Balcamu bin Baacuuraa’aبلعم بن باعوراء

بسم الله الرحمن الرحيم

 

 

Balcamu bin Baacuuraa’aبلعم بن باعوراء

 

Wuxuu Imaam Al Baghawiiالإمام البغوي\ Tafsiirkiisa Aayadda boqol iyo shan iyo toddobaatanaad ku wariyay, sida tafaasiirta kaleba, qisada Balcamu bin Baacuuraa’aبلعم بن باعوراء. Qisadiisuna waxay ahayd sidatan, sida looga wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas عبد الله بن عباس\, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee: wuxuu u dhashay reer Banii Israa’iil بني إسرائيل\.

 

Calii bin Dhalxahعلي بن طلحة\, Allaaha raalli ka noqdee, wuxuu yiri:

“wuxuu u dhashay qabiilka carbeed ee la yiraahdo Kancaaniyyiintaالكنعانيين\ degina jiray magaalada Jabbaariintaالجبارين\, oo ah Qudusالقدس\ ee arliga Falasdhiinفلسطين\. Qisada ninkaas, siday u wariycen ibnu Cabbaasإبن عباس\ iyo ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ iyo Al Suddiyyiالسدي\ (oo isaguna ah saaxibu Tafsiir) iyo ghayrkoodba waxay ahayd sidatan:

 

“Nabi Muuseموسى\, Calayhissalaamu, markuu u kacay la dagaallanka jabbaariinta wuxuu ku degey arliga Banii Kancaanبني كنعان\ ee ka tirsan arliga Shaamالشام\. Markaasaa waxaa Balcamبلعم\ u yimid tolkiis. Balcam بلعم\  wuxuu yiqiinnay oo uu Ilaahay hore u baray Ismu Allaahi Al Acthamuاسم الله الأعظم\, Magaca Ilaahay oo Wayn, oo haddii lagu baryo waxaas laga baryay uu siiyo qofkii ka baryay. Tolkiis waxay Balcam بلعم\  ku yiraahdeen:

“Muuseموسى waa nin xoog badan, wuxuuna wataa ciidan fara badan, wuxuuna u yimid inuu beledkeenna naga saaro, uuna na dilo, uuna reer Banii Israa’iilبني إسرائيل\ siiyo. Adiguna waxaad tahay nin ducadiisa la aqbalo. Marka intaad baxdid Ilaahay ka bari inuu naga celiyo”.

 

Markaasuu wuxuu yiri:

“Hoogee, maxaad leedihiin! Muuseموسى waa Nabi Ilaahay, waxaana la socda Malaa’ig iyo Mu’miniin. Sidee baan marka u habaaraa, anigoo Ilaahay ka ogsoon waxaan ka ogsoonahay, oo haddaan habaaro uu adduunkeyga iyo Aakhiradeyduba i seegayaan oo aan waayayo”.

 

Markaasey ku noqnoqdeen oo ay baryada inuu habaaro ku celceliyeen oo ku badiyeen. Markaasuu wuxuu yiri:

“ii kaadiya waxaan ka amar qaadanayaa Rabbigeeye”, oo caadadiisa ayaaa waxay ahayd inuusan Ilaahay baryin jeer uu ka amar qaato, amarkaasoo markuu seexdo isagoo hurda riyo ahaan lagu siin jiray.

 

Markaasuu Ilaahy amar weydiistay inuu Muuseموسى iyo Banii Israa’iil بني إسرائيل\ habaaro. Markaasaa isagoo hurda waxaa lagu amray inuusan habaarin. Markaasuu wuxuu tolkiis ku yiri: “Rabbigay ayaan amar weydiistay waxaana la iga reebay inaan habaaro.”

 

Markaasey hadiyad siiyeen, isaguna uu aqbalay oo qaatay. Markaasey hadana dib u weydiisteen inuu Muuseموسى iyo dadkiisa habaaro, wuxuuna ku yiri:

“ii kaadiya aan Rabbigay ka amar qaatee”.

 

Markaasuu Rabbigiis amar waydiistay. Markaasaan waxba loo waxyoon. Markaasey waxay tolkiis ku yiraahdeen:

“Rabbigaa hadduu kahan lahaa inaad habaarto wuu kaa reebi lahaa, siduu markii horeba kaaga reebay”.

 

Markaasey ku celceliyeen oo ay isu jejebiyeen ilaa ay ka fitneeyaan, oo isaguna fitnoobay. Markaasuu dameerad fuulay, uuna u kacay xagga buur magaceeda la yiraahdo Xasaanحسان\ oo uu dusheeda ka arko degmada reer Banii Israa’iil بني إسرائيل oo hoostiisa ah. Dameeraddii markay in aan badnaynba la socotay ayay istaagtay, oo inay hore u socoto diiday. Markaasuu intuu kasoo degay garaacay ilaa uu dhiig ka keenay. Markaasay dameeraddu kacday, isaguna uu fuulay. Intayan wax badan la soconba hadana way istaagtay. Markaasuu sidii hore oo kale uu hadana ku falay. Markaasey kacday, isaguna uu fuulay. Intayan wax badanba la socon ayay hadana. istaagtay. Markaasuu garaacay ilaa uu ka xanuujiyo.

 

Markaasuu Ilaahay dameeradda u ithmay inay hadasho, oo intay la hadasho ay xujjadana ku rogto, waxayna ku tiri:

“Isjir oo is ilaali Balcamowبلعم\! Xaggeebaad u socotaa? Soo ma aad aragtid Malaa’igta horteyda ah oo dhinaca aad ii wadid iga soo celineysa? Ma waxaad iila socotaa Nabiga Ilaahay iyo Mu’miniinta oo aad dooneysaa inaad habaartid?”

 

Hadalkeedaasu ujeedadiisa uu lahaa dib ugama celin, wuu sii socday, Ilaahayna uu dameeradda u idmay inay sii wado. Marka dusha Buurta Xasaanحسان\ la timid ayuu Balcamبلعم\ Nabi Muuseموسى iyo Banii Israa’iil بني إسرائيل habaaray.

Eray kasta oo habaar ah oo carrabkiisa kasoo baxana wuxuu Ilaahay u duway isaga tolkiis, eray kasta oo khayr ah oo uu carrabkiisa isaga tolkiis ugu Alle baryana wuxuu Ilaahay u duway reer Bani Israa’iil بني إسرائيل. Markaasey waxay tolkfis ku yiraahdeen:

“Balcamow, ma ogsoon tahay waxaad sameyneysid, oo ayagana khayr ayaad ugu duceyneysaa annagana waa na habaareysaaye?”

Markaasuu wuxuu yiri:

“Taasi waa mid aanan waxba ka qaban karin, waana shay uu Ilaahay wato”.

 

Markaasuu carrabkiisu soo dhacay oo uu laabtiisa kusoo dhacay, wuxuuna ku yiri: “Hadda adduunkayga iyo Aakhiradeyduba waan waayey, mana uusan harin waxaan ahayn makri falid iyo xiilad waxaan ahayn. Marka waan idiin makri falayaa oo qorshe xun ayaan idiin dejinayaa, xiiladna waan idiin abaabulayaa, ee haweenkiinna qurxiya, dhar qurxoon iyo waxay haweenku isku qurxiyaan u labbisa, waxaadna u dhiibtaan badeecadaha la gado, kaddibna waxaad u dirtaan degmada reer Banii Israaiil بني إسرائيل si ay usoo gadaan. Waxaadna haweenka amartaan inayan midkoodna nafteeda u diidin nin doonaya, maxaa yeelay haduu nin ayaga ka mid ihi zinaysto, ayagoo idil waa la idiinka filnaanayaa”.

 

Markaasey sidaas yeeleen. Markay haweenkii xerada ciidanka Banii Israa’iil بني إسرائيل galeen, haweeney kancaaniyiinta ka. mid ah, oo magacecdana la yiraahdo Kastaa bintu Suurكستى بنت سور\, ayaa waxay ag martay nin madaxda. reer Banii Israa’iil بني إسرائيل ka mid ah oo la yiraahdo, Zumraa bin Shaluumزمرى بن شلوم\, madaxna u ah qabiilka Shamcuun bin Yacquub شمعون بن يعقوب\. Markaasuu usoo kacay oo uu gacanta ku dhegay, oo intuu fiiriyay quruxdeedu ay cajabisay. Markaasuu inta soo waday wuxuu dul keenay Nabi Muuseموسى, Calayhisalaamu, wuxuuna yiri:

“Waxaan ku wadaa inaad oran doontid inay tani xaaraan iga tahay?”

Wuxuu Muuseموسى ku yiri:

“Haa, xaaraan ayay kaa tahay ee ha u dhowaan”.

Zumraaزمرى\ wuxuu yiri:

“Wa Allaahiوالله\ inaanan amarkaas kugu adheeceyn”, oo intuu haweentii khaymaddiisa la galay ayuu la gogol galay.

 

Markaasuu Ilaahay isla markiiba wuxuu reer Banii Israa’iil بني إسرائيل kusoo diray daacuun. Ninka la yiraahdo Finxaas bin al Cayzaar (ama Ilayaacaazir) bin Haaruunفنحاس بن العيزر (أو إلياعازر) بن هارون\ wuxuu ahaa midka u xilsaaran amarka Muuseموسى, wuxuuna. ahaa nin la siiyay jir wayn iyo xoog, mana uusan joogin oo wuu maqnaa markuu Zumraa bin Shaluum زمرى بن شلوم falay wuxuu falay, wuxuuna soo laabtay isagoo uu dhaacuunku reer Banii Israa’iil بني إسرائيل faro xun ku hayo. Markaasaa wixii dhacay loo sheegay.

 

Markaasuu inta warankiisa qaatay, kaasoo kulligiis bir ahaa, wuxuu ugu galay khaymadday ku jireen, dul tegeyna ayagoo isla hurda. Markaasuu warankiisa labadoodaba ka dusiyay oo uu wada suray, uuna khaymadda kasoo baxay ayagoo waranka ku suran. Markaasuu Samada kor ugu qaaday, isagoo waranka garabka ku qabtay, suxulkiisana sinta ku tiiriyay, warankana garkiisa ku tiiriyay. Finxaasفنحاس\ wuxuu ahaa curadka Al Cayzarالعيزر\. Isagoo xaaladdaas ku sigan ayuuna wuxuu yiri:

“llaahayow, taas oo kale ayaan ku falnaa kan Adiga ku caasiya”.

 

Markaasaa daacuunkii laga qaaday reer Banii Israa’iil بني إسرائيل. Daacuunku wuxuu reer Banii Israaiil بني إسرائيلka dilay inta u dhexeysa marka uu Zumraaزمرى\ haweenta Kancaaniyaddaالكنعانية\ ah la gogol galay ilaa uu labadoodaba uu Finxaasفنحاس\ ka dilo toddobaatan kun oo qof, oo saacad maalin ah gudeheeda ku dhintay.

 

Taas ayaa u sabab ah in dhasha Finxaasفنحاس\ ay reer Banii Israa’iil بني إسرائيل neef kasta oo ay qashaan ka siiyaan haraggiisa iyo garabkiisa iyo qalkiisaba, tiirinta uu warankiisa ugu tiiriyay sintiisa iyo inuu garabkiisa ku qabtay iyo inuu garkiisa ku tiiriyay. Waxay kaloo siiyaan waxa ugu horreeya oo maalkooda ah oo ay kasbaan iyo naftoodaba, isagoo uu Finxaasفنحاس\ ahaa curadka ama wiilka ugu horreeya ee Al Cayzarالعيزر\.

Quraanka kasoo degay

 

Balcamبلعم\ ayay kusoo degatay Aayadda boqol iyo shan iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Acraafسورة الأعراف\. Intaas ayuu warka Imaam Al Baghawiiالإمام البغوي\ ku egyahay.

Aayadda boqol iyo shan iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Acraafسورة الأعراف\ waxay leedahay:

 

وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِي آَتَيْنَاهُ آَيَاتِنَا فَانْسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ (175)

 

“Wa atlu calayhim naba’a allathii aataynaahu Aayaatinaa fa ansalakha minhaa fa atbacahu al shaydhaanu fa kaana mina al ghaawiina(175)“,

oo macneheedu yahay:

 

“Ku akhri korkooda warka kii aan siinnay Aayaatkeenna, oo markaas ka dhex siibtay, shaydaanna uu raacay isaga, noqdayna kuwa baadida ah oo lumay(175)”.

 

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Winchester, Virginia, U.S.A.

Kowda bisha Shacbaanشعبان\ sanadka kun afar boqol sideed iyo labaatan Hijrigaهجرية\ una dhiganta afar iyo toban bisha Agoosto laba kun iyo toddoba.

 

SHEEKOOYIN