Home Qoraallo TAKOOR IYO TACADDI Q3AAD:”Siyaabaha kala duwan ee Takoorka Soomaalida”

TAKOOR IYO TACADDI Q3AAD:”Siyaabaha kala duwan ee Takoorka Soomaalida”

0
SHARE

TAKOOR IYO TACADDI Q2AAD:”Siyaabaha kala duwan ee Takoorka Soomaalida”

Hassan Mudane[1] iyo Cabdiraxiin H. Galayr[2]

Waxaa jira sheekooyin badan oo ku saabsan sababta loo takooray, waana sheekooyin mid walba goonideeda loo tebiyey. Sheekooyinkan hoose oo ka mid ah raadraac aynu ka helney dadka u dhashay beelahan iyo dadka waayeelka ah. Sheekada koowaad oo ah mid aan la hubin, balse marmarsiyo looga dhigay takoorka. Abdulqaadir Aroma (2005), buuggiisa ‘Hadimadii Gumeysiga’ waxa uu ku xusay laba ka mida sheekooyinkaas. Mid ka mida sheekooyinkaas waxa ay u qorneed sidan:

Dhacdooyin lala xiriirsho Takoorka

‘Waqti aad u fog geyiga Soomaalida waxaa ka jiray beel aad u tiro badan oo awooddeeda ballaaran ugu talin jirtay… beelaha kale oo dhan. Lama garanayo waxaa la isku aqoonsaday, waxaase la sheegay beelihii kale inta ay isbahaysteen in ay dagaal ku qaadeen kuna jibiyeen beeshii awoodda badneyd. Ayaandarro intii la diley mooyee intii kale oo maxaabiis laga dhigay ayaa xero lagu ooday, halkaasna ay badankoodii silic iyo gaajo ugu le’deen. Dadkii ka haray beeshii laga adkaaday darxumo darteed xeradii ciqaabta qaar baa ku dhintay. Maalintii qof xerada ku dhintaba bulshadii kale waxa ay halheys ka dhigatay weerta ah “Maantana Mid Go.”

Weertaas waxaa loola jeeday maantana qof baa dhintay. Intii yareyd ee ka badbaaday… xeradii ciqaabta, maadaama aysan laheyn bar-xoolaad iyo beer toona, waxa ay noqdeen dagaag dabato dabato ah isla markaana waxa ay dantu ku kalliftay in ay nolol maalmeed ka dhigtaan kana shaqeystaan meherada ay Soomaalidu ka faanto sida: Kalluumeysi, Ugaarsi, kaba-tolis, dhar-sameyn, bir-tumis, timo-xiiris, xoolo-qalid iwm. Waxaa kaloo lagu sameey bahdil iyo ab dhalasho doorin iyada oo lagu tolay halheyskii ahaa ‘Mid Go,’ magacaas oo muddo kadib isu rogay hayb beeleed aan aasaas isir iyo abtirsi taxane ah laheyn.’

Taa mid la mida iyaduna waxa ay leedahay:

In dadyoowga   Tumaallaha iyo kabbatolaha la takoorey kaddib, dagaal iyo colaad dhex martey boqor ka mid ahaa boqortooyooyinkii Ajuuraan ee qarniyada fog ka arriminayay dhulka Soomaalida. Waxaa jirtey in dadyoowga farsama yaqaannada ah oo sameyn jirey  agabyada lagama maarmaanka u ah nolosha, sida,  Gudinta, masaarta, mindida, yaambada, garweynta, maqarka, mudaxa, maxaarka, waranka, Afka hore ee leebka, Ableeyda iwm,  inay  ka dhigeen qiimo aad u sarreeya, maadaama dadku u kala soocnaa saddex bahood oo kala ah, BIYOMAAL (beeraley) SO’ MAAL (xoola dhaqato) Tun mal ( farsamo yaqaan) arrintan ayaa abuurtey  kor u kac dhinaca qiimaha ah oo ay keeneen qoladii farsama yaqaaniinta ahaa  oo beeraleydii iyo xoola dhaqatadii agabkii ku qaaliyeeyey,  kaddib waxay dacwad ka dhan ah u gudbiyeen, Boqorkii markaas talineyey, Boqorku wuxuu si toos ah ula saftey beeraleyda iyo xoola dhaqatada, ma jirin, hayb gaar ah oo markaas kala soocaysay,  beel weliba waxay lahayd qayb ama, Biyo maal  qayb So’ maal ah iyo qayb tun maal ah.

Haddaba iskaashiga dhaqan dhaqaale ayaa keenay isku dhac, qoladan Tunmaalka ah oo markaas awood is bideysay hub iyo xoolona haysatay ayaa ka biyo diiday  amarkii boqorka waxaana dhexmarey dagaal kaasoo keenay in laysu awood sheegto muddo dheerna uu socdo, tani waxay keentay qofka laga soo qabsado dadkii Tunmaalka ahaa in awood lagu muquuniyo inuu u shaqeeyo dadkii kale isagoo wax dhaqaale ah qaadaneyn maadaama colaadi dhacday. Ugu dambeyn maadaama laga tiro badnaa waxaa la go’doomiyey, waxaana la go’aamiyey inaan dadkaa laga guursan, iyaguna ka guursan, wax lala cunin,  qaab lagu liidayona loola dhaqmo, muddo toban sanno ah, iyadoo xukunkii boqorkii weli sidii yahay,  ayaa  boqorkii dhintey, halkaasoo xukunkiisi aan ciddi dib wax uga beddelin.

Sidoo kale, waxaa jirta dhowr sheeko oo aad ugu dhex faafsan bulshada Soomaaliyeed, taas oo lagu sababeeyo faquuqa ka dhanka ah beelaha qaar:

Beelaha BOONTA oo dega, nawaaxiga ku xeeran gobollada dhexe, Shabeellooyinka iyo banaadir, in  lagu takoorey inay cuneen hilib baqti ah oo baahi u geeysay, kaddibna  odaygii dhalay markii loo sheegay uu takoorey, deyriyey, kuna taliyey inaan laga guursan loolana dhaqmin sida kuwa kale u wada dhaqmaan. Beeshan ayaa ah mid yar oo ku dhex nool dad labada dhinacba qirsan inay isku hayb yihiin, haddana saluug ku kala jiro, inkastoo ay hadda soo baxayso arrinta ku saabsan in laga guuro faquuqa beesha boonta oo sii dabar go’aya.

Waxaa iyaguna jira beelaha Jaanjida, waa dad kalluumeysato ah, si weyna u yaqaan habka iyo qaabka kalluumeysiga, waxay degaan xeebaha bari ee gobollada Shabeellada dhexe, Galguduud iyo Mudug. Dadkan ayaa ah dad ilbax ah oo yaqaan dhisida doomaha ama laashashka yaryar, arrimaha ku aadan badda iyo ku socodkeeda, cunista iyo ka ugaarsiga badda oo bulshada Soomaaliyeed ku ah wax dhawaangal ah oo aysan hawo iyo hunguri midna ka geli jirin. Dadyowga Jaajida ayaa ku abtirsada beelaha Samaale, haddana iyada oo la ogyahay ilaa burburkii ka hor waxaa lagu sameyn jirey takoor iyo faquuq.

Waxaa jira beelo kale oo sida Yibraha iyo Yaxarta oo la sheegay inay  yimaadeen dalkana soo galeen muddo fog weliba  qolada Yibraha ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan,Yuhuuda ama israa’iil oo colaado dhacay iyo barakac ay ku yimaadeen dalka sidaa awgeed iyagana  dhaqankooda oo duwanaa lagu takoorey, mase jirto hubanti iyo qoraallo caddeynaya arrimahan. Yaxarta ayaa iyagana lagu sheegaa inuu ahaa boqor lagu magacaabi jirey BUCUR BACAYR oo ka talinayey soohdimaha badda cas oo markaas Soomaalidu ku dhaqneyd inuu ahaa nin gaarey heerka qof ka gaaro isla weyni iyo talo xumo, inuu ku jujuubey kuna sanduleeyey cid walba oo rabta inay guursato in marka hore isaga loo keenno, gabartaas markuu isagu la hooydo muddo toddobaad ahna laga kaxeeyo, taasina waxay keentay inay bulshadii ka gadoodaan, waxaana ka dhex dhalatey colaad keentay in la jebiyo isaga iyo ciidankiisi, lagana dhigo dad la addoonsado oo awood loo sheegto. Waxaa marka jirta arrin loo ogolaaday oo ah in wiil walba oo u dhasha beelaha Ajiga ah laga siiyo dhaqaale kaasoo lagu sheegay magti iyo diyadii dadkooda loo geeystay iyo boqorkoodii Bucurbacayr.

Beelaha Jareer weyne, ayaa iyagu ah kuwa siyaabo kala duwan loo takooro,  marka aad u dhabo gasho, dadkan ayaa inta badan waxaa muran laga geliya inay  fir iyo isir wadaag yihiin Soomaalida kale,  balse, waxaan muran ka taagneyn inay Af, diin, dal iyo dhaqanba wadaagaan. Arrinta ku saabsan deegaanka ayaa  dadka qaarna waxay sheegaan in beelaha Soomaaliyeed oo ka soo kicitimay  dhinaca badda cas ay hayaan iyo geedi ku yimaadaan, dhinacyada webiga oo ay deegaan ku ahaayeen, dadyoowga beesha jareer weyne, sidaasna ay ku wada degeen. Halka taariikhyahanada qaarkood iyo dadka sooyaalka ka hadlaa ku dooddaan in dadka Jareerta ahi iyagu yimaadeen oo ka soo hayaameen, dalalka deriska iyo dhulka Tansaaniya oo ahaa mid ka fac iyo magac weynaa markaas Kenya.

 Raadraacyo kale

Waxaa kaloo jira Daraasado badan oo tilmaamaya siyaabaha kala duwan ee dadyoowga wax takooray ka rumeysan yihiin beelaha la takooray.Qabiilka Midgaha (Gabooye), isir ahaan ama dhalasho ahaa waxaa lala xiriiriyaa odaygii Samaale. Sida la sheego waa odayga ay ka soo farcameen qaar ka mida qabiilada awoodda badan. Maadaama ay isku heyb yihiin maxay tahay sababta loo takooray? Kaliya waxaa lagu takooray qeyb ka mida farsamo-dhaqameedkooda oo ku salaysan sameynta kabaha, tumida biraha iyo uguursiga. Marka laga soo tago qabiilada aan u muuq ekeen qabiilada kale sida: Baantuuga, benaadiriga, baraawiyiinta, baajuuniga iyo eylaha qabiilada kale waxa ay takooraan kuwa ay dhaqan iyo muuqba wadaagaan.

Dhalasho ahaan dadka Baantuuga ah, ayagana waxaa laga aamminsan yahay in aysan aheyn Soomaali dhalad ah, laguna xanto in ay yihiin dad isirkoodu (Dhalashadooda) dhaco dalalka Tanzaaniya iyo Malaawi. Sidoo kale, dadka benaadiriga iyo baraawiyiinta ayagana waxaa laga aamminsan yahay in aysan aheyn Soomaali dhalada, balse ay ka soo jeedaan dalka Yemen. Waxaa jirta su’aal xiiso badan oo xujo ku noqon karta beelaha kale ee Soomaalida, su’aasha waxaa isweydiiyey Prof. Omar Enow ‘Maadaama qaar ka mida beelaha Soomaaliyeed ay isir ahaan (Dhalasho ahaan) sheegtaan Carab, beelaha la takoorayna sida Baantuuga dhalasho ahaan yihiin Afrikaan, dhulka Soomaaliyana uu ku yaalo qaaradda Afrika, yaa dhulka Soomaaliya loogu yimid? Yaa ajanabi ku ah dhulka Soomaaliya?

Waxaa jirta daraasad ay sameysay Xafiiska Qaramada Midowbe ee isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada[i]. Daraasadu waxa ay xustay in ay jireen dhibaatooyinkii loo geystay qabiilka Baantuuga oo ay u geysatay dowladdii hore ee Kacaanka. Sanadkii 1975, waxa ay dowladda la wareegtay qeybo badan oo ka tirsan dhul beereed ay la haayeen baantuuga dega Jilib iyo jamaame, iyada oo aan loo qorsheyn magdhow. Waxa ayna u sheegtay in dhulka ay ku sameyn doonto mashruuc horumarineed sida Mashruucii Sonkorta ee Mareereey iyo Kii Bariiska ee Mugambo. Sababtii looga qaaday dhulkooda oo ay aheyd in loo adeegsan doono mashaariic horumarineed, waxaa lagu abaalmariyey qaar ka tirsan qabiiladii taageersanaa dowladda. (UN-OCHA, 2002).

Taasina waxay keentay in qoysaskii la barakiciyey ay ku rafaadaan dhulka dhaca hareeraha wabiga juba. Si kastaba, in aad ku ahaato qof takooran dhulka ay Soomaalidu degto, waxa ay ka dhigan tahay in aadan rejo ka qabin caawinaad ama gargaar kaaga timaada qabiillada kale. Ururka u dooddaha xuquuqda dadka laga tiro badan yahay ayaa sanadkan 2017, waxa uu soo saaray xog ku saabsan dadka laga tiro badan yahay ee halista ku sugan. Soomaaliya waxa ay kaga jirtay kaalinta labaad kaliya waxaa ka horeeyey dalka Siiriya.[ii]  (MRG, 2017).

Haddaba, si xal guud loogu helo dhibaatooyinka lala xiriiriya qabiilka ama takoorka ee ka jira qaaradda Afrika, waxa aynu soo gudbinaynaa dood ku saabsan sidii loo abuuri lahaa dabaqaad, gaar ahaan laba dabaqad oo kala ah: Mid taajiriin ah oo gacanta ku haysa dhaqaalaha iyo maamulka dalka iyo dabaqad dhexe ama hoose. Dabaqada hoose way ku adkaan doontaa in ay isku shuqliyaan danta qabiilka, balse waxaa mideyn doontaa danta guud, oo ah in ay isku dhiciyaan dabaqada sare, taasina waxa ay meesha ka saari doontaa takoorka iyo qabiileysiga. Halkaasi waxaa ka dhalan kara halgan u dhaxeyn doona labadooda, sidoo kale waxaa si fudud meesha oga bixi kara siyaasaddii iyo danahii ku jaan go’naa qabiilka iyo la’aanta aqoonsi qaran oo ay ku mideysan yihiin bulshada.  

Laandheer iyo Laangaab

Aragtida ku dhisan laandheernimada iyo laangaabnimada waa billowga takoorka iyo tookha abuura kala sooca bulshada iyo qaab beeleedyo ku dhisan abtirsi iyo kala badnaan. Aragtidan waxa ay saldhig u tahay takoorka Soomaalida, waana barta billowga cadaalad darrada. Aynu is dul-istaagno macnaha erayadan: Laandheere iyo  Laangaab, Lafweyn iyo Lafgaab. Weerahan ayaa ah kuwo isku duluc iyo ujeeddo ah, lagana adeegsado gobollada waqooyi iyo gobollada koonfureed.

Laandheere:  Waa eray laga soo ergeystay ama laga soo amaahday, Laanta geedka ee dheer, taas oo ka dhigan, in laamaha geed ku wada yaal midina dheertahay midina gaaban tahay, beeshii ka tirada badneyd beelaha kale, ayaa waxa ay ku riixayaan oo doonayaan in ay mudnaan kaga helaan ka tiro badnaata beelaha kale, ee ay ab iyo isir wadaagta yihiin.

Laangaabna: Waa sida aan kor ku soo qeexnay laanta gaaban ee geedka, iyadoo loola jeedo reer ka tiro yar reeraha kale ee ay tolka iyo xigaalka yihiin. Aynu tusaale ahaan usoo qaadano dhawr gabay oo ku saabsan laandheernimada iyo laangaabnimada. Wuxuu leeyahay Abwaan Faarax Laanjeer: Lugtu faraska lama loollantiyo, Landaroofaha’e.

 

  • Anna gabayga layguma legdoo, waw laxaadsadaye
  • Liisaan hadday dhaafto, oo lallabo xoogga
  • Oo aan lihiinsado intaan lur, u Kamaandeeyo
  •  
  • Libaax lama shuqeeyee sidee, loo lugo’ay caawa
  • Laanjeerse wax lay yidhiba, waa libinta geeraare
  • Lafdhannadu ma soo aaminaan, laamigaan maro’e
  •  
  • Sida lawyerkiyo Waalligaan, liid cas leeyahaye
  • Lag malyuuna bay haybtayada, laba kun dheerayde
  • Lafaha reer Issaaq waxannu nahay, laanta ugu dheere
  • Ayay loodin kara sow arliga, leexo qarin mayso.

Gabay kale oo uu Abwaan Cismaan Yuusuf Keenadiid oo uu kaga hadlayo isla dulucda Laandheeraha aan hore usoo sheegnay wuxuu leeyahay:

Laandheere gob ahaan jiroo, Gocoshadii haysoo 
iyo kii ka gaabnaan jiroo, Haataan garab jooga
Gedda keeri yahay baa kan kale, Gaar isleeyahaye
Labadaa garaad oo ku jira, Yaw garnaqi doona?

 Gabaygan oo isaguna ka hadlaya isla arrinka Laandheeranimada ayaa waxa uu naga tusayaa qofka aragtidaa xambaarsan iyo qalafsanaaniinta, wuxuu leeyahay Gabyaaga oo magaciisa ku gaabiyey A. Jinac sidan:

  • Caddaaladdu qareen bay u tahay, qoom hadduu jiro’e
  • Laandheere wiil lagu qufulay, qooqna lagu beeray
  • Oon qalin daraaliyo xumaan, kaba qasoobeynin
  • Oon waxa quruun lagu noqdiyo, qaranba loo sheegin
  • Qiimaha ay leedahay ma oga, qaylo baas-wade’e.

 

Xeerka Kaynta

Waxa aynu marag ka nahay in kaynta ay ku nool yihiin noole badan oo aynu u kala naqaanno, duurjoog, dabjoog iyo dugaag. Saddexdan jaad ee ku dhaqan kaynta ayaa waxaa jira hab iyo hannaan ay u nool yihiin. Duurjoogta iyo dabjoogta ayaa ah kuwo ku nool keliya oo daaqa deegaanka dhulka iyo dhirta ku taal. Haddaba, habar dugaag ayaa jirta oo ah inta ka soo harta labadan bahood ee duurjoogta iyo dabjoogta. Habar dugaag iyaduna waxa ay u kala baxda micileey iyo micilaay, kuwa micida lehi waa kuwa bahalaha ah ee dad iyo duunyo midna aan magangelin ee hilib ku noosha ah. Habar dugaag ayaa waxaa sii dhexyaal xeer dhigaya in mid weliba midka uu ka weyn yahay ugaarsado, isaga oo ugu taagsanaya una sheeganaya awood.

Libaaxa ayaa waxaa lagu naaneysaa Boqorka habardugaag, kumana kasban magac, wanaag uu sameeyey iyo gobbonimo uu falay ee wuxuu ku gaaray xoogiisa iyo cududa uu u sheegto noolaha kale ee kula dhaqan duurka iyo kaynta, taas oo ka dhigtey kan ugu mudan. Waxaa jirta in ay jiraan noole kale oo loo yaqaan ‘Haadda ama Baalaley.’ Baalaleyduna waxa ay kala leedahay, Ciddileey iyo ciddilaay, kuwa ciddida leh ayaa ah kuwa ugaarsada oo ku nool noolaha kale ee ay ka awoodda badan yihiin, iyaga oo har iyo habeen u lalaya in ay helaan ama cunaan noolaha yar yar ee cayayaanka ah iyo xamaaratada aan lahayn waabeeyada iyo kuwa lehba. Sidoo kale, Galayrka ayaa lagu naaneysaa Boqorka Haadda iyo Baallaleyda,  Galayrku waa dagaalyahan, dilaa ah sidaa awgeed ayuu ku kasbaday magacan, balse ma jirto wanaag iyo samofal uu ku noqday Boqorka haadda.

Halkaas waxaa nooga muuqanaya in ay jirto alab iyo halkudheg aaddanuhu la wadaago noolaha kale, oo ah in kan awoodda badan ama xoogga leh loo qiro in uu yahay boqor ama mid ka mudan midka taagta yar. Haddaba, beelaha Soomaaliyeed ee aynu ka soo sheekaynay ayaa xeerkooda dhaqan ee ku’aadan xoola dhaqashada iyo beeraleyda ayaa lahaa mid aan waxba ka duwaneyn kii u dhaxeeyey Habardugaag iyo Duurjoogta oo la isku awood sheegto.

Waana tan keenaysa in beesha tirada yari lagu faquuqo ama lagu muquuniyo waan kaa badanahay, looguna awood sheegto, iyada oo gardaro iyo gabboodfalba loogu geeysanayo. Haddaba, takoorka ayaa xitaa gaarsiisan in laba beelood oo ku wada abtirsada Guuleed, Beesha Saalax Guuleed iyo Beesha Shire Guuleed in labadooda kan deegaankaas ku tira badani yahay midka mudnaanta koobaad leh.

Aragtida ku salaysan laandheernimada waxa ay dib ugu laabanaysaa dadka xoola dhaqatada ahi, gaar ahaan Geeleeyda. Haddaba, su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, aragtidan miyey tahay aragti ku kooban kaliya bulshada Soomaaliyeed mise waa mid ay la wadaagto bushooyinka kale ee dhaqda Geella ee ku nool qaaradda Afrika? Waxaa jira dalal badan oo dhaca qaaradda Afrika, bulshadooduna tahay xoolo dhaqato gaar ahaan dhaqda Geella. Waxaa ka mida qabiillada dega qeybta waqooyi ee dalka jaad,  koonfurta Kenya, Waqooyiga Tanzaaniya,Bartamaha iyo Waqooyiga dalka Maali,Waqooyiga Gaana,Koonfurta Itoobiya, iwm.

Ugu dambeyntii, aragtida gurracan ee ku dhisan laandheernimada waa mid ka baxsan xayndaabka bulshada ilbaxsan, ku dhaqankeedana uu weli ku dambeeyo bulshooyinka aan ilbaxnimada iyo wada noolaanshaha gaarin, welina ku awdalan dhaqan laga guurey qarniyaal ka hor.

Gun iyo Gob!

“Haddaad dooneyso in aad noqoto gob, ha noqonin gummeeye, ee noqo gobeeye aan gacalkiisa gowdhin" "Cabdiraxiin Hilowle Galayr"

Sida aan hore usoo xusnay, waxaa jirta arrin kale oo bulshada Soomaaliyeed ku baahsan lana yiraahdo GUN IYO GOB! Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay yaa gun ah yaase gob ah? Bulshada Soomaaliyeed waxaa Gob isu yaqaana inta ajiga ee iska doorbida kuwa kale ee aynu soo sheegnay, takoorkana ku mideysan, waxa ayna  magac Gun u yaqaanaan, beelaha kale ee walaalahooda ee ay arrimaha aynu soo xusney ku takooreen.

Erayga Gob, waxaa uu ka yimid magaca geedka gob oo ah mid miro macaan, haddana dheer oo geed sare ah, marka cid walba oo gob ahi waa kuwo ka sareeya kuwa kale, iyaga oo isu arka in ay ka mudan yihiin kana milge badan yihiin dadka kale. Erayga Gun waa gunta hoose ee geedka, Jirrida waana qof la leeyahay dhaqan ahaan iyo dhalasho ahaan ayuu hooseeya.

Haddaba weydiinteena ayaa ah, yaa gob ah yaase gun ah? Gobonnimada maloo dhashaa oo waa abtirsiimo mise waa dhaqan. Aragtida ay qabaan boqolkiiba 90%  dadka waxgaradka ahi, gobonnimadu maahan dhalasho ee waa dhaqan, waa qof leh  dadnimo wanaagsan, xaqdhawr, deeqsinimo, xushmo iyo xilkasnimo, dulqaad iyo deganaan, hufan oo hawlkar ah,  qofka dhaqamadan leh waa gob reerkuu doono haka dhashee.

Gunnimaduna maaha dhalasho ee waa dhaqan, gun waxaa ah qofka qalafsan, Afka xun, dhaqanka xun, tuugga ah, gocorka ah, caadda qaata ah, dabadhilifka ah, beenloowga ah, balan baxyada yaqaan wax kasta oo xumi dhaqankiisa yahay kaas ayaa gun ah, reerkuu doono haka dhashee. Haddaba, abwaan Hadraawi oo si dhab ah u qeexay hab-dhaqanka Gunnimada iyo Gobonnimada wuxuu leeyahay.

  • Geesteyda waa fule ninkii, goob ka saahidaye
  • Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
  • Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
  • Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.

 

Waxaa jirta in waayadii dambe Gobonnimada eray bixin cusub loo adeegsaday, taas oo ah xornimada iyo madax bannaanida qofka, wanaagga, qabka qofka iyo qarankaba, waa halka uu ka yiri abwaan Xaaji Aadan Af qalooc:

  • Gobonnimo sunbaa kaa xigtoo, laysma siin karo’e
  • Waa Sarac ku baxa dhiig rag, oo lagu sadqeeyaaye
  • Sarkaca kufrigu waa sasabo, suu na leeyahaye.

Gabyaa kale oo u marag furaya abwaan Xaaji Aadan waxa uu leeyahay:

  • Baaruuda qiiqdiyo haddaan, Baawer lagu raadin
  • Gobonnimo bilaash laguma helo, Ban iska taaltaale.         

Marka ay timaado hab-dhaqanka xun ee gunnimada iyo gobonnimada waxa uu ka yiri Hal-abuur Cabdiraxiin Hilowle Galayr:

  • Horta yaa gunnimada leh?
  • Gobonnimo u gaar tahay?
  • Side baan ku garanaa ?
  • Dadyahaw loo gorfeeya?
  • Gobtana aan u sheegnaa?
  • Gunnimana ku baranaa ?
  • Gunnimadu ma aha beel
  • Abtirsiimo gaaroo
  • Qolyo ay  guddoonteen!
  • Gobonnimo ma aha beel
  • Oday sheegad g0oni ah
  • Qolyo gaara leeyihiin
  • Waa dhaqanka guudiyo
  • Qofba geel la daaqdi
  • garashadiyo maanki

 

  • Gobta waxa u caado ah
  • Garaad fiican weeyaan
  • Dad garaaba weeyaan
  • Gedi samaha wada jecel
  • Geed ka fuula xumahoo
  • Ku gadaaman sharaftoo
  • Ka gaabsada xumaatada

 

  • Guntana waxaa u caado
  • Gunuus aan dhammaaniyo
  • Guux xumaan ka buuxdiyo
  • God daloolo badanoo
  • Marna aan garawshiiyo
  • Garta inay u qaataan
  • Guurtidu siday tidhi
  • Garanayn dadkaygoow.

Erayga Gun ayaa wuxuu markii dambe is rogrog badan kadib isu dhalanrogey, gumeyn oo ah qofkii in laga qaaddo xoriyada, madax bannaanida, la addoonsado, taas oo isu bedeshay Gumeysi, haddaba gun in ay tahay dhaqan oo aysan ahayn dhalasho waxaa caddeyn u ah hab-dhaqanka gumeysiga oo ah midka gunnimada oo dhan ka soo farcanto iyo addoonsiga, takoorka iyo tacadiguba.  Sidoo kale, gobonnimo u dirirka ayaa ah midka dhaqanka wanaagsan ee diida dhammaan falalka iyo hab-dhaqanka foosha xun ee gumeeyaha.

Gunnaanad

Laba shayba waa laga dhex heli karaa dhaqanka Soomaalida, tusaalooyinka wanaagsan iyo tusaalooyin xun xun. Dhaqanka Soomaalida markaad ka eegto dhankiisa taban, tusaalaha ugu horeeya ee aad soo qaadan karto waa takoorka. Balse, nooca takoorka oo ay Soomaalidu adeegsato wax badan ayuu kaga duwan yahay noocyada kale ee ka jira dunida gaar ahaan nooca ka jira dalka hindiya. Waxaa jiro meelo badan oo uu dhaco takoorka Soomaalida, iyo waxaa kaloo jira meelo badan oo ay Soomaalidu kula macaamisho dadka la takooray. Waxaa ka mida: In kuwa wax takooray iyo kuwa la takoorayba in ay hal waddo isla maraan, gaadiidkana isla raacaan, markii kooxi dhib qabsato kooxda kale ay u gargaaran, geella wada dhaqdaan, is-kaashadaan. Waxaa ka dhaxeeya gaashaanbuureysi dhinaca cududa ah oo beel weliba beel kale ayay la gale tahay oo ay isku daaban yihiin. Waxa aynu ka soo hadalnay sidii ay ku timid gun iyo gobonnimo, laandheer iyo laangaab. Waxa ayna soo ogaanay in bulshadu ay u adeegsatay si ka duwan sidii loogu talo galay. Sidoo kale, indha-indheentii aynu ku sameynay dhaqanka Soomaalida waxa aynu ku soo ogaanay jiritaanka afar nooc takoor oo kala ah: Sinji, Jinsi, Muuq iyo Dhaqan.

Tixraac

Minority Rights Group Organization. Peoples under threat. Available from: http://peoplesunderthreat.org/data (Accessed in April, 2017).

Abdulqaadir Aroma (2005). Hadimadii Gumeysiga, Aroma Publication. Muqdisho Soomaaliya. 

Walter Rodney (1972). How Europe Underdeveloped in Africa, Bogle-L’Ouverture Publications. London, United Kingdom.

Fredrik Barth (1969). Ethnic Group and Boundaries, Little, Brown and Company. Boston, Massachusetts.

[i] Study on Minorities in Somalia. UN-OCHA Office in Somali. Available from: http://reliefweb.int/report/somalia/study-minorities-somalia (Accessed in March, 2017).

 

[ii]http://peoplesunderthreat.org/countries/somalia

 

Hassan Mudane iyo Cabdiraxiin H. Galayr

Emails: Mudanep5@gmail.com iyo Galayr777@gmail.com

SHARE