XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 43aad         

 

                                                1-Qabiilka kaliya

Qabiilka kaliya ee uusan qofku baddali karin waa calafkiisa, sidaa darteed calafkaaga ayaa tahay ee ma tihid cidda aad sheegatid, aniga laba sifoba waan kugu sifayn lahaa, calafkaaga oo tilmaan u noqon karo heerkaaga nolosha iyo ficilkaaga oo tarjumaad u ah shaqsiyaddaada.
Mmus

 

                                              2- Fahamka Iimaan la’aanta

Fahamka Iimaan la’aanta waa mid kusoo badanaya Dunida taas oo sababteeda loo nisbeenayo Cilmiga ama aqoonta sare ee uu gaaray Bani aadamka.
Waa iska astaanta daciifnimada ama sifaha lagu sifeeyo baniaadamka in marka uu ladan yahayna uu isku nisbeeyo ladnaanta, marka uu dhibaatoodana uu dhibaatooyinkiisa la’aado Alle iyo waxa kale ee uu ruux ahaan u aaminsan yahay, maxay tahay se waxa uu ruux ahaan u aaminsan yahay? Jawaabta waa dabeecadda, marba hadduusan wax iimaan ah lahayn, dabeecadda ayaa hagta, yaasa u nidaamiyay qaabka ay ku socoto dabeecaddaas? jawaabtiisa wuxuu kusoo koobaya iyada ayaa is hagta! Cajiib!
Qofka Nuucaas ah wuxuu ka aaminsan yahay qofka iimaanka leh in uu yahay qof Addoon u ah wax uusan aqoon, arkina karin, wuxuu ku doodaa mar walba naftu in ay noqoto mid xor ka ah dhamaan waxa xaddidi kara naftiisa, wuxuu sa is waydiin wax walba oo aan xad lahayn ama xadkooda la dhaafsiiyo in ay ka dhalato dhibaato aan la xamili karin .
Mmusa 

 

                                              3- Caqliga ha shaqeeyo

Umad marka ay rabto in ay noolaato waa in ay iyada doorataa qaabka ay u noolaan lahayd aqoonteedana ay leedahay, sharciga federaalka ma ahan sharci qoys guri wada dagan oo wax walba wadaaga ay ku dhaqmi karaan, sida saxda ah marka lasoo hindisayayna waxaa loo hindisay umad ku kala duwan dhaqanka afka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo midabkaba, kuwaas oo hal meel kuwada nool, sababta loo soo dajiyayna waxay ahayd in ay ku kala nabad galaan, qolo walbana degaanka ay dagantahay ay si hoose u maamulato, maamul guud oo kawada dhaxeeyana ay wada wadaagaan, haddaba umadda soomaaliyeed oo dhan walba wax ka wadaagta ma yihiim kuwa federaalka nuucaas ah wadaagi kara, xitaa hadduu hirgalo nidaamka dusha la inooga keenay hadda?

Waxaa hubaal ah maadaama maamulada gobolada hadda ay horboodayaan Qabaa’ilada u waaween degaanadas in hadhow si hoose la isugu laaban doono, maadaama asalka waxa wax lagu qyabsaday uu yahay Qabiil, dhibaatadaas qabiilkana hadhow ay maamul walba dib u ugaarsan doonto.
Taxanaha federaalka looga dan leeyahay ayaa ah in uusan jirin qof soomaali ah oo waligiis nasto, hardanka ku salaysan qabiilaysigana sida uu waligiis usoo jiray uu u jiro, soomaalina waligeed ay isku mashquulsanaataa si aysan tabar ugu helin bal in ay dantooda guud iska wareestaan.
Caqliga ha shaqeeyo, dadka qabiirada u ah arrimaha sooyaalka nolosha dunida wax ha looga qaato dhibka taagan, hubaal wax walba oo khalad ku bilowda in ay khalad ku dhamaanayaan.
Mmusa 

 

                                                4- Hogaan xumo
Madaxa waa hogaanka jirka Aadanaha, waxaana ku jira maskaxda halka qaybta ka hooseyso ay ku jirto Qalbiga.
Madaxa wuxuu Rabi u doortay in uu noqdo hogaanka jirka intiisa kale,wada shaqayn guud oo ka dhaxayso ayey ku gaaraan wax walba oo uu qofku gaaro.
Hadduu madaxu hogaankiisa sida ku haboon u gudan waayo, waxaa guul daraysta dhamaan xubanaha kale, markaas oo qofku uu qaato magaca Qof guul daraystay.
Soomaaliya waxaa ka wada halaabay inta hogaan sheegata oo dhan oo u wada badatay kuwa maan gaaban oo aan aragti dheer lahayn, iyo kuwa damac badan oo baahidooda ay ka badantahay shaqada laga doonayo in ay qabtaan, sidoo kale kuwa kartida qofka ka eega meel gaaban taas oo ah aftahannimada qofka, taas oo aysan qasaba ahayn in uu qofku noqdo sida carrabkiisu u dhaq dhaqaaq badanyahay
dhibaatada ka qabsatay Soomaalida dhanka hogaanka waa mid fara badan, balse, intaas ayaa saldhig u ah ayaa la dhihi karaa marba haddii uusan jirin qaab kale oo aan hogaankeena ku xulano, ilaa taas la xalliyana ka arradnaanta dhanka hogaanka sidaas ayay ahaanaysaa.
Umad wanaag kasta ay leedahay haddii hogaankoodu xumaado waa wada xumaanayaan, marka inta wax garadka ah ee laga yaabo in qoraalkan ay aqrinayaan dhibaata halka ay ka jirto halaga eego fadlan.
Mmusa 

                                                      5-Allow i bixi !!!!!
Maslaxad guud oo dadka midaysa waa jirtaa mar walba, inta badan ee maslaxadda guud la eegana waa inta badan oo la helo maslaxadda gaar ahaaneed, ceeb badanna ay asturantahay, balse, marka la wayo taas waxaa soo baxo wax walba oo Daciifnimo shaqsiyadeed ah, taas oo dhalisa Fakar ah Allow i bixi inta kale waxba igama galinee, taas marka uu qofku gaarana waa astaanta guuldarrada issirka ama Qaranka uu qofkaa ka soo jeedo.
Mmusa 

 

                                              6-HADALKAAGA OO BATA

Hadalkaaga oo bata macnahiisa waa in dhadhankiisa oo lumo mar walba, sida runta ahna hadalku wuxuu ku wanaagsan yahay in uu gaaban yahay uusana ku dhaceen meelaha qaar.
Inta badan uu dhageesigaadu bato waa inta badan ee uu fahamkaagu bato.
Inta badan uu fahamkaagu batana waa inta badan oo marka aad afka kala qaaddo aad ku hadasho hadal xikmadaysan oo u roon laabta dadka uu markaa wajahayo.
Sidaa darted, hadalkaaga ha yaraado, dhagaysigaada ha bato, si fahamkaaga usii bato.
Mmusa 

                              7 DUMARKA WAA NOLOSHA RAAXADEEDA

Dumarku waa nolosha raaxadeeda qaybta ugu muhiimsan, hooyadaa cid gaari karto ma jirto dunida, sidaas si la mid ah walaashaa, kaba sii mac hadana xaaskaaga, hadaba, waxaad ogaataa marka aad dumar ka ilmaysiiso in aad dhamaan ka ilmaysiisay.

Nolosha waa mid fajac badan runtii, mararka qaar waa in aad qaadataa go’aano saamayn balaaran oo dhinac walba ah ku yeelan karo Dumarka, taas macnaheedase ma ahan in aad xumayn ayaga aad xumaynayso ugu dan leedahay, waa maslaxaddooda, balse ayagu sidaa uma arkaan, waxa Raga u muuqda uma muuqan karto qofka dumarka ah, ilaa xad se in aan la xad gudbin way wanaagsan tahay.
Mmusa 

 

              8-Dadka waxay u nool yihiin sida in aysan waligood dhimanayn!
Way dambaabayaan 
Way dilayaan 
Way dhacayaan 
Way kufsanayaan 
Way xamanayaan 
Way khayaanayaan 
Way xadayaan
Way lugoonayaan 
Dadka qaarkoodna waxay u dhimanayaan sida in aysan waligood noolaanayn!
Way cibaadaysanayaan 
way baahanayaan, Xaaraan ka carar darteed 
Waa la dullaystaa Xalaal quudasho darteed 
Way dhintaan si ay janno u galaan 
Way ducaystaan sida ay waddo wanaagsan ay ugu dhiman lahaayeen 
Way is dhowraan ayaga oo u baahan 
Ma zinaystaan iyada oo zinadu albaabkooda taagantahay.
Dunida waa ka haajireen iyada oo dunida mar walba daba ordayso 
Waa la xumeeyaa: way wanaajiyaan 
Waa la handadaa: way cafiyaan 
Mmusa 

                                        9-WAX OGOW

Haddii aadan raadsan waxa aad doonayso waligaa helimaysid.
Haddii aadan waxa aad doonayso waydiisan jawaabtaadu mar walba waa maya.
Talaabo haddaadan qaadin meesha aad joogto hooskeeda ayaad harsan, micnaha meel uma dhaqaaqaysid.
Mmusa 

                                   10-Sadex ilaasho 
Sharaftaada ilaasho
Balantana dhowr
caafimaadkana ku dadaal.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN