NOLOSHA WANAAGSAN, W/Q: Mohamed Musa Sh.Noor

  

                                                 NOLOSHA WANAAGSAN

 

Doonista uu qof walba doonayo nolosha wanaagsan waa mid waligeed soo jrtay, waana tartan qof walba uu u galayo sida uu u gaari lahaa , sidoo kale waxaa la oran karaa waa bartilmaameedka uu qof walba tiigsanayo ama hadafka uu qof walba leeyahay.

Is waydiinta ah sida lagu heli karo nolol wanaagsan dhowr jiho oo kala duwan ayey ku timid waana is waydiin ay is waydiiyeen dhamaan noolaha ku magacaaban Insaanka/ Dadka.

Mar walba oo wax la baadi goobayo waxaa lagu kala duwanaadaa dariiqa loo qaadayo waxaas la baadi goobayo, dadka qaar ayaa ku naf waaya ayaga oo aan gaarin hadafkii ay ka lahaayeen hanashada badaadigoobkood.

Dadka qaarna dad kale ayey u dhibaateeyaan si ay u helaan waxa ay is leeyihini wuu ku dagi karyaa qalbigiina, xaqiiqdii dunida waa mid u saaxiib ah tartan, tartankaasna qaabka loogu kala guulaysto waa mid lagu kala duwan yahay.

Su’aasha ah sidee lagu heli karaa nolol fiican, waa mid is waydiinteeda qaabab kala duwan loo soo maray, fahamka laga kala qaatayna aad loogu kala duwanaaday, waxaasa la yaab leh, in iyada oo isku hal wax la wada goobayo hadana dariiqyo badan iyo fahamyo kala duwan loo kala yeesho.

 

Waxba yaanan hadalka idinku sii dheerayn aniga naftayda  waxaan ka mid ahay dadka is waydiyay su’aashan ah sidee lagu heli karaa Nolol wanaagsan? Waa is waydiin runtii aad u culus qof walbana uu  horey isku waydiiyay haduusan isku waydiina uu mar dhow is waydiin doono ama waqtiyadiisa ay ku kallifi doonaan in uu is waydiiyo waydiintan.

 

Waxaan kolba meel ku dhaco oo aan isku dayo in aan jawaab u helo su’aalahayga ayaan markii dambe waxaan ka dul dhacay jawaab uu baxshay Sheikh lagu magacaabo Al Azhar Jaadu Al Xaq Calii Jaadu Al Xaqq oo ahaan jiray sheekul Azhar,haddase wuuu dhintay Allaha u naxariisto.

 

Jawaabaha uu sheekhaas baxshay in aan helo waxaa igu caawiyey Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM oo runtii aan aad ugu mahad celinayo sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay in jawaab loo helo su’aashan adag ee la doonayay in loo helo jawaab ku salaysan dhaqankeena iyo diinteenaba.

 

Sheekha wuxuu ku sheegay Kitaab lagu magacaabo Bayaanun Linnaas 7 qodob oo uu saldhig ugu dhigay in ay asal u ahaan karto in uu qofku helo nolol wanaagsan oo ku salaysan kuna xiriirsan diinteena suuban.

 

Wax walba marka uu qofku samaynayo waa in uu ku saleeya iimaankiisa micnaha waxa uu aaminsan yahay, si waxa uu samaynayo ay u yeeshaan xayndaab aan looga gudbi Karin xadkiisa iimaaneed.

Sheekha wuxuu ku sheegay kitaabkiisa in 7 qodob oo aan mid mid u caddayn doono haddii uu qofku sameeyo uu helayo nolosha wanaagsan ee uu qof walba baadi goobayo, waxayse ku xirantahay mar walba iimanka qofku uu leeyahay iyo sida uu waxa uu aaminsan yahay uga dhabeeyo ku dhaqankooda.

 

1 waa in qofku yahay Mu’min, oo qof aan iimaan lahayn maba galayo warka ku saabsan nolosha wanaagsan, maxaa yeelay qofka marka uu mu’min yahay waxay ka dhigantahay in la aqoonsaday geedka uu harsanayo ama hoygiisa iyo halka loogu hagaagayo, haddii uusan qofku mu’min ahayna micnaheeda waa in aan la aqoon qofkaas, qof aan la aqoona wuxu la mid yahay qof aan jirin, qof aan jirina waxba looma sharraxo, waxna looma sheego saa maba jiree.

 

2 in qofku camal suuban la yimaado, taas macnaheeda waa in qofku yahay qof xaddidan oo waxa uu suubinayo ay leeyihiin waddo loo raaco wax wanaagsan ay yihin, qofka marka ay shaqadiisa qalbiga iyo xubnihiisab ay wanaagsanaadan markaa hubaal in uu isagana wanaagsanaanayo dadka ku xeeran ay wanaag kula dhaqmayaan, waayo waxaa la yiri qof walba waa inta uu kaa arko, sidaa darteed, camalka wanaagsan waa qodobka labaad ee uu Sheekhu u doortay in uu saldhig u yahay jawaab u helidda su’aasha Nolosha wanaagsan ee la baadi goobayo.

 

3 in uu xoolaha uu leeyahay si wanaagsan oo sharciga waafaqsan uu ku kasbaday, qodobkan aad ayuu muhiim u yahay maxaa yeelay qof dulmi badan oo xoolaha dadka si aan xaq ahayn ku qaatay ama dulmiyey, hubaal in uusan qofkaas nasiino nololeed helayn, marka aad dadka nabad galiso ayaa adna nabad heshaa ayey ka dhigantahay arrintan.

In dadka ay kaa nabad galaan adigana aad nabad gashid micnaheeda waa in aad si xalaalaysan wax ku quudataa waxna ku raadsataa, haddaba qodobka saddexaad ee uu sheekhu u doortay baadi goobka nolosha waa qodobokan muujinaya in aad ku kasbato maalkaaga ama noloshaada oo dhan qaab xalaalaysan oo qof kugu haystaa ama qof wax kugu sheegan karaa uusan jirin

 

4 in uu qofku xoolhiiisa si xalaal ah oo shareecada waafaqsan ku baxsho, in xoolaha la baxsho waliba sida sharciga qabo lagu baxsho waa mid ka mid ah sababaha lagu helo nolosha wanaagsana ayuu leeyahay sheekha, hubaal in ay taasi dhab tahay marka qofka uu saddaqadiisa badsho waxaa daga qalbigiisa, waxaa sare u kaca qiimaha naftiisa iyo qiimaha ay dadka u hayaanba.

Sidoo kale waxaa ku nafciya maalkiisa dadka u baahan, isagana wuu ku nafciyaa oo Alle xagiisa ayey uga noqotaa xisaab uu dhigtay Bangiyada Alle, Allena waa mid jecel kuwa dadka wanaajiya ayagana is wanaajiya.

 

5 in bulshada uu la nool yahay ay xushmad iyo ixtiraam u hayaan, qodobkan isagana aad ayuu muhiim u yahay qofka ma faraxsanaa karo, daganaan qalbina ma heli karo marba haddii uusan ku haysan halka uu ku nool yahay Xushmad ay u hayaan dadak uu la nool yahay, is waydiintuse waxay tahay qofku ma ka heli karaa xushmad iyo wanaag dadka uu la nool yahay marba haddaan isaga laga helin taas.

Jawaabta waa maya qofka marka hore waa in uu isaga qaddimaa ama hormarshaa wanaaga iyo xushmadda uu doonayo in la siiyo, nolosha sideedaba waa bixi oo qaado, haddii taas xagaaga laga waayana hubaal in midda dambe ee qaadashada ah ay kugu adkaan doonto, marka aad wax doonayso waa in aad bixisaa marka hore si aad u hesho.

 

6 in qofku leeyahy caafimaad u suura galinaya in uu cibaadaysto: halkaas waxaanka fahmi karnaa in cibaadada ay ka mid tahay waxyaaabaha lagu helo nolosha wanaagsan inta badan ee qofku cibaadaystana waa inta badan ee uu helaa maskax dagan,inta badan ee uu maskax dagan helana waa ina badan ay noloshiisa kifaax noqoto.

Nolosha wanaagsan ee la doonayo ma ahan mid ku salaysan hanit iyo xoolaha qofku leeyahay, ma ahan mid lagu helo taajirnimada, mana ahan sidoo kale mid lagu helo aqoon ama mansab gaar ah ee qofku leeyahay, sidaa darted, halkan waxaan ka garan karnaa in nolosha wanaagsan lagu helo u dhawaanshiyaha Alle loo dhawaado, sheekha inta qodobkan iyo qodobadan ka horreeyayba wuu ku sax san yahay ayaa dhihi karaa.

 

7 in qofku qanaaco leeyahay oo inta Alle u qoondeeyay uu ku qancaa, hubaal in qodobkan uu isagana meel muhiim ah uga jiro baadigoobkeena ama jawaab u heliddeena ku saabsan sida lagu heli karo nolosha wanaagsan uu aad muhiim ugu yahay.

In qofku yeeshaa qanaaco waa u mihiim nolosha qofka, haddii uusan qanacsanayn waa mid mar walba baahan oo wax baadi goobaya, qofka nuucaas ahna hubaal in uusan harsan Karin, helina Karin daganaan qalbi, qofka haddii uusan daganayna lama dhihi karo waa qof nabad qaba, in aad qalbiyan u nabad qabto ayaa qayb wayn ka qaadan karta in aad nolol ahaan qanacdo.

Maadaama nolosha oo dhanba ay tahay deeq Alle xagiisa ka timid oo waxa aan wada doonaynaba ay yihiin hanitda Alle, waxaa wanaagsan in boqorka loo wada dhawaado, isagana aan raali galinaa, wixii aan u baahanahayna isaga aan waydiisanaa, hubaal in waxa muuqda oo dhan ay ka qaali badan yihiin waxa aan muuqan, nolosha la wada raadinayana ee wanaagsan waa mid aan muuqan balse dareen ahaan aad loogu wada baahan yahay, baadi goobna loogu wada jiro.

Hadaba maadaama dadka aan la hadlaya ay yihin dad mu’miniin ah isku dareena aan  wada nahay ayaan jeclaystay in sidan wanaagsan ee lagu heli karo nolosha wanaagan aan idinkugu soo bandhigo, aniga oo waliba kaashana tilmaanta dadka iga aqoonta badan ee ku dayashada mudan.

Waxaan aad ugu mahad celinayaa Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM oo runtii qayb wayn ka qaatay in aan idiin soo gudbiyo mowduucan, waxaa jirtay hadda ka hor qoraal aan sidan oo kale u qoray oo cunwaankiisa uu ahaa Quruxda Nolosha, oo markii ay uu Drka aqriyey uu igu dhiiri galshay in aan qoro qoraalkan nolosha wanaagsan.

Wixii aan qalday Shaydaan xagiisa iyo xagayga ayey ka ahaadeen, wixii aan saxayna Rabi xagiisa ayey ka ahaadeen, waxaan filaayaa in aad iga cafin doontaa haddii ay jiraan erayo aan si qalad ah u qoray ama u isticmaalay, in aad i saxdaan ayaan idinka rajaynayaa, aqoonta iga maqana aad igu biirisaan

W/Q: Mohamed Musa Sh.Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN