YAAD KA MID TAHAY, AYAGA MISE ANAGA? Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                            YAAD KA MID TAHAY, AYAGA MISE ANAGA?

Is waydiintaas waxaan ku keenay kadib markii aan arkay Umad badan oo u nasab sheeganayso halka ay ku dhasheen oo ay ku midab yihiin, balse dhaqan ahaan iyo qaab nololeedka umaddooda aan aaminsanayn ama aaminsan xaalad nololeed oo aan u qalmin in lagu noolaado.

Hadaba is waydinta koowaad waxay tahay sidee umad looga mid noqdaa? Ma dhalashadaa? ma midabka aad ku midab tahaybaa? mise iimaan ahaan waxa ay aaminsan yihiin oo aad la aamintaabaa?

Intas oo su’aalood waxaan isku waydiiyay in aan idinku tuso marka fakarkayga loo eego sida umad looga mid noqon karo, aniga oo ka duulayo su’aalaha aan is waydiiyay, jawaabahoodana mid mid aan u sharrixi doono.

Dhalashada aad la dhalatid umad meel ku nool micnaheeda maahan in aad uga mid noqon kartid, umaddaas waxaad ka mid noqon kartaa marka aad dareento waxa ay dareemaan oo maslaxaddooda ah, marka aad la fahmi karto qaabka noloshooda iyo marka aad la jaan qaadi karto waxa ay dhaliisha u hayaan iyo waxa ay aamisan yihinba.

Laga yaabee dadka qaar in ay aaminsan yihiin in umad looga mid noqdo midabkooda aad leedahay iyo dhalashada aad la dhalatid, haa fikraddaas waa fikrad nadiif ah oo isla markiiba loo qaateen ah, balse marka si hoose loo eego xaqiiqda sidaa maahan.

Hadaba waxaa is wadyiin mudan maadaama aan iri xaqiiqda sidaa maahan waa sidee xaqiiqda? Xaqiiqda waa in qofka kugu midabka ah ama kula dhashay hadii uusan kugu fakar ahayn lana dhacsanayn qaabka aad u nooshahay, taas baddalkeedana uu qaab ahaan la dhacsan yahay nolosha umad aan ku issir ahayn kuna dagaan ahayn ayaga ayuu ka mid yahay baa la dhihi karaa.

In qofku kula dhasho isku Bey’a aad kusoo kortaan isku ceeshna aad soo wada quudataan micnaheeda maahan in qofkaas uu kaa mid yahay, ama umad ahaan uu kula siman yahay, muhiimadda waa sida uu ka aaminsan yahay bulshadaas uu ka dhashay.

Hadaba aan ku noqdo is waydiinta sidee umad looga mid noqdaa? Jawaabta aan taas ka bixinayo ayaa ah in waxa umad looga mid noqdaa ay tahay aqbalaadda aad aqbasho hab nololeedkooda iyo waxa ay aaminsan yihin.

Qasab maahan in umaddaas ay diin wanaagsan iyo dhaqan wanaagsan leeyihiin oo sidaa looga mid noqon karo, marka aan tilmaamayo wanaaga diimeed ama umadeed waa mid ku xiran hadba qofka sida uu arko wanaagaas, maxaa yeelay wax walba oo adiga kula wanaagsan waa ay la xumaan karaan qof kale, marka wanaaga aan tilmaamayo waa wanaag la isla fahamsan yahay.

Haddii aad umad kale oo kaa fog oo kugu issir ahayn kugu dhaqan ahayn, kuguna deegaan ahayn aad aaminsantahay in hab nololeedkooda uu ku wanaagsanaa lahaa noloshaada in aad ayaga ku dhex noolaato, markaas waxaad ka mid tahay umaddaas aad u hanqal taagayso oo u riyaaqsan tahay qaabka noloshoodo.

Waxaa kaloo jira fasiraad dhahaysa in qofka hadduu u riyaaqo qaabka ama habka nolosha umad kale taas macnaheeda aysan ahayn in uu ayaga ka mid yahay, marba haddii uusan dhaliilayn umaddiisa, waxna ka sheegayn qaabka noloshooda.

Taas waxaa sii dheer in mararka qaar qofka uu qaab nololeedka umaddiisa wax badan oo ay run tahay in lagu dhaliilo uu ku dhaliilo, qofka sidaas ah waxaa laga yaabaa in dhaliishaas uun ay ku koobantahay hadalkiisa iyo fakarkiisa, balse uusan ku jirin hanqal taag dhaqan kale ama qaab nololeedka umad kale.

Hadaba aqriste is waydii adiga soomaaliga ah ee aqrinaya qoraalkan, tilmaanta aan soo baxshay mid ka mid ah maku sifaysantahay? Mise waxaa tahay mid ila qaba fakarka ah in umad looga mid noqdo qaabka aan soo tilmamaamay?

Umaddeena soomaaliyeed waa umad leh dhaqan iyo diin iyo qaab nololeed u gaar ah, wax la dhaliilo intaba waa ay leeyihiin hadii laga eego dhanka diinta dhaqanka iyo qaabka noloshoodaba, oo waxaa la dhihi karaa ma jiraan wax wada saxan boqolkiiba boqol.

Dhaqanka iyo qaab nololeedka nolosha umadda waa kuwa ay bulshada samaysteen, balse diinta ma ahan wax ay bulshadu samaysatay, sidaa darteed labada dhaliil ee diinta iyo dhaqanka iyo qaabka nolosha oo wada jira waan kala qaadi lahaa.

Waxaan dhihi lahaa dhanka diinta dhaliisheeda waa mid mar walba loo tiriyo dhanka fahamka umadda, maxaa yeelay diinta qaab qoraalkeeda waa mid kooban, dadkuna isku faham maahan oo qof walba sida uu u fahmo ayaa lagu sifayn karaa dhaliisheeda, haddii ay xumaan tahay, sida waxyaabaha dhacaya maanta oo umadda diin ahaan loogu dulminayo.

Dhanka dhaqanka iyo qaab nololeedka umaddeena qaladaad badan waa ka jiraan waasa kuwa la sixi karo, in la dhaliilana mudan, balse qofka marka ay shallaayto ahaan ka gaaro maxaa kaa dhaliyay bulsha sida Soomaalida oo kale, hoosn uu ka aaminsan yahay fakar ama hab nololeed umad kale, markaas waxaa la dhihi karaa qofka noocaas ah ma ahan mid inaga mid ah, waa waa mid ka mid ah Umadda uu uurka uga riyaaqayo.

Soomaali ahaan dhalashadaada waad noqon kartaa, Muslim ahaana muslim soomaaliyeed waad noqon kartaa, balse haddii aad dafirsantahay waxa aan nahay micnheeda maahan in midab ahaanta aad nagu mid tahay iyo dhiig ahaanta aad nagu dhiig tahay mid kaa dhigaysa mid naga mid ah.

Sida Umad looga mid noqdo waanu soo sheegnay, ka mid ahaanshiyhaaga ha noqdo mid aad ku xalliso dhaliisha aan umad ahaan wada leenahay, mid aad ku aaminto waxa aan lihiga u leenahay.

Hadaba in aad igu midab tahay iguna dhiig tahay, ilana dhalatay, micnaheeda maahan in aad iga mid tahay, in aad iga mid noqotid waa in aad ila aamintaa waxa aan aaminsanahay in aan ahay igulana dhaqantaa.

Haddii aysan sidaa ahayn, waxaad ka mid tahay kuwa aad u nasab sheegato Iimaan ahaan iyo qaab nololeed ahaanba, maxaa yeelay dunida waxa wax isla dhisan karo ayaa ah inta is fahamsan ee isku ujeeddada ah, hadaba haddii aadan igu aragti ahayn halka aan u jeedana aysan waxba kaaga muuqan oo meel kale ay wax kaaga muuqdan igana aaminsantahay in aan ahay mid noloshiisa ay liidato, sidee ku aqbalayaa in aad iga mid tahay? Ayaga aad ka mid tahay ee igama mid tihid.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekiysare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 



         

Top