Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q11AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q12AAD

Kaahin Marwaan wuxuu hadalkiisa ku soo gabagebeeyay Daahirna ku yiri “Orod ku noqo halki aad ka timid,hana noo imaan mar kale, da’daadu gaarin gu’ afartanaad, haddii aadan rabin in aan ku tusno wejigeena kale “.

Daahir waa ka tagyay Kaahinka isaga oo aad u tiraanyaysan,isaga oo tebayo in uu fashilmay.Daahir aqoon-gaabi haysato awdgeed,waxaa ka dhaadhacsanaa in faaliyayaasha ay ku jiraan qaar fiican oo aanan ilaahey ku kufrin, mana ogayn,aqoon ku filana uma lahayn in aynan sideedaba meel wada gelin ku xirnaashada Ilaahey iyo u tegista Kaahin ka been sheego Ilaahey,shirkina kula jiro iyo in uunan jirin denbi kaa ka weyn ee Ilaahey lagula shirkiyo. Daahir taa waxaa u dheeraa, warna uunan u hayn, dhibka ay Kaahinka gelinayso in uu qolkiisa ugu galo isaga oo aqrisanayo aayatal Kursi, sidaa darteedna ay Kaahinka ku adkaatay in uu u yeero duulalki u adeegayay iyada oo fadhigiisa lagu aqrinayo Quraanka Kariimkaa(Hadalki Ilaahey)..

Daahir sidoo kale ma ogayn in ay isaga dan u ahayd, in uu ku fashilmo danihi uu Qaahhira u yimid,mana dareemin dhibka uu tirsanaayo, in uu ahaa gargaar dhinaca Ilaaahey uga yimid, kana hortaagan ku xirnaashada Shayaadiinta iyo adeegayaashooda. Balsa Daahir xirsiga uu Kaahinka u qoray marki hore, haddana uu u diiday wuxuu u arkayay guul xag alleh uga timid oo farahiisa ka baxday, maadaama uu jaahil ka ahaa diinta Islaamka waxay ka qabto u tegista Faaliyayaasha iyo kuahanada dhamaan.

Daahir ,wuxuu hoteelka ku noqday isaga oo marna naxsan, marna ka caraysan in loo soo diiday xirsigi uu Qaahira u yimid iyo in lagu yiraa “hanoo imaan da’daada oo aanan gaarin afartan sano”.Daahir wuxuu isweydiinayay xaggee lagaa helay , maxaa kuu mustaqbal ah, xagee howl ka bilaabaysaa, Daahir wuxuu dib u xasuustay lacagti faraha badnayd ee sida sahalka ah u soo gashay gacantiisa ,wuxuu isweydiiyay sidee u sameyn karee lacag tira-badan mar kale.Daahir jawaab uma helin su’aaladahaas oo dhan marka laga reebo in uu is-tusay, howsha sugayso in aynan marnaba ahayn mid fudud.

Daahir kuma daahin magaalada Qaahira, wuxuuna ku noqday Riyaadh isaga oo aad ugu caraysan naftiisa,wuxuu howl ka bilaabay in uu saaxibkii Muraad u tago ,wuxuu u sheegay, wuxuu kala soo kulmay Kaahin Marwaan.

Muraadna wuxuu Daahir ku yiri “Isdeji, ha wel-welin, waxwalba iyaga ayaa iska hagaagayo” isagoo haddana niyada iska leh war haddii Kaahinki soo raacay, una diiday in uu mar kale siiyo Xirsi ,adiga yuunan ku Galaafan, kuna gaarsiin dhibka uu dabada ku wato.

Daahir shaqa ma leh,wuxuu dareemay in waqtiga si aad ah u socdo ,lacagti uu maqaayada ka helay waa soo yaraatay,wuxuu ku noqday Muraad, wuxuuna weydiistay in uu ka kalmeeyo sidi uu shaqo u heli lahaa. Murada ma jeclaysan imaantinka Daahir markaan ,wuxuuna si aan toos ahayn Daahir u dareensiiyay in uu dhibsaday in uu telefoon u soo diro ama uu shaqada ugu yimaado,laakin Daahir ma dareemin arrintaas si dhaqsi ah ilaa uu Muraad ku noqdo mar kale ,weydiiyana in uu wax shaqaa u soo helay iyo in kale.

Muraad furka ayuu tuuray,saaxibtinimadi mar kaliya ayuu ka baxay ,wuxuuna Daahir ku yiri, “War ninyahow intaan wax kuu qaban karay ,waa kuu qabtay ee walaalow isku tasho ,hana ii imaan mar kale”.

Daahir aad ayuu uga carooday hadalka MuraAd ,wuxuuna  ku yiri “ninyahow waxaan kuu haayay abaal badan,waadna i garab gashay ,waxaana u haystay in uunan jirin nin lala saaxibo oo kula mid ah, laakin caawa waxaan kaala kulmay ,wax lala yaabo.Siday ahaataba aniga noqon-maayo adiga oo kale,haddii aad ii baahatana Riyadh ayaan wada joognaa”.

Daahir iyo Muraad waa kale dhaqaaqeen,Daahir wuxuu ku noqday xaafaddiisa isaga oo aad u caraysan,wuxuu haddana is-weydiiyay,war ninyahow sidee wax u jiraan,xagee lagaa maagay ,wuxuu isugu jawaabay in dusha uu eed ugu tuuro Qamar Shariif ,isaga oo leh ” meel kale lagaa ma maagin oo aanan ahayn imaantingi ay Qamar kuu timid iyo tegisti aad tagtay gurigooda”.

Daahir marnaba guul uma arkin in uu Muraad ku yiraa “War ninyahow isku tasho,hana ii imaan mar kale”,balse xaqiiqada waxay ahayd guul weyn oo uunan ogayn ee isaga u soo hoyatay.

Daahir ,laba Bil  ayaa ka soo wareegatay marki uu Qaahira ka soo noqday, waa 1984 bilowgeeda ,shaqo ma-leh, rajo shaqo ma-leh, lacagti uu haystay waa dhammaatay,albaabki uu garaacaba waa laga xirtaa,wuxuu dareemay culays dhan walbo kaga yimid, wuxuu noqday nin ku tiirsan qaar ka mid ah asxaabti uu ku bartay Riyaadh,wuxuu noqday nin ay maqaayadaha uga sheekaystaan dadka uu iska liito imaankooda, waxay isu sheegaan, “war ninkan, sanadki tegay wuxuu ahaa Badrooni, xagee wax marsiiyay,horta isaga sidee shirka ula noqday Yemanigi maqaayada iska-lahaa,war ninyahow ,ninkan masjidka kama baxo, waayahay haddii uunan masjidka ka bixin, xagee ayuu ku dhumiyay lacagti ka soo gashay maqaayada ,war idinka war ma haysaan ,Qaahira ayuu u tumasha tegay ,halkaas ayey lacagti kaga soo dhammaatay——iwm”.

 Daahir wuxuu dareemay in uu noqday khayaali ku nool ,wuxuu is-tusay in aynan macquul ahayn in uu shaqa la’aan ku sugo cimrigiisa oo gaaro Afartan Sano,wuxuu go’aansaday in uu ku tilaabsado sidi uu shaqo ku heli lahaa,maalinti wuxuu toosaa waaberiga,Salaada Subax marki uu dukadu ayuu wuxuu u dhaqaaqaa shaqo doon, Casirki keddib wuxuu bilaabay in uu kitaabka Towxiidka ka dhegaysto masjid ku yiil xaafaddi uu degganaa isaga oo weli ka rajo qabo,armow Kaahin Marwaan ku soo xasuustaa ,maadaama aad tahay nin quman oo aanan ku saqajaamin diintiisa. Daahir, inti uu ku dhax-jiray barashada diintiisa ,fursad uma helin mowduuc si rasmi ah looga hadlayo arrimaha Kaahinka,Faaliyayaasha iyo wixi la xiriiro . Daahir, wuxuu guriga uu degan-yahay ku soo noqdaa tobanka fiidnimo.Daahir waxaa la soo dirsay ciriiri dhan-walba kaga yimid ,waxaa soo dhowaaday dhammaadki muddadi uu u ijaarnaa guriga uu deggan yahay,lacag waa dhammaatay,shaqo lama haayo,talo looga baxo culayska soo koray lama haayo .

Daahir, dhamaadki Bishi Janaayo 1984, isaga oo la fadhiyo dhallinyaro Soomaali ah  qaxwa ku taal wejiga hore ee Garoonka caalamiga ah ee Riyaadh ayaa waxaa soo dul istaagay wiil dhallinyara ah oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Riyadh, kana yimid magaalada Jeddah,loona soo tilmaamay in ay Soomaalida deggan magaalada Riyadh isugu yimaadaan,kuna sheekaystaan Qaxwo(Maqaayad laga shaaho,laguna cabo Shiishad)  ku taal garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyaadh hortiisa. wiilki waa Salaamay dhallinyaradi, waa la fadhiistay ,Shaah ayaa loo wacay. Wiilki wuxuu dhalinyarada u sheegay in uu ka yimid Makkah ,kana soo soo duulay garoonka diyaaradaha ee Jeddah ,haddana uu ka soo degay garoonkan ku yaal Qaxwada iridkeeda iyo in uu Riyaadh joogayo maalmo kooban, inti uu ka dhammeysanayo danihi uu Riyadh u yimid ,haddii ay u suurta-gasho sidaas, Ilaahey Idinkiis.

Willkan wuxuu dhalinyaradi weydiiyay, Soomaalida Riyaadh deggan ,xaafadda ay deegaan ahaan ugu badan yihiin,wiilashi waxay u sheegeen Saddax Xaafadood ,waxay ku yiraahdeen, Manfuuxa,Gubayrah iyo Xaara-Difaac ,wuxuu weydiiyay idinka xagee deggan tihiin,waxay ku yiraahdeen Xaara-Difac.

Wiilki kolkuu dhalinyaradi weydiiyay intaas ,Daahirna ku maqan yahay fiirinta wejiga Wiilkan oo uu dareensanaa in uu la kulmay ninkan,wejigiisana uunan ku cusbayn, laakin uunan xusuusan meesha uu kula kulmay hadda ka hor,ayaa wiilashi mid ka mid ah wiilki ku yiri “Saaxibow Caawa oo dhan waad na wareysanaysay ee walaal adiga Magacaa,annaga waxaa nala kala yiraahdaa,Cali Aardoon, Daahir iyo Axmed Yare”.

Wiilki ayaa ugu jawaabay”Walaalayaal barasha wanaagsan,igana raali noqda,aniga magacayga waa Saadiq Shiikh Cumar,walaalayaal waxaan idin weydiiyay ,ma ku yaalaa xaafaddiina hotel nadiif ah,lacagtiisana aynan badnayn”.

 Wiilki markuu Yiri,magacayga waa Saadiq ,Makana waa ka Imid ayuu Daahir la soo booday”walaal ma xasuusataa,wallow aanan hubin in aad tahay ninka aan kuu malaynayo,wiil aad ka soo qaatay Lix sano ka hor garoonka diyaaradaha  ee Malik-Cabdul-aziz Jeddah, adiga oo garoonka u yimid soo dhoweynta Aabbahaa oo Cimra u imaanayay ,baaqdayna maalintaa”.

 Saadiq wuxuu Daahir ugu jawaabay”Haa waan xasuustaa ,wuxuu ahaa wiil-fariid ah,aadna u fir-fircoon ee ma adiga ayuu ahaa walaal”.Daahir ayaa yiri”haa waa Aniga,waana ku mahadsantahay ,wanaaga aad ii sameysay maalintaas “

Daahir hadalki kalama goyn wuxuuna Saadiq ku yiri “walaal looma baahna in aad ku degto Hoteel,aniga ayaa deggan qol gaar ah ,guri aan wada deggan-nahay dhallinyaro Soomaali ah,oo aan asxaab nahay,sidaa darteed inna keen aan xaafada ku geeyee”.

Saadiq waa  u mahadnaqyay Daahir ,waana ka cudur-daarayay in uu raaco,laakin wuxuu weydiistay in uu geeyo Hoteellada xaafaddooda ku yaal mid ka mid ah.

Daahir isagana waa ku gacan-sayryay cudur-daarka Saadiq, wuxuuna ku adkaystay in uunan Saadiq ku degayn Hoteel.

Ugu danbayn Saadiq waa aqbalyay in uu Daahir u raacayo gurigiisa,waxaana inti ay hadalka isdhaafsanyeen soo Dhax-galay wiilashi mid ka mid ah oo la yiraa Cali Aardoon, ahaana nin akhyaar ah oo ay Soomaalida Riyaadh deggan aad u ixtiraamaan ,wuxuuna wiilashi kulligood ku yiri “hadal, ha noo danbeeyo walaalayaal,maqaayada aan horay u galno, waan cashaynaynaa”.

Dhamaan waxay galeen maqaayada gudaheeda ,waa casheeyeen ,waxayna soo wada Raaceen gaariga Cali Aardoon ,waxaa Daahir iyo saadiq lagu dejiyay iridka guriga Daahir,dhallinyaradi kalana mid waliba wuxuu aaday gurigiisa.Daahir iyo saadiq waxay wada galeen guriga Daahir. Saadiq waa qubaysayay,qubays keddibna wuxuu Daahir ku yiri”Ninyahow waa daalanahay,adiga oo iga raali ah,waan seexanayaa ,ilaahey idinkiisna ,subixi ayaan kala war bogaynaa”.

 W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)



         

Top