MASHAQO IYO MASKIIN MAXAA KALA HAYSTA? (Sheeko gaaban) Qaybta 1aad

                MASHAQO IYO MASKIIN MAXAA KALA HAYSTA?

                                      (Sheeko gaaban)

Qaybta 1aad

Iimaan wuxuu ahaa mid waligiis dagaal kula jiray Faqri oo marba dhinac ay dabeesha damaca wadata ula liici jirtay, micnaha ayaa ah in marba meesha uu is lahaa waad ka ceeshi kartaa ayuu culayskiisa oo dhan isugu keeni jiray.

Iimaan lama dhalan wax caruur ah kaligiis ayuu ahaa waligiis oo hooyadiis iyo aabihiisaba ilma kale ma dhalin. Hooyadiis isaga oo yar ayey dhimatay waxaa kafaala qaaday eedadiis la ilma adeer ahayd aabihiis.

Ciddiisa oo dhan faqri ayaa kuwada hareeraysnaa inta uusan dhalan ka hor iyo marka uu dhashayna wax is baddal ah ciddaas kuma imaan heerka dhaqaalahooda, waxay ahaayeen mar walba kuwa dagaal kula jira waxa jidinkooda mari lahaa.

Waa gaddigaa ceynka nolosha, iimaan marka uu soo hana qaaday dadaal badan ayuu sameeyay, dadaalkaas oo ahaa sidii uu xoogiisa ugu caana maali lahaa oo uusan qof u baryin, waxaana la dhihi karay wuu dadaal badnaa, balse dadaalkiisa ma ahayn mid meesha uu tiigsanayay gaarsiin karay.

Wax uu marba meel ka dhaco markii dambe waxay dunida kasoo tuurtay in uu usoo hayaamo Dalka Kenya oo uu ku tuhmayay mid adeer labaad ugu aadanaa oo la dhihi jiray Xaaji Saleebaan, kaas oo ganacsi iyo qoysba ku haystay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Xaaji Saleebaan wuxuu ahaa nin naxariis badan oo dad jecel, qaasatan qaraabadiisa kuma sii jirin, wuxuuna ahaa mid ku noolaa Wadanka Kenya marka laga soo tago Dalka uu issir sheegto ee Soomaaliya.

Xaaji Saleebaan wuxuu lahaa qoys balaaran, ilmihiisa waxay u badnaayeen gabdho, qaar waa hore ayaa la guursaday oo qoysas ayeyba lahaayeen qaarna wali waa soo baxayeen, qaar kalana waxay ahaayeen kuwa u diyaarsan in la guursado balse calafkooda ku suganaya guriga ay ku dhasheen.

Amran waa mid ka mid ah gabdhaha uu dhalay Xaaji Saleebaan, waa Gabar la oran karay waxay ku fil ahayd amaba ay xoogaa aan sidaa ahayn ka waynayd Iimaan, balse waxay ahayd qof aan dhamaystirnayn oo dhanka dhimirka si ka ahayd.

Ma ahayn mid waalan ama xubnaheeda ay kala dhinaayeen, balse waxay ahayd mid dareenkeedu kulul yahay oo aad looga baqo, teeda kale aan sida dadka caadiga ah u dhaqmin.

Waxay ahayd qof dagaal badan oo aan dulqaad lahayn, qof xanaaq badan oo marka ay xanaaqdo waxay doonto samayn kartay, xitaa laga yaabay in qof ay qudha ka jarto, xaaji saleebaan oo ahaa aabaheed waa hore ayuu go’aansaday in uu gabadhan is dhaafiyo micnaha uu reer u yagleelo kuna dhaqaaleeyo ninka ka guursada si ugu yaraan ay u dareento Mas’uuliyad una dagto, waa sida uu is lahaa xaajiga.

Iimaan oo dhawaan ka yimid Soomaaliya ayaa kusoo dagay qoyska xaaji saleebaan oo ay qaraabo dhow ahaayeen, si wanaagsan ayaa loo soo dhaweeyey runtii Hooy iyo hooba waa la iskugu daray, muddo markii uu joogayna waxaa shaqo laga siiyay Carwo uu xaajiga ku lahaa magaalada halkaas uu ka ahaa gade dukaanka wax ka gada.

Iimaan waa u toostay, wax weynba yuusan helin balse waligiis ma uusan helin meel uu seexdo iyo meel uu u shaqa tagaba waa la iskugu daray, mushaarka uu qaadanayay inkastoo uusan ahayn mid sidaa u balaaran hadana wuu ku filnaa ayaa la oran karay maadaama uusan bixinayn wax Kira ah iyo Quudba.

Waqtigu wuxuu is daba guraba waxaa la gaaray heer carwadii looga dhigo maamule, mushaarkiina waa loo kordhiyay kadib markii uu muujiyay howl karnimo iyo dadaal uu aad ula dhacay Xaaji Saleebaan.

Xaajiga wiilka aad ayuu ula dhacay wuxuuna ka dhigtay sida wiilkiisa oo kale wax walba wuu la wadaagi jiray, wuuna la tashan jiray, Iimaan naftiisa ma ahayn nin xun, aamin ayuu ahaa dadaal dheeraad ahna Alle wuu ku mannaystay oo Xoolaha xaajiga ku meeleeyo.

Xaajiga markii uu arkay dadaalka iyo kartida uu iimaan kusoo kordhiyay shaqadiisa ayuu goostay go’aan ah in uusan wiilka iska sii dayn oo u dhiso gabadhii uu guurka la doonayay ee Amran ahayd.

Amran iyada ma ahayn mid wax diidda ama yeesha waayo fakarka sidaas ahba kuma jirin waxay ahayd oo kaliya qof ku nool guriga aabaheed, maadaama dhimirka ay xoogaa ka dhinnaydna diidmo iyo yeelidba loogama fadhin oo go’aanka nolosheeda waxaa gaarayay aabaheed.

Xaajiga wuxuu usoo bandhigay arrintii Iimaan, imaan aad ayuu marka hore u dhibsaday in uu wax la wadaago gabadhaas iyada ah oo uu aqoon gaar ah u lahaa maadaama ay isku guri ku noolaayeen, balse markii uu cadaadis xoogan kala kulman xaajiga iyo xaaskiisa ayuu ka aqbalay.

Aqbalidda iimaan uu aqbalay amran ma ahayn mid rabitaankiisa ku timd ee waxay ahayd mid aad loogu riixay, wuxuuna xaajiga u sheegay iimaan in wax qarash iyo taakula ahba aan laga rabin iimaan, sida uu hadda cidda uga tirsan yahayna uga tirsanaan doono isaga iyo gabadha loo guuriyayna la dajinayo xaafadd qayb ka mid ah laguna ogaanayo.

Iimaan maadaama uu ahaa Doob guur doon ah, hadana inkastoo dookhiisa aysan amran ahayn ayuu ku qaatay duruufaha haysta, isaga oo eegaya mustaqbalkiisa dambe, aad ayuuna u jeclaa runtii in uu xaajiga ku xididaysto oo uusan waligiis ka ag dhaqaaqin.

Dhanka xaajiga naftiisa sida uu iimaan u fakarayo ayuu u fakarayay oo maba rabin uu iimaan ka tago, sababtaas darteedna uu gabadhiisa ugu daray, si uu u xasilo iimaan, xoolaha iyo shaqada uu hayana uu usii dareemo masuuliyaddeeda midda uu hadda hayo mid kasii wayn.

Waa sidaas, guur laguma qasaaro, iimaan iyo amran guurkoodu wuu bulaalay, barwaaqo ayuu dhalay, amran way ku dagtay guurkii oo haddii shalay lagu tilmaamayay qof aan dhamaystirnayn oo dhimirka la’ waa tan maanta bar baarinaysa Ubad ay iyada hooyo u tahay cid ku caawisaana aysan jirin, taas oo ay usii dheertahay baxnaaninta ninkeeda Iimaan ah.

Amran waxay u dhashay iimaan 3 wiil iyo gabar ay ku curatay marka hore, aad ayeyna isku fahmeen runtii, kulaylka ay u dhalatay waa halkiisa,balse, ninkeeda iyo ilmaheeda uma darnayn, runtii waxaa la dhihi karay sida loo malaynayay si ka wanaagsan ayey amran ula qabsatay nolol la wadaagidda iimaan.

Imaan qudhiisa ixtiraam badan ayuu u ahay amran iyo qoyskeedaba, isaga taariikhdiisa gaar ayey u ahayd oo waxa ay in la noolaado la macna tahay dhibkeeda horey ayuu usoo arkay, maanta wuxuu isku haystaa Xaas, Caruur iyo maal uu isagu wakiil ka yahay balse uusan tacbin.

Dunida waa dan socota, inta isku danaysata ee dantooda isla fahmaana waa inta guulaysata mar walba, inta aan isla fahmin kama dhamaadaan dibir iyo dareen xumo joogta ah, dadaalka uu sameeyey iyo galladda Eebe ayuu ku gaaray Iimaan ayaa la dhihi karay xaalkan.

Rag waa damac socdo, iimaan markii uu saldhigtay laguna wareejiyay masuuliyadda shaqada uu ka shaqeynayay oo khibraddeeda uu lahaa ayuu wuxuu bartay maalin maalmaha ka mid ah gabar ka mid ah gabadhaha usoo suuq doontay carwada uu ka shaqaynayay.

Magaceeda wuxuu ahaa Safiyo, aad ayey u cajabisay runtii, qorshihii noloshiisa oo dhan ayey wax ka baddashay gabadhaas, wuxuu isla noqday qof uusan ahayn, wuxuu hilmaamay ama garan waayay waxa uu ahaa iyo waxa uu hadda yahay, hantidan uu ku tamashleenayo oo uu naagaha ugu faanayo in uusan isaga lahayn, teeda kale wuxuu garan waayay ixtiraamka ay ka mudnaayeen Amran iyo ciddeeda.

Ma ahan in aan ku dhaleecaynayo in uu naag kale raadsaday ama damcay ee waxa aan ku dhaleecaynayo ayaa ah in mas’uuliayddii la saaray uu sii dayacayay, dareenka uu safiyo u hayay oo baaxad waynaa dartiis.

Qofka garanayay iimaan wuu dareemi karay in uu is baddalay oo wax badan uusan sidii hore ku ahayn, waqtiga uu la qaadan jiray xaaskiisa iyo caruurtiisana uusan waayahana la qaadan marka ay amran waydiisana uu ugu soo koobi jiray in ay shaqada badnayn oo uu shaqada kusoo daahay, intaas markuu yiraana amran hadal kale uma furi jirn way ka gaabsan jirtay.

Waxaa is baddalay dabeecadii iimaan, xanaaqiisa ayaa batay, kahashada uu kahanayo amran way badatay, waqtiga waa ku yaraaday oo wuxuu bilaabay in uu waqtigiisa shaqada qayb ka mid ah la haasaawo safiyada baddashay noloshiisa.

Safiyo runtii qof xun ma ahayn, wax badan oo iimaan noloshisa ah in ay ogaatana iskumaba mashquulin, iimaana sidaas uguma sheegin oo ma doonayn inta uu gacantiisa safiyo ku hubsanayo in uu sheego wax keeni kara carqald iyo caqabado sababi kara gabadhan maankiisa qaadatay in ay ku kala jarmaan.

Iimaan iyo safiyo muddo markii uu soo jiitamayay xiriirkooda ayey go’aansadeen in ay is guursadan, iimaan runta ayuu u sheegay safiyana way ku aqbashay wax walba uu ka doonayay.

Shuruudo badan la iskuma xirin is faham wanaagsana ayey labadaba muujiyeeyay oo dhanka arrimaha ay ka hadleen ah, runtiina waxaa la dhihi karay safiyo si wanaagsan ayey ugu garaabtay uguna hiilisay markii uu iimaan u sharraxay duruufaha noloshiisa ee ah in uu ku dul nool yahay cid xididkiisa ah, isla ayagana uu u shaqeeyo.

Maadaama labadoodaba jacayl baaxad leh ay isku qaadeen wax walba oo qofka kale codsado qofka laga codsado ma diidayn, waxaa lagu heshiiyay in la is hanto maadaama dhanka is hanashada aysan dood ama darbi ku xiran uusan jirin.

Iimaaan in uu safiyo guursado wuu doonayay balse ma rabin in guurkiisa la ogaado, wuxuu doonayay in uu safiyo hanto oo reerkeeda oo kaliya la socodsiiyo guurkeeda inta kalana laga qarsho micnaha reerka uu gabadha ka qabo iyo xaaskiisaba.

Safiyo shuruudaha iyo rabitaanka uu soo bandhigay iimaan marka hore iska caabin waa ku samaysay, balse markii ay ogaatay in iimaan ay ka go’antahay in uu sidaa sameeyo ama uu iyada waayayo ayey ka ogolaatay.

Heshiiska ay wada galeen labadooda marka aad si hoose u eegtid waxaad ka fahmi kartaa in wax walba loogu daneeyay Iimaan oo safiyo ay iyada tanaasulaad badan muujisay si ay u hanato Iimaan.

Waxaa lagu heshiyay in safiyo ciddeeda oo Diinsoor daganayd lala hadlo oo sidaa looga doono xoogaa yar oo qarash ahna loo diro, meherkoodana uu ka dhaco Nairobi, kadibna guri laba qol ka kooban la dajiyo safiyo, halkaana uu kusoo booqdo galabkii ilaa habeenkii afar saac, intaa wixii ka dambeeyana uu usoo hoydo reerkiisa ay Amran madaxda ka tahay.

Heshiiska Safiyo iyo Iimaan waxaa kaloo ka mid ahaa in aysan ku dag dagin ilmo dhalid, codsigaasna waxaa si gaar ah u codsaday Iimaan oo ku andacoonayay in uusan wali isku toosnayn ilmana uusan wali kafaala qaadi Karin.

La soco qaybta 2aad isniinta kale insha allah

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Xabuu8@gmail.com

ekisyare@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN