Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q55AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q55AAD 

Waxaa dhammaatay Dacwaddii loo heystay Dalmar iyo Axmed dheere minaan Racfaan iyo hirighirig kale imaan.  Kolkii laga soo kala dareeray oo dadkii fadhiga joogay ay qolaba meel abbaartay, ayaa waxaa isla soo baxay intii wada socotay ee Axmed dartiis Rabta u timid.

 Waxaa isla soo saan qaaday Xaajiyo Batuulo iyo Kutubo, dhawr tillaabo muggeey hore u qaadeen ayaa waxaa hadashay Kutubo oo tiri: Xaajiyooy, Waaba yaabaye xaad afka ii qabatay?

Abbaayooy meeshu waa maxkamad Carrabdhaw iska dhaafe hadal iyo shanqarba looma ogola, waxaa saas ku jawaab celisay Xaajiyo Batuulo.

Maamma Dahabo, kolkii maxkamadda laga soo baxayba waxeey la boodday ayna Fatuuraddeeda ku ridatay Wiilashii la sii daayay iyadoo aan kala reebin.

Maammada waxeey la socotaa in Dalmar uu yahay qof ku cusub beledka, qofna uuna ku laheyn beledka intaa la eg,dhawr jeer ayay dhar iyo dheef kaleba ugu gudbisay xabsiga, isagu ma yaqaan waase loo sheegay magaceeda, wuxuu in badan is weydiiyey qofka ay tahay, ma xigaalkaabaa mise waa gacalkaa? Weydiintan uma hayo Dalmar warcelin, maanta waa kuwaa kulmey, intii Dalmar xirnaa ma jirin cid ehelkiisa ah oo ka warqabtey, ogaadho Dalmar inuu dhintey ayaaba dhanka qaraabadiisa looga tirinayaa, waa suurtagal in axankiisa iyo agaskiisa la cuney waa hore.

Maamo Dahabo mugga hee waxeey is tustay haddii aysan u muuqan meel ay ku riixdo iyo cid taqaantoona Dalmar ineey kaalinteedii bini’aadnimo ay qunsato.

Kaalmeynta dadka liita,  garab qabashada dadka dulman iyo daryeelka dadka jilicsan  maaha maanta waxay billowday Maamo Dahabo ee waa habdhaqan eebbe u dhaliyey  maaha waxa ay iska dhigeyso  ama iska raadraadeyso oo ay magac iyo weji cidna kaga dooneyso.

Dunta ay ka sameysantahay ayaa  ah mid gobeed,  waa Dhabeel dumar,  geesinnimo, codkarnimo, hawlkarnimo iyo gobonnimo kulansatay. Waa dhaqan fac iyo mug weyn oo ay ka dhaxashay reerkeeda iyo bii’adda ay ku soo kortay. Waa lagu barbaarshay inaysan qof baahan iyo mid goomoon abidkeer cidla uga tegin,  waa ceebsatay oo ka maagtay in ay meel cidlaa uga dhaqaaqdo Dalmar oo, sida muuqatay, aan ehel iyo rixin muuqda ku lahayn beledka. Waxaa taas daliil u aheyd in tan iyo markii la soo xiray wiilasha aan mar qura xabsiga ama maxkamadda lagu arag wax u soo gurmada. 

Dhinac kalena waxaa isu raacay Raggii isla yimid oo uu hoggaamihaayo Cali gaab. Waxeeyna iyagu toos u abbaareen Xaafadda Maxaad Cali, iyagoo aan kala herin, waxaa loo wada socdaa ah, in wiilasha si wadajira loo wareysto, loona soo dhaweeyo laguna tufo.Ugu dambeyntii, waxaa guriga reer Maxaad Cali isugu yimid, dad aad u tira badan oo ah kuwii Maxkamadda ka yimid, deris, ehel iyo asxaab kaloo badanba, Dadku qaybo waa fadhaan, qaybo kalena waa rogrogaan, jikadana waxaa ku jirto, oo shaah kariniyo cabitaan qasidna ku mashquulsan Raxmo Yareey iyo Saaxiibteed ay derisna yihiin “Maano”. Waa deris iyo wixii lagu yiqiine, Maano inta ay dhabarka xiratay ayeey si haaneed ah hawshi guriga iyo marti aqoolkaba kaalin mudan uga qaadaneysaa. Waa run, oodi oday ka weyn, ama oodi ab ka dhaw.

Odayaashii uu hoggaaminayay Cali Gaab iyo Xamuud Cali iyaga qolkii Axmed ayay halhaleel u galeen, muggii xoogaa la joogay ayaa la is weydiiyay”aaway hee Igaarkii Axmed Ahaa”, Maxaad Cali ayaase ku jawaabay ”Waxaa wadatay Maamma Dahabo, iyadaana keeneyso” ee Maammadaas aan u duceyno abaalkeeda ma gudi karnee”, Waxaan maqli jiray ”Abaal qof galo waa la arkaa, waana tanoo aan maanta aragnaye, ununkase ma noqon doonnaa kuwa guda?”

 Inshaallaah, Maxaadoow, Abaal laawenimo kuguma ogiye, aan Maammada iyo Abuukaatahaba Faataxada u marno, waxaa saas yiri Adeer Hilowle.

 Xamuud Cali, Ayaa yiri ” Haye Faataxa”

 Waxaa Carrabka lagu wada boobay akhrintii Faataxada, kolkii la dhammeeyayna waxaa ducadii kolkaan loo dhiibay Xamuud Cali, Waxuuna ku bilaabay: Faataxada iyo salliga aan akhrinay Allaa aqbalo, Muraaddada dhana allaa sahlo, tawfiiqda Allaana waafajiyo, Guushu guul biloow, Maammada iyo Cosoboow muraadkooda xaa tireen? Allaa sahlo ayaa la wada yiri, Abaaleey noo galeene Rabbi kheyrbadan ha siiyo, idam alla aamiin, Aqbali faataxa.

 Xoogaa muggii Rabta la fadhay ayaa waxaa mininka mar qura soo wada galay Maamma Dahabo, oo ay garbaha ka socdaan Axmed iyo Dalmar oo si qurux badan loogu soo jeegaxiiray, si fiicanna loogu soo lebisay oo si qurux badan u xarshaashaaya. Dadkii goobta joogay oo dhan, laga billaabo illinka hore ee albaabka ayaa isha lala wada raacay, Axmedna inta kor loo qaaday ayaa dhunkasho iyo haanyoosho lagala daalay, Dalmarse waxaa uu helaayay waxeey aheyd Salaan guud uun, waxuuse indhaha la taagtaagayay waxa meesha ka socdo uuna halla ka kaseyn.Xaafadda reer Maxad Cali, waxa ka socdaa waa dabbaal deg culus, waa farxad iyo reynreyn aan la koobikarin.

 Maamma Dahabo, iyada waxeey wiilasha halkaan u wada keentay in farxaddaas ay wadaagaan, iyadase waxeey Qol u qurxisay, una diyaarisay ineey dejiso Dalmar, kuna talagashay inuu u noqdo wiilkeeda, Waxeey diyaar u tahay in ay dhisto noloshiisa sida in badan oo isaga ka horreeyay ay mustaqbal ifaayo ugu dhistay.

 Maanta oo aheyd Maalin Talaadaad, Bishuna aheyd xx.xx.xxxx, waxaa soo afmeermay Dacwaddii muddada socotay ee beledka qabsatay, Natiijada ka dhalatay Dacwadda yaa ku luglahaa ineey sidaan u dhacdo?

 Xaalku waa gari laba kama wada qosliso, inkastoo dulmi iyo tacadi badan dhacay, reer Maxaad Calina rafaad iyo raxanraad soo mareen, maanta waxaa u dhalatey guul uu garsoorku albaabada u furey,  waa la kala gar helay,  gardaro waa laga guuleystay, inkastoo kooxdii qawlaysatada ahayd aaney ku qancin, haddana  qaanuunka qalad iyo sax kala saaray.

 Hadda waxaa la gaarey goortii iyo goobtii lagu kala baxayey, ninka murugo iyo ciil ayuu la hoyaaday, ninka guul iyo gaada ka ciyaar, waxaa is weydiin leh,  sidee xaalkoodu yahay  kuwii godobta falay?

 Dilkii loo geystay Toosheey, yaa geystay? Kuwii ka dambeeyay, ma heleen abaalkoodi ?Mise?Xaqu waa kii soo daahiraa Aajilan ama caajilan!!

 Waxay dhacdadani kulansatay, Godob culus oo gardaro awoodi ku daabantahay iyo garaado wadata, waxaa kale oo jirta Galad iyo abaal ay geysteen kuwa u gargaara una gurmada mid kasta oo la guhaadsho.

 

La soco Taxanaha labaad ee sheekada GODOB IYO GALAD.

 

Dhammaad Taxanaha KOOWAAD ee GODOB IYO GALAD

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN