Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q29AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q29AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Haddaan sii amba qaadno qormooyinkii taxanaha noo ahaay ee “Xeerka iyo Xigmadda shiribka” qormooyinkii hore ama tii noogu dambaysay waxaan kusoo qaadannay, Laashin: Macallin Xasan Maxamuud Maxamad (Macallin Xasan Filadheere) Eebbe ha u raxmadee, Macallinku wuxuu caan ka ahaa dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Goballada Shabeellaha dhexe, Galgaduud, iyo Banaadir. Shiribyadiisana waxaa loo adeegsadaa mah-maah ahaan, awooddooda, iyo miisaanka culayskooda. dadka aan aqoonta buuran u lahayn shiribka iyo habdhiciisa waxay u haystaan mah-maah xigmadaysan. haddaba shiribyada aan ku faaqidayno qoraalkaan waxaa leh: Sheekh, Macallin, murtiyahan, Laashin: Macallin Xasan Maxamuud Maxamad (Macallin Xasan Filadheere, A.U.N.). Laashinku wuxuu ahaa Eebbe how raxmadee, hal-abuur Shiribyadiisu ku milmeen maskaxda dadyowga Soomaaliyeed ee Shiribka xiiseeya, wuxuuna ku noolaa ama uu ka soo jeeday Degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha dhexe laakin ma ahayn nin xaafad ku xayndaaban oo wuxuu shirib iyo wacdiba u aadi jiray, Xarardheere, iyo Mareeg ilaa Muqdisho maadaama uu ahaa macallin usoo joogay dhacdooyinkii saancaddaalaha, gumaytihii reer Yurub gaar ahaan Talyaaniga. Ma ahayn sheekh Caalim ah oo dadka kala xugmiya wuxuuse ahaa macallin bartay Qur’aanka Kariimka, oo shaqal ruug ah dugsina haayay oo Diinta faafinayay, Ilaahayna wuxuu ku mannaystay Murti iyo macno miisaaman, Eebbe ha u nuuriyo Qabiraga’e.

Waxaan kusoo qaadanayaa qaybtaan dhacdo dhuleed dhex martay laba beelood oo walaalo ah lana kala yiraahdo: “Ciise Rati” iyo Daa,uud Nimansame” dhacdooyinka waxa loo weriyaa in lagu waano qaato, iyo inaanay soo noqon sababta keenta. iyo in lagu xasuusto, wixii dhacay si looga gaashaanto, waxa imaan doona. haddaba “Madaxa iga xiir jirkaygana ha taaban socon mayso’e” waxaan labadaas jufo u magacaabay inay walaalo yihiin aan kala maarmin, iyo inaan ogaanno cidda ay dhex martay dhacdooyinka aan ka qisoon doono.

Sida aan soo xusay waxaa dhul isku qabsaday labadaa beel ee aan soo sheegay, dhulku wuxuu ka mid yahay meelaha ay isku laayaan Aadanuhu guud ahaan gaar ahaan Soomaalida Arlada Eebbena kuma taal taako dhul ah oo aan laysku dagaalin, ama aan dhiig ku bixin, waxaad ogaanaysaa markaad u kuur gasho, Taariikhda dunida, in waddan walba waxa la isku haysto ay yihiin dhulka. Marka aad si miyir qabta u baartana waxaa kuu caddaanee sababta keenaysa kala riixashada dhulka inay tahay: “Dhulka oo aan halkiisa dhaafayn, siyaadayn iyo dadka oo badanaya” ee haddii aanu jiri lahayn wax kala riixasho, waxaa hubaal ah dhulku waa ku filnaa lahaa Aadanaha oo Eebbe ayaa isku jaan gooyay!’

Haddaba Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). Dagaal dhuleedkaas dhex maray “Ciise iyo Daa,uud” wuxuu ka ahaa nabaddoon dhex dhexaadiya, waxaana taas noo caddaynaya shiribyadiisa aan kusoo qaadan doono, qoraalkaan, sida aan ognahana ruuxu wuxuu ka hadlaa qalbigiisa haddii uu yahay shar wade wuxuu isku caddeeyaa afkiisa haddii uu yahay Khayr wadena wuxuu isku caddeeyaa afkiisa, dadka kugu hareereysanna waa kuu markhaati. Sidaa aawgeed laashinku wuxuu ku shirbay mar uu ka yaabay dagaalka oo maalinba qola nin lagasoo dilo.

“Wax sii wadaan wax soo wadee
Wiilkay Waraabe sii rabtaa”

Dulucda Shiribka:

Macallin Xasan shiribkaan sooyaalka u galay labada dhinacba waa ugu run sheegay, waxaadna ka dhedhensanee inow meel gees ah kaligii taagnaa oo aanu labada jufo, midna ku taageerin qaladkooda, wuxuuna ku maslaxay haddii aydnaan heshiinayn sidaas ayaad u dhiman doontaan maydkiinna Waraabe ayaa cuni doona. Waraabaha wuxuu ula jeedaa, kan wax dilaya oo dhiig walaalkiis ee haddana Muslim ah u bareeraya, oo aan ku xisaabtamayn in berri ay tahay Aakiro lagana xisaabsan doono dembi kasta ee uu falay, dhulka ayaaba dood iyo dacwo u qabsan doona qofka xadkiisa soo gudba, sida Diintuba caddaysay:

Shiribyada taariikheed ee ku baxay dagaalka dhulkaan aan soo sheegay, waxaa ka mid ah: waxaa dhacday in sidii qolaba ay markooda usoo aaranaysay ayaa waxaa la diray laba ciidan oo Ciise ah waxaana loo diray inay soo dilaan nin Daa,uud ah maadaama iyaga ay ku dambaysay, gacantu, waxa caado ah laba qabiil marka ay dagaalaan oo colaadi dhex marto, waa ay kala qaxaan oo qola waliba waxay aaddaa halka ay is leedahay la idin kama soo gaaro, sidaas ayaana loo diray laba koox oo laba dhinac lagu kala diray. Wixii la socdaba qoladii koobaad ayaa waxay heleen, nin aar u gala waana ay dileen, markii ay ku hubsadeen inow geeryooday, ayay iska laabteen, illayn waxa ka maqan waa hal dhiig, ama hal wiil oo laga dilay, haddii ay ka badan dilaanna waa eel ku maqan iyo xera taraar ay u bareereen, waxaadna ka fahmaysaa iyadoo colaadi dhex taallo ayaa haddana wax la xeerinayay, oo dagaalku wuxuu lahaa xad go,an haddii aan qalad farsamo dhicin sida tan soo socota.

Labada koox waxa loo diray maadaama la kala qaxay haddii koox kusoo gebtooto qolada kale yaanay soo noqon aar la,aan markii ay laabteen qoladii koobaad ayaa kooxdii labaadna waxay heleen nin iska qabar moog ah oo adduunyadiisa iska raacanaya, qoorta ayayna ka gooyeen, waxa laysugu tegay halkii markii hore lagasoo duullaan tegay, kooxdii koobaad oo meel ku shirbaya oo leh: waa soo aarannay ayaa kooxdii kale timid markii ay goobta soo dhinac is taageen ayaa waxa nin ka mid ahaa ku shirbay, shiribkaan yaabka leh, wuxuuna yiri:

“Ma qarjaf qarjafeey qabaan
Ununna hal kalaan qalnee”

Duludca shiribka;

wuxuu ishaaray inay iyaguna nin soo dileen oo ayan soo qadin, wuxuuse layaaban yahay sida labada kooxba aanay usoo gedsoomin ee ay usoo heleen wixii ay u bexeen ee ahaa inay soo aartaan. Wax dagaalku socdaba waxaa soo gurmaday: Abgaal Ismaan oo aan kala harin, maadaamaa dagaalkii uu daba dheeraaday, sida caadada ah nabaddoonnadii usoo gurmaday oo heshiisiinta u yimid waxay xisaab iyo tiro ugu dhaqaaqeen, intii qof ee labada dhinac ka dhimatay, la kala dilay, waxa la sheegay inay noqotay tiro is la eg marka laga reebo, laba nin oo hal ka mid ah uu ahaa nin xanuunsan waxayna labaduba ka maqnaadeen beesha Ciise. waxaa la yiri: ninkaan labaad ee xanuunka u dhintay waxaa la dhihi jiray Yarow Caddow wuxuuna u geeriyooday ul uu ku dhiftay nin Daa,uud ah billaawgii dagaalka.

Ciise waxay yiraahdeen, waa in labadaas nin diyo, nalan ka siiyaa illayn waxay dheeri ka yihiin tirada’e markii la kala hoyday in berri laysusoo laabtana lagu ballamay ayaa waxaa shirib qabsday wixii dhalin yaro ahaa oo xaajada joogay, iyo nabaddoonnada oo laftoodu laashimiin u badnaa, maadaa “Sumal iyo Sumayn” meesha uu ku bireeyay, Imaamku Ugaaskuna u seexiyay, dadkuna waxay ahaayeen kuwa dhaqanka xushmeeya “Sumalka iyo Sumayntuna” waxayna aaminsanaayeen inay yihiin wacad la wada galay, oo waxay caddaynaysay in la heshiiyay, ciddii ka booddana waxay aamin sanayd inay le,anayso, halkaas waxaad ka garaanee Awoodda ay lahaayeen Imaamka iyo Ugaaska iyo guud ahaan odayaasha dhaqanku. Shiribku wixii uu socdaba laashin: la yiraa: Muxuddiin Shoobaay (A.U.N.). ayaa ku shiribay, Ciisoow:

“Yarow caddow yeddaan horteed
Yedel bartii ammow ku yiil?”

Dulucda shiribka:

Wuxuu jikaaraya ninka aan kor kusoo xusay ee tiradii dhimashada dheeriga ka noqday, asiga oo xanuunsanna ninku usha ku dhiftay ee ayaamo kaddib geeriyooday, ninkaa waxa la dhihi jiray: Yarow Caddow sidaa aawgeed laashinku wuxuu leeyahay ninka labaad ee aad naga rabtiin diyadiisa amoow u dhintay cudur hore oo uu qabay? Annagana aad sidaas noogu saarinaysiin?’ Waxaase u jawaabay, nin laashina oo ahaa nabaddoonka guud ee beesha Ciise oo la dhihi Jiray: Maxamuud Gerwayne “Maxamuud Calaseey (A.U.N.). wuxuuna ku shirbay, Daa,uudow!

“Labadi Wiil hal Weer ka yeel
Halna waray wedey waddaa”

Dulucda shiribka:

Wuxuu u sheegay laashimiinti Daa,uud iyo Odayaashi Abgaalba inaanay macquul ahayn in labada wiil halna diya laga dhiibo halna la yiraa waxaa dilay cudur, waxaana la sheegay in Daa,uud diyadii dhiibay oo odayashii Abgaal ay ka diideen, Daa,uud inow hal diyo bixiyo, maamulkana waxaa haystay oo dadka kor ka maamulayay Gumaystihii Talyaaniga, oo qoladii wardiidda halkaas ayaa laga dacweynayay awood ayaana lagu oggolaysiinayay.

Markii sidaas laysku afgartay diyadii, dhulkise aan wali la kala xukmin, oo aan lagu heshiin ayaa waxaa la guda galay in la shirbo, maadaama shiribku uu ahaa waxa kaliya ee lagu ogaan karay heerarka la kala joogo. Shiribka oo isku dubba dhacay ayaa waxaa shirib Seddaxlay ah bixiyay laashin la yiraa: Cumar Misaaree (A.U.N.). Asiga oo ku beer laxaawsana laashimiinta Ciise oo uu horkacayo Macallin Xasan Filadheere, (A.U.N.). Laashin: Maxamuud Gerwayne (A.U.N.). laashin: Cali Carraale, “Cali Raas” (A.U.N.). laashin: Yuusuf Badane (A.U.N.). iyo qayb ka mid ah odayaashii Abgaal oo labada saf isu qaybiyay; ayaa laashin: Cumar Misaarre wuxuu yiri:

“Dhaqanya Diin kuma dhignee
How dhaaran seddax dha, ku taal,

How dhaaran dhulka Eebbeheey
Waa naga dhallin weynyehee,

How dhaaran naag dhalin yaraa
Waxay dhalayso moogidee’

Lugti kale sooma helin, waxaase u nikaxay, laashin la yiraa: Muxuddiin Shoobaay (A.U.N.). Oo yiri:

“Intaad dhinaca saarataad
Dhulkaan ku leedehee na dhaaf”

Dulucda shiribka:

Labadaan laashin waxay ishaareen in dhulka qof waliba ku leedahay intii lagu aaso inta kalena aanay dadka ka xigin, iyo inaan loo dhaara karin oon la dhihi karin intaan anaa leh, qofki u dhaaratana ow la mid tahay qof dhahaya waxaan ogahay oo aan u dhaaranayaa waxa ay dhalayso naag uur leh ee ku adkaysanaya: waxay siddaa ama dhalee Wiil ama leh: Uur jiifku waa Gabar, waxayna ka mid tahay waxyaabaha cilmul-qaybka ah ee Eebbe la gaar yahay, inkastoo ay jiraan xilligaan casriga ah ogaansho la gaaray oo ah in la sii ogaado, uur jiifku mar ka uu afar bilood ku gaaro uurka Hooyada, inta aan ognahana waxaa intaas laga ogaaday Diinta Islaamka, waxayna xisaabaan dhaqaatiirtu ama laga tiriyaa Feeraha sidaas ayaana lagu kala ogaadaa uur jiifku inow yahay Wiil iyo inow yahay Gabar. Laakin amminka ay noolaayeen laashimiintaanu oqaantaasu sooma gaarsanays Waddankeenna lagase yaabee inay adduunyada meelo ka mid ah ka jirtay. Waxaanse uga haraynaa inaan la ogaan karin ilmaha uurka ku jira lab iyo dheddig kow yahay.


Markii ay labadaa laashin sidaa yiraahdeen, ayaa waxaa usoo jawaabay Laashin: Macallin Xasan Filadheere, wuxuuna ku shirbay:

“Laba dhawaaq hal way dhacaa
Halka kalesa way dhibaa;

Intaad ku dhambacaadsataad
Dhulkaan ku leedeheey dhecee,

Ninki dhuxushi aabbeheey
Iga dhacaase way dhibaa”

Dulucda Shiribka:

Macallinku wuxuu yiri: shiribkiinna hal way dhacaa oo waa lama dhaafaan in dhulka aad ku leedahay labada mitir ee qabriga ah haddii aad nasiib u hesho, in lagugu xawaalo, oo aan bahal ku cunin, ama aadan af Yaxaas ku dhicin ama aa deb ku gubin. Halna way dhibaa maxaa yeelay dhaxalki iyo dhuxushi aabbahay una oggoli inaan qola kale uga haro.

Markii intaas lays dhaafsaday ayaa waxaa soo galay Laashin: Caaqil Maxamuud Jilacow Caddow (A.U.N.). oo ka mid ahaa nabaddoonnada Abgaal ee xaal mastuurka u yimid, wuxuuna kasoo saftay dhinaca Ciise maadaama odayaasha la qaybiyay, waxaase Caaqilka intaa u dheerayd: in Hooyadii Ciise Ahayd oo ay abtiyaala u ahaayeen, la safadkiisana dadka qaar sidaas ayay u sababeeyeen. Caaqil Maxamuud Jilocow Caddow, (A.U.N.). wuxuu ku shirbay, Daa,uudow!

“Dhulka haddaad ka dhaansateen
Mugga is kama dhiibtidoo”

Dulucda shiribka;

wuxuu yiri: dhulka haddii aad ka dhaansateen oo aad tacbateen, oo aad danihiinni ku gaarteen ku ilma korsateen mugga is kama dhiibtiinoo maxaad ugu dagaallamaysiin?” Dadku marka ay wada dhasheen waxaa lagu yaqaanna inay si dhab ah u kaftamaan oo aanay kala cabsan, waxaase u soo jawaabay, Laashin; Muxuddiin Shoobaay oo yiri: Caaqil Jilocoobow, Dhulkaanu:

“Dharkaymo iyo dhex duleel
Kama dhawee ma dhiibanyaa?”

Dulucda shiribka:

Wuxuu u sheegay Caaqil Maxamuud Jilocow Caddow dhulkaanu inow la siman yahay “Dharkaymo iyo dhex duleel” oo ah dhulka ay degaan beesha “Kabaalle” ee uu ka dhashay Caaqil Jilocow wuxuuna u caddaynayaa dhulkaanu inow la mid yahay dhulka Kabaalle dego, ee ma la dhiibi karaa dhul saas ah?”

Markii intaas lays dhaafsaday ayaa waxaa soo galay laashin: aanan magiciisa hayn laakin sida ka muuqata kasoo jeeday safka Ciise wuxuuna ku shirbay, Daa,uudow:

“Iska dhici kuma dhamee
Ama dhulkiisa iska dhiib”

Dulucda shiribka:

Waa shirib isku dirid ah dhinacna u xukminaya inay dhulka leeyihiin, wuxuuna leeyahay Daa,uudow Ciise ama iska dhici oo xoog wax uga qaado, ama dhulkiisa uga guur, waxaad mooddaa inay tahay xilli lagu daalay kala saaridda dhulka, iyo in la gaaro heshiis loo dhan yahay, waxaase u jawaabay laashinkaas intaan Beesha Daa,uud shiribku soo gaarin Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). wuxuuna ku yiri, ninkii annaga iyo Daa,uudba:

“Lamiisla dhalataan nohoo
Naloon kala dhul xaari maa!”

Dulucda Shiribka:

Macallinku wuxuu laashinkii ku shirbay: Daa,uudow Ciise iska dhici ama dhulka uga guur, wuxuu ku afjigay annaga iyo Daa,uud waxaan nahay walaalo is la dhashay, marna is dhalay umana baahnin in laysku keenna diro, ama cid kale na kala xaajayso. Halkaas waxaan ka fahmi karnaa macallinku inow mar walba muhiimadda siinaayay in la heshiiyo, iyo inay is fahmaan labada beel iyaga oo aan cid kale ku dhex jirin. Waxaa kale oon ka ogaanaynaa Macallin Xasan inow dadkaan ka aragti dheeraa, oo uu fahansanaa in waxa laysku haysto ay yihiin wax aan sahlanayn marka loo eego Eebbihii abuuray dhulka, iyo dadka. wuxuu ogaa inaanayn ahayn arrin lagu degdegi karo in dhul loo kala dhaarto, marka ay joogto lahaanshiyaha, culimadii hore ruuxna kama aqbali jirin inow dhulka u dhaarto haddii xitaa uu yahay dhaxal aabbihii, waxayna ugu qiili jireen in dabaysho labada dhanba ka timaado, labada xilli ee guga iyo dayrta sidaa darteedna ciiddo ay isku biddo, oo ay marna dhanka kuufur kasoo biddo, marna dhanka waqooyi, macnaha kasoo bitaanto labada geesba, sidaa aawgeedna aan loo dhaara karin inay dhuxushaadi tahay!”

Shiribyada ku baxay dhacdaadaan oo aad u tira badan intaas ayaan kusoo kobaya waxaanse ku falaqayn doonaa qaybaha xiga haddii Eebbe idmo!”


W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”



         

Top