Horumarki Soomaaliya dunida u horseeday. W/Q: Prof Yaxye Sh Caamir

 

Horumarki Soomaaliya dunida u horseeday. 

 


"Ma ogtahay,in Soomaaliya ay sabab u aheed dhismaha ururka dowladdaha islaamka?"

Sida ku cad qoraala badan,iyada oo weliba goob jooga yaashii qaar nool yihiin.Sanadkii 1962,ayaa Sucuudigu magaalada Makka shir ku qabtey,  Madaxweyne  Aadan Cabdulle ayaa shirkaa ka soo jeediyay in la dhiso urur mideeya dowladdaha islaamka , isaga oo ku martiqaaday waddamadii ka soo qayb galay in shirka dambe Xamar lagu qabto laguna dhiso ururkaa FM: (Ali A. Mazuni- debating the African condition.

(In 1962 King Faisal, sponsored an important Islamic conference in Mecca to which ... by the President of Somalia, Aden Abdullah Osman, proposed the creation of an intergovernmental organisation of Muslim) .

Laba sanno kaddib shirkii 6aad ee islaamka ayaa lagu qabtay magaalada Mogadishu Dec.1964—Jan-1965 mar kale ayuu Adan Abdulle ku dhawaaqay inla dhiso ururka dowladdaha islaamka FM .digital liberary university of India.

(few years later the sixth conference of Muslim world conference hold in Mogadishu Dec 1964 –jan 1965. And was inaugurated by the president of Somalia Adan Abdulle who proposed creation of an intergovernmental organization of Muslim countries, (supported by king fahad).

Shirkan waxa ka soo qayb galay boqor Fahad oo Muqadishu yimid kuna dhawaaqay in shirka dowladdaha muslimka ( muslim world league ) lagu qaban doono Magaalada Makka April 1965, shirkan dambe markuu furmay ayuu boqorko yiri: waxaan taageerayaa soo jeedintii  Madaxweyne Aadan Cabdulle ,waxaana dhiseeynaa ururkii,soomaaliyana waxaan uga mahadcelineeynaa ,FM, khudbadihii boqor fahad iyo md. Adan Abdulle.

(Address of His Excellency Aden Abdulla Osman, Presidentof the Somali Republic to the Sixth World Muslim Conference. [Mogadishu]:Somali Republic, 1964. (In English, Somali and Arabic).

Madaxweyne Aadan Cadde 1929-1931 ayuu qaatay waxbarashada dugsiga hoose fasallada 3,4,5aad .waxbarashada wixii ka dambeeya fasalkaa 5aad ee dugsiga hoose, soomaalida mamnuuc ayeey ka aheed,FG Buuga Adan Abdulle ee wasaaradda warfaafinta 1963 bogga 6aad. Annaga waxbarashada nalagama xadidin illa heer jaamicadeed … maxaan qabanay?

Adan waxa uu ka mid ahaa Asaasayaashii Ururka midowga afrika 1965, ka qaybgalayaashau waxa ay soo raaceen  dhammaantood dayaaradihii ay lahaayeen shirkaddaha waddamadii gumeeysan jiray,laakin Adan cadde waxa uu ahaa kan kaliya ee ku tagay dayaarad wadata astaanta dalkiisa- diyaaradii loo yaqaanay shabeeleeyda ayuu amrey in lagu buufiyo Somali Airlines  magacaasuna maalintaas ayuu baxay.

Boqorkii Xayle Salaasi dhammaan madaxdii Afrika kuma soo dhaweyn gegida, balse markii loo sheegay in Madaxweynihii Soomaaliya oo wata diyaarad u gaar ah ayuu isagoo faraskiisa wata usoo daawasho tegay diyaaradda cusub ee Soomaalida.

Shirkii Pan Africa ee Jan 1962 Nelson Mandela ayaa u mahad celiyay 4 wadan oo Soomaaliya ugu horeeysay sidii geesinimada leheed oo ay cunaqabateeyn dhaqaale iyo siyaasad u saareen dowladdii midab takoorka aheed ee South Africa.

FG: taariikhdeena oo aan noo qorneeyn ayaa igu khsabtay in aan galo Digital liberary jaamacadda kale oo aad u dhib badan si aan u helo khudbadii Md. Adan Abdulle & Boqor Fahad oo u keydsanaa.

Fiiri sawirka Md. Adan Cabdulle oo gaarigii martida la saaran Boqor Fahad,iyo qooyskii Md. Adan Cabdulle (AUN).

Qore. Yahya Amir

 

SHEEKOOYIN