DHALASHO iyo DHIMASHO! W/Q: Bashiir M. Xersi

DHALASHO iyo DHIMASHO!

 

Dhalasho waa bilowga nolosha, dhimashona waa dhammaadka nolosha. Waa laba meerto oo midba mar la maro hadba inta kuu qoran. Qof walba maalin leh; dhalasho iyo dhimasho u dhaxayso ama ku dheehan dheef iyo dhib. Waa wareeg, meerto iyo meegaar uu ku dhexjiro qofku, uuna sina uga baxayn, ugana fakanayn. Jirid iyo jarid ayaan u dhexeenna rabid iyo ogaal la’aan. Imaatin iyo bixid ay ku laban tahay liibaan iyo lur is ku ligan ama ka la leexsan.

Noole walba, Aadanuhu haba ugu horreeyee, xanuun dareenku waxay u tahay dhaawac qalbi, ka sokow, inta uusan noqon fiito ama boog dekaanta. Marka la dhalanayo waa xanuun, waxay xanuun u tahay (HOOYADA) iyo la dhalaha (ILMAGA), haba ku sii badnaato (HOOYADA).

Uur ku sidid, min ku jirid, sidid ka la si ah haddana ka la tirsi ah’ bilo ama gu’, sidoo kale, culays, cufnaan iyo ciirsi. Dhalid iyo dhalasho ka dib waa dhacdhacid iyo kufid, socod, xamaarasho, durdurin. Dhib la’aan la ma barto, mana la barbaaro. Waa habka nolosha ayaad dhihi kartaan, ee maxay sidan u noqotayna waa la is weydiin karaa?!

Haddaa ka hor heddu iman, oonba naftu bixin, ruuxdana la siibin, oo ah jarid jiritaan iyo dhammaad dhalasho (dhimasho) waxaa xiga qaadashada nolosha qaybteeda ugu mugga weyn. Noolaan. Waxa lagu noolaanayo, sida lagu noolaanayo, meesha lagu noolaanayo iyo dadka la la noolaanayo badi ku ma yimaadaan doorasho, ee waa dani kugu qabatay iyo dookh kale ma lihid. Ku qabatay iyo qaddar Eebbe la qaataa.

Raadinta adduun iyo doonisteeda nolol, qofba heer, hagaag iyo higsi ku ballee, kuna gardaadi, habacnimo ama hanadnimo mid ay tahayba, haddana, is la iyada ayaa ka la hormarisa, una ka la habaysa, habab iyo hannaanno lagu ka la haray.

Noolaan ka dib, dhimaal, daal, farxad, ka helid iyo jacayl ka dib, waxa uun xigaa waa dhimasho! Dhalasho waxay ku dhammaata dhimasho! Horta sideeda, maxaa loo dhiman? Ma ammin dhammaaday? Ma wareeg istaagay? Ma ajal go’day? Ma naf baxday? Mise waxlo kale, oo dhammaan aan badi warcelinnadooda haynno, marka laga reebo hubbanaanta dhimashada? Jaridda jiritaan waa dafiraad la’aan.

 

Amar la ma huraaniyo

Arrin soo jireeniyo

Alab curada weeyoo

Ninna eedi maayee

Ifka ruux yimaadaba

Waxaa iman ayaantii![i]

 

Dhalashadu waa is moodsiin farxad, oo waa la mashxaradaa, halka dhimashadu tahay isu muujin naxdin, oo waa la murugoodaa! Dareensi aan ka bixinno ama laga bixiyo waxa aan samaynno ama nagu dhaca waaye, oon hadba midab iyo muuq gaar ah u yeelanno.

 

Noloshaaba murugiyo
Farxad ama macaan uun
Ku dul meerta labadaa.


Midbaa dhiman midbaa dhalan
Mid kalaa sabool noqon
Midna waaba taajiri![ii]

 

Haddii la dhimanayo markii horeba maxaa loo dhalanayey? In la dhinto uun! In waxa la sameeyo ee samaan iyo xumaan ah la sameeyo! Maya sidan ayey u qoran tahay, si kale ma lahan, oo la saabin karo. Dood aan dhammaad lahayn waaye, balse, dhalasho waxay leedahay dhimasho dood la’aan! Billowba dhammaad ayuu ku biyashuban.

 

Geeriyaay fogeeyaay

Gacalkiyo waxgaradkiyo

Guurtida dhammeeyaay

Gobonnimo ka dheeraay

Geesiga hal adag iyo

Halyeeyada god galisaay

Imisaad Garaad iyo

Guud caddaa Suldaaniyo

Odayaal gumaaddoo

Godka ciil la galayoon

Loo gudin abaalkood?.[iii]

 

Inta aan qormada qorayey waxaan is weydiiyey; midabkee ayaad raacin halbeeggeeda; ma madow ama caddaan labada midab Aadanuhu badi adeegsado, mise? Haddaan madaw ama caddaan adeegsado, hannaankii hore ayaan ku habeeyey, haddaanse ka badalo, sabab? Weli ma go’aansan, si aan la iiga raboon raadin sababayn aanan hadda maaninteeda diyaar u ahayn, ka sokow, in aanan amminkeedba hayn. Waa is la muuqsiga iyo dareensiinta nololeed, ee ma midab ayaa mid kale dhaama, in uu ka duwan yahay mooyiye?.

 

Geeriyaay kadeedleey

Kurbo iyo xanuunleey

Kadab gooya halisaay

Kalgacayl yareeyaay

Kaadirrada dhammaysaay

Kooraha u rarataay

Kaymaha xabaalaha

Hadba kadin aguugaay

Hadba koox ka nixiyaay

In kastoo Kitaabkiyo

Eebbe kaatib kaa dhigay

Kashu way ku neceb tahay.

 

Kaalintaadu waa qarin

Kartidaadu waa duug

Kedin iyo dil weeyaan.

 

Gacal ka la fogeeyaay

Kalaxyada u sidataay

Kalxammada ka jabisaay

Haddba koona joogay

Hadba kaymo jeexaay

Kurayada ka nixiyaay

Gabdhahana kadlamiyaay

Hooyada karkariyaay.[iv]

 


DHAN.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

[i] Tixdii: “Eenow ma iishay?

[ii] Maansadii: “MURUGO!”

[iii] MaansadiiGABLAN

[iv] Maansadii: Kaadir “Ka dare”



         

Top