Qudbadii Qarniga W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje

Qudbadii Qarniga                                                            

Saaka waa subax jimcaad goorsheegtadu waxay dul taagan tahay “10:00am” tobankii  subaxnimo oo buuraa meeshuna waa qurbo nacas, waxaan kamid ahay boqolaal Soomaali ah oo hortuban gagida Diyaaradaha si ay usoo dhaweeyaan Madaxwaynaha Soomaaliya, guddi safaaradda Soomaalidu usaartay soo dhawaynta Madaxwaynaha baa si qurux badan halkaas noogu safay, waa anagaan wada lulayno Calanka Soomaaliya oo naloo qaybiyay, saacad kadib diyaaraddii madaxwaynaha waday soo cagadhigatay, waana kuwaan hada garoonka kasoo baxay , Madaxwaynaha iyo wafdigiisii labada gole ee uu hogaaminayayna waa kuwaan mid mid noo gacan qaaday, iyagoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo kalgacayl, waxuuna halkaas noogu jeediyay madaxwaynuhu qudbad aad u qiira badan wax badanoo jirana tilmaantay, waa qudbadii quluubtayada dagtay Waxuuna ku bilaabay sidaan:

“Waxaad tihiin ubaxii wadanka waxaadna tihiin cududdii wadanku ku faanayay had iyo goor, naftiina xasuusiya inaad tihiin cidda uu dalku sugayo inay ka samata bixiyaan abaartaan dheeraatay ee ku habsatay, intaad maqan tihiina dadaalkaan wadno qabyo ka bixi maayo ciidamo shisheeyana ka maarmi mayno, idinkuna daynmaysaan inaad warsidayaasha ku daabacdaan, gaalaa nagusoo duushay, waa nala haystaa iyo gumaysi cusub baan galnay. Maxaa idiin diiday inaad si caqliyeesan ufakartaan, caqli saafiyana adeegsataan? Sooma ogidin hadaad cududiina midaysaan inaad sharaftii dalkiina kusoo celin kartaan maalmo kooban? Sooma qurux badna intaad hadalada mooraal jabkaa qoraysaan inaad halganka ka qaybqaadataan wuu socdaayee ubadkiinana mustaqbal u abuurtaan? Runtaan idiin sheegayaa manatee imaqla, anaguba majeclin in ciidamo shisheeye ciideena joogaan idinkaase nabaday! Inta ka dhexgalay anoo aad uqiiraysan meelaan marayana is ogayn baan iri, Madaxwayne sidee baan kuu badnay?! maxaanse awoodnaa anagu oo howshaas ka qaban karnaa shacab masaakiinoo iyaguba dulman baa nahee?! Rag ka agdhawaa oo malaha kuwa amaanka ahaa baa igusoo qamaamay oo ihantaatureeyay, waxaase igala hadlay madaxwaynaha oo si fiican waydiimahayga udhuuxay waxuuna yiri, daaya wiilka waxba muu dhiminee, suuye intuu xagayga usoo dhaqaaqay magacaa saane Cirguje, suuye Cirgujaw afka alle kuma gooyo waydiin muhiim ah baad iwaydiisay xaq baadna uleedahay inaan kaaga jawaabo. Adeer wax badan baad qaban kartaan hadiinaan is yeelyeelay, waxaan bilawnay qorshe dib loogu dhisayo ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya XDS si aan uga maarano ciidamo shisheeya, waxaan ubaahanahay inaad nagala qaybqaadataan oo iinaan nagu dhawran, waxaan ubaahanahay dhiirigalintiina, waxaan ubaahanahay maalkiina, waxaan ubaahanay cududiina, waxaan kaloo ubaahanahay qalbigood naga taageertaan, maxaa idiin diiday inaad xataa ugu yaraan halganka uga qaybqaadataan qalinkiina Cirgujaw isba waxbuu natariyee? Adeer hadiinaan hadda diyaar u ahayn inaad halganka  uga qaybqaadtaan  muruq ahaan iyo maal ahaan, qalinkiina nagu taageera oo bulshada tusa ololaha ciidanka qaranka lagu dhisayo loogana maarmayo ciidamo shisheeye, hadiinaan taasna yeeli Karin naga daaya qoraalada aan cilmiga ku dhisnayn ee halganka xagal daacinaya mooraalka ciidankana dhaawacaya. Ugu dambayn waxaan hortiina uga balanqaadayaa qofkii halgankaan waxuun ka gaysta la taaban karo in xukuumaddaydu ka abaalmarin doonto, taariikhda wadanka waxuu ka gali halkay ka galeen dhalinyartii SYL iyo kasii wanaagsan.

kawarama wadankaan aad ku sugan tihiin wali xabad dhacaysa ma maqasheen, saa niri maya, suu yiri saa waa qarax iyo wax idin argagax galiya, saan misna niri maya, suuye amaankiisa kawarama, saa niri waa 100%, suu noogu caqli celiyay soo ma ogidin in asaagiin heerkaas gaarsiiyay, maantana ay gurtaan mirihiisii ay beerteen, ayna ku raaxaysanayaa nabadday usoo halgameen dhiigana usoo horeen, ubadkoodiina ay u abuureen mustaqbal dhaxal gal ah. Hadaba kiinee baa maanta ubadkiisa dhaxal u abuuray? Ma waxaa doonaysaa oo caqligiinu idin siiyay inaad dhulkaan asaagiin dhistay ku noolaataan oo raaxo moodaan, ubadkiinu qax iyo rafaad kujiro waligiis, masa iswaydiseen inta dadkaanu idin xamili karo? Sooma ogidin inaad dhulkaan laaji ku tihiin markii loobaahdana la idinka cayrin karo? Anagu waxaan idiin wadnaa war farxad leh hadda, dalku sidii hore maahan oo waa soo kabanayaa israacintii baa uhartay, halgan baa socda dalka lagu xoreenaayo meel fiican buuna marayaa, sidoo kale waxaan bilawnay dhisiddii ciidanka XDS si aan uga maarano ciidamo shisheeye, aqoonyahankii baa iyana hadda kusoo biiray say kala dambayntii dalku usoo noqoto, taasaana dadkoo dhan dani ugu jirtaay, marka walaalayaal laba midkood yeela, waa mida hore halganka xorayta dalka ka qaybta walaalihiina garab siiya way ini taabaynaayee, mayoo may ka dhahoo iskaga noolaada qaxootinimo, anana aan iska kufaa dhacno ugu dambayn waanu guulaysan idamka Alle.

Intaas kadib waxuu cod sare oo dhiiri gali kuyiri: Soomaaliya ha israacdo, Soomaaliya hanoolaato, idinkana Ilaahay quluubtiina ha isku dumo dantiinana ha ini tuso. wuuna dhaqaaqay.

Fiiro Gaara: Majiro Madaxwayne qudbaddaan ku qudbeeyay, waase mid aan lajeclaaday, waxay xambaarsan tahay waxbadanoo jira oo aan bulshadaydana ugu iftiimiyay. Waxaan fariintaan ugu talogalay ugu yaraan inaan qalinkayga uga qaybqaato dib udhiska ciidanka qaranka Soomaaliyeed, waxaan dareemayaa qiimaha uu leeyahay ciidan dhisan oo qarankiisa difaacda kuna filan. Waxaa iimuuqda 11sanoo dowladdu xamar joogtay, Afar Madaxwaynena isaga dambeeyeen wali in Madaxtooyadii Qarankayga iyo Xaruntii galaha shacabka ciidamo shiisheeye ilaashaan. Goormaynu isxorayn? Goormaynu cududeena ku faanin? Goormaynu oran ciidamada shisheeye waad mahadsan tihiin maanta anagaa isku filan? Waa waydiimaha aan markasta iswaydiiyo. Waxaana isugu jawaabaa marwalba, Inshaa Allah way dhawdahay.

W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje

SHEEKOOYIN