XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 46aad         

 

                              1- Yeysan ku wal wal galinin afcaasha dadka

Yeysan ku wal wal galinin afcaasha dadka, waxa ugu wanaagsan ay samayn karaan ayaa ah waxa uu Alle doono 
Mohamed Mutawallii Shacraawi

                                       2-   Baahida iyo doorashada 
Baahida waxay kaa xirtaa doorashada aad wax dooran lahayd, maxaa yeelay qof baahan ma yeesho waqti uu wax ku kala xusho marka aysan baahidu jirin ayey doorashadu badataa, sidaa darteed, qof wax kala dooranaya haddaad aragtid waa qof aan baahnayn.
Baahida aan ka hadlayo nuuc walba ayey noqon kartaa, tusaala ahaan Nin aan wax uu cuno haysan cuntada uu rabo ma dooran karaa? waa wax aan laqo ii keena.
Nin aan raganimo lahayn naag guurkeeda ma hawaysan karaa? waa maya, marka hore aan raganimo aan naagta kula haasaawa aan helo 
Sidaa darteeda, baahida oo jirta waa doorasha la’aan, doorasho haddaad aragtidna baahi ayaan jirin.
Mmusa 

                                                           3-  Aqriska 
Marka aad wax aqrinaysid waa in aad ka heshaa rajo ama waxaas aad aqrinayso ay kaaga muuqdaan wax anfaca naftaada. 
Aqriska aan macnaha lahayn wuxuu la mid yahay cunto aan la calyeen ama la ruugin.
Mmusa 

                                       4-  RIYADA NINKA IYO NAAGTA

Ninku wuxuu ku riyoodaa in uu helo Naag dhamaystiran, sidaas si la mid ah naagta.
Hadana, ma oga in Alle labadoodaba u abuuray in ay is kaamilaan, nin , naag la’aanteed ma kaamilmo sidaas si la mid ah naagta.
Ahmed Shaqiirii

                                           5-  sugo waxa laguu yaboohay

Ma jiro qof wax wanaagsan kuu haya kuuna heli kara mar walba aan ka ahayn Alle, sidaa darteed, dulqaad yeelo oo sugo waxa laguu yaboohay.
Mmusa 

                                                  6-Yaan lagaa dareemin 
U dhoola caddee sida in aysan waxba kaa qaldanayn, u hadal sida in wax walba kuu saxan yihiin, una ekaaw sida in aad gaartay riyadaada, iskana dhig sida in aysan jirin wax ku dhaawacaya, adiga oo og in qof walba uu wax tabanayo, haddana in aad wax tabayso yaan lagaa dareemin.
Mmusa 

                                    7-Waxay dhaheen Xukaamta qaarkood…… 
Dhaq dhaqaaqa waa barako
Caajiskuna  waa sharraysi
Wehesidana waa halaak

                                             8-Xiriirka guurka 
Xiriirka guurka waa mid mar walba uu qof saxan yahay qofka mar walba saxan ee aan qaldaminna waa Xaaska, kan mar walba qaldanna waa Ninka .
Macnaha waa laga yaabaa in aad la yaabtaan, balse nin la garrama dumar oo ka gar helay taariikhda halagu sheego.
Mmusa 

                                              9-Waan kuu xiisnay ayey igu dhahaan

Waan kuu xiisnay ayey igu dhahaan marka ay maalmo i waayaan, balse la yaabka ay ah in aysan xitaa isku dayin in ay I soo raadshaan,
Hadaba siduu kuugu xiisayaa qof aan xitaa kusoo raadin marka uu ku waayay?

                                                 10-Xaaska wanaagsan 
Astaamaha xaaska wanaagsan waa mid iska cafisa ninkeeda marka uu ka qaldan yahay marka ay qaldantahayna raali galisa una u ogolaan ninkeeda in uu gogosha ku baryo habeenkaa isaga oo murugaysan.
Mmus

                                                         11- Xaas kaamilan 
Xaas kaamilan sida lagu helo waa adagtahay, ninka doonayo xaas kaamilan waa nin doonayo dumar fara badan, kaamilnaanta waa wax ku qaas ah Abuuraha Koonkan(Alle) 
Mmusa

                                                     12-Xaas iyo xaas la’aan 
Lahaanshiyaha Xaas waa kaamilnaanta nolosha, in xaas la’aan la ahaadaana waa qayb ka mid ah Nolosha, balse mar walba waa wax aad tabayso, laakin xaaska mar walba u taagan murjintaada iyo luggooyadaada waxaa dhaama xaasla’aan!!!
Mmusa

                                                      13Waxay dhaheen………………… 
Caafimaadkaaga maanta iyo nabad galyadaada shalay ha ku sirmin.
Muddada Cimiriga waa mid mar walba gaaban,ku sugnaanta noloshana waa mid aan la hubin inta ay jirayso.
Mmusa 

                                                         14-Waxa kaa tagay 
Waxa kaa lumay ee aan ku rabin iyo waxa ku sugaya ee ku raba waxaa badan inta ku sugaysa, waxba ha u shalaayin wax kaa tagay ee ka faaiidayso inta ku sugaysa.
Mmusa

                      15- MACNAHA WALAALNIMADA WAAYADAN

Walaalnimada ma ahan oo kaliya isla dhalashada ee waa in la wadaagaa Mabda’ iyo Diin, haddii intaas aysan dadku wadaagin ma isku noqon karaan Ehel.
Inta Qabyaaladda aaminsan kuna dhaqanto waa walaalo.
Inta Diinta Alle aaminsan kuna dhaqanto waa walaalo.
Inta Mabda’ maamul wadaagtana waa walaalo.
Marka aniga lama yaabayo Qof Soomaali ah in uu Qof Mareekan ah ama Itoobiyaan iyo Kenyan ah uu ugu yeero walaalaheena, waa runtiis waa walaalihiis, maxaa yeelay waxay wadaagaan mid ka mid ah inta aan soo sheegay.
Aniga oo Maxamed ah iyo adiga oo Hebel ah in aan Soomaali wadanahay micnaheeda maahan in aan walaalo nahay, maxaa yeelay isku fakar ma nihin mar haddaanan isku fakar ahayna waxba ma wadaagi karno, inta wax wadaagi karta oo isla aaminsan waxaas ay wada wadaagayaan ayaa noqon kara walaalo.
Mmusa 

                                              16-Wal walka 
Walwalka haweenku ma dhamaado ilaa ay nin helaan, halka ninku wal walkiisu uu billowdo marka uu Xaas yeesho,
Mmusa 

Xusuuataada ku hay, in waji qurxoon uusan la macna ahayn Qalbi qurxoon, qalbi qurxoon iyo waji qurxoona in la isku helana ay tahay wax adag.
Mmusa 

                                   17- Tiro iyo tayo
Tira badnaanta mar walba waxay ka tarjuntaa tayo xumo,taas macnaheeda waa in tiro yar oo tayo leh ay ka farriin gudbin badantahay tiro badan oo tayo lahayn farriina aan gudbin.
Tusaala gaabam maanta Dadkeena Soomaaliyeed badankooda marka aad wayddiisid Siyaasadda dalka qaabka ay ku socoto iyo fara gallinta bah dilka ah ee Itoobiya ku hayso Gayyiga Soomaalida dhamaan Umadda waxay wada oronayaan waa Khalad, balse sawirkaas khaldan waxaa gudbinaya tiro yara oo Bulshadeena ka mid ah balse taya ahaan shaqada ay hayaan ayaa ka xoog badan shaqada inta tirada badan 
Tiro yar oo tayo leh waxay macna ahaan u taagantahay u tallinta tirada badan ee macnaha aan lahayn.
Tiro badan oo tayo la’aan ahna waxay u taagantahay ma tashan karno ee hanaloo talsho waana togta hadda aan dul taaganahay.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN