MASHAQO IYO MASKIIN MAXAA KALA HAYSTA? (Sheeko gaaban) Qaybta 2aad

                MASHAQO IYO MASKIIN MAXAA KALA HAYSTA?

                                      (Sheeko gaaban)

Qaybta 2aad

 

Gabar wanaagsan oo danta ay leedahay garanaysa ayey ahayd Safiyo, ma ahayn in ay doonaysay ama danteeda ay u aragtay qarashaadka yar uu siinayay ee waxay ahayd mid si dhab ah u jeclaatay lana fahantay duruufta ku riixaysa in uu codsdiyada nuucan ah dhiibto, wayna u garaabtay ayaa la dhihi karay, waxayna ku tiri waan ogolahay marba haddii aadan adiga igu cadadin doonin in aan ilma kuu dhalo, waan kuu dhalayaa ilmo insha allah balse waa xilliga aan isla garano ayey hadalkeeda kusoo gunaanadday Safiyo.

Jacaylka ka dhaxeeya Iimaan iyo Safiyo marba mark aka dambaysa wuu sii laba lixaadsanayay waxaa intaas ku dhex baxday waqti dhan laba sano oo, waxa sii siyaadayana wuxuu ahaa jacaylkooda, heshiiskooda dhanka ilama dhaliiddana wuxu ahaa mid sidii lagu heshiiayay u taagan oo wax is baddal ah aanu ku iman.

Tala waa tii Eebe qaddartiisana waxay soo dhigataa iyada oo aan laga baddali Karin waqtigii loogu tala galay, Iimaan iyo Safiyo ayaga oo suubinaya qaab kaste oo ay uga hortagi karaan in ay safiyo uur ku qaaddo ayuu Alle amrkii yimid sidaana safiyo uur ku qaadday.

Maalmo ayaa la is canaantay la isku xanaaqay, safiyo waxay istaagtay in uu Alle ku mananaystay ubadkan, iimaana wuxuu istaagay in safiyo ay qayaano suubisay, ubadkan caloosha galayna aan isaga lagala tashan oo sifiyo ay iyada wax habaysatay micnaha isag aay ka qarisay.

Maalmo markii la isku xanaaqsanaa kadib oo lagu sigtay in lagu kala haado reerka ayuu soo tanaasulay Iimaan oo si fiican u jeclaa Safiyo una arkayay in ay tahay dookhiisa dhabta ah, safiyana ay ku timid damiciisa iyo dookhiisa amranse aysan sidaa ahayn.

Iimaan marka uu sidaa u fakarayo wuxuu hilmaansan yahay in Amran ay leedahay xaqa ay safiyo leedahay oo kale ayna mudantahay in loola dhaqmo sida Safiyo loola dhaqmo, in uu xaaji saleeban dhalay kadiban waa in uu gartaa iimaan in gabadhu ay marna walasshiis tahay marna ay xilihiisa tahay.

Nin jacayl jaha tiray miyaa warkaas garan kara, isbaddalka ku dhacay ma ahayn mid qarsoon, balse Xeelad, Xisaab iyo Caqli ayuu isku qarinayay, Iimaan xaajiga xagiisa lagama xigsan Karin oo si gaar ah ayey saaxiib u ahaayeen shaqana waa ka wada dhaxaysay.

Iimaan isaga oo dhex dabaalanayaa badwayntaas jacaylka ah, hadana xilkasnimadiisa marnaba kuma xad gudbin hoosna uma dhigin shaqadiisa iyo sheekadiisa kalaba wuu isku watay, mid walbana dhinac ayuu ka qancinayay, oo dhanka shaqada marnaba lagama dareemin in uu hoos u dhac ku yimid wax walba waxay ahayeen sidii loogu tala galay.

Musiibada marbey ku asiibtaa, in ay ku asiibtana la isma waydiiyo ee raadka ay reebto ayaa la is waydiiyaa, waxaa dhacday in safiyo waqtigii ay dhali lahayd la gaaray, dhaqtarkii ay la socotayna uu sheegay in gabadhan aysan si caadi ah u dhali Karin sidaa darteed loo baahan yahay in qalliin lagu dhalsho.

Cadadka lacagta lagu qalayo oo loo sheegay aad ayuu u badnaa isbitaalka lagu samaynayo qalliinkaasna isbitaal qaali ah ayuu ahaa, sidaa darteed ayuu wax walba ku aqblaay iimaan, maadaama Qatar ay ku jirto gacalisdiisa Safiyo.

Inta waxaas oo dhan dhacayaan cid la socoto ma jirto, wax wlaba caadigooda ayuu u wataa Iimaan, qarashka uu isticmaalayana waa midka dukaanka uu soddogiisa ku amaaneystay, waa isla dukaankaas waxa uu ka guursaday, runtii xoogaa takri fal ah ayuu sameeyay baa la dhihi karay Iimaan, isaguna wuu ogaa in waxa uu samaynayo aysan ahayn wax wanaagsan, balse wuxuu iska dhaadhacsahay in dantu ku qasabtay ee uusan marnaba damceen xoolaha xaaji saleebaan.

Waxaa dhacday in qalliinkii lagu sameyay safiyo ilmihiina looga dhlshay, nasiib wanaag safiyo waxay qalliinkaa ku dhashay wiil iyo gabar mataana ah, aad ayuu ugu farxay Iimaan.

Nasiib darro kale ayaa dhacday isla habeenkaa ay dhashay safiyo ilmaha ayey waxay gashay Miyri daboolan (Koma), komadaas oo aysan kasoo laaban ilaa muddoo laba usbuuc ah, maalin ayey soo nabdaaday kadibna waxay si gooni ah maalintaa indhaha ugu doogsatay ilamaha ay dhashay, waxoogaa hambalyo iyo mahadnaq ahna waa u jeedisay saygeeda iimaan, isla habeenkaana koma kale ayey gashay taas oo aysan kasoo laaban oo ku naf waaysay.

Ma ahayn arrin uu filayay iimaan, waxaa dhacday in hal mar uu galo jahwareer dhinac walba ah, isbitaalka maadaama ay laba usbuuc ku suuxsanayd safiyo lacag gaaraysa ilaa dhowr iyo toban kun oo dooalr ayuu soo dalacday.

Waxaa ilmaha u kafaala qaaday gabar ay ilma habreed ahaayeen safiyo taas oo isla maalintii ay safiyo dhimatayba ilmaha kasoo qaadday kuna haysay xaafaddeeda, iimaana wuxuu la tacaalayay qaabkii u aasi lahaa Safiyo, lacagta deynta isbitaalkana uu u gudi lahaa.

Iimaan carwada uu maamulaha ka yahay ma ahanee meel kale uu lacag ka heli karay ma jirin isla carwadaas ayuuna ka qaatay lacagta, hadda xusuusnow lacagta la qaadayo waa xaaji saleeban lacagtiisa, waa amranta isaga xaaskiisa koowaad ah lacagta uu aabaheed tacbay, ninkan iimaan ahna uu shaqaalaha ka yahay.

Iimaan wiixii uu samayn karo wuu sameeyy wuuna ku guulaystay in uu safiyo soo aaso, kadibna wuxu ku fakaray ilmaha yar yar uu soomaaliya geeyo oo reerka safiyo uu u geeyo maadaama uu isagu waxba u tari Karin marba haddii ay hooyadood dhimatay, waxa kaliya oo uu is lahaa waad u qaban kartaana  waxay ahaayeen biilkooda in uu soo helo.

Wuxuu dadaal dheer u galay in uu ilmaha geeyo Diinsoor, waxaa arrintaa ka caawiyay gabadhii haysay oo iyadu ahayd mid meesha ku sugaysa in ay ka dhoofto ninkeeda oo dibadahaas ku maqana uu u dacwoonayay.

Kadib markii uu ilmaha geeyay ayuu Iimaan aad u dhibsaday in uu xaajiga ka qariyo in uu ku takri falay xoolihiisa duruufta ku kalliftayna in uu la wadaago ayuu nafis u arkay in ay u tahay.

Xaajiga ayuu inta u yeeray buu sheekadii bilow ilaa dhamaad usoo gunaanaday, xaajiga nin fiican ayuu ahaa wuxuu ku yiri lacagtaas dhib iguma haysee iska jir Amran, wax walba waa ka suuroobaan in ay samayso, aniga kuma sheegayo, rag ayaan ahay adiga oo kale ah, gabadhaydana si xun ulama aadan dhaqmin, afarna waa kuu banaantahay, amaa qaladka aad xoolahayga ku isticmaashay idan la’aantayda kaas waan kaa cafiyay mar dambe ha u noqon, wiilkayga ayaa tahay kuma tuuri karo, waadan ogtahay sababta ayuu xaajiga hadalkiisa kusoo gaabshay.

Arrinta sidaas ayey ku qarsanayd intii muddo ah, nasiib darro waxaa dhacday gabadhii ilmaha u qaadday Iimaan ee diinsoor u geysay ayaa marki ay laabtay la sheeko wadaagtay Naag ay Amran qaraabo hoose ahaayeen.

Marka ay la sheeko wadaagaysa kama ahayn wax bur buri ee waxay ka ahayd iska sheeko dumareed dhex martay Dumar, taas oo runtii sababtay in amran warka inta loo geeyo waliba xoogaa dulma lagu sii daray oo amran lagu kicinayay.

Iimaan dareen ku joog ayuu ahaa mar walba, wuuna ogaa arrintan ay maalin uun soo gali doonto gurigiisa, wuu ku fadhiyay ayaa la dhihi karay balse wuxuu ka fakarayay mar walba ficilka iyo talaabada ka imaan doonto amran baaxadda waxyeeladeeda heerka uu gaari doono.

Mar walba wuu ogaa in amran aysan talaabo la’aan noqon doonin, talaabo naftiisa Qatar galisana ay qaadi doonto, aad ayuu u baqayay, waxa uu ka baqayana wuu ogaa oo waa xaaskiisa.

Amran arrintii waa maqashay, go’aan ayey gaartay ah in ay nolosha dhaafsiiso Iimaan, waxay samaysay Saliid iyo biyo kulul ayey labadoodaba midba gooni u diyaarsatay, marka ay sidaa damacsantahay in ay samaysana nasiib darrada ayaa ah in iimaan uu korka ku hayo Wiil yar oo laba Sana jir ah oo amran ay dhashay.

Iimaan oo fadhiga casha ku sugaya dareena qaba ayuu arkay hal mar arman oo Digsi la soo cararaysa, isla markiiba inta fadhiga ku xooray wiilkii yaraa waa ka cagaha wax ka dayay, amrana iyada oo is dhahaysa ku sayri biyaha ayaa waxaa ka fara baxday digsigii dhamaa kaas oo sidiisa isagoo ah ku rogmaday korka wiilkii yaraa ee uu hayay Iimaan,

Waxaa nafta dhulka la dhicin yariiskii yaraa ee ay labadoodaba dhaleen, meeshaas ayuu ku gubtay kuna naf baxay wiilkii yaraa, amrana naxdin ay naxday darteed ayuu hadalku ugu ceshoomay oo kalimad dambe afkeeda lagama helin shib mooyee.

Iimaan maskin ayuu ahaa waligiis, mashqada baaxaddan la egna ma arkin, xaajiga ayuu la tashaday wuxuuna u bandhigay maadaama wax walba uu halleeyay, uusana u qalmin in uu kasii mid ahaado xaajiga iyo qoyskiisaba in uu iska tago oo shaqada xaajiga wareejiyo gabadhiisana u furo.

Xaajiga arrintaa wuu ku gacan seeray, wuxuuna taa baddalkeeda arrinta u kala qaaday laba arrin, mid shaqo iyo mid qoys, midda shaqada wuxuu yiri waan kaa ogolaan karaa istaqaalada waana kaa diidi karaa, balse mid adiga ayey kugu koobantahay oo la rabaa in aad go’aan ka gaarto anigana ima qusayso, waana midda qoyskaaga, haddii aad leedahay amran waan furayaa waa gabadhaada sida aad shalay ii siisay ayaan kuugu soo celshayna waan aqbali karaa, balse wax walba waan ka dhex baxayaa ma aqbali karo.

Iimaan tala ayaa ku caddaatay waddo kale oo u furan ma jirto, eber noloshiisa oo dhan kama bilaabi karo mar labaad, wuxuu go’aansaday waxa uu halleeyay in uu dib u saxo, baxnaansadana xaaskiisa hadalka ku ceshoomay iyo labadiisa wiil iyo gabdha ay u dhashay.

dhamaad

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Xabuu8@gmail.com

ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN