XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 45aad         

 

                             1-RUNTA WAA WAXA UGU WANAAGSAN

Waxaan ogaaday inta aan noolaa in runtu ay tahay waxa ugu wanaagsan ee la sheego, beentuna ay tahay waxa ugu wanaagsan in la sheego marka naf la bad baadinayo.
Runtu waxay abuurtaa kuwa kula mid ah.
Beentuse marka aan lagu bad baadeen waxay halaajisaan wax walba oo dunidaada iyo aakhiradaada ah.
Mmusa 

                         2- SIDA AAD WAX U ARAGTO KAMA TARJUMAYSO

Sida aad wax u aragto kama tarjumayso sida ay wax yihiin ama ahaan doonaan, lamana oran karo xaqiiqda ayey la jaan qaadaysaa.
Aragtidaada mar walba ha ku dabaqnaato aragtida dadka wax kula wadaagaya ama kula dareemaya, si fakarkaagu uusan u noqon mid guul daraysta.
Mmusa 

 

                                                 3- HA ORAN

Ha oran waan daalay, maxaa yeelay dadka dhan waa daalan yihiin.
Ha oran waan murugaysanahay, maxaa yeelay kulligeen ayaana nabad qalbi iyo qanaaco qabin.
Ha oran waan wanaagsanahay, maxaa yeelay kulligeen ayaa wanaag wada sheegana.
Mahdintaada ha badato, ogowna in aan kulligeen wada socono.
Mmusa 

                                                   5-Macna looma waayo
Qof walba macna uma wayn karo waxa uu rabo ama damacsanyahay, amaba uu sameeyo, waa mid mar walba la soo taagan sharaxaadda xaaladdaas uu ku jiro.
Mmusa 

                                                     6- WUU KORAA

wuu koraa qofka naftiisa ku kalsoon 
Qofka aan isku kalsoonayna wuu daba gurmaa.
Mmusa 

                                                       7- Kalsooni 
Kalsoonida naftaada waa mid kuu dhawaysa dadka xagooda, dadkana usoo dhawaysa xagaaga, balse kalsoonid darrada waa mid kaa fogaysa dadka ayagana ka dhigta kuwa kaa sii fogaada, sidaa darteeda, kalsoonida naftaad waa u muhiim naftaada iyo tan bulshadaba.
Mmusa

                                                   8- Xasan Al Basri wuxuu yiri 
” Bani aadamow, waxaa tihiin Maalmo, haddii ay maalin idin dhaaftana waxaa baxay qayb ka mid sii jiritaankiina.

                                                         9-Dar daaran 
Wuxuu yiri isaga oo dhiiri galinaya wiilkiisa” wiilkaygow ha u wal walin wax nolosha dunida ku saabsan, maxaa yeelay waxaa naloo abuuray imtixaan kaas oo uu Alle nagu eegayo sida aan uga soo baxayno, sidaa darteed, adkee naftaada iskana dhowr u jilcanaanta Nolosha.
Mmusa 

                        10-Wax ka wanaagsan caafimaadka ma jiraan

Mid ka mid ah dadkii wanaagsanaa ayaa laga hayaa in uu yiri ” wanaag oo dhan waan dhadhanshay walina ma arkin wax ka wanaagsan caafimaadka.
Wuxuu kaloo yiri dad oo dhana waan arkay, wali wax ka wanaagsan ma arkin in dad laga kaaftooma, markaas ayuu ku ducaystay “Allow caafimaad noogu deeq, dadna naga deeq.
Mmusa 

                                                                  11-Inta badan 
Xaqa inta yar ayaa mar walba raacda waligiisba ma helin inta badan, waxaa kaloo jira in dadka intiisa badan ay yihiin kuwa aan wax garan, halkaas waxaa laga qaadan karaa waxa la dhaho dadka intiisa badan in ay lunsanyihiin.
Mmusa 

                                12-  dambi dhaaf u waydiinta Alle kuwa dambaabay.

Haddii aadan awoodin in dadka wanaagsan aad wanaagooda kula tartanto, markaa isku day in aad kula tartanto dambi dhaaf u waydiinta Alle kuwa dambaabay.
Ibnu Rajab

                                                 13- AQRISKA

Inta badan ee aad aqriska dulqaad u yeelato, waa inta badan ee ay aqoontaada kororto ogaalkaadana bato 
Mmusa

                                             14-Hel khaladkaaga 
Ka dhig guuldaradaad jaanis labaad oo naftaad ay heshay, dib u eeg naftaada, helna khaladaadkaaga, si aad mar labaad u guulaysato.
Mmusa 

                                                            15- Guusha 
Marka aad ku guul daraysato isku dayga wax muhiim kuu ahaa ku guulaysashadooda, ha niyad jabin, ee Rabbiga ku abuurtay uga shukri jaaniska uu kuu siiyay in aad isku daygaas samayso, hubaal mar kale in aad guulaysanayso ama guul darradaas ay khayr kuu ahayd.
Mmusa

                                                    16-Hadalka 
Hadalka sharaftiisa waa in aad hadashaa waqtiga haboon kuna hadashaa wax munaasab ah, kadibna aamustaa.
Mmusa 

                                                  17-Qaninimada 
Dadku waxay dhahaan hebel markuu maal helay ayuu is baddalay, dhihiddaas waa khalad, sida aan aniga iyo dad kalaba qabno 
Maalku qofka shaqsiyaddiisa waxba kama baddalo ee waa uu soo saaraa, 
Qofku sida uu ahaa ayuu ahaan, balse duruufaha nolosha adag ayaa ah midda sababta in dadku aysan u muuqan sida ay yihiin.
Sidaa darteed, Qaninimada dadku ma baddasho ee waxay kashiftaa waxa uu yahay qofka.

                                              18-FARXADDAADA

Marka aad ogaato in hebel oo ka mid ah dadka aad taqaanid, ama kuu dhow, ama noloshaada saamaynta ku leh uusan ku jeclayn, ha murugoon hana is liidin, marnaba yuusan ku galin fakar ah muxuu hebel ama heblaayo kugu nacay/ nacday , maxaa yeelay, fakarkaas ayaaba ah liidid aad naftaada liidday una ogolaan wayday in isla iyada aad ka fakarto oo waqti siiso sidii aad ku hormarin lahayd, sidaa darteed, waxaa kula gudboon in aad naftaada maslaxaysato, la heshiiso, maankana aad galiso in ay jiraan dad badan oo hebelkaas la mid ah oo farxaddaada jecel kuuna rajaynayaa nolol wanaagsan oo farxad leh. 
Waasa kuwama dadkaas? adiga ayaa lagaa rabaa in aad is waydiiso.
Qishka ugu horeeyo ee aan ku siinayo ayaa ah waalidkaa haddii ay nool yihiin, inta kale adiga day dayo.
Mmusa

                                                           19-Dhaawac
Marka uu ku dhaawaco qof qaali kugu ah ama aad kuugu dhow, jawaabtaada yaysan illin noqon ee ha noqoto dhoola caddayn, maxaa yeelay waxaa jira kuwa badan oo doonaya ama ku dadaalaya dhayyidda dhaawaca uu qofkaas kuu gaystay, sidaa darteed, halka qof ee ku dhaawacay yuusan ku murug galin ee inta qof ee dhaawacaaga daweynaysa ha ku farax galshaan.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN