Maansada: Yaacdo dhega xiran Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Maansada: Yaacdo dhega xiran
 

Ciisoow ya’leeydii
Yalka iyo dabeyshiyo
Yayeentii war qaadkiyo
Ii keenyey yaaruhu.

 

Ha yeeshee, yabaalkiyo
Yalanyoolka nagu dhacay
Waa ammuur la yaablehe
Anna yeleled faallada
Aan warbixin yulyuliyee
Dhug u yeelo maansada.

 

Siyaasiyiintan yeeydaa
Yamaahuur yugyugadaa
Kulligood yuxuushtaa
Maxay yihiin haddaa tiri
Yamaanyugga silloon iyo
Waa yabaro qaabdaran
Wacdi loo yaboohiyo
Waanada ma yeelaan
Eheb ku ma yalmanayaan
Waa yaacdo dhega xiran
Waa yabaaq aqoondaran
Waa yaahi gacan maran
Yalaalugada ceebtiyo
Waxa laga yaxyaxo iyo
Inta laga yaqsoodiyo
Yaahuudey ku faanaan.

 

Yoolka ay higsanayaan
Maahan yu’ashadoodee
Waa wax duul u yeeriyo
Kii damboo yimaadana
Ka dhibaato yeel badan
Yamaanyuugyadii hore.

 

Waase yeelkadoodiyo
Caqli yaabiskoodee
Aan u boxo ya’dii kale
Yabacsanida shacabkaan.

 

Ma yaaceen dadkeygii
Abwaan waxaa lagaa yiri
Doqonnimo yahoom iyo
Yebel baa haraysoo
Yahay iyo waheey iyo
Yuuska cabasho mooyee
Ma yadaan cadaawaha
Yibirtaan cuneeysee
Yatiimeysay gebigood
Yac iska ma dhahaanoo
Yasmadaan ku raagtiyo
Sidaan loo yamuudana
Ka ma yara caroodaan
Yuxda beenta mooyee
Yaqiin ka ma hadlaayaan
Qabiil yuucid mooyee
Qaran yooban maayaan
Colaad yaawtan mooyee
Yusri nabad ma doonaan
Yulqan muranka mooyee
Yiraah ku ma heshiiyaan
Yuu’da gocasho mooyee
Yagleel sabar ma qaataan
Sida kooro yucubbeey
Kala yeer dhawaaqaan.

 

Yoomqura dhulkoodana
Yaanbada ma geliyaan
Abuur ku ma yub siiyaan
Qayraadka wada yaal
Ma yuubyuub gurtaanoo
Yadahooda ma maalaan
Yuu’enkiyo shisheeyeey
Wax la soo yalqiyey iyo
Yaqfureyn ka dhowrtaan.

 

Yar iyo wayna gebigood
Yixdu keey ku taalliyo
Duqa yalal caddaagaa
Dalkoodaan yalaaliman
Yurub bey ka jecelyihiin.

 

Ya’da ka ma dambeystaa
Yuruuracada soomaal
Qatar yoomayoomiyo
Yamays hoos u qodan iyo
Af yaxaas dhexdiis bey
Maanta wada yaxoobtaa
Yaduunbeyna huwataa
Yuurarbey ku huruddaa
Yuclulbey ku toostaa
Yaadbey ku nooshahay
Yuuqyuuqsi baa diley
Iyo yulugle meermeer.

 

Qiyaas yaahinteydana
Yasirka ALLE mooyee
Wax u soo yir naasa cad
Waa yallah ha suginina.

Dhammaan. 

Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN