa  kor u kacay si aan la malayn karin dhaqaalaha soo galo Maqaayada, shirkadda Abu-Cali iyo Daahirna waxay fooda la gashay bishi lixaad ,intaa keddib Daahir wxuu ku dhiiraday in Abu-Cali uu weydiisto, in uu kor u qaado qeyb ku lahaanshihiisa maqaayada oo ahaa Rubac ,gaarsiiyana Nus .

Abu-Cali codsigaas kuma farxin ,mana jeclaysan damaca galay Daahir ,haddana wuxuu is-tusay in uu aqbalo codsiga Daahir kaga yimid ,maadaamo uu Daahir u arkayay nin nasiib badan ,isla-markaasna dhaqaalaha soo galo maqaayada uu noqday mid aad ugu tiirsan ka cuntaynta Soomalida ee Maqaayada oo iyaga si xooggan u degganaa Xaafadda ay maqaayadu ku taalo, Abu-Cali waxaa intaa u dheeraa in uu arkayay dhammaan dadka ka cunteeyo maqaayada oo aad u jeclaa dhaqanka wacan oo ay kala kulmaan Daahir Guuleed, balsa Abu-Cali ma ogayn xaqiiqada ah, in uu Daahir jeebka ku watto Xirsi uu soo siiyay Kaahin ay shaqdiisa tahay waxyeelaynta dad aan waxba ka galabsan ,kala gaynta nin iyo naag xalaal isku qabo ,wanaagna ku wada joogo iyo marin habaabinta dadka uu Iimaankooda liito. 

Daahir aad iyo aad ayuu u soo dhoweeyay aqbalaada ah in uu bar ku yeesho Maqaayada ,wuxuuna isu arkayay nin shaqo oo aad u fir-fircoon gacan-weyna ku yeeshay, kor u qaadida dhaqaalaha soo galo maqaayada.dhinaca kale, Daahir niyadiisa kama marnayn in uu faa’iido badan ku helay xirsiga jeebka ugu jiro. Daahir aqbalaada kaga timid Abu-Cali waxay gelisay damac hor leh iyo in uu naftiisa kula hadaaqo, saaxib ku dadaal in aad gaarto, adiga oo hantiyo lahaanshaha maqaayada oo dhan, haddana wuxuu is-weydiiyay “sow xumaan ma’ahan, ninki kuugu soo dhoweeyay in aad maqaayada kula shirwkowda adiga oo aanan talo iyo lacag midna ku darsan, in aad ku fikirto kala wareegida maqaayada oo dhan”, haddana wuxuu isugu jawaabay isaga oo aanan ka soo degin damaciisi “war ka gado(iibso) nuska uu ku leeyahay maqaayada” ,wuxuuna isu sheegay in aynan xumaan ahayn taa, Abu-Calina ay taa u sahlayso in uu meel kale maqaayad ka furto. Daahir fakirkiisa marnaba kuma soo darin in aynan caqli-gal ahayn ,aad iyo aadna u adagtahay in aad shirka kula noqoto ruux kale xoolihiisa, adiga oo aanan ku darsan wax muuqdo oo aanan ahayn waa nin dhaqan wacan ,kana dhashay dadka Soomaalida ah ee deegaanka maqaayada ku taal ku badan. Taa waxaa u dheerayd in uu Daahir u soo jeestay sidi uu kor ugu qaadi lahaa dhaqaalaha ka soo galo maqaayada, isaga oo hilmaamay gebi’ahaanba bareerihiisa ahaa shaqayso ee waxbaro, noqo nin madax-bannaan shaqa adag oo aad qabato keddib, horumarna aad ku gaarto .                          

Daahir,bishi sideedaad ee ugu soo gasho isaga oo maqaayada wax ka leh, maalin Axad ah, Barqanimadi isaga oo dhax-taagan Maqaayada, shaqaalahana u fasirayo mid walbo howsha maalintaas looga baahan yahay qabashadeeda, ayaa waxaa u yimid Cabdow(Abu-Cali) oo isaga ka gaabiyay imaantinga maqaayada beryahaas, keddib kolki uu aqablay in ay isaga iyo Daahir shirka ku yihiin maqaayada nus iyo nus, wuxuuna Daahir ku Yiri “Daahir waxaa igu soo kordhay arrin culus oo igu khasbayso in aan dalkayga ku tago socdaal deg-deg ah, ehelkaygana soo arko, kala maqnaasha mudda dheer qaadatay keddib, sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa, aniga oo og in aad tahay nin amaano leh, in aad howshi maqaayada oo dhan dhabarka u dhigato, wixi dhaqaala ahna, qeybtayda in aad iigu soo dirto cinwaankan, kolki aan tago dalkayga ilaahey idinkiis” .

Daahir Arrintan wax culays ah maynan saarin, mana weydiin Abu-Cali hoos-ahaan, maxay tahay arrintan ku soo korortay ee ku khasabtay in uu si deg-deg ah u aado dalkiisi, fakir dheerna kuma qaadan ka jawaabideeda, wuxuuna Abu-Cali ku yiri,”Waxaan kuu rajeynayaa safar wacan iyo soo noqosha wacan, waxaa kale oo balan iga ah in aan maqaayada ugu adeego adiga oo joogo oo kale”,waxaa kale oo uu weydiiyay isaga oo aanan hadalkiisa kala goyn,”goormee ayaad baxaysaa ,maxaanse kuu qabanaa oo aad noo dirsanaysaa”.

Abu-Cali wuxuu Daahir ku yiri “waxaan baxayaa Usbuuca danbe dhammaadkiisa haddii Ilaahey idmo ,walaal waan wada fadhiisan doonaa mar kale inta’aanan bixin”.

Abu-Cali iridka maqaayada ayuu ka baxay, Daahirna howshiisi ayuu sii watay, waxaana in ka-yar nus-saac keddib, isla maalintaas, Daahir maqaayada ugu soo galay nin Bakistaani ah wuxuuna ku yiri “Walaal waxaa kuu yeerayso marwadaas(xurmadaas) taagan iridka maqaayada hortiisa”.

Daahir wuxuu u yeeray mid ka mid ah shaqaalaha maqaayada ,wuxuuna ku yiri “orad ,naagtaas weydii dalabka ay u baahantahay”.

 

Wiilki loo diray haweeneyda taagan maqaayada iridkeeda, marki uu gaaray akteeda, ayuu ku yiri,” maxaad u baahnayd”. Haweeneydi waxay ugu jawaabtay “walaal, iigu yeer Daahir, waxaadna ku tiraa , Gabadhaas, adiga inay kula hadasho shakhsiyan ayey u baahantahay”.

Wiilki maqaayada ayuu ku soo noqday,wuxuuna Daahir u sheegay in Gabadhaas dooneyso isaga shakhsiyan.

Daahir taa waxay ku noqotay la yaab ,waayo tan iyo inti uu yimid dalka Sacuudiga 1978 ilaa iyo waqtigaa oo ahaa bartamihi 1983, lama kulmin, mana arag Haweeney isaga shaqsiyan u taqaano, mana maqlin qof dumar ah oo uu yaqaano, dalka Sacuudigana dhinac ka joogto. dabeecadiisana ma ahayn, ka mid noqoshada dhallinyarada qaadka cunto, tagtana  guryo ay joogaan dumar ka tujaaro iibinta qaadka oo mamnuuc ka ah dalka Sacuudiga, isla waqtigaasna magaalada Riyaadh iyo dalka Sacuudiga guud ahaan,waxaa  aad ugu yaraa joogitaanka dumar Soomaali ah oo madaxbanaan iyo kuwa Xaas ahba. Daahir wuxuu u socday Gabadhi xageeda, waxaana ku soo dhacay dhowr su’aalood oo aanan marnaba laga yaabin in uu muddadaas gaaban gudaheeda isaga jawaabo. Daahir kolkuu ku soo dhowaaday gabadhi, iyadana waxay in yar ka sii durugtay maqaayada albaabkeeda, wayna istaagtay. Daahir, isagana wuxuu u sii socday xageeda mar kale, isagoo baqdin badan kaga jirto, war armuu dhib kaaga yimaadaa la istaagida gabadhan ,maadaama uu sharciga dalka sacuudiga aad ugu adag-yahay arrimaha ku aadan dhinaca dumarka guud-ahaan.

Daahir, marki uu tegay Gabdhi akteeda ,wuu salaamay, wuxuuna ku yiri, “Al-salaama Calaykum”.

Gabdhina waxay salaantaas kaga jawaabtay “Calaykum Al Salaam”,

Daahir wuxuu Gabadhi weydiiyay isagoo Af-Carabi ku hadlayo “Abaay ,maxaan kuu qabanaa”.

Gabadhina waxay Daahir ugu jawaabtay, “Walaal, aniga Somaali ayaan ahay, imana taqaanid, waxaan kuu waday farriin uu aabahay kuu soo diray.Aabahayna ma taqaanid, laakin waxaad taqaanaa ina adeerkay oo magaciisa la yiraa Muraad”.

 Daahir dhidid waaweyn ayaa ka yimid, waxaana galay baqdin xoog leh, wuuna aamusay.

Gabdhi ayaa waxay Daahir ku tiri kolkuu aamusay,”Walaal, Wax dhib ah ma jiraan ,waxba ha wel-welin, wanaag maahine ,wax kale kuuguma imaan”.

 Daahir wuxuu Gabadhi weydiiyay, “Abaay , Muraad ma ogaa in aad ii -imaanayso “.

Gabdhi: “Maya,Muraad ma ogayn.,mana loogu tala-gelin in uu kulankan ka warqabo, waxaana kuugu imid in aan ku siiyo cinwaanka gurigayna ,waayo aabbahay ayaa doonayo in uu kula fadhiisto, haddii aadan adiga waxba ka qabin”.

Daahir oo garan la’a sida wax u jiraan, imaantinga Gabdhaana uu ku beeray fakir badan iyo wel-wel maadaama ay u sheegtay in ay ilma-adeer yihiin iyada iyo Saaxibkii Muraad, ayaa Gabadhi ugu jawaabay ,waan idiin imaanayaa ee maxaa ku jaban haddii uu Muraad ila yimaado”,

Gabdhi ayaa Daahir ku tiri, “Maya waxba kama qabno in uu Muraad kula yimaado gurigeena ,waana ina adeerkay, laakin in aad Muraad noo wada timaadaan, ha noo ahaato kulanka kale ee aad noogu imaanayso. Walaal waa codsi, markan Muraad ha ku wargelin in aad noo imaanayso, waana kan cinwaanka gurigeena iyo telefoonkeena . walaal , aniga magacayga waa Qamar Shariif Axmed”.

Daahir waa aqbalay codsiga Qamar kaga yimd ,wuxuuna ku yiri,”Abaay, waxaan idiin imaanayaa Caawa Sagaalka fiidnimo marki uu bilowda yaraashaha culayska dadka ka cunteeyo maqaayada, waana mahadsantihiin, iguna salaam Aabbahaa”.

Daahir waa ka tagtay Gabadhi, isagana wuxuu ku noqday maqaayada gudaheeda, waxaana ku bilowday fakir xoog-leh iyo in uu is-weydiiyo, war maxaa laga qarinayaa Muraad, kol haddii ay reerka qaraabo yihiin? xageey kuugu barteen oo yaa u sheegay in aad maqaayadan wax ku leedahay,lagaana helo waqtiyadan? Daahir wuxuu isugu jawaabayay hadba siduu u arkayay jawaabta ku habboon su’aalaha isaga soo daba dhacayay maskaxdiisa. malaha waa albaab kale ee kaahin Marwaan doonayo in uu kuu furo.

Maya,maya Muraad ayaa doonayo in uu lama filaan kaaga dhigo xaalad aadan ku tala gelin ,wanaagna ku jiro maadaama uu saaxibkaa yahay, kuuna tilmaamay Kaahin Marwaan ,sababna u yahay in aad hesho xirsigan jeebka kuugu jiro. war taa hadal ma laho, Muraad ayaa u sheegay maqaayada iyo waqtiga lagaa helaba.

Daahir, maalintaas, maranaba ma joojin in uu arrintan iska weydiiyo su’aalo badan, isla markaasna isaga jawaabo ,haddii uu haleelay jawaabta iyo haddii uu gefayba.

Daahir ,sagaalki fiidnimo wuxuu telefoon u diray guriga reer Shariif Axmed, wuxuuna ku wargeliyay in uu taagan yahay meel aan ka fogayn gurigooda, intaa keddib Qamar ayaa waddada u soo degtay, waxayna Daahir ka wadday isagoo taagan Dukaan aan ka fogayn guriga iridkiisa , Isaga iyo Qamarna waxay wada galeen guriga.

Daahir si heer sare ah ayaa loogu soo dhoweeyay guriga Reer Shariif Axmed, waxaana la geeyay qolka fadhiga oo uu fadhiyay Qamar Aabbaheed. Daahir iyo Shariif Axmed waxay isdhaafsadeen salaam. Daahir wel-welki awalba haayay waxaa ku sii kordhiyay sida diiran ee loogu soo dhoweeyay Guriga gudihiisa, Daahir waxaa loo keenay Cabitaan, Shaahi iyo Biskut .

Shariif Axmed marki uu arkay in Daahir ay ka muuqato xishood, cabsi, wel-wel iyo doonista in uu ogaado si dhaqsiya sababaha loogu yeeray gurigaan, ayuu  wuxuu abbaaray sababti uu Daahir ugu wacay gurigiisa, wuxuuna  Daahir ku yiri, “Daahir, wiilkaygi soo dhowaaw ,waan hubaa in aad isweydiinayso ,sababaha aan caawa kuugu yeeray iyada oo uunan jirin xiriir naga dhaxeeyo haba yaraatee”,

Shariif Axmed hadalkiisa kalama goyn wuxuuna Daahir ku yiri, “Daahir, waxaan ka rabaa in aad dhegahaada ii furto, waxaan kuu wacay waa khayr, waxaana rajeynayaa in aad noqoto nin ka faa’iidaysto siyaaradan”.

Daahir oo aan waxba ka garan hadalka Shariif Axmed, welina ay wejigiisa ka muuqato dhiifoonaan, diktoonaasho iyo maxaa kaaga imaan doono kulankan ayaa waxaa yiri “dhammaanteenba waxaan noo rajeynayaa khayr ee sidee wax u jiraan Adeer, maxaadsa rabtay in aad igala hadasho”.

Shariif Axmed wuxuu Daahir ku yiri “War Daahir Kaahinka aad Masar ugu tagtay, Aniga ayaa u tilmaamay Saaxibkaa MuraAd , markaan isaga dalkaan keenay, Iqaamana u sameeyay, geeridi aabbihiis ku timid keddib Allah ha u naxariistee”.

Inti uunan shariifka hadalka dhammayn ayuu Daahir dhaxda uga soo dhacay hadalki, wuxuuna Shariifka ku yiri”Adeer waa ogahay intaas Muraad ayaana ii sheegay”.

Shariif Axmed halkiisi ayuu ka waday hadalka, wxuuna Daahir ku yiri “Daahir, hadalkayga dhuux ,iina kaadi inti aan ka dhamaanayo warkan, keddibna go’aan ka qaadashada talada aan kuu soo jeedinayo adigaa iska leh, ilaaheyna ha na soo haddaayeeyo, towfiiqdana Allah ha na waafajiyo”.

Daahir oo la yaabay hadalka Shariif Axmed ,wax uu sheegana garan waayay ayaa yiri “Haye adeer ee wado hadalka waan ku dhegaysanayaa”.

 Shariif Axmed Wxuu Daahir ku yiri,” Adeer, waxaan ahaa nin uu aad u liito Iimaankiisa ,aadna ugu tiirsan faaliyayaasha, aniga oo saas ah ayaa mudda hadda laga joogo Afar bilood waxay gabartayda Qamar igu tiri,”Aabbe howlahan aad faraha kula jirto, waa waxaynan ogalayn diinteena Islaamka, waa xaaraan, waana kaa cabsanayay in mudda ahba, laakin maanta waxaan ku dhiiraday in aan ku weydiisto in aad u jeesato dhanka Ilaahey ,Shayaadiintana ka fogaato,waxaana kaa rajeynaya in aad iga aqbali doonto Aabbe macaan”, Daahir, inta aynan Qamar hadalkeeda dhamayn waxaan la helay dharbaaxsho kulul waxaana ku iri  “Caasi ayaad tahay iyo gabar aanan tarbiyaysnayn, waana ogahay waa habartaa waxaa kuugu dheelay ,kuuna sheegay in aad Aabbaha ku tiraa iimaankaada waa daciif, orad iga tag meel baas ilaahey ha ku geeyee”,  Qamar way iga tagtay iyadoo oynayso. Toban maalin keddib hadalkaas markay Qamar igu tiri ayaan Aniga, Xaaskayga ,Qamar oo carrurtayda u weyn, wiil iyo gabar iyada ka yar, dhammaanteen waxaan Shil Baabuur (Car accident) ku galnay dariiqa isku xiro Riyadh iyo Damaam, annaga oo Damaam ka soo socono, waxaa Shilkaas iiga dhintay wiilki iyo Gabarti caruurtayda ugu yaraa Alla ha u-naxariistee . Aniga, Xaaskayga iyo Qamarna waan ka badbaadnay Shilkaas,Alxamdu-lillah. Maalintaas keddib waxaa i koray culays weyn, waxaan soo xasuustay waanadi gabartayda.

 

Kaddibwaxaan u tegay shuyuukh waaweyn, iyagana waxay i tuseen khaladkayga, waxay igu yiraahdeen “u noqo ilaahey, kana towba keen denbi wixi aad horay u gashay ,Ilaahey waa denbi dhaafe naxariis badan” , waxaan u towba keenay ilaahey ,waxaana weydiistay cafis iyo magfiro, waxaan rajeynayaa in uu Ilaahey iga aqbalo, waxaana bilaabay Shanta Salaadood oo fardiga ah in aynan hal Salaad iga tegin.

Haddana intaas Keddib,mar kale waxaan u tegay Sheekh weyn oo macruuf ka ah dalkaan Sacuudiga, waxaana u sheegay qisadayda iyo sida aan ugu tiirsanaa la tashiga faaliyayaasha (Kuhannada)  iyo sidaan ugu adkaa ku dhaqanka talooyinkooda iyo sidaan ugu dhiiri-geliyay dad badan oo aad adiga iyo Muraad ka mid tihiin u-tegistooda, Adiga dhankaada ,Muraad waa ila socodsiin jiray arrimahaada, waxaana ku adkeeyay in uu kuu diro Kaahin Marwaan.

Calaa-kulli-xaal Shiikhu wuxuu i faray arrimo badan oo ay ka mid yihiin in aan ilaahey u towba keeno, towba saadiq ah,iyo in dadki aan ku dhiirigeliyay ku tiirsanaanta kuhanada, ciddi aan arki karayo u sheego in ay xaaraan tahay u tegista kuhanada(Faliyayaasha), si uu iiga yaraado danbiga.

Waayo ayuu ugu yiri “dadkaas haddii ay ku sii socdaan jidkaas xun markaad u sheegto keddib in ay xaaraan tahay u tegista kaahinka sideedaba, denbiga ay ka galaan ilaahey, iyaga ayuu ku gaar ahaanayaa “Daahirwar iyo dhamMaantiis ,waxaan kuugu yeeray in aad u noqoto ilaahey, iskana dayso u tegista faaliyayaasha iyo ku dhaqanka talooyinkoodaba, ogaatana ruuxi u tago kaahin in aanan Afartan Salaadood laga aqbalayn, qofki rumaysta hadaladiisana uu yahay Kaafir”.

Daahir oo aad uga xumaaday haddalada uu ku yiri Shariif Axmed ayaa si fudud, wuxuu dhaxda uga soo dhacay waanadi shariifka u waday, wUxuuna shariifka ku yiri “Adeer,hadalkaada  ka soo qaad Aniga oo aanan maqlin, laakin waxaan ku weydiiyay, warkan ma-u sheegtay wiilka aad adeerka u-tahay, Adigana aad keentay dalkaan”.

Shariif Axmed oo aanan is-xumayn ayaa Daahir ku yiri”Daahir ,taladan iyo mid ka sii faah-faahsan ayaan u sheegay Muraad, waa igu diidyay, si cad ayuuna ugu gacan sayray waanadayda. Adigase waxaan kaa codsanyaa in aadan hadalkayga ka boodin, kana fekerto, iskuna daydo in aad arrintan wax ka weydiiso Shuyuukhda baratay cilmiga diinta islaamka, waana ku mahadsantahay in aad aqbashay casumaadeena”.

Daahir oo sidiisaba ah nin afgaaban, wuxuu aad uga carooday talada uu Shariif Axmed u soo jeediyay, waa istaagyay, wuxuuna shariifka ku yiri”maxaad ka qabtaa in aad i tusto iridka laga baxo gurigaaga”.

Shariifka waa garayay in Daahir aad uga carooday haddaladiisa ,wuxuuna ku yiri”Daahir ina-keen waa kaa iridka laga baxo gurigeena ,waxaansa ilaahey innooga baryayaa in uu na soo haddaayeeyo dhamaanteen,mar kalana isugu kayn keena wanaag”.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

 



         

Top