Yusuf islam ama Cat Stevens Iyo Sida Uu Kusoo Islaamay. W/Q: Cabdinuur Colombo

Yusuf islam ama  Cat Stevens Iyo Sida Uu Kusoo Islaamay.
=============================================================
Cat Stevens heesaagii dunida caanka ka noqday Sannadihii 1960-meyadii iyo Sannadihii 1970-meyadii xaafadda Marylebone oo ka tirsan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayuu ku dhashay Bishii July 21-keedii Sannadkii 1948-kii.

Haddaba ninkan magaciisii hore ahaa Cat Stevens markii uu soo islaamayana la magac baxay Yusuf Islam isagoo ka hadlaya taariikhdiisa iyo weliba sida uu kusoo islaamay ayaa waxuu yiri sidan:

Qoyska aan ka dhashay dhaqaale ahaan waxa aanu aheyn kuwo iska meel dhexaad ah waxaana xiligii aan yaraa waalidkay i geeyeen iskuul lagu barto mad-habka kaatooliga, markaas aqoon uma laheyn wax diin la yiraahdo xataa islaamka, masiixiyadu ma qireyso inuu jiro rasuul alle oo Nebi ciise(NNKH) ka Danbeeya, waa sida nalagu baray iskuullada, sidaas darteed ma aanan baarin xaqiiqada arrintan ku xusan diinta kiristaanka.

Da’adeydu markii ay aheyd sagaal jir waxaan ahaa mid ku fiican heesaha iyo qoob ka cayaarka aad baana u qancin jiray dadka i daawanaya, sidaasey tahay waxaan ahaa wiil xishoonaya oo jecel keli ahaanshaha, laakiin waxaan markasta ku dadaali jiray inaan fannaan noqdo. sidaas awgeed ayaa waxaan awoodda isugu geeyey sidaan u noqon lahaa fannaan caan ah.

Markaan gaaray shan iyo toban jir waxaan billaabay muusiga aabbahay ayaa wuxuu arkay inaan jeclahay muusiga,markaasuu ii iibiyey Kaban, labo sanno kaddibna waxaan ka sare maray fannaaniin badan kaddibna waxaan bilaabay inaan alifo heesaha, markaan gaaray toddobo iyo toban sano waxaan suuqa u soo saaray Albumkii iigu horreeyay aad ayuuna u faafay dadkuna wey la dhaceen, kaddibna caan baan noqday oo waxaan helay lacag aan sidaan rabo ugu tunto waxaana aad u cabi jirey khamriga iyadoo sidoo kalena la tumashada haweenka aan aad ugu waalnaa ilaa markii dambe uu igu dhacay cudurka qaaxada ee “TB” oo aan Cusbitaal la galay.

Sariirta Cusbitaalka anigoo jiifa ayaan waxaan bilaabay inaan maskaxdayda ka shaqeysiiyo, waxaan ku fikiray weynaanta illaahay iyo mucjisooyinka rabi, waxaan ogaaday inuu jirkeygu baaba’aayo, xayaatada aduunyaduna tahay imtixaan ay u danbeyso baaba’a iyo dhammaad.

Mid kamida saaxiibadey ayaa dareemay murugta iga muuqata markaasuu ii hadiyeeyay kitaab magaciisa la yiraahdo Al-dhariiqu ilaa Al- majhuul oo macnihiisu yahay jidkii aan la ogeyn wuxuu ku danbeyn doono, waana kitaabkii u horeeyey ee aan ka aqriyo noocan (kutubta yuujaa) si kastaba ha noqotee kitaabku wuxuu ahaa mid aan ku indho kala qaaday xaga aakhiradeyda.

Intaa kaddib waxaan gudo galay inaan wax ka aqriyo kutubta falsafada iyo diimaha, taasina waxey si tartiib tartiiba iiga bixisay mugdigii, waxaa siyaaday su,aalaheygii aan isweydiinaayey, taasina waxey ka go’neyd heesahaan qaadi jiray, waxaan bilaabay inaan qaado heeso ujeedo ku saleysan markaasey waxey noqdeen cajaladaheygii kuwo xaqiijiya ujeeddo.

Waxaan aqriyey buudiyada iyo diimo kale kumana qancin, markaan ka quustay diimaha kale ayaa waxaan damcay inaan sameysto diin cusub.Waxaa faafay cajaladaheygii iyo habkaan u gudanaayey muusikada, dad badan oo ku nool mareykanka ayaa la yaabay sidaan usoo saaray waxaana noqday heesaa, caan ah waxaana la iga duubay cajalado heer sare ah, saas oo ay tahay waxaan dareemayey inuu iga maqan shey inaan baaro ay waajib tahay waxaan goostay in ayan i seejin caan noqoshadu iyo hantida waxaan baaraayey.

Waxaan bilaabay inaan si tartiiba uga fogaado fanka, walaalkay Devid ayaa u safray qudus si uu usoo siyaarto meelaha barakeysan, Masjidul-Aqsaa ayaa ka mid ahaa meelahuu soo siyaartay, markaasuu wuxuu soo ogaaday inuu masjidku ka badalan yahay kaniisadaha masiixiyada iyo meelaha ay yahuudu ku cibaadeysato.

Markuu walaalkay ka soo noqday safarkii wuxuu iiga sheekeeyey wuxuu soo arkay iyo waxyaabihii yaabka galiyey ee uu ku arkay Masjidka Al-Aqsaa, wuxuuna ii hadiyeeyey labo musxaf mid carabi ah iyo mid ingiriis ku turjuman, waayo walaalkay wuxuu ogaa inaan baarayo xaqiiqada , sidaas awgeed hadiyadan waxey aheyd hadiyad nafteyda qaali ku ah.

Waxaan bilaabay inaan aqriyo Quraanka, waxaana dhabtii dareemay inuu yahay kitaab aniga la ii qoray, mana dareemin raaxo ilaa aan ka dhammeeyey markaasaan waxaan dareemay in ay tahay diintii aan baaraayey, waxaan ka helay jawaabihii su,aalahaan qabay, kadibna waxaan aqriyey xayaatadii iyo noloshii Nabi Muxamed ( S.C.W ) waxeyna ii saameysay si la yaab leh. kaddibna waxaan joogay sannad iyo bar oo aan islaamka aqrinaayey, intaas muslimiinta ma dhex galin.

Sannad iyo bar ka dib kuma fikirin waxaan aheyn inaan noqdo Muslim, waxaana si dhaba u ogaaday inuu islaamku yahay diinteydii, waxaana rumeeyey qowlkii Nabiga S.C.W. ( dadku dhamaman waxey dhalanayaan iyagoo islaama kadibna waxaa badalaya qoyskooda)

Mid muslimiinta ka mid ah ayaa i tusay masaajidka Rejentbaark ee ku yaalla Magaalada London, halkaas ayaan aaday maalin jimce ah Sannadkii 1977-kii kadibna imaamka ayaan la kulmay waana islaamay waxaana la baxay magaca Yusuf Islaam.

Waxaan gebi ahaan joojiyey khamradii iyo sigaarkii kaddib markuu ii sheegay mid muslimiinta ka mida inuu xaraam yahay sigaarku, waxaa kaloon ka go’ay la tumashadii haweenka, waxaana xoogoobay islaamnimadeydii.

Intaan bilaabay quraanka aqrintiisa ayaa waxaan bilaabay inaan tukado shanta salaadood maalin kasta oo aan bixiyo sakada xoolaheyga Macaanka Quraanka iyo midhihiisa ayaa iga deeqay wax walba waxaana bilaabay barashada Af-Carabiga oo ah afkii quraanka kariimka iyo Nabi Muxamed S.C.W.

Sannadku markuu ahaa 1979-kii. ayaa waxaan aaday Maka si aan usoo cumreysto, markaan cumreystay ee aan booqday meelaha dhaxal galka ah ee islaamku qiimeeyey, ayaa waxaan ku laabtay Magaalada London, dabeedna waxaan guursaday gabar muslimada oo aabbeheed turki yahay hooyadeedna afgaanistaan tahay waxaana Meherka lagu qabtay Masaajidka.

Kaddib markii aan islaamay waxaan horey ka bilaabay u shaqeynta dacwada iyo kobcinta islaamka muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska iyo waliba meelo kale waxaana Ingiriiska aan ka aasaasay iskuullo caruurta muslimiinta wax lagu baro iyo hay’ado caawimaadaha ka shaqeeya.

Ugu dambayntii ILLAAHAY subxaanahu watacaala ayaa Mahad leh waxaana ogaaday hada liibaanta dhabta ah ee aan ku suganahay.

W/Q: Cabdinuur Colombo

SHEEKOOYIN