Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q54AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q54AAD

Maalintu waa Isniin, Berri oo talaado ah waxaa la wada sugaa natiijada Dacwada ay u xiranyihiin Axmed Dheere iyo Dalmar. Waxaa salaaddii Maqrib ku wada tukaday Mowlacii xaafadda reer Maxaad Cali dad ka badan dadkii hore ee ku tukan jiray ,waxaa salaadda ka soo wada qayb galay ehelkii, qaraabadii, iyo asaxaabtii reer Maxaad Cali u yimid uguna yimid Ducada ay qabaan caawa, taasoo ah Alla bari ku saabsan natiijada berri la wada sugayo.

Markii la wada tukaday Salaadda maqrib ayaa masaajidka la iska soo wada raacay iyadoo loo kala socdo xeyn xeyn, oo xeyn walibaahiba sideeda goonidaa u fallanqeyneyso waxa laga filan karo xukunka berri. Ugu dambeyntii waxaa la isugu yimid mininkii Reer Maxaad Cali oo ay ka bisishahay, Muggii la ag maraayaba carafta ka soo haadeyso waxa la karihaayo qof walbaa sanka ayuu la raacayay.

Asaxaabtii salaadda soo tukatay kolkii ay soo galeen mininka ayaa laba qowladood la kala fadhiisiyay, Culumada (Wadaadada) iyaga qol gaara ayaa si qurux badan loogu goglay, qolka kalese waxaa uun lagu goglay dhambalo caadi ah. Dadku kolkii ay fadhiisteen, ayaa waxaa hadlay Xaaji Hilowle oo leh: Ma joogyaa AkuutaakaheeniiCosoboow?

Waxaase u jawaabay Cali Gaab oo yiri: Maya, oo waa naga cudur daarayay.

Cali Gaab ayaa sii hadloo yiri: Qaraabooy, quraanka barakeytiisa maan hor marinaa mise waa casheynaa horta?

Waxaase markiiba u jawaabay Abti Axmed oo yiri: Horta aan Quraanka iyo ducada hor marino. Marxabba, ayuu ku jawaabay Cali Gaabna, gaddoon ayuu gadaal u yiri, waxuuna soo naqday isagoo wado Baaquli Biyo kujiraan, dhexda ayuuna u dhigay Culumadi si ay Tahliil ugu tufaan reerka.

Waxaa la bilaabayAkhrintii Qidmada quraanka aheyd, kolkii la dhameeyayna waxaa lagu afjaray Faataxa,Dhaqankani waa mid Maxaad Cali u joogta, wuxuu aaminsanyahay in wax walba quraanku u yahay saldhig mana aha keligiis ee dadka deegaanka ayaa ka siman dabeecadaan, waxay walba u hormariyaan quraanka waxayna ku qatimaan, Faataxada oo ah UMULQURAAN, inta badan kuma hungoobaan waana midda keentay in wax walba oo dhaco la aqristo quraan, wadaado loo waco, soddonka jisna loo qaybsado min toddoba Jalaad.

 Markii quraan la soo ebyey, ayaa waxaa loo xilsaaray inuu duceeyo Adeer Hilowle. Adeer Hilowlena waxuu ku bilaabay: Allaa aqbalo, allaa ajiibo, tawfiiqda allaana waafajiyo, arageenna arag dhexaad, sida jirto siima ahaato, reerka hortooda kheyr ,gadaashooda kheyr, Kulanka foogta Rabbi kheyr ha ka yeelo, Cosoboow fool ku guulle allaa ka dhigo , isagu Libaaxi iyana lo’di, ununa waa cunnee Rabbi ha noo daweeyo, Muraaddada dhan allaa sahlo, aqbali faataxa.

Maxaad Cali, Xamuud Cali iyo Asaxaabta kale ee ku dhaw dhaw iyaga cawadu waxeey u tahay mid ka dheer cawooyinkii hore, waxeey aad u dhararaayaan waaga inoow beryo. Waxaa haayo welwel culus, waxeey dareen adag ka qabaan waxa ka soo bixi doono Maxkamadda berri oo talaado ah, waa halkii soomaalidu ka dhihi jirtaye, nin la tumaa talo jirtaa? Maxaad Cali waxaa nolol iyo geeri u dhaxeeya wiilkiisii keli ahaa,  waxaa loo haystaa dambi uusan gelin, waxaannu ka baqayaa, gardaro  duud libaax ku gawdiida iney wiilkiisa galaafato.

Xanuun badanaa garsoor iyo xeer dowlo oo laysugu awood sheegto,  ciil iyo caloolyoow badana ilmihi yaraa aad dhashay dowladdi ilaalin lahayd ee noloshiisa agaasimi lahayd muggey abris iyo bahal aadun ah ku noqoto.

Maamma Dahabo, Xaajiyo Batuulo iyo Kutubo iyaguna iyagoo hawlo ku jiro ayay haddana hoosta ka doodayaan, Kutuba arrintaas u ribeyheyso Xaajiyo Faadumo Jimcaale, waxeey leedahay: Waa arki doontaa haddaanan rifin  Rufyaanta beenta badan, ma cunugeyga miskiinka ahey marag beena ku furee, wax daran iyo daadeys hakula tagaan waaba cimriye may alle ka cabsato.

Xaajiyo Batuulaa leh: Shahaaddo suur qofki sameeyo isagaa dhib ku qabo e iska la her adiga yeeyna nasalfane.

Doodaha iyo fallanqeynta ku saabsan arrinkaan waa mid meel walba yaal, arrinku waxuu noqday mid caan ka ah beledka. Xitaa Idaacadaha Caalamigaa ayaa laga wada dhegeystay arrinkaan. Xaalkuna waxuu u muuqdaa ”Fallaartii cirka loo ganay cid walbooy filo”, Sida doodaha maxkamaddu u dhacday, waxeey aheyd mid aan la garan karin natiijada ka soo bexeyo, Xaalkuse waxuu yahay war jiraaba Cakaaruu imaan, Waxa la sugaahiba waa waaga oo beryo.

Maxkamadda

Waxaa la wada sugaayaa xukunkii Maxkamadda, waxaa madashii Maxkamadda ku sugan dadweyne aad u fara badan oo ku soo baxay hadalheynta magaalada iyo  dhawaqa warbaahinta oo aad u warhaysay baryahaan kiis dacwadeedkaan.

Waxaa sidoo kale goobta diyaar ku ah Eedeysanayaasha oo subaxaan waqti hore la keenay, sidoo kale Xeerillaalinta iyo Qareennadii Difaaca oo uu hoggaaminaayo Avv. Cusuboow oo asaga ay ka muuqato walwal aamusiyay, waxa uuna u muuqdaa qof ay maskaxdiisa ay meel kale ka shaxayso.

Waxaa soo galay goobti Guddoonka Maxkamadda oo wada socda iyo Diiwaangeliyihii, Dadkii waa wada istaageen sida caadadda ahayd ayuu Gudoomiyihii u fasaxay in ay fadhiistaan ayagana salka dhigeen.

Guddoomiye: Dhamaan dadweynaha ka soo qeybgalay dhagaysiga dacwadaan, Xeerillaalinta iyo Qareenadda Difaaca waad wada salaamantihiin; sida aad la socotaan waxaan in muddo ahba dhagaysanaynay kiiska dacwaddaan,haddii aynu nahay hay’adda Caddaalada. Waxaan anagoo si taxadir leh u eegayna maslaxadda dalka iyo dadka iyo sida ay halbowle ugu tahay Caddaaladda, ayaa waxaa Guddoonka Maxkamadda ay  isku raaceen oo gaareen go’aanada hoos ku xusan:

Maxkamadda markii ay eegtay dhammaan cadeymahii ku jiray gal dacwadeedka iyo qoraaladii Ciidamadda Nabdsugidda ,Booliiska iyo xeerilaalinta

Markii ay aqrisay qoraalladii qiraalka eedeeysanayaasha ee ay Xeerillaalinta soo gudbisay.Markii ay dhagaysatay warbixintii Markhaatiga kaliya ee la hor keenay Maxkamadda.Markii ay aqrisay Qodabada. xx, xx ee Dastuurka Qaranka iyo Qodobada xx, xx ee Xeerka Habraaca Ciqaabta. Sidoo kale markii ay aqrisay Qaanuunada Dawliga ah ee uu dalkeena aqoonsanyahay, gaar ahaan Baaqa Caalimiga ah ee Xaquuqda Aadimiga Qodabadiisa xx, iyo xx iyo sida uu ugu qeexan yahay Dastuurkeena.

Waxaay Maxkamadda go’aamisay :

In Xeerillaalinta iyo hayaddaha nabadsugida ay ku xadgudbeen Habraaca Xeerka Ciqaabta iyo dhammaan xuquuqdi Dastuuriga ahayd ee muwaadinka, ayna horkeenin wax caddeeyn lagu qanci karo oo isku xireysa Dilka Marxuumadda iyo fal dambiyeed ay geysteen Eedeysanyaashaan la horkeenay Maxkamadda, sidaa daraadeed waxa ay Maxkamadda go’aan wadajir ah ku amraysaa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga sii daayo Xabsiga Eedeysanyaashaan isla markaana ay hay’adaha dambi baarista sameeyaan baaritaan lagu horkeenaayo dadkii ka masuulka ka ahaa xadgudubka loo geystay muwaadintiintaan aan dembiga laheyn ,Caddaaladda la hor keena dadkaas.Racfaan ayaa ka furan Xukunkaan ciddii aan ku qanacsanayn muddo 30 cisho ah.

Mar keliya  ayaa waxaa neefi ka soo fuqday eheladii eedaysanayaasha iyo Garyaqaan Cosoboow, sidoo kale dadkii dhegaystayaasha ayaa u guuxey, hadalki,  waxaa dadku hoos ula wada guuxayaan, alleylehe dowladda weli dad damiirkoodu noolyahay ayaa ku jira,  bal eeg sida ilmahaas yaryar shirqoolka loogu dhigey,waa loo wada guuxay oo waa la wada boggaadiyey go’aankii ka soo baxay maxkamadda.

La soco qaybaha 

Waxaaqoray:

XuseenM.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 



         

Top