DILAAGII LA BOQRAY! W/Q: Maxmed Cali Axmed

acsa

DILAAGII LA BOQRAY!

 

Barre wuxuu ahaa qof  aad u da’yar,  wuxuuna la kowsaday kuna caqliyestay burburkii dalka. Wuxuu ku noolaa gobal ka mid ah goballada dalka. Dilku wuxuu ka ahaa mid aanan macno laheyn, dhiigguna wuxuu ahaa biyo iska qul qulayo, oo aanan qiimo ku fadhin. Nolosha dadkuna waxey aheyd sida duurjoogta ooo kale, midba midka uu ka awood badan yahay ayuu sida halaquu cuni jaray, mana jirin cadli iyo garsoor  dulmanaha u hiilliya.

Barre dugsiga hoose fasalka lixaad ayaa waxbarashada ka gaaray. Noloshiisa mixnado badan ayaa soo maray, balse,  muusan arag waligii qof  sitoos ah loo dilaayo ama loo dhawacaayo. Barre nasiib xumo, asago u socday dugsi laga barto luuqada Englishka kuna yaal meel  aan saas uga fogeyn  deegaankooda, ayaa waxa uu la kulmay qisadatan:

Nin ka mid ah  shaqalaha ka shaqeeya  dhismaha guryaha, ayaa cid uu u shaqenayay aabbahood ku soo daahay shaqadiisii  nololmamedka, hooyadii guriga ayaa tiri lacag mahayno, odaygii reerkana ma uusan imaan, ee berrito noo soo laabo, siligga haraadiga ahna haddii uu ku anfacaayo horay us ii iibso biilna ka dhigo. Ninkii shaqaalaha ahaa wuxuu yiri;

“Waan aqbalay” siliggii marka uu kenay suuqii lagu iibin lahaa, ayaa waxa uu beec kula heshiiyay mid ka mid ahaa ganacsadeyaasha suuqa, oo aad u da’yaraa.

Waxaa loo sheegay in uu yahay qiimaha siligga 20kun Sh. Soomaali , maskiinkii way yara isku fahmi waayeen, balse, mid kale ayaa u gaaray qiime dhan 50ku Sh. Soomaali ah. Markii uu damcay in uu u soo wareejiyo midkii danbe ee ey hishiiyen, ayaa ganacsadihii yaraa ku yiri ama 20 ka qaado ama siligga isaga tag. Waa uu ku madax adeygay  siliggiina waa uu soo qatay  asaga oo fiirinaya dantiisa iyo  danta carruurtisa .

Barre ayaa wax uu ka war helay dhawaaqa rasaas dhacaysa, markii la kala fiigay, oo ninba dhinac u orday, waxaa uu ka war helay ninkii maskiinka ahaa oo la dilay.

Barre  isaga oo wareersan  ayuu u orday dhanka Iskoolkiisii, waxa uuna gaaray fasalkiisa oo gabagabo  ah, markii ey u dhammaatay  ayaa asaga iyo asxaabtiisa waxey wada qateen qadar wada sheekeysi ah.

Barre galabtaas waxey u aheed galab aad u murugo  badan, ruuxdisana waxey aheed mid maqan, markii uu  u soo rawaxay  gurigooda, uuna soo gaaray halkii lagu dilay ninkii maskiinka ahaa, meesha wey cammiran tahay mana aha meel ey mashaqo ka dhacday, wuxuuna arkay  ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa oo gurigoodu u horyaallo  kursi caddaan ah, miiskana u saaran yahay koob shaah caddeys ah iyo tarmuus shaah ah gadaalna ka fadhiyaan hooyadiis iyo gabar la dhalatay dhiigga hortooda yaallayna carro iskaga shubay.

Barre oo goconaya ayna isu qabn la’dahay labada xaalad ayaa waxaa maankiisa ka soo maaxday ereyadan “DILAAGII LA BOQRAY!”.

W/Q: Maxmed Cali Axmed

Cali_640@hotmail.com  

Khartoum, Sudan

 

SHEEKOOYIN