Home Qoraallo Sooyaalka Kismaayo W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

Sooyaalka Kismaayo W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

0
SHARE

 

Sooyaalka Kismaayo.

Inkasta oo boqolaal sanno ay dhisneed haddana kismayo waa ka da’ yartahay magaalooyin badan oo soomaaliya ku yaal, laakin waxa ay noqotay magaalo aad u kortay.Magaalada kismayo waxaa asaasey qabiilka Baajuun ,magacuna waxa uu ka yimid luqadooda –KISMA oo ah god iyo YU oo ah dheer ,taa oo ah Godkii ama ceelkii dheeraa, sida qoraalladu ay sheegayaan isticmaarkii Carabta iyo reer galbeedka ka hor waxa ay gashay xukunka Laba maamul oo Soomaali ah.

Qarniyadii dhexe kismaayo waxa ay aheed tuulo ay degaan kalluumeysato. Waxaana qabsaday boqortooyadii xoogga badneed ee Ajuuran oo degaanka u istimcaashay beero sida uu qoray qoraagii Mareeykanka ahaa Dr . Lee casanelle.

kaddibna waxaa kismaayo xakumayay Gobroon Dynasty. Ciidankan waxa asaasay  askari Galadi ahaa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Adeer, kaas oo gooba badan oo ay iskaga hor yimaadeen ku jabiyay ciidanka  boqortooyadi Ajuuraanka. Boqortooyadii Galadiga ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay markii ay xukumayeen,Suldaan Yuusuf Maxamud Ibraahim, oo dagaala badan ku guuleeystay 1843 iyo Suldaan Axmed Yursuf ilaa iyo geeridii suldaan Cusmaan Axmed in 1910.xukunka Galadiga ee kismaayo waxaa culeeys ku hayay waddamadii kale ee daneeynayay Kismaayo.

 

 

Intii u dhaxeeysay 1836 – 1861 kismaayo waxaa xakumayay boqortooyada Cumaan. Nuskii dambe ee qarnigii 19aad waxaa kismaayo soo dagay tira badan oo aheed xoola dhaqato Mareexaan ah,iyada oo hore ay u sii deganaayeen Ogadeenku , kaddibna waxaa soo dagay dhulbahante oo ka soo firxaday dagaalkii sayid Maxamed Fiiri marqaati (FM). Buugga “ Green stone –kismayo”. In kasta oo deegaanka ku hareereeysay ay deganaayeen qabaa’illa  kale oo farabadan.

Ganacsatadii Hartiga ayaa ingriiska la fal galay oo noqday shaqaale dowladeed ,waxna bartay waxa ayna ahaayeen dabaqadii reer magaalka ee waqtigaa jirtay, waqtigaa Kismaayo iyo deegaanada ku wareegsan ayaa talyaaniga lagu wareejiyay 30 June 1926. Waxaana ku noolaa 120.000 qof FM.( history of east Africa ee uu qoray, Roland anthoney. Iyo buugga Somali proposal for future ee uu qoray Osman, Mohamed amin).

Ingriiska ayaa xakumayay kismaayo 1887 – 1924, kaddibna talyaaniga, , Jubbaland waxa ay ka mid aheed dhulweeynihii ingriisku ka gumeeysanayay Afrikada bari-British East Africa colony. Jubbaland ingiriisku waxa uu u yaqiin inta u dhaxeeysa wabiga Juba (the Nile of East Africa’) iyo webbiga Tana ee mara waqooyiga Kenya .kadibna jubbaland waxaa loo qaybiyay labo, qayb loo bixiyay NFD oo ingriiska ku hartay iyo qayb sii wadatay magacii Jubba and oo talyaaniga lagu wareejiyay.

Markii boqorkii Carbeed ee Zinzibar uu ku dooday in xataa dhulka xeebaha ka fog uu xakumo ayaa, chancellor Otto von Bismarck uu soo diray 5 markab dagaal oo soo gaaray xeebaha 7 August 1885 kaddibna burburiyay qasrigii boqorkii Carabta , markaas kaddibna Ingriiskii iyo Jarmalkii ayaa ku heshiiyay in ay qaybsadaan dhulkii boqorku xakumayay ,boqorkiina waa ogolaaday.

Sannadkii 1893,dagaala xooggan ayeey ogadeenku la galeen ingiriiska sida uu xataa qirayo taliyihii ciidanka badda ee talyaaniga Sir.E. Lovatelli della R. Marina Italiana, FM. (Bibl.: G. Chiesi, La colonizzazione europea nell'Est Africa, Torino 1909; C. Zoli, Notizie sul territorio di riva destra del Giuba, Roma 1927).   

Hartigii kismaayo degenaa waxa ay oggolaadeen in ay hoos tagaan Ingiriiska 1895,laakiin waxaa diiday in isticmaarka lala heshiiyo ogaadeenkii oo sii waday dagaal illaa la jabiyay ogaadeenkii saddax sanno kaddib bishii agosto 1898 waxaana lagu xakumay in ay bixiyaan ganaax dhan 500 neef oo lo’ah, laakin haddana dhallinyaro ayaa sii waday dagaalkii illa ay dileen guddoomiye ku xigeenkii ingriiska ee deegaanka Mr. Jenner . kaddibna ingiriisku waxa uu diyaariyay 1,500 askari oo uu hoggaaminayo , Col. Ternan,waxa uuna dagaalka qaaday February 1901, waxa lagula dagaallamay 150 goobood inkasta oo uu ingriisku duldagay ceelashii biyaha,iyo waddooyinkii ganacsiga ,haddana kuma guuleeysan.

Sanadkii 1925 qabiilka mareexaan ayaa ingriiska la galay heshiis iskaashi ah, Mareexanku in ay ingriiska gacan ku siiyaan, in mareexaanka duubkooda Ugaas Xirse uu maamula qayb badan oo ka mid ah Jubbaland gaar ahaan min kismaayo illaa Libooye. Isla sannadkaa 28/06/1925 waxaa xeebta kismaayo ka dagay Commissario Corrado Zoli oo talyaani ahaa,laakin si rasmi ah ayaa dekereeto loogu magacaabay 1/7/ 1926. wakiilkii talyaaniga ayaa yiri kismaayo waxaa degen qiyaas ah 3600 qof kuwaa oo 140 ay yihiin Europei, 1746 Somali, 1087 Carab inta kalena waa Hindi, Goanesi, Eriteriyaan , Baajuun iyo sawaaxili, waxaa ku yiil hal kaniisad-katolic ah, hal dugsi hoose,xarun Mission kirishtaan brotestan,hal farmashiye,iyo hal bukaan socod eeg oo ay joogtay hal kalkaaliso ,Sideed masjid oo lix ay sunniyiin leeyihiin iyo laba aan sunni aheeyn oo hindidu laheyd , Boosto(Post) iyo xafiis gaadiidka dadweeyne.waxa ka jiray ganacsi xoog leh oo malaayiin lagu xisaabtamo.Xuriyada kaddib Kismayo waxa ay noqotay magaalo madaxda gobalka jubbada hoose oo ah gobal ay ay ku wada noolyihiin dhammaan qabiilada soomaaliyeed .

FG: qoraallada aan heli karayay oo xadidnaa,ayaan haddana intan ku soo koobay si aqristayaashu ayna ugu caajisin. Wixii aan ka tagay waad ku dari kartaa, wixii aan khaldayna waad sixi kartaa.

W/Q: Prof Yahya Amir.

SHARE