Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q52AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q52AAD 

Siddii lagu ballamay waxaa la isugu yimid hoolkii maxkamadda ee lagu ballamay in ay dacwaddii ka sii socoto . Waxaa wali ku soo qulqulaaya hoolka dadweyne ka badan fadhigii hore, ayagoo danaynaaya una hanqal taagaya hab gabagabeenta dacwaddaan baryahaan danbe qabsatay hadal haynta magaalada.

Waxaa hoolka dacwadda soo hor istaagay Baabuurkii shabaqlaha ahaa ee sidda caadadda ahayd siday Maxaabiista; waxaana laga soo dajiyay Dalmar iyo Axmed Dheere oo katiinaysan oo ayna garbaha ka haayaan laba nin oo labisan dharka lagu yaqaanay Ciidamadda Asluubta, waxa ayna guddaha ula galeen hoolkii maxkamadda geliyeena qafaskii mutahimiinta, ka dibna ka furay katiinadahii.

Mudda yar ka dib waxaa soo galay Gudoomiyihii Maxkamadda iyo ku xigeenadiisa uuna dhinac socdo Diiwaan geliyihii Maxkamadda. Waxaa mar kaliya wada aamusay sawaxankii hoolka gaarayna heer dhawaqa kaliya ee la maqlaayana  yahay dhowr tixsi oo dhex duulaya soona diriqsaday hoolka maaddaama lagu jiro xili roobaadkii.

Waxaa hadalkii furay Gudoomiyihii maxkamadda asagoo hadal gaaban oo hor dhac ah ka dib siiyay hadalkii Xeerillaaliyihi oo laga wada dhowr sugaayo bal waxi caddeymo ah ee uu hor keeno Maxkamadda.

Xeerillaaliyiihii ayaa haddalkiisa ku furay: Salaan ka dib, marka ugu horreeyso waxaan guddoonka maxkamadda uga mahadcelinaayaa oggalaansha ay inaga  oggalaadeen caddeemahii qoraalka ahaa ee aan u soo gudbinay Guddoonka fadhigii hore ka dib, waxaan sidoo Guddoonka ka codsanaayaa

Maxkamadda

in ay xeer ilaalinta ka oggalaato  dhagaysiga markhaati aad muhiim ugu ah kiiskan, aana filaayo in ay saldhig u tahay dacwaddaan.

Guddoomiyihii Maxkamadda: u yeer Markhaatiga

Xeerillaaliyihii: Waxuu u yeerayaa Xaajiya Faadumo Jimcaale.

Guddoomiyihii ayaa u tilmaama Xaajiya Faadumo halkii ay istaagi laheed waxa uuna u tilmaamay khafas dhinaca bidix kaga aadan, waxa uuna amray in loo keeno kitaabka quraanka  si loo dhaariyo. Xaajiyo Faadumo ayaa ku dhaaratay in ay ka run sheegayso dhammaan waxii ay ka ogtahay arinkaan.

Xeerillaaliyihi ayaa soo istaagay meel ku dhow khafaskii ay taagneed Xaajiya

Faadumo si maqalkoodda uu u fuddudaato:

Xeerillaaliye(X): Xaajiye Faadumo imisa jir ayaa tahay?

Xaajiye Faadumo(XF): Maandhoow aniga markaan runta kuu sheego Baadiyo ayaan ku dhashay oo ma aqaan sanadkaan dhashay, laakin sidda kaashnaatiyadda iyo Baasaboorkayga iigu qoran waxaan u malayhaa in aan ahay 63 jir.

X : Halkee degan tahay Xaajiya?

XF: Maandhoow waxaan deganahay  Xaafadda Waraale.

X: Halkee ayaad joogtay habeenkii uu dhacaayay dhacdadaan dilka ah?
 XF: Waxaan u soo hoyahaayay gurigayga waxaana ka imid Guriga Abaay siteey oo aan habeenkaas madax shub ku qabnay.

X: intii aad ku sii socotay gurigaaga ma aragtay oo mala kulantay dhacdaddii dilka marxuumadda?

AVV Cosoboow: Muddana Guddoomiye su’aashaas waa su’aal hoggaamin ah, xad gudubna ku ah hab raaca caddeemaha.

Guddoomiye: Aqbal! Ku laabo oo si kale u dhig muddane Xeerillaaliye su’aashaas.

X: Haddaan si kale u dhigo Xaajiya Faadumo Maxaad la kulantay intii aad ku sii jeeday gurigaaga?

XF: Waxaan meel hortayda iiga yimid qeylo aan u fahmay markaas iney ahayd iga soo gaara markaan xoogaa u soo rucleeyayna oon u soo dhawaadayna waxaan arkay ina Kutubeey iyo inan kale oo sii  kudaaya iyo gabar yar oo dhiig baxaysa oo dhulka taal.

X: Ma taqaan magacyaddooda?

XF: Haa seenan u aqaan; ina Kutubeey maan garan waayhaa.

X: Maxaad sameesay ka dibna?

XF: Waxaan u imid gabarti yareyd oo dhiig baxeysa, isla muggaasna dad kalaa meelaha ka soo baxbaxay.

X: Xaajiya Faadumo waa mahadsan tahay.

Gudoomiyihii Maxkamadda ayaa Qareenka difaaca Avv Cosoboow weydiiyay in wax su’aal u qabo markhaatiga.

Avv Cosoboow ayaa si kal iyo laab ah u yiri:  haa ! muddana gudoomiye

Gudoomiye: Saaxadda waa kuu furan tahay Avv. Cosoboow.

Maxkamadda

Avv Cosoboow: Xaajiya Faadumo carruur ma leedahay?

XJ: Haa afar ayaa ii joogta oo sedexna reero leeyihiin halka iigu yarna wali

Baraakadeeyda  igula noolyahay.

Avv.Cosoboow: Halka kuugu yar magaciis? meeqa jirna waaye?

XJ: Maxaad Nuur aa la dhahaa, haddaana waa 20 sano jir?

Avv. Cosoboow: Halkuu ka shaqeeyaa igaarkaaga

XF: Igaarkeeyga Degmadda ayuu ka shaqeeyaa.

Avv. Cosoboow: Maxuu ka qabtaa?

XF: Hakah ma aqaan Ciidanka Degmaddoowsa ku jiryaa aan filaa.

Avv.Cosoboow:Ma minishiibiyaa mise Guulwade?

XF: Guulwadaan filaa inuu yahay.

Avv.Cosoboow: Xaajiya Faadumo Ookiyaalaha kugu jira ma dhaqtar ayaa kuu qoray?

XF: Haa indhahaa araga gaabshay markaasaa dhaqtarka u tagay oow ii qoray Ookiyaalahaan, haddase fay waaye indhahayga markaan ookiyaalaha xeranahay.

Avv. Cosoboow: Xaajiya xanuun noocee ah ayuu indhahaaga ku sheegay dhaqtarka?

Xeerillaaliyaha: Muddana Guddoomiye su’aashaas waa arin shaqsi mana ku habboona in la weydiiyo Markhaatiga.

Guddoomiye: Ka soco, wax xad gudub ah ugama jeedo.

Avv Cosoboow: Aan kugu celiyo Xaajiya, xanuun noocee ah ayaa lagu sheegay indhahaaga?

XF: Maandhoow ma aqaan oo af qalaad ayuu iigu sheegay wax aan afkayga qabanayn oo uu ku sheegay kuluus—-goma.

Avv. Cosoboow: Ma waxaad ula jeedaa Glaucoma ?

XF: Haa sax sidaas ayuu u yiri dhaqtarka.

Maxkamadda

Avv. Cosoboow: Xaajiya nalal ma ka shidnaayeen halka dhacdadda aad kula kulantay?

XF: Maya oo waa waddo xaafadeed wada mugdi ah.

Avv.Cosoboow: Xaajiya  habeenkii aad madax shubka qabteen ma xasuusataa bisha islaamka taariikhdeeda.

XF: Maalinta ma xasuusto laakin waxaan xusuustaa in ay bil Mowliid dhamaadkeeda ahayd, bil labana waa eheyd.

Avv.Cosoboow: Saacadda imiseey aheyd?

XF: Ma helo cishahase waa ka dambeysay..

Avv. Cosoboow: Xaajiya Faadumo waad mahadsan tahay. Muddana

Guddoomiye waa iga intaas su’aalahayga

La soco Q.57aad

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN