Tusmada Dowladda: W/D: Halabuur Ciise Xaashi Xayle

Tusmada Dowladda: W/D: Halabuur Ciise Xaashi Xayle

Waa talo ku socota Dowladda: kana kooban Shan qodod, iyo gabay koobsanaya tusmooyin meel dheer oo si guud Dowladda u la hadlaya gaar ahaan Madaxweynaha Qaranka.

(1). Dowladdu ha samayso xeerar kala haga awoodldaha xukuumadda iyo dhammaan madaxda dowladda. Mar kasto oo qalad dhaco xukuumadda dhexdeeda ah , waa in la is ka garanayo qodobka loo cuskanaayo iyo waxa laga yeelayo, ee aan si kale oo gurracan loo xeerin. Si kooban dowladdu waa inay yeelataa xeerar qoran oo aanay jirin cid ka tallaabi kartaahi dowladda dhexdeeda waaye ee maaha shacabka.

(2). Dowladda waxaan kula talinayaa inaanay u jawaabin qofkii meel ka soo qayliyaba. Waa laga habboon yahay in qof foolbuugga iyo baraha bulshada wax ku soo qoray in dowladdu ka jawaabto. Xukuumaddu waa inay yeelataa qorshe cad oo warfaafineed kaa oo la yaqaan waxa aan laga jawaabayn iyo waxa laga jawaabayo iyo waxa aan mudnayn in laga falceliyo. Iska hadalka aan micnaha weyn ku fadhiyine aadmiga ayuu qiima ridaa ee dowladdu ha xakamayso.

(4). Dowladdu waa inay yeelataa bar iyo goob rasmiya oo ay ka uruursato aaraada iyo afkarrada wax dhisaya ee kasoo maaxday maanka iyo maskaxda caafimaadka qaba, ee Shacabka Soomaaliyeed. Dowladdu waa inay dadka la tashataa oo ay aragtaa fikradda culimada, cuqaasha, waxgaradka, dhallinyarada, aqoonyahannada iyo qof kastoo soo jeedinaya aragti wax dhisaysa oo lagu diirsan karayo. Dowladdu waa inaysan cadow ayadu gacanteeda ku samaysan, waa inay muwaaddin kasta qaddarisaa oo ay tustaa inuu dhaliili karo, sida ay ammaantaba u qaddariyaan. Qofka wax dhaliilaya waa inaanu ku xadgudbin sharafka iyo shaqsiyadda qofka. Wax dhaliil , wax tusmee waxna tusaalee balse cayda,nacaybka iyo cunfigu waa xaaraan reebban, dhaqan ahaan iyo Diin ahaanba.

(4). Dadka dowaladda ku jira ee ayagu sharafta iyo qiimaha qaranka duminaya dowladdu ha ogaato waxna ha ka qabato. Dad waxaa jira magaca dowladda iyo shaarka qarannimo wax ku halleeya kuna bi’iya. Kolka ay shaqsiyaadkaasi wax xun sameeyaan oo aan dowladdu ogayn, waxay uga dhigan tahay dadka aan aragga fog wax ku aragi inay dowladda u saariyaan xumaanta uu falay qofkaasi. Masuul kasta oo xil hayaahi dadka ka hoos shaqeeya ha eego hana xakammeeyo, kan daacaddaa iyo kan wax duminaya iskaba daa inuu wax dhisee.

(5). Dowladdu dulqaadka ha badiso dadkeedana Ilaahay dartii ha ugu adeegto, waa sida loo doortaye, haddii kale waxay noqonayaan kuwa fashimay sida horeba u dhici jirtay.

Shantaas qodob ee aan kor kusoo xusay wuxuu kusoo afxiray Hal-abuurku Gabay kusoo jiidan doona oo ah murti iyo miid Fayow, ee ah tusaale wax dhisaya. Gabaga magaciisa waxa la yiraahdaa: “Odayga gaadhsiiya” wuxuuna u dhigay, sidaan:

Goodad baa ka buuxoo dalkii , way gilgilayaane
Gocor baa ku jira bowdka iyo , hooska geedaha’ e
Goonyuhuu ku meer-meerayaa , guriga soomaale
Godad baa ka qodan meel kastee , odayga gaadhsiiya!

Gacmo wadajir bay goynayaan , geed adayg badane
Garas laguma jaro gudinta aan , daabka loo geline
Girgirrada inay diirta oo , godato mooyaane
Wax ba kuuma goysoo afkay , gees u dadabtaaye
Haddii aad geddaan uga socdiyo , garatay weedhayda
Xalanay ka guux-guuxayaan , gaalo fara weyne
Gumaystaha xeryaha noo fadhiya , odayga gaadhsiiya!

Midka gaabshay , midka godobta galay , kaan is garanaynin
Midka guuray , midka golaha yimid , goonyihiyo sheedda
Gefka dhacaya goor iyo allayl , gacalka aafoobay
Garashay u baahnayd falsane , odayga gaadhsiiya!

W/D:Halabuur Ciise Xaashi Xayle

SHEEKOOYIN