Gabyga: DALEEL HOGAD Curiye: abwaan Maxamad Xaseen Faarax

Gabyga: DALEEL HOGAD 

 

Deelleyda gabay waayadaan, waanigaan deyine

Waataanan dayrtiyo gu’giyo, dawyadaan marine

Dibnahayga waataan ka jaray, dihashadeediiye

Ha yeshee, markaan daa iraa, een dhegaha duubto

Dawan qaylo dheer iyo waxbaa, ii durbaan tuma’e

Markaasaan sidii aar dib jirey, oo wax dilanaaya

Daf la soo iraahdaa hamuun, daal anoon qabine

Caawana waxbey derrinayee, balaan daliigeeyo.

 

Bashiirow dabuubtaadi gabay, daalacdoo helaye

Dayixiyo daruuraha socdiyo, dirirku ii keenye

Sida aad u daabtana murtida, waan ku diirsadaye

Damqashadana waan kula qabaa, diilalyada ciile

Marka xigana daldaloolladiyo, daayacaad aragtay

Wax dahaaran maahoo iyana, wayska dibadyaale

Ha yeeshee, haddii aan u dego, doodda hadafkeyga

Waano la ma dabooliyo digniin, duul la fahamsiine

Aan dillaacsho xaajada dellegan, ee is dabataalla.

 

Dabaan iga horreeyiyo intaan, daawasho u joogey

Siyaasadda dalkeenaan marnaba, guul ma ay degine

Mar ha oo dugsado deyr qabiil, iyo duqoow beel’e

Marna dirir sokeeyiyo dirsooc, door ha loo bido’e

Marna duul ha loo dawdawshoo, duur ha loo tubo’e

Marna ururro dabandeebayo, koox ha doobido’e

Marna degaan ha loo kala xirtiyo, degelka ciideede

Marna xisbi ha loo kala didiyo, dowlad goboleede

Marna dibad ha loo aado shirar, duullimaad badane

Mar kastaba ka daranbay ahayd, tii damboo timide

Waxa ay heshiis daawo nabad, jeer u dihanwaysey

Danta guud ma doonayso iyo, daacadda ILAAHE

Waa daaman raac uu hunguri, hagayo daahiile

Halka ay u sii daadegtana, waa dalqo caloole

Waxay deris wadaagaanna waa, doollar lacageede

Isku duubni wadareedna wow, dabiyo baasiine

Ha ku daalin saaxiib arrini, waa DALEEL HOGADE.

Duqayntii Bariirana haddaan, doodyar ka iraahdo

Marrastii la diley iyo dadkii, dulumka loo laayey

Da’yar canuga, oday duqa wixii, mayd is darafyiiley

Kuwa aad farriimaha u diri, eed u dano sheegan

Duurjoogta ugama ay duwana, deeradiyo cawle

Jirna u ma dibaaxshaan haddii, kuman la duugaaye

Sidaas iyo daraaddeed markaan, dulucda kuu taabto

Dalka iyo dadkiyo diinta iyo dowladnimadeenna

Dulya hoos, doc iyo daafihiyo, daaqil iyo dibadba

Bashiirow rag daafaca marnaba, nooma doorrana’e

Soomaalina dulleeystaa kor kaca, daa’in abidkeede

Maantana digdiga weeyeye iyo, deedan dibuguure

Anna dhiillo dihan i la ma ahan, dooddis waalliduye

Dammaniyo dabbaalkaan ogayn, loo durbaantumo’e

Sidii dibidi, kala duwani midab, loogu dawgelayey

Markii laysku keendiray misana, layna kala daadshey

Duulba meel in lagu dabarjarayo, wow dareen qabaye

Ha ku daalin saaxiib arrini, waa DALEEL HOGADE.

 

Afartaas dawaaraye haddii, aan xug kale deexdo

Ma daaloow Galayrow abwaan, gabagi aad duubtay

Murtidaad dubaysiyo sidaad, diiradda u saartay

Mid ka durugsan taadii anoon, soo didimo doonin

Waxaan hoosba loo deyin hadii, aan ka rogo daaha

Nin degaanadiisii mar hore, loo dawarid dhoofay

Oo dalagle loo hoostegoo, gacanta loo doogtey

Oo dagaagi uu caawin jirey, soo dulbaax celiyey

Oo dagagartuu soo dirsaday, duub la wada saartay

Oo dalkugalkiisii sharciga, jeeb dambe u yaallo

Oo haddeerna deeq iyo anfaco, laga danaynaayo

Wuxuu diliyo, wixii uu daqriyo, wuxuu duqaynaayo

Wuxuu dumiyo, wuxuu daadiyiyo, wuxuu dafoo qaato

Wuxuu dumo, wuxuu kala dirayo, wuxuu iskii daayo

Wuxuu duro, wuxuu dawdariyo, eed la daba joogo

Wax u diidayaan jirin dhammaan, toow isagu doono.

 

Inay taasi deel runa tahana, waxaw daliisheed ah

Dabre orodka, duullaan daflaha, weeran dalandoolka

Dardargelinta, daandaansiyada, kibir damaashaadka

Dil hamuumka, doolalo dheer, dooxatayn wadida

Dadban leexa, dibindaabyadaa, dhinac darraabaynta

Dayac iyo, dagniin eegadkiyo, gaadmo dawacaynta

Digta iyo damtiyo deedankiyo, daacdarrada joogto

Naga daa dad dhihi kara haddii, uu danni ogaado

Dukundaakun ka ma uu dhigeen, daaqsatoy shacabe

Sidaanna u ma duqeeyen wallee, beeraleey derise

Dhiirrida wuxuu ugu daldalay, gumuca deeleeysan

Dowladdeen kuwaan moodnabaa, dooyo sahankiisa.

Dabadhilif iney wada yihiin, ducufo iimaan ah

Misna gumaysi daaqili yihiin, waxaw daliisheeda

Dabdaboolka, dembiyaduu gelaba, ee ka sii daridda

Af dabayl, duddumo fuuliddiyo, dood is garabyaaca

Run dafiridda, been daabiciyo, hubanti daahsaarka

Dinnaahyaynta, daacdaasigiyo, digasho geegaarka

Duurxul hadalka, deelqaafka ba’an, sii dardaarwerinta.

 

Afartaana diyaarshoo warbixin, duubay oo dhigaye

Been inaanan daabulin haddii, aan dadka u sheego

Bal dayaay dubaaqadaa dhacdiyo, diirrimaad li’ ida

Bal dayaay kuwaan doorrannaba, dabacsanaantooda

Bal dayaay damiir xumida iyo, wada diciifnaanta

Bal dayaay macnihi dowladnimo, dawga lagu leexshey

Bal dayaay qabiil degeshigiyo, qaran daryeellaanta

Bal dayaay dalluuntii darraad, dibugu sii guurka

Bal dayaay waxyaabahan dahiray, ee is dacalyaalla

Bal dayaay, haddana sii dayaay, waxa dalkii yaalla.

Afartaana diyaarshoo warbixin, duubay oo dhigaye

Xaqdarrada dadkii lagu dilee, dulumka loo laayey

Ninka yiri garbaa loo deldelay, waana cadaw dowlo

Oo daxasha uurkiisa taal, daahan kari waayey

Dulka xaasidkaa doydarkaa, waxaan dareensiiyey;

 

Adigiyo kuwaan uu duqayn, doofirlaha gaalku

Dirka dhalasho wow simantihiin, diirka oogadaye

Iyaguna dembiyo gaara iyo, daanno u ma gaysan

Adigana dux iyo daawo kale, kuu ma daadihinin

Midba dubo habeen weeye iyo, kala dambeysiine

Wuxuu kuu dib dhigayaana waa, yey dhammaan didin

Goortuu daleel kaa helana, waa ku dacayeeyne

Mid labaad haddaan kuugu daro, oo daliil culus ah

Damacyada gumeystahana aan, kaaga rogo diirka

Hadduu diriro, duul uu in badan, dabin la gaadaayey

Dabargoyn, isagoo ugu danliyo, daanno iyo laysmo

Mid inuu dannaano u xigsado, waa dabciyadiisa

Iska daramaraac jeer dambuu, daabad kaa dhigane.

 

Mahmaah kale haddan kuugu daro, xugana kuu deexdo

Duunyadaada adigoon midnaba, cunid ka daayaynin

Duhur qura ma wada dooxdid sida, daacuflaha weere

Mid walbaba markii aad dantaad, daabax qalataaye

Misna doogga iyo daaqa waad, ugu dadaashaaye

Meeshii duraaw roob marana, waad u dadabtaaye

Gumaystana cidduu dagi sidii, duunyaduu dhaqaye

Ha degdegine duulow ogow, dhagartu kuu duugi.

 

Digniin kale haddaan kuugu daro, ka ma dambeys waano

Dirgatada adduunyadu qofyohow, waa dawaaf socode

Dugsi lagu yaqaanniyo daleed, ama dariiq toona

Ma degtee illaa daa’in weys, daba wareegtaaye

Hadday maanta darar kuu listee, diiqo kagu soorto

Berribeey doc kale kaa martaa, kuna duruuftaaye

Markaasay midey dabartay shalay, diifna ku illowdey

Wuxuu rabo u kala daadisaa, dabaqna saartaaye

Dabadeedna iyadoon u digin, bay ka dumisaaye

Qof walbow dantaa garo misana, duugga wax u reebo.

 

Dhammaad.

Agosto, 2017

 

Curiye: abwaan Maxamad Xaseen Faarax

SHEEKOOYIN