UMAD WADA SUUXSAN! Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                              UMAD WADA SUUXSAN!

Qofka marka isaga oo caafimaad qaba xaalad xanuuna isku ogayn uu ku dhaco xanuun soo boodda ah oo markaa xusuustiisa iyo dareenkiisa shaqsinimo qaadanaya waxaa loo baahan yahay in uu mar walba taxaddaro oo aysan marada ka dhicin marka uu xanuunku qabto.

Xanuunada soo booddada ah waa ka daran yihiin xanuunada la garto astaamahooda ee la isla wada yaqaan, xanuun marka la yaqaano astaamo lagu gartana uu leeyahay xitaa daawo yuusan lahaan mar walba waxaa jiraya waddooyin ama habab kaalmaati ah oo looga hortagi karo ama lagu baxnaanin karo si qasaaraha uu geysanayo xanuunkaas ay u koobnaadaan.

Qofka xanuunka uu ku dhacay iyo dhaqatiirta la tacaalaysa xanuunkiisa labadaba waxaa jira casharo ay ka bartaan xanuunkaas soo darsay, maadaama dadka la tacaala ay ayaga yihiin.

Dadka la taacaliddaas iyo dadaalkaas suubin kara ayaa ah dad miyir qaba oo garan kara waxa ay la tacaalayaan baaxadda iyo qasaaraha uu geysan karo iyo natiijada aan la mahdin ee laga dhaxli karo, hadduu ahaan lahaa mid sii faafo ama mid qofka uu ku dhacaba qoorta ka gooya oo halkaa ku ekeeya noloshiisa.

Waxaa jira xanuun kale oo kaa ka daran oo qofka uu ku dhaca iyo kan la tacaalayaba ay dhibaato ku tahay, waan xanuunka  loo yaqaano afka qalaad (Koma) kaas oo uu qofku dhaamin qof dhintay maadama xubin nuuxsataa jirkiisa aysan jirin ilaa wadnaha iyo dareemada kale ee lagu garto in qofku wali nool yahay.

Qofka uu xanuunkaas ku dhaco waa qof aan waxba qabsan Karin in wax loo qabto mooyee, wax ma arko, wax ma cuno, waxna ma dareemo, saxaradiisa kama warqabo xilliga ay timaado iyo xilliga ay joogsataba, waa qof nool dareen ahaan marka loo eego xubnihiisa qaar nuuxsigooda, balse, aan nolol lagu tirin Karin ilaa uu soo nabdaado.

Qofka nuucaas ah saamayntaa uu xanuunkiisu yeesho aad ayey u balaarantahay oo ehelkiisa iyo dhaqaatiirta la tacaalaysaba saamayn gaar ah ayuu ku yeeshaa, qof walbana culays ayuu dareemaa ku aaddan xaaladda qofkaas, xitaa haddii ay jirto Dowlad bixinaysa qarashkiisa waa ku culays.

Dadka xanuunadaas ku dhaco dunida maanta qaar waxay sharciyeesteen in la dilo oo uusan ku noqon culays dalka iyo dadkaba qaasatan inta la taacalysa baxnaanintiisa, si qarash iyo waqtiba uusan u qasaarin maadaama rajada laga qabo in uu caadi kusoo laabto ay tahay mid aad u yar amaba quus ah.

Soomaaliya waxaa ku habsaday xanuunka nuucaas ah in kastoo xanuunka soomaaliya ku dhacay uusan ahayn mid raja beel ah oo laga quustay in soomaaliya ay caadi kusoo laabto maadaama soomaaliya aysan ahayn sida qof oo kale oo ay tahay duni maamulkeeda uu Alle gacanta ku hayo, inkastoo xitaa qofka xanuunka aan soo tilmaamay uu ku dhacay  uu alle xaalkiisa gacanta ku hayo, hadana waxaa meesha ku jira gacma aadane oo saamayn ku leh qaddarta qofkaas ee xaga Alle.

Soomaaliya marka  laga hadlayo laba micno ayey yeelanaysaa, marna waa dhulka oo magacaas leh, marna waa dadka u ehelka ah ee ku nool dhulka laga hadlayo ee ku magacaaban Soomaaliya.

Waxaa mar qura ku habsatay Soomaaliya dhibaato aad u baaxad wayn taas oo maalinba maalinta ka dambaysa ay wax yeeladeeda sii balaaranaysay, balse mar walba waxaa jirtay la tacaalid ay la tacaalayeen dadka damiirku ku dambeeya in ugu yaraan maadaama aan hal mar la daawyan Karin cudurka ku dhacay umaddeena daawadiisana aan la hayn umaddin aay dhiig baxayso, in dhiig joojin la sameeyo oo wax yeelada dhaawaca inagu dhacay la koobo.

Dadaal la’aan ma jirin waligeed, mar walbana waxaa jirtay qayb ka mid ah bulshadeena oo u taagnayd in xaalku uusan sii xumaan, nasiib darradase waxay ahayd umaddii u taagnayd xallinta dhibkaas in qaarkood ay ku baxeen gacanta cuduraysan ee umadda uu u ku dhacay cudurka.

Quus ma jirto mana jiri doonto inta qoraxda ay kasoo baxdo bari una dhacdo galbeed, maxaa yeelay qaddarta iyo qaybka ma ahan wax gacanteena ku jira oo waxanba waxay ku yimaadeen Qaddar xagga awoodda Alle ah.

Waxaasa wanaagsan in bukaanku iyo bukaan bilahaba ay isla gartaan sababta uu xanuuku ku bilowday iyo daawadiisa, haddii xitaan aan daawadiisa la hayn  waa in ugu yaraan xanuunka la xakameeyaa oo uusan usii gudbin jiilalka kale ee waddada ugu soo jira ku noolaanta dhulkeena.

Waxaasa mooddaa in dhamaan umaddeena garashadeeda ay sii daciifayso oo dabiibidda iyo ka hortagidda cudurka inagu dhacay aan quus ka taaganahay, umaddeena badankeedna ay u miyir doorsoontay saamaynta uu yeeshay xanuunka burbur ee nagu habsaday kaas oo sababay in qaarkeen aan Koma u galno.

Miyir beelka ay gashay umadeena badankeed waxaa la tacaalaya qaar ka mid ah Beesha caalamka inta inoo danqata, iyo koox yar oo umaddeena ka mid ah oo kuwaas oo aan lahayn awood saamaynteeda la dareemi karo oo wax ka qabata baxnaaninteena balse, ugu yaraan waa kuwa na dul taagan oo astura cowradeena.

25 Sano kadib waxay ahayd in aan wax ka barano wixii inaga qaldamay oo aan kala garano waxa dhibka inoo sii dhawayn kara iyo waxa inaga fogayn kara, balse taas ma muuqato hadda oo waxaan kusii jirnaa dulmigii, caddaalad darradii iyo jahligii sababay in dhibaatadan ay abuuranto.

Is waydiintu waxay tahay 25 sano oo kale xagee taagnaan doonaa, waxay noqon doontaa nus qarni uu 50 ton jirka markaa joogo uu ku dhashay Nidaam la’aanta, Caddaalad darrada, iyo dulmiga ka dhex jira umaddeena oo aan loo garansiin ama loo dareensiin in ay wax xun yihiin.

Dhabta ayaa waxay tahay in umaddeena marka aad u fiirsato heerka fahamkooda iyo maankooda uu taagan yahay ay kuu soo baxayso in caqligooda iyo jismigoodaba ay ku maqan yihin Koma ama Suuxdin, ilaa aakhirka noloshoodana ay sidaa u muuqato.

Rajadeena waa jirtaa wali waana jiraysaa, umadeena dad caafimaad qaba oo yar ayaa wali ku dhex dambeeya, waxaan rajaynayaa haddii Alle soo caafiyo intan naga xanuunsan in xaalku is baddali doono, haddii kale ay ku dhintaana ugu yaraan inta caafimaadka qabta ay si’ caafmaadaysan ay u tarmi doonaan, umad wanaagsan oo naxariis iyo cilimiba u saaxiib ahna ay dhalan doonto, Alle umaddeena suuxsanaanta ama (Komada) miyir beelka ay ku jiraan ha ka soo nabdaadsho oo haka dhigo umad garata danteeda, waxa dhibayana wada fahmi kara.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN