Boqorka Yaman iyo Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus.

Thuu Nawaasذونواس\ boqorka Yamanيمن\ iyo Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus

 

Al Ssaxxaarالسحار\ wuxuu yiri:

Markaasaa waxaa Istanbuul (oo waagaas Qisdhandhiiniyyahقسطنطينية\ la oran jiray, oo Boqorka Roomaanka ee Qhisdhandhiinusقسطنطينس\ loogu magac daray) soo gaaray inuu Thuu Nuwaas ذونواس\, Boqorka Yamanيمن\, diinta yuhuuddana galay, Yuusuf-naيوسف\ uu la baxay, uu dariiqa ka gooyey ganacsatadii roomaanka krishtaanka ah ahayd, ayagiina uu laayay, xoolohoodiina uu dhacay, isagoo sidaas ugu aar goynaya walaalihiisa yuhuudda ah oo Boqortooyada Roomaanka lagu cathaabo, ayagoo ay krishtaanku aaminsanyihiin inay yuhuuddu dishay Ciise عيسى\, Calayhissalaamu, oo ay ayagu Ilaah ahaan u caabudaan.

 

Boqorku arrinkaas ma uusan danayn, isagoo mashquul ku ahaa xarbiyo waawayn oo Boqortooyadiisa ku foorarey, sida la dagaallanka boqortooyada Furus ee Iiraan.

 

Markaasuu Justiiniyaanus wuxuu ergooyin u kala diray boqorka xabashada oo krishtaan ahaa, magaciisuna Kaalibكالب\ ahaa iyo hoggaamiyaha nasaarada Yamanيمن\ degganayd, uuna uga codsanayo inay dagaal ku qaadaan Boqortooyada Iiraan, xiriirka ganacsi iyo dhaqaaalena ay u gooyaan, ayagoo ay saddexdoodu isku diin yihiin, oo ay sidaas waajib ku tahay inay u gurmadaan oo ay u hiilliyaan walaalohooda ay isku diinta yihiin oo Roomaanka ah. Gaar ahaan wuxuu ergayguu Justiiniyaanus Boqorka Ximyarحمير\ ee Yamanيمن\ uu Boqorka Yamaneed ka codsaday inuu ninka la yiraahdo Qaysقيس\ u magacaabo odayga hoggaamiyah qabiilka Macadd معد\, uuna diyaariyo ciidan wayn oo ka kooban qabiillada Macaddمعد\ iyo Ximyarحمير\, kuna duula Boqortooyada Iiraan.

 

Thuu Nawaasذونواس\ iyo Muslimiinta Ciiseعيسى\ raacsan

 

Al Ssaxxaarالسحار\ wuxuu yiri:

Qaysقيس\ wuxuu ahaa nin geesi ah waxtarna ah, ayna dhaleen madaxda qabiilkiisu. Boqorka Ximyarحمير\ wuxuu ergayga Boqorka Roomaanka ka ballan qaaday wax suuban inuu yeeli doono, ballankuu galayse ma uusan oofin.

 

Boqorka Ximyarحمير\ ee Thuu Nawaas ذونواس\wuxuu u arkay inay Boqortooyadiisa ay Dawlado iyo dad krishtaan ahi hareereeyeen, doonayaanna inay xukunka kala wareegaan, oo xagga Koofureedna waxaa ka xigah boqortooyada xabashada ee Al Najaashiyyi, caasimadeeduna Aksuum tahay, xagga Waqooyina waaba ayada uu Boqorka Roomaanku ka codsaday inuu Qaysقيس\ madax uga dhigo qabiilka wayn ee Macaddمعد\.

 

Wadnaha Boqortooyadiisana, ee Gobolka Najraanنجران\, waaba ayaday ku sugan tahay xarun ka mid ah kuwa ugu xoog badan ee muslimiinta. Markaasuu wuxuu is tusay in hadduu krishtaannimada dalkiisa ka tirtiro, uu ciidammada Boqorradaas krishtaanka ah ka ammaan helayo markay dhuullaankiisa usoo dhaqaaqaan, oo ay dalkiisa soo weeraraan.

 

Markaasuu Thuu Nawaas ذونواس\wuxuu muslimiinta gobolka Najraanنجران\ ee dalkiisa degganayd, kuna taagnayd Diinta islaamka ee Nabi Ciiseعيسى, Calayhissalaamu, usoo jeediyay inay Diintooda ka baxaan oo ay diintiisa yuhuudda soo galaan. Markaasey ka diideen.

 

Markaasaa waxaa kacdoomay muslimiinta degganayd magaalada Thafaarظفار\ (waa tha korka dhibic ku leh oo caynka ka horreysa), oo mar caasimadda Yamanيمن\ ahaan jirtayba, oo axbaashta ahaa oo hub qaatay.

 

Markaasuu Thuu Nawaas ذونواس farriin u diray uu ku leeyahay:

“Haddaad is dhiibtaan oo aad Thafaarظفار\ gacanta ii soo gelisaan, wax dhibaato ah idiin geysan maynno, bal waxaan idinku celineynaa arliga al xabashah adinkoo nabad qabah.”

 

Markaasey hadalkiisaas rumaysteen, oo ay usoo bexeen, waxayna ahaayeen saddex boqol oo nin oo dagaalyahan ah. Markaasuu inta qabqabtay wuxuu u dhiibay yuhuudda oo wada dishay.

 

Markaasey intay yuhuuddu Thafaarظفار\ gashay ayay masjidyadooda gubtay oo ay dab qabadsiisay, ayada iyo intii dhexdeeda ku jirtayba.

 

Markaas kaddib Thuu Nawaas ذونواس wuxuu warqad u dhigay ninka la yiraahdo Al Xaarithالحارث\ oo madaxda degmada Najraanنجران\ ka mid ahaa, uuna ku waydiisanayo inuu u yimaado isago wada inta raggooda hub qaadka ah.

 

Al Xaarithالحارث\ wuxuu ahaa muslin. Markuu warqadda Boqorka Thuu Nawaas ذونواس helay ayuu Al Xaarithالحارث\ raggiisa soo aruuriyay oo uu isku keenay, wuxuuna aaday Thafaarظفار\ oo ahayd caasimadda Dawladda.

 

Intuu halkaas u sii socday ayuu wuxuu maqlay siduu Thuu Nawaas ذونواس muslimiinta Thafaar ظفار\ u khayaanay, markaasuu gaddoomay oo uu Najraanنجران\ dib ugu laabtay, halkaasoo uu isku ilaaliyay, isaga iyo walaalihiisa msulimiinta ahba.

 

Asxaabu Al Ukhduudأصحاب الأخدود\

 

Al Ssaxxaarالسحار\ wuxuu yiri:

Markaasuu Thuu Nawaas ذونواس Najraanنجران\ ku duulay, markuu tegeyna uu hareereeyey oo uu muddo dul fadhiyay, ilaa ay gacantiisa kasoo gashay.

 

Markaasuu dadkii muslimiinta ahaa wuxuu usoo jeediyay inay Diintooda ka baxaan oo ay diinta yuhuudda galaan, ayaguna way ka diideen.

 

Markaasuu dhufaysyo dhulka ka qoday oo uu jeexay, uuna qoryo ku guray, dabna uu ku shiday. Markaasuu muslimiinta wuxuu ka dhigay qaar uu seef ku laayo iyo wuxuu dabkaas ku dhex rido.

 

Waxaa sidaas ku shahiiday Al Xaarithالحارث\, oo noqday mid kaniisadaha looga heeso, loogana duceeyo. Waxaa la dilay in ka badan labaatan kun oo muslin oo dabka lagu riday. Dhacdadaasna waxaa nooga warrantay Suuratu Al Buruujiسورة البروج\.

 

Badbaadidda Dawsدوس\

 

Al Ssaxxaarالسحار\ wuxuu yiri:

Waxaa dilkaas ka baxsaday ninka la yiraahdo Daws thaa Thaclabaan bin Xasaan bin Tubbaan Ascadu Abii Karibaدوس ذا ثعلبان بن حسن بن تبان أسعد أبي كرب\, oo uu dhalay Boqorkii Yamaneed oo uu dilay walaalkiis Camrعمرو, kaddib markay reer Yamaniيمن\ sidaas kula talisay.

 

Sababta ay reer Yamaniيمن\ Boqorkaas dilkiisa ugu talisay, oo ay walaalkiis kula taliyeenna inuu dilo waxay ahayd isago Xasaanحسن\ ahaa Boqor xarbiyo badan oo dalal badan oo Carab iyo cajam ahba ku duulay. Markaasuu mar uu duullaan qaaday, markuu joogo arliga Ciraaq عراق\ ayay ragga Yamaneedيمن\ oo ciidankiisa ahaa isagii iyo dagaalkaba naceen, waxayna dooneen inay ehelkooda iyo dalkooda dib ugu noqdaan.

 

Markaasey waxay la hadleen walaalkiis, oo isaguna ciidankiisa ka mid ahaa, waxayna ku yiraahdeen:

“Walaalkaa Xasaanحسن\ dil, annaguna Boqor ahaan ayaan kuu caleemo saareynnaa, dalkeennana dib noogu celi.”

Markaasuu ka yeelay.

Waxaa dilkaas ka baxsaday ninka la yiraahdo Daws thaa Thaclabaan bin Xasaan bin Tubbaan Ascadu Abii Karibaدوي بن ذا ثعلبان بن حسن بن تبان أسعد أبي كرب\, oo uu dhalay Boqorkii Yamaneed oo uu dilay walaalkiis Camrعمرو, kaddib markay reer Yamaniيمن\ sidaas kula talisay.

 

Sababta ay reer Yamaniيمن\ Boqorkaas dilkiisa ugu talisay, oo ay walaalkiis kula taliyeenna inuu dilo waxay ahayd isago Xasaanحسن\ ahaa Boqor xarbiyo badan oo dalal badan oo Carab iyo cajam ahba ku duulay. Markaasuu mar uu duullaan qaaday, markuu joogo arliga Ciraaq عراق\ ayay ragga Yamaneedيمن\ oo ciidankiisa ahaa isagii iyo dagaalkaba naceen, waxayna dooneen inay ehelkooda iyo dalkooda dib ugu noqdaan.

 

Markaasey waxay la hadleen walaalkiis, oo isaguna ciidankiisa ka mid ahaa, waxayna ku yiraahdeen:

“Walaalkaa Xasaanحسن\ dil, annaguna Boqor ahaan ayaan kuu caleemo saareynnaa, dalkeennana dib noogu celi.”

Markaasuu ka yeelay.

 

Dawsدوس\ iyo boqorka Roma Justiniyanus

 

Al Ssaxxaarالسحار\ wuxuu yiri:

Marka Xasaanحسن\, Boqorkaas la dilay wiilkiisii oo magaciisu ahaa Daws Thaa Thaclabaan دوس ذا ثعلبان, ayaa dilkaas Thuu Nawaas ذونواس kasoo baxsaday, oo saxrada kusoo cararay, socdayna ilaa uu Istanbuul ka tago, taasoo caasimadda Boqortooyada Roomaanka ahayd.

 

Markaasuu Boqorka Roomaanka oo krishtaanka ah u tegey, wuxuuna uga warramay wixii dhacay iyo wixii muslimiinta lagu falay, wuxuuna tusay Kitaab Injiilالإنجيل\ ah oo uu watay oo qaarkiis gubtay, wuxuuna waydiistay inuu Thuu Nawaas ذونواس uga hiilliyo.

 

Justiiniyaanus, Boqorka Roomaanku arrinkaas wuu ka fakaray, oo lama uusan laab kicin, wuxuuna is tusay inuusan khayr iyo dani ugu jirin u hiillinta muslimiinta Najraanنجران\, kuwaasoo aaminsanaa inuu Ciiseعيسى\, Calayhissalaamu, basharبشر\ ahaa iyo Nabi iyo Rasuul Ilaahay soo diray, caqiidadaasoo ka duwan middiisa uu isagu rumaysan yahay oo oraneysa inuu Ciiseعيسى Ilaah ahaa.

 

Wuxuu kaloo is tusay inay Najraaniنجران\ dalkiisa ka fogtahay: marka yaa og waxay Boqortooyada Iiraanإيران\ suubin doonto hadduu ciidankiisa Najraanنجران\ u diro oo uu xarbigaas dhex galo.

 

Markaasuu wuxuu Dawsدوس\ ku yiri:

“Beledkaagu waa ka fog yahay beledkeenna, gacanteenuna ma gaarto, oo ma awoodno inaan ciidankeenna ku qabanno, waxaanse warqad u dhigayaa boqorka xabashada oo isaguna diintaan ku taagan, beledkiisuna uu beledkiinna midkeenna uga dhawyahay. Marka isagaa ku taageeraya oo kuu hiillinaya oo kuu gargaaraya, kuna daafacaya, kii ku gardarreystana kaaga aar goynaya, adiga iyo dadka diintaada ku jirana ka xalaaleystay wuxuu ka xalaaleystay.”

 

Daws iyo boqorka xabshada Kaalibكالب\ iyo boqorka Masarمصر\

 

Al Ssaxxaarالسحار\ wuxuu yiri:

Markaasuu Justiiniyaanus wuxuu warqad u dhigay walaalkiisa xagga diinta Kaalibكالب\ boqorka xabashada, uuna ugu sheegayo xaqqa uu ku leeyahay iyo waxa kasoo gaaray dadkay isku diinta yihiin, uuna ku amrayo inuu Dawsدوس\ u hiilliyo, ugana aar gooyo midka isaga iyo dadkay isku diinta yihiin kusoo xadgudbay.

Warqaddiina wuxuu ugu dhiibay Dawsدوس\ laftiisa, kaasoo Istanbuul kasoo baxay, soona aaday Aksuum, caasimadda dawladda al xabashah.

 

Waxaa ayaguna boqorkaas xabashada u yimid dad reer Najraanنجران\ ah oo waydiistay inuu ku taageero la dagaallanka Thuu Nawaasذونواس\.

 

Markaasuu Al Najaashiyyuالنجاشي\ wuxuu raggaas ku yiri:

“Anigu rag iyo ciidan dagaallama waan hayaa, mase hayo doonyo aan raggaas saaro (oo Badda Cas ka tillaabiya). Marka waxaan warqad u dhigayaa Justiiniyaanus, oo aan waydiisanayaa inuu maraakiib ii soo diro.”

 

Markaasuu boqorka xabashadu wuxuu warqad u dhigay walaalkiis Justiiniyaanus, uuna ku waydiisanayo doonyo uu kula dagaallamo Yamanيمن\, uguna hiilliyo diinta Al Masiixuالمسيح\. Sidaas ayay labadaas Boqor ugu heshiiyeen la dagaallanka Yamanيمن\.

 

(Justiiniyaanus markay warqadda Kaalibكالب\ ee maraakiibta ku saabsan u tagtay wuxuu amray boqorka Masarمصر\ inuu markaakiib u diro kaasoo yeelay, siduu Al Ssaxxaarالسحار\ meel kale ku wariyay: waxaa Yamanيمن\ isu gaanshaanbuursaday saddex dawladood oo kala ah boqortooyada Roma iyo boqortooyada Masarمصر\ iyo boqortooyada xabashada)

 

Ciidanka Kaalibكالب\ oo Yamanيمن\ ku duulay uuna madax u yahay Aryaadhأرياط\

 

Al Ssaxxaarالسحار\ wuxuu yiri:

 

Markay maraakiibtii soo gaareenna Al Najaashiyyu wuxuu saaray ciidan toddobaatan kun oo nin ka kooban, wuxuuna taliye uga dhigay ninka la yiraahdo Aryaadhأرياط\, kaasoo uu amrkaan siiyay:

“Haddaad ka adkaatid dalool raggooda dil (waa marka saddex meelood loo qaybiyo meel), dalool arligoodana kharaabi oo burburi, dalool haweenkooda iyo caruurtooda addoonnimo u qaado.”

 

Ciidankaas uu Aryaadhأرياط\ taliyaha u ahaa waxaa ka mid ahaa Abrahaأبرهة\, oo isaguna qorshihiisa u gaarka ah watay.

 

Ciidankii Badda Cas ayuu ka tillaabay, uuna xeebta Yamanيمن\ ku degay.

 

Dilidda Thuu Nawaasذونواس\

 

Thuu Nawaasذونواس markuu maqlay khabarkooda, ayuu odayadii qabaa’ilka Yamaneed u ciddiray inay ku soo biiraan oo ay dalkooda wadajir u daafacaan. Wayse ka diideen oo waxay yiraahdeen:

“Qabiil walba dhulkiisa ha daafacdo.”

 

Sidaas ayay talada iyo cududda Yamaniيمن\ ku kala dhanbalantay, oo ay u kala firdheen. Kaddib waxaa iska horyimid ciidankii xabashada oo uu Aryaadhأرياط\ hoggaaminayo iyo ciidanka qabiilka Ximyarحمير\ oo uu Thuu Nawaasذونواس hoggaaminayo.

 

Ciidanka Ximyarحمير\ waa laga adkaaday, goobtaas ayaana Thuu Nawaasذونواس isagoo dagaallamaya lagu dilay.

 

Markaasaa nin la yiraahdo Calqamatu Thuu Jadanعلقمة ذوجدن\, oo Thuu Nawaasذونواس geeridiisa u booyaya wuxuu tiriyay gabay ay tixdaani ka mid tahay

أوماسمعت بقتل حمير يوسفا \\ أكل الثعالب لحمه لم يقبر

 

“Awa maa samicat bi qatli Ximyaru Yuusufan

Akala al thacaalibu laxmahu lam yuqbar.”

Tixda macneheedu waxaa weeye:

 

 “Ximyar miyeeyan maqlin dilka Yuusuf

Hilibkiisa dawacooyinka ayaa cunay, lamana duugin.”

 

 

Soo ma aha geeri la mid ah tii lagu dilay Koofil (waa Richard Corfield, oo gaal ingiriis u dhashay oo madaxda ciidammada ingiriiska dalka Soomalida u fadhiday ka mid ahaa, madaxna u ahaa Rukuubleyda – Camel Corps- laguna dilay dagaalkii Ruuga -Dulmadoobe- oo Daraawiishta iyo Ingiriiska dhex maray sagaalka bisha Oktoobar ee kun iyo sagaal boqol iyo saddex iyo toban) askarigii ingiriiska ahaa oo uu Sayyid Maxammad Cabdille Xasan dilay, kaddibna uu yiri:

 

Koofil

 

“Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne

Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede

Jahannama la geeyow haddaad, aakhiruu jahato

 

Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleye

Jameecooyinkii iyo haddaad , jowhartii aragto

Sida Eebahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda

 

Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh

Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud  dheh

Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh

 

Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh

Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh

Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

 

Jiraayadey ila dhaceen, jilic afkoodii dheh

Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheegoo

Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji

 

Nafjeclaysigii baan u iri, jaallow iga daa dheh

Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh

Jeedaaladii baa indhuhu, kor u jillaadmeen dheh

 

Jimic kagama helin tuugmadaan, jiriyey ruuxii dheh

Markaan juuq iraahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh

Dhaaxaan jalaacaye dheg baan , jalaq la ii siin dheh

 

Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaanqaaday

Sida jananadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh

Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh

 

Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay

Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh

Markay rubaddu jaw tiri or bay, iga ag jiibsheen dheh

 

Jirkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh

Jurmidiyo baruurtii dhrwaa, jugux ka siiyaa dheh

Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh

 

Haddaan lays jikaareyn tolkey, laga jil roonaa dheh

Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan dheh

Daraawiishi waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi dheh.

 

Kaddib ayaa waxaa Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan soo gaartay inay koofil walaashiis weer madow xiratay, ingiriisna ay waydiisatay inuu siiyo ciidan ay Daraawiish kula dagaallanto oo ay walaalkeed u aargoyso. Markaasuu wuxuu Sayyidku tiriyay gabay magaciisu yahay Koofil walaashiis, wuxuuna  ku yiri:

 

 

 

Koofil Walaashiis

 

Casayrow adaa muudayoo, meel xilluu kiciye

Adigaaa magaalooyinkii, mari ishaaleeye

Warka lagama maarmee haddii, madal laguu yeesho

 

Mid yar baan ku sii farahayaa minka ka higaadi

Inkastey majaha kaa xiraan, muuji hadalkeyga

Gabaygaa ha lagu maadsadee, uunka maqashiiya

 

Waa mahad Ilaahay haddii, Koofil mowd yahaye

Ingiriisba meeshii ka maray, maara waayuhuye

Maantana midkii soo baxaa, mowtigiis galay dheh

 

Midgaantii walaashiis ahayd, waa tan murugoone

Intay calal madow qaadatay, oohin mirataa dheh

Waa wax maanka laga dhoofiyee, ha iska mowleyso.

 

Aryaadhأرياط\ oo amarka boqorkiisa Kaalibكالب\ fuliyay

 

Aryaadhأرياط\ markuu Thuu Nawaasذونواس ka adkaaday, wuxuu meel mariyay amarkii Boqorkiisa, oo dalool raggii Yamannaيمن\ wuu laayey, dalool arligaasna wuu burburiyay, dalool haweenkii iyo caruurtiina wuxuu addoon ahaan ugu diray Al Najaashiyyi ee Boqorka arliga Xabashada, oo suuqa lagu kala gatay.

Markaasey Yamaniيمن\ maahmaah ka dhigatay wuxuu dhibaato Daws Thaa Thaclabaanدوس ذا ثعلبان usoo hoggaamiyay, oo xabashada ah, oo Yamanيمن\ waxay ku fashay ku fashay. Maahmaahdaasna wa sidatan:

“لا كدوس ولا كأعلاق رحله!”

“Laa ka Dawsin wa laa ka aclaaqi raxlihi”,

oo ah

 

“Maya oo ma dooneynno wuxuu Dawsدوس\ falay oo kale iyo wuxuu watay,” oo amxaaraduu keenay ah. Gabayo badan oo dheerdheer ayay reer Yamanيمن\ ka tiriyeen hoogga iyo ba’da ay amxaaradu dadkooda iyo dalkooda ku faleen, siday dalkii iyo daarihii u burburiyeen iyo waxay kuwa madow haweenkooda ku faleen. Gabayaagaas waxaa kuwa ugu af dheer ka mid ahaa Thuu Jadan Al Ximyariyyiذوجدن الحميري\.

 

 Xuseenow caqligu kaama baxo

(Afbakayle)

 

Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan kuwa amxaarada iyo gaalada Soomilida Muslinka ah ssoo gelisay, oo Soomaalida waxay ku faleen ku falay, wuxuu ka yiri waxaa ka mid ahaa, gabayga Afbakayle la yiraahdo. “Abbakayle” waa meel degmada Laas Caanood afartan Mayl dhinaca Galbeed ka xigta, waana goobtii ugu horreysey oo ay Darawiishta iyo Ingiriis dagaal hubaysan isaga hor yimaadeen saddexdii bisha Maajo ee kun iyo sagaal boqol iyo kow.

 

 

Xussenow caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye

Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye

Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

 

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu khayre

Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaaye

Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

 

Hawl kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Alla igama qaadow adaan, kala ilaaweynee

Eedaanka maqal waa Salaad, loo addimayaaye

 

Ilaahii abuurayba kuwii diiday, amarkiisa

Ambiyaalihii iyo kuwii, owliyada caayay

Asxaabtii dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

 

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, ugu adeegaayey

Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey

Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aaneystay

 

Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey

Oo Aw Cabbaas diley, dadkaan eedi kala gaarin

Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

 

Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey

Oo Mililikh aabe u yehee, u arrin qaadaayo

Oo Xabashi eedi u noqdee, u ololaynaayey

 

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey

Afbakayle nimankii kufriga, uraya noo keenay

Ee Oodagooyoiyo na dhigay, aydii Daratoole

 

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey

Ragga ehelukhayrkaa warmaha, kala ajoon waayey

Oo umal daraadiis girliga, ugu afuufaayey

 

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imanaayey

Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haystay

Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

 

Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig wixii joogay

Ee Eeraago iyo Batalo, igu uquumeeyey

Ee omoska Beerdhiga tukaha, igu ormaysiiyay

 

Nimankii ayaantii Gumburo, oboda ii dhiibay

Ardaashii Jidbaale i heshee, igu unuun goysey

Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

 

Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba

Anigoo islaamaba, ii arxami waayay

Nimankaan Ilaahow lahaa, eyda iga doono

 

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey

Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey

Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka

 

Nimankii iblays nagu diree, naga ajoon waayay

Nimankii arlada Eebahay, naga ugaareeyey

Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

 

Nimankii abaartii Caleed, Bari na aadsiiyey

Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayey

Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

 

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iiga keenay

Nimankaan ku alaaladay markii, uunku wada jiifay

Nimankii ajuurada cunee, iibka ii bixiyay

 

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin

Waxba yey addoomada Ilaah, nooga aargudine

Waxba yaan aduun layga siin, ilintidaydiiye

 

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine

Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane

Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne.

 

Dardaaran

 

Wuxuu kaloo gabayga “Dardaaran” la yiraahdo ku yiri, kaddib markii uu Ingiriis kun sagaal boqol sagaal iyo toban markii ugu horreysey taarikhda Afrika uu dayuurado dagaal kusoo kiciyay Xarunta Darwaawiishta ee Taleex tiillay oo uu duqeeyey, dhulkana kasoo weeraray, Sayyid Mammad Cabdille Xasanna uu Koofur u guuray, ayuu gabaygaan tiriyay, wuxuuna yiri:

 

 

Min daroofle aqal daahya weyn, dadab la heedaamay

Dermo iyo firaash lagu gam’iyo, daalam iyo googgo’

Aniga oo waxaan doonayaba, derajaday haysta

 

Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero

Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshey

Dumbuq subuca degalkaan ka kacay, dahab wixii yiillay

Dhakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duugmay

Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay

Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela

 

Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dhukhuulaayey

Dabatoobka Iidoor wuxuu, darayey caarkiisa

 

Lo’ durdura wixii deebla geel, nala ka sii daayey

Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyey

Dirrowgii qabsaday reerkayga, dalankicii gaaray

 

Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska

Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku

 

Doonyaha shammalka ah haddii, dakhalka loo laalo

Maruun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane

Oo doofaarradii ku jiray, daraxu caynshaaye

 

Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqqay

Annagu diidi maynoo mar baa, Daayin noo wacaye

 

Ninkiise tiisa loo deynayaa, haygu diirsado e

Kolna haddaan cid laga deynahayn, mowdka dabaqdiisa

Ninkii haatan nagu diganayow, dan iyo xeeshaa

 

Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa

Inkastoo daleel nala dhigaan, docna nagu cayman

Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna

 

Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey

Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye

Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

 

Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaayee

Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e

Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye

 

Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye

Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede

Anaan labada daarood tan hore, derejo moodayne

 

Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine

Goortay dareereen anaan, diiradduu qabane

Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine

 

Anaan doora weynow kufriga, daacadnuu geline

Ferenjiga dirayska leh anaan, diiradduu qabane

Sida doxorka Iidoora anaan, duudxammaal noqone

 

Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline

Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirane

Anigaan dariiqada Alliyo, Diinta caasiyine

 

Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye

Waa wixii durbaan tumay markaan, dowga sii maraye

Waa wixii dayoy yiri intuu, soo dabbaaldegayee

 

Dadow maqal dabuubtaan ku iri, ama dan haw yeelan

Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa

Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado

 

Daw lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane

Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane

Dirhankuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane

 

Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye

Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine

Marka xiga dalkuu idinku oran, duunya dhaafsada e

 

Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye

Mar haddaan dushii Adari iyo, Iimey dacal dhaafay

Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye.

Qorallada ay reer galbeedku dhigeen waxay ku sheegeen inuu ingiriisku waagaas shacbiga soomaalida ka dilay dalool, oo ah marka saddex loo qaybiyay qayb.

 

Maqashiiya uunka

 

Gabaygaan soo socdana, oo la yiraahdo Maqashiiya Uunka, wuxuu u dhiibay labada nin oo la kala oran jiray Cabdalla Shixiri iyo Xirsi Afdiir, oo aqoon dheer u lahaa afafka qalaad ee reer galbeedka, ummadaha shisheeyaha dhex markooda iyo Diinta Islaamkaba, wuxuuna yiri:

 

 

Cabdalla maan qaboobiyo, Xirsi maakib laawow

Mid yar waxaad tiraahdaan, murtadiinta reer Hagar

Habaryoonis madasheeda, mariya weedha aan iri

Toljeclaha muraadkaygiyo, masaafadayda ula taga

Maqashiiya uunkaba, miyir inuu ku soo galo

Mid mid waxow tiraahdaan, nimanka mooradii furay

Mawaacidada Diinkii, ma wax leysku maagaa?!

Jahaadka moosinkii galay, ma wax laga maqnaadaa?!

Mushaarada beenihii, ma wax lagu mannaagaa?!

Loxodkii madoobaa, ma lays moogadeeyaa?!

Muufada cadaabeed, maw adkaysanaysaan?!

Gaal nin u midiidimay, maqaan naara inuu tegi

Kutubtaa u maragee, ma wax lagu murmaa baa?!

Mushrik inaad jeclaataan, amaad mudan ku sheegtaan

Haddaydnaan mujrim ahayn, masala maad u haysaan?!

Masala-gaabyadiinnaa, meel daran idiin dhigay

Muftiga waanadiisii, idinkaa ka maagtoo

Macbuudkii Rabbi ahaa, idinkaaba moogoo

Maxsharkiyo qiyaamaha, idinkaa munkirayoo

Muqfiradii Ilaahay, idinkaa ka maarmoo

Macaankii Firdowsana, idinkaa muraystoo

Muuminnimada laabtaa, idinkaa mantagayoo

Minadiinna gaalowday, idinkaa muquunshoo

Kufriga i mahoobbiyey, idinkow miciinoo

Makaankii shareecada, idinkaa matamiyoo

Muslinkiyo qusuusidda, idinkaa makalaayoo

Maalkii agoomeed, idinkaa malhabayoo

Masxafkiyo Quraankii, idinkaa maljadayoo

Waxse mowtigiin galay, ama meleg idiin yimi

Markaad Maxammadkiinnii, malcuun uri ka raacdeen!

Mariyoo macneeyaye, mid kaleeto wuxuu yahay

Waxaan maqallay ferenjigu, inuu miiri idin qoray!

Waxaan maqallay maalkii, inuu idinka meersaday!

Waxaan maqallay ooryaha, mid san inaad ka weydeen!

Waxaan maqallay madaxdiinna, in midiidin laga dhigay!

Aan miis yar mooyee, Maydho geel la siinayn!

Waxaan maqallay maahyahow, magaciin inuu ba’ay

Intaasoo masiibaa, waxa igala maad badan

Maska iyo abeesada, magta aad ka bixiseen!

Aanad midigta fidinayn, aar hadduu ku miciyayn!

 

Yamanيمن\ oo gumaysiga xabashada hoos gashay

 

Kaddib Aryaadhأرياط\ wuu socday isagoo magaalo kasta oo uu qabsado mid kale uga sii gudbaya, ilaa Yamanيمن\ oo idil ay isaga u xasishay oo uu gacanta ku dhigay. Sidaas ayay Yamani يمن\waxay ku noqotay mustacmarad xabashiyeed.

 

Abraha Al Ashramأبرهة الأشرم\

 

 Markay sidaas sanooyin ahayd ayuu ninka la yiraahdo Abrahaأبرهة\, oo ciidanka Aryaadhأرياط\ ka tirsanaa, wuxuu doonay inuu Boqornimada Aryaadhأرياط kala wareego. Markaasuu xukunka ku qabsaday.

 

Markaasuu ciidankii xabashadu labo u kala jabay, oo uu jab Aryaadhأرياط la saftay, jabka kalena uu Abrahaأبرهة\ la saf noqday.

 

Markaasaa waxaa lagama maarmaan noqotay inuu dagaal dhaco si loo kala baxo. Markaasuu Abrahaأبرهة\ inta ciidanka raacsanaa soo watay uu xagga Aryaadhأرياط soo aaday, oo ay labadii ciidan isu soo dhowaadeen.

 

Markaasuu Abrahaأبرهة\ farriin u diray Aryaadhأرياط, uu ke leeyahay:

“lagaa yeeli mayo inaad labo ciidan oo xabasho ah iska hor keentid oo ay markaas is baa’bi’iyaan, ee adigu ii soo bax, anna waan kuu soo baxayaaye, oo labadeenna midkii la dilo ciidankiisu midka adkaaday ha raaco.”

 

Aryaadhأرياط, markuu farrintaas helay wuxuu u soo faray Abrahaأبرهة\ farriin uu ku leeyahay: “Gar ayaad soortay, ee soo bax.”

 

Khayaanada Abrahaأبرهة\

 

Markaasuu Abrahaأبرهة\ usoo baxay, wuxuuna ahaa nin gaaban oo hilib badan. Aryaadhna أرياط wuxuu ahaa nin wayn oo dheer oo qurxoon, gacantana wuxuu ku sitay waran markuu soo baxay.

 

Abrahaأبرهة\ wuxuu dhabarka iska mariyay taag uu ku qarsoon yahay nin addoon ah oo uu isagu lahaa, lana oran jiray Catwadatuعتودة\. Markaasey markay labadoodii isu soo dhowaadeen ayuu Aryaadhأرياط inta warankiisa kor u qaaday tuuray oo uu Abrahaأبرهة\ madaxa uga dhuftay, isagoo madaxa la doonayey.

 

Warankiise wuxuu Abrahaأبرهة\ uga dhacay wajiga, isagoo jeexay sunnada indhaha iyo ishiisa iyo sanka iyo dhabanka iyo bashimahaba. Taas ayaana u sabab ah in Abrahaأبرهة\ loo bixiyay Al Ashramuالأشرم\, oo sharimaشرم\ waxaa weeye waa jeexay, waa dillaaciyay. Marka Abraha Al Ashramuأبرهة الأشرم\ waa Abraha dhaban ama canjeex. Markaasaa waxaa Aryaadhأرياط soo weeraray addoonkii Abrahaأبرهة\ ee ahaa Catwadatuعتودة\, oo dhabarka Abrahaأبرهة\ uga yimid, oo dilay.

 

Sidaas ayuu ciidankii Aryaadhأرياط wuxuu raacay oo uu u hoggaansamay Abrahaأبرهة\, ciidankiisana ku darasamay. Markaasey xabashadii Yamanيمن\ oo idil ay Abrahaأبرهة\ isugu timid, oo ay u wada hoggaansantay.

 

Markuu boqor noqday Abrahaأبرهة\ wuxuu Catawdaعتودة\ weydiiyay wuxuu abaal gud ahaan ka doonayo siduu Aryaadhأرياط\ ugu dilay. Catawdahعتودة wuxuu weydiistay in gabar kasta oo yamaniyad ah oo la guursanayo in isaga habeenka ugu horreeya loo aqal geeyo isaga la seexato, taasoo uu Abraha أبرهة\ ka yeelay oo Yamanيمن\ sidaas sunno uga noqotay.

 

Boqornimada Abrahaأبرهة\ ee Yamanيمن\

 

Markuu warka ku saabsan wuxuu Abraha أبرهة\falay uu boqorka xabshada Al Najaashiyyi gaaray si xun ayuu u carooday, wuxuuna yiri:

“Amiirkeygii aan magacaabay oo wakiilka iga ahaa ayuu dilay amarkeyga la’aantiis”, wuxuuna ku dhaartay inuu dalkiisa cagta mariyo (waa Yamanيمن\) isagana uu guudka ka gooyo (oo dilo).

 

Markuu khabarkaasu Abraha أبرهة\gaaray, ayuu madaxa iska xiiray, jiraabna uu ciidda Yaman يمن\ ka buuxiyay, labadoodiina uu Al Najaashiyyi u diray, warqadna uu u raaciyay, uu ku leeyahay:

“Boqorow, Aryaadhأرياط\ wuxuu ahaa addoonkaaga, aniguna waxaan ahay addoonkaaga, amarkaaga ayaanna isku khilaafnay, annagoo labadeennuba aan adiga daacad kuu nahay, anigaase amarka xabashada uga xoog badnaa, amarkaasna uga adkaa, ugana siyaaseysnaa oo uga maareyn fiicnaa. Madaxayga oo dhan ayaan xiiray markay dhaarta Boqorku isoo gaartay, waxaanna usoo diray jiraab ciidda Yamaneed ah, si uu labadiisa cagood hoostooda dhigo oo uu cagihiisa mariyo, oo uu sidaas dhaartiisii u meel mariyo.”

 

Markay timihii iyo ciiddii Al Najaashiyyi gaareen, raalli ayuu ku noqday, wuxuuna Abraha أبرهة usoo diray dhambaal oranaya:

“Hawshaada aad arliga Yamanيمن\ ka haysid ku sugnow ilaa uu amarkeygu kaaga yimaado.”

Sidaas ayuu Abraha أبرهة wuxuu ku noqday Boqorka Yamanيمن\ oo ayan cidna ku haysan.

 

Afka xabashada Abraha أبرهة macnihiisu waxaa weeye “midka wajiga cad”.

 

Waxaa la yiri inay dadka xabashada la yiraahdo yihiin ubadka ninka la yiraahdo Xabashu bin Kuush bin Xaam bin Nuuxحبش بن كوش بن حام بن نوح\, Calayhissalaamu. Waxaa kaloo la yiri waa ubadka ninka Carabta Yamaneedيمن\ ah oo la yiraahdo Xabashuحبش\, uuna ku abtirsado qabiilka Yamaneed oo la yiraahdo Xabashahحبشة\. Waxaa kaloo la yiri waxay walaalo yihiin oo ay wada dhasheen ninka la yiraahdo Barbarبربر\ oo waa ubadka ku abtirsada ninkii magaciisu ahaa Jaaluutجالوت\ (oo uu Al Mascuudiالمسعودي\ yiri waa Jaaluut bin Baayuul bin Riyaal bin Xadhaan bin Faarisجالوت بن بايول بن ريال بن حطان بن فارس\) oo u dhashay qabiilka Carbeed ee Al Camaaliqahالعمالقة\, uuna dilay Nabi Daauudداود\, Calayhissalaamu, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaaالله سبحانه وتعالى\, noogu sheegay Aayadda laba boqol kow iyo konton ee Suuratul Baqarahسورة البقرة\. Runtana Rabbi ayaa og.

 

Masruuq bin Abrahaمسروق بت أبرهة\ iyo walaalkiis Aksuum

 

Abraha أبرهة markuu Yamanيمن\ gacanta ku dhigay, oo ay u sugnaatay, ayuu wuxuu u yeeray Abuu Murrata Sayf bin Thii Yazinأبومرة سيف بن ذي يزن\, oo odayga Yamanيمن\ ahaa, wuxuuna ka qaatay haweentiisii magaceedu ahaa Rayxaanatu bintu Calqamah bin Maalikريحانة بنت علقمة بن مالك\. Haweentaasi waxay Abuu Murrataأبومرة\ u dhashay Macdii Karib bin Sayf bin Thii Yazinمعدي كرب بن سيف بن ذي يزن\.

 

Markuu haweentaas ninkeeda ka qaatay, ayuu Boqorad ka dhigay, uuna guursaday, waxayna u dhashay wiilkiisa Masruuq bin Abrahaمسروق بن أبرهة\. Wiilkaas waxaa Masruuqمسروق\ u bixisay Carabta Yamanيمن\, uguna bixiyeen in hooyadiis laga xaday ninkeedii qabay, oo Masruuqمسروق\ macneheedu waa “Midka la xaday”. Wilkaas waxaa kaloo la oran jiray Thii Shanaatirذي شناتر\, oo aabihiis ayaa wuxuu madax uga dhigay oo uu siiyay dhulka la yiraahdo Shanaatirشناتر\.  Al Shanaatiruالشناتر\ afka Ximyarحمير\ waxaa la yiraahdaa faraha gacanta oo middiina waa Shunturatuشنترة\.

 

Markay Yamaniيمن\ u xasishay, maalkiisuna uu batay, ayuu Abraha أبرهة wuxuu ku noolaaday nolol boqornimo iyo hodannimo, wuxuuna dhistay qusuur waaweyn, kaniisadana wuxuu ka dhisay gobollada Ma’ribمأرب\ iyo Thafaarظفار\ iyo Sancaصنعاء\ iyo Najraanنجران\, halkaasoo uu diinta krishtaanka ka fidin jiray, Carabtana uu ugu yeeray inay Kaniisaddiisa Sancaصنعاء\ usoo xajiyaan. Wiilkiisa kale oo magaciisu ahaa Aksuumأكسوم\, hooyadiisna ay xabashiyad ahayd, wuxuu u dhiibay talada gobolka Macaahirمعاهر\, markaasaa loo bixiyay Thii Macaahirذي معاهر\.

Abraha iyo boqorrada Roma

 

Sidaas ayuusan Abraha أبرهة dhegna u raaricin jirin codsiga uga yimaada Boqorrada Roomaanka oo ahaa inuu Xijaazالحجاز\ ku duulo, isagoo ka baqanayey kulaylkeeda iyo saxradeeda iyo oomaneheeda, oo ma uusan doonayn inuu Boqortooyadiisa ku khamaaro, oo uu halkaas harraad ugu dhinto siduu Paulus Gallus ugu dhintay oo kale, kaasoo uu Boqorka Roomaanku u soo diray inuu dalalka Carabta usoo gacan geliyo.

 

Siyaasadda Abraha: kala qaybi oo xukun

 

Abraha أبرهة wuxuu doonay inuu qabiil walba oo carbeed goonidiisa u maamulo, oo uu ku dhaqo talada ah kala qaybi oo xukun. Markaasuu wuxuu nin Carab ah u magacaabay Xaakimka gobolka Tihaamataتهامة\ oo ka kooban qaar Yamanيمن\ ka mid ah iyo Xijaazالحجاز\, ayna ku yaalliin Makkata Al Mukarramatiمكة المكرمة\ iyo Al Madiinata Al Munawwaratiالمدينة المنورة\.

 

Markuu u tegey ayay raggii gobolkaas degganaa dileen, ayadoo uusan hore ninna u talin. Wuxuu kaloo Abraha أبرهة caleemo saaray ninka la yiraahdo Muxammad bin Khuzaacii محمد بن خزاعي\, wuxuuna madax uga dhigay qabiilka wayn ee Mudarمضر\ (waa daadka kor dhibicda ku leh), wuxuuna ku amray ninkaas inuu dadka ugu yeero inay kaniisaddiisa Sancaصنعاء\ ku taalla usoo xajjiyaan, intay Makkahمكة\ u xajjin lahaayeen. Ninkaasi markuu arliga Mudarمضر\ tegey ayay waxay u direen nin Huthaylهذيل\ u dhashay oo fallaar ku dhejiyay oo dilay.

 

Kacbada, carab iyo Abrahaأبرهة\

 

Abraha أبرهة arrinkaan aad ayuu uga carooday, wuxuuna arkay in inkastoo ay Carabi qabaa’il kala duwan yihiin, hadana waxa ka dhexeeya oo ay heshiis ku wada yihiin Kacbada Makkah مكة\ ku taalla inay tahay.

 

Markaasuu goostay inuu Gurigaas dumiyo, si ay Carabi u kala firdhato, oo uu sidaas ku wada xukumo. Markaasaa waxaa dhacay, hadana, arrinka ninka reer Banii Kinaanahبني كنانة\ u dhashay oo kaniisaddiisa musqul ahaan u isticmaalay.

 

Markaasuu Abraha أبرهة wuxuu gurmad weydiistay Al Najaashiyyi, si uu Makkahمكة\ ugu duulo, kaasna uu ciidan iyo maroodiba u soo diray.

Markaasuu Wuxuu Abraha أبرهة isku diyaariyay weerar xoog leh oo ayan Carabi mid la mid ah hore u arag, si ay isku gaaraan gacnaha krishtaanka xabashada iyo Yamanيمن\ ee Xijaaz الحجاز\ Koofurta ka xigah, iyo krishtaanka Shaamالشام\ oo ay reer Ghassaanغسان\ Boqorrada u yihiin, iyo krishtaanka Boqorrada Roomaanka ee Caasimaddoodu Istanbuul tahay, oo Xijaazالحجاز\ Waqooyiga ka wada xigah.

 

Qorshaha dhabta ah ee dawladaha krishtaanka ah

 

Qorshahana waxaa ka mid ahaa inay dadka Makkanaمكة\, markay Kacbada dumiyaan, krishtaan ka dhigaan, Kacbadana ay Krishto suraan. Sidoo kale, waxaa qorshohooda ka mid ahaa in intaas kaddib ay Boqortooyada Iiraan oo dabka caabudi jirtay, ay labada dhinac ee Koofur iyo Galbeed isla mar kasoo weeraraan, si ay halkaasna Caasimaddooda Al Madaa’in المدائن\ krishto u suraan, dadkoodana ay krishtaan ka dhigaan, oo sidaas adduunkoo idil krishtaan ku noqdo, isla markaasna ay dhaqaalaha adduunka oo idil gacanta ku dhigaan iyo ganacsiga iyo waddooyinka ganacsiga loo maraba.

 

Abrahaأبرهة\ ma dhiman maalintaas askartiisa ay shimbiruhu laayeen, jirka ayaase laga galay, kuwa askartiisa ahaa oo cararayey ayaana hore usii qaaday. Intuu sii socday jirkiisa ayaa hadba xubin ka go’daa oo ay ka dhacdaa, kaddibna ay meeshaas muddo dhiig iyo malaxi da dareertaa.

 

Waxay Sancaصنعاء\ keeneen isagoo sida cunugga shimbirta oo baalashii laga gooyey ah, oo aan addimmo lahayn, kaddibna ay laabtiisu dillacday oo uu wadnihii kasoo baxay oo uu dillaacay, isaguna uu dhintay.

Sanadkaas ay xabashadu Makkaمكة\ timid ayaa ugu horreeyey arliga Carabta oo lagu arko labada cudur ee furuqa iyo jadeecada.

Ilaahay wuxuu Abrahaأبرهة\ ku cathaabay cudurka furuqa oo uu u dhintay isagoo xubnihiisa iyo jirkiisa hadba cad go’ayo oo ka dhacayo intuu Sanca’صنعاء\ usii cararayay ayadoo ay sidaan rag askartiisa ka mid ah, isagoo ay dhiig iyo dhacaan malaxi ka dareereyso. Cudurkuna wuxuu ku dhacay kaddib markuu ku dhacay dhagaxday shimbiruhu soo tureen, siduu Al Zarqaaniiالزرقاني u wariyay, taasoo isaga ciqaab dheeri ah u ahayd. Ilaahay ayaana runta ogsoon.

Baabu Al Yamanباب اليمن\. Xasanwali 11 Shawwaalشوال\ 1434 H / 17 Septembar 2013 Gregorian.

Bartaan uu darbigu ku wareeg  sanyahay oo ay dhexdiisa dhirtu ka baxday ayay kaniisada Al Qullaysالقليس\ ku tiillay Baabu Al Yamanباب اليمن\ ee magaalada Sancaصنعاء اليمن\.

Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Woonsocket, Rhode Island, USA

 

SHEEKOOYIN