XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 44aad         

 

                                                1- Saddex ilaasho 
Sharaftaada ilaasho
Balantana dhowr
caafimaadkana ku dadaal.
Mmusa 

                  2-Xusuusnow in noloshaada ay gacantaada ku jirto 
Waa isla adiga qofka u baddalan kara ama ka dhigan karo Janno yar oo lagu raaxaysto, 
Hadana isla adiga rabitaankaaga ayaad uga dhigan kartaa meel mugdi ah oo murugo madow dabooshay.
Noloshaada qaabka ay tahay qofna ha ku eedeen waa isla adiga, qofka sida ay tahay ka dhigay.
Mmusa 

                                                     3- SIRTAADA

yeysan ku murjin haddii sirtaada inta qof aad u sheegatid uu kaa sii faafiyo, maxaa yeelay adiga naftaada ayaa qarsan waysay sirtaada oo gartay in naftaada wax dhiifsiisan ay ogaadaan.
Najiib Maxfuud

                                         4-MUSTAQBALKA

Waxay ka fakaraan Mustaqbalka 
Waxaa wal wal ku haya mustaqablka sida uu noqonayo 
Waxay qorsheeyaan Mustaqbalka 
Waxay u fakaraan sida ay mustaqblka wax u lug-goyn lahaayeen.
Waxay ka fakaraan noloshooda mustaqblaka
Waxay hilmaamaan maanta 
Waxay hilmaamaan waxay maanta ku suganyihiin 
Waxaysan ogayn in mustaqblkooda uu ku xiran yahay waxa ay maanta samaystaan ama yihiin 
Waxay u nool yihiin mustaqbal balse lama noola xaaladda maanta.
Gabagabada maantana kuma noola mustaqbalkana lama noola, wax ay u nool yihiin ma jirto wax ay yihiina ma lahan!
Mmusa 

                                                       5-Nasiib 
Marka aad xaalad adag ku jirto ama marayso 
Dhoola caddee maxaa yeelay waxaa ku garab taagan Alle aad magan gasho waqti walbe waxna kaaga baahnayn.
Mmusa 

                                                   6-WAXAA JIRA WAX BADAN

Waxaa jira wax badan oo aad fahmi karto macna ahaan in ay qaldan yihiin, hadana awooddii aad ku sharrixii lahayd aadan dhawaq ahaan u heli karin, marka ay taasi dhacdo waxaad maciin baddaa aamusnaanta, haddii kale hadalkaaga ama dareenkaaga  wuxuu noqonayaa mid ka lumo waddadii uu wajihi lahaa.
Mmusa 

                                    7-WAX WALBA WAXBAA LOOGA GUULAYSTAA                                                                        Dab waxaa looga guulaystaa Biyo 
Cadaawadna waxaa looga guulaystaa Samir ama saamaxaad 
Nacayb waxaa looga guulaystaa Jacayl
Xaasidnimana waxaa looga guulaystaa Deeqsinimo
Muran waxaa looga guulayataa aamusnaan
Maqal waxaa looga guulaystaa aragti

                                 8-Laba shay qofka waa bur burshaan.
In qofku ku mashquulo wixii tagay
Iyo in qofku ku mashquulo dadka kale 
Qofkii ku mashquulaa wixii tagay hubaal wuxuu lunshay mustaqbalkiisa
Qofkii ku mashquulaa dadka hubaal bar naftiisa ka mid ah ayuu lunshay.
Mmusa

                                 9- HA AAMININ

Ha aaminin waxa aad maqashid
waxa aad aragtidna barkood aamin 
Waxa laguu sheegay ha baahin
Wuxii aad hubto oo wanaag ah baahi 
Wax walba oo keeni kara isku dhac laba qof ama ku noqon kara bulshada dhibaato waa dhibkaaga, maxaa yeelay adiga ma tihid mid ka baxsan Bulshada 
Mmusa 

                                                     10-Guusha 
Marka aan wada dagaalno laga yaabee in qaarkeen ay u arkaan in ay guulaysteen, qaarka kalana ay isku arkaan in laga guulayatay, dhabtu waxay tahay marka dad meel wada dagan oo isku issir ah, isku diin ah, isku dhaqan ah ay wada dagaalaan cadowna isku adeegsadaan in ay wada guul dareesteen, qof guulayatana uusan jirin marnaba.
Mmusa 

                                     11- Dadka marka aad eedaynayso

Dadka marka aad eedaynayso, xaqiiji in ishaada, afkaaga, ay isla socdaan, micnaha wax xaqiiq ah oo hubto aad ku eedayso.
Dadka ha ku eegin il cabsi ka muuqato ama il mashquulsan oo waxay aragtay aan xaqiijin karin.
Hala dag dagin Eedda haddii aadan xaqiiq u hayn.
Mmusa 

                                 12- ALLE AYAA KAA AWOOD BADAN

Haddii ay awooddaada, Maalkaaga , Maskaxdaada, aqoontaada, mansabkaaga, intaas haddii ay kugu dhiira galshaan dulmimta dadka, ogow in aad khaldantahay, uuna jiro Axad intaas ka badan ba haysta kaana awooda badan, waa Allah

                                               13-HA DOODIN

Ha doodin, doodda wax faa’iido ah ma lahan, sida badan doodda dadka ay dhex marto waa kuwa wada khasaaro,
Dooddu waxay horseedda Mucaaradnimo, Xaasidnimo, iyo is xaqiraad.
Mmusa

 

                                                    14- Dhibka iyo khayrka 
Marka dhibku kugu bato rajee in khayrkaagu soo dhawyahay, inta badan ee uu cirku caadkiisu madoobaado waa inta badan ee uu soo dhawaado roobka, sidaas si la mid ah dhibaatada oo badata waa astaanta farajka oo soo muuqda 
Mmusa 

                                                          15-Ceebta
Ceebaha dadka ha soo bandhigin, si uusan Alle kuu ceebayn.
Alle waa Ceeb asture, inta wax asturtana wuu jecelyahay, dulmiga se ma jecla.
Mmusa 

                                                            16- AQBAL

 Aqbal waxa noloshaada aad ka heshay 
Quusashada iska jooji.
Baasaysiga iska illow.
balaaya sheega iska dhaaf.
ka carar quusta iyo wax walba oo naftaada burburin kara.
Hala fadhiisan dadka caloosha xun.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN