Gabayga: CAALLE DOOR Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Gabayga: CAALLE DOOR

 

Indhoweydba caynleyda gabay, waanigaan curine

Carrabkeeyga waataan ka jaray, casharradeediiye

Ha yeshee, cunaha lay ma qaban, mana codeynweyne

Caadiyaal intay tahay arrini, baan cuddo xiraaye

Markay talo cuyuban aasantana, waan cakabiyaaye

Aan cilaaqo, caawoo kaleey, cuudin leedahaye.

Casabadii Bariirriyo dadkii, gaal cadduhu laayey

Marrastiyo carruurtii kufrigu, uu cayaar dilayey

Anigoon casaarteeda maqal, carana buuxdhaafsan

Sow ciqaab ka daran maysan iman, oo dunuub culusa

Cabdikariin sidii loo cuqubay, caalam wada yaabye

Aniguna Bashiir Cali Barroow, waan calool go’aye

Goortaan xasuus ku cabbiree, dhabu ciyoon eego

Qalbigeey canaanyooda iyo, laab carjaabada e

Ciishoodayeey talaxumaan, cudur ka weyneeyne

Catibada kuwuu baday ayaa, siiyey cadaw baase

Ninkuu rabey inuu ciiska daro, oo cajarra gooyo

Canyayuubid loo sii sidii, maro cabbuur qayde

Cawaaqibka dambeetiyo berrina, waa ka daran ceebe

Canaadkaasna waxa noogu wacan, balaan caqiideeyo.

 

Callaal qaran ah, caynaan calaqa, caaragoys madax ah

Dastuur cudur ah, xeer ka la carara, sheeko cagajiid ah

Curaar hadaf ah, ceescees cindiya, aragti cuuryaan ah

Caqli calaw ah, ra’yi cawara iyo, garasho caadraac ah

Cucub tala ah, celmuqayb rajaa, xaajo candadowl ah

Cod cinniin ah, cagadhabad canjila, ii dheh calwasaada

Curraaf camal ah, ciganfaag casriya, damac cayuumaada

Cawcaw lumin ah, caaltaag carcara, ballamo ceeriin ah

Cosob dulun ah, cowriir cabbana, curasho ceegaag ah

Run cajuus ah, been carro martiyo, hubanti caalwaa ah

Caabuq barara, cillad soo baxda ah, ciriq siyaadaysa

Cuqdi koraya, cusri faafayiyo, ciifo cawo guur ah

Carun da’ya, dhiig caadda mara, mayd is cirifyaal ah

Cabaad baxaya, caarcaar cuskuga, cabasho cuurjiid ah

Ciso maqan ah, ceebaal cindaga, sharaf camaajiir ah

Cadli garabla’, cunsur ciidanliyo, daacad carcaraaf ah

Cudud qaybsan, caa’ilo colclolan, caydan ka la ciirsan

Carrab sami hadlaayiyo calool, uurcadho camiimtay

Waa waxa dalkeennii cimbiyey, caaradka ahaaye

Halka aay ka cudurdaarantahay, aan celmiyan baaro.

 

Ca’da hore, caashuun ku adinkiyo, ii codeey aniga

Caleensaarka dabadii cuftiyo, boqol culays sheegga

Casar ballanka, cishihii ka baxa, soo indho caddeynta

Is cajabinta, ceeryaan gunnimo, caado dhaqameynta

Wanaag carinta, xumaan ceelalyada, ciddiyo hoos eegga

Cabbur gelinta, calaqaad jarkiyo, dood cargaagtamidda

Curjintiyo, cadaad qodax mudkiyo, weerarro carraawga

Waxaan caad ku daahnayn cubcubid, calallo saarsaarka

Midaan circir ka imanayn misana, iga cabbaardhowrka

Cagaag dhigidda, camarloolankaa, caan ku noqotaanka

Carar orodka, shisheeye u cidiyo, caabbud wejiyeeynta

Carra’edeg waxaan weli ka dhicin, soo camiritaanka

Cabsigelinta, hadba cagajuglaha, amarro cawlcawlka

Cabbeey li’ida, kibir caallulkiyo, coofle bahaleeynta

Cadgoosiga, careey iyo careey, caabbin ka horgeeynta

Ciq ku siinta, cadkaanow ku cunay, ama ka ciideeyda

Coobil carsilka, caalle doorashada, caaqil xulanwaaga

Cibro li’i, cataaw shacab ku jirid, hebel cambaareynta

Cakudiyo, cabcabad gocashadiyo, eersi camantuurka

Kontonkaas caqabad oo beloo, nolol cardaadiiq ah

Inta lagu caweeynayo Galayr, ama la cuulcuuli

Waa calaacal timaleey inaan, nabad ku cayshnaaye

Waxaan uga caloolgo’ayna waan, kuugu soo celine

Kii haddeer la cayrshiyo midkii, loo dib carabbaabo

Waysla caananuug aan midkood, caaqibo lahayne

Waana wada dantood cuurtayaal, caadaqaata ahe

Halkacsigu qofkuu u cusubyahay, haw cideyn weliye

Kolleey anigu caarriga dad cuna, beel u ma cideyssto.

Afartaa intaan ka la cayimay, dhaay ma ka caddeeyey

Ma cabbiray xaqiiqadu halkeey, ka cillan ooyeeyso

Af culaanka, iyo canug yarbaa, kaa calaanjiyaye

Ma cuskiyey anoon bayd camcamin, kii Cabdulle Raage

Abwaanakii Carrooliyo sidii, Faarax ma ku caynshey

Dhoodaan halkuu u cirbinjirey, cagaha mow saaray

Culantii Suldaan Timacaddoo, kale ma caalcaalshey

Cabdi Nuur sidiisii haddana, ceeb ma ka ilaalshey

Afar kalena waa cubtan xujee, balaan calaameeyo.

Caato buuran, caddiin weyda iyo, wabax caboo oomman

Cayr tujaar ah, sabool coodle iyo, calaf cunniin waay ah

Dhereg ceeb ah, cagsi iyo layaab, baahi nolol cowryan

Casuum dhagar ah, caawimid cimbina, hiil cadibitaan ah

Caay ammaan ah, cisayn liida iyo, caaqibo xumaan ah

Ciqaab faraxle, guul carodhashiyo, caymis cirib gooyn ah

Colaad nabad ah, cildo wehelle iyo, jaar cabsi wadaag ah

Cashiir nacab ah, marti cadawa iyo, tuugo ciidamis ah

Caddi gudcur ah, cawo duhura iyo, subaxyo fiid cawl ah

Caamo sheekh ah, aqoonyahan celmila, caalim jaahiliya

Sodonkaas calaamoo cajaba, care bal yaa sheega?.

 

Dhammaad.

17/09/2017

 

Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN