Falanqeynta Sheekooyinka Laashin.

Falanqeynta Sheekooyinka Laashin.

 

Bahda mareegta laashin oo goor walba u taagan, tayeynta iyo taageerada qoraalka afka Soomaaliga, higsigooda koowaadna yahay sidii loo heli lahaa: qoraallo, hal abuur, curis iyo maanin dhammeystiran oo bulshada waxtar u leh, ayaa gugan 2017ka waxaa ay faafintooda dhammaysay mareegtu, sheekooyin taxane ahaa:

  1. Quraafaadka Faaliyaha
  2. Saaxiibkaan eersaday
  3. Gaso, Ganuun iyo Gasiin
  4. Horta yaa Abaal gala!

Afartan sheeko oo taxane ahaa qaarkoodna soo billowdeen gu’gii hore ee 2016ka ayaa ahaa kuwo dhammaantood aqristayaasha ku xidhnaa ay ammaaneen oo bogaadiyeen. Waxaa sidoo kale mareegta laashin iyo qaybta madbacada Laashin u qorshaysan inay dhammaan sheekooyinkan iyagoo sidan ka qurux badan oo buugeysan bulshada u soo saarto.

                                                                                 

Quraafaadka faalliyaha:

Waxaa qorey qoraa Cabdullaahi Macallin (Siyaasi) waxay ahayd dhacdo kulansatay dhaqan iyo sooyaal bulsheed, kana warrameysay ilaa 1970kii. Waxaa ku dhex jira in badan oo xog iyo waayo’aragnimo badan oo ay gudbineyso sheekadu, qaabkuu ahaa dalkeennu, siduu ahaa dhaqankeennu iyo sooyaalkii qurxoonaa aynu soo marney, kama madhna maaweelo, madadaalo iyo weliba majaajilo. Suxuu qoraagu qalinkiisa ku muujiyey awoodda xogeed iyo waayo aragnimo, qof kasta oo ku xidhnaa sheekadaasi wuxuu qirey inuu wax badan ka korodhsaday.

 

 

 

Saaxiibkaan eersaday:

Waxaa qorey qoraa Cismaan Maxamuud Qanyare. Waa sheeko iyo dhacdo tebinaysey sida iyo qaabka uu yahay habdhaqanka bulsho ee maanta, gaar ahaan kuwa dibad jooga ah. Sheekadan waxaa ku dhex jira xogo badan oo ka hadlaysa, abaalka, jaalnimada, lammaanaha iyo wadaagga nolosha. Waxay sheekadani ahayd mid aad u xiiso gelisay bulshada adeegsatada baraha bulshada oo abuuri jirtey dood laba dhinac ah, iyadoo hadba la jaanqaadaysay qaybta maalintaas qoraagu soo gudbiyo. Sheekadan ayaa socotey muddo waxayna dhammaatey iyadoo aad loo wada xiisaneynayo, si farshaxannimo iyo xog ogaalnimo ku dheehan tahay ayuu uga haqabtirey qoraagu sheekadan bulshada.

Gaso, Ganuun iyo Gasiin:

 Sheekadan waxaa qorey qoraa, bare sare (Prof) Axmed Cali Jimcaale, oo ah qoraa in ka badan 40 sannadood qalinka daabkiisa hayey Afaf kala duwanna wax ku qora. Sheekadan Gaso, Ganuun iyo Gasiin, ayaa ah mid gudbineysa, wacaal hore, waayo joogga iyo wax aynaan weli odoreskeeda in badan oo naga mid ahi haynin. Waa sheeko muggeeda iyo mucdeeda aad ka dhadhansaneyso, af aqoonnimo, eray adeegsasho ebyan iyo aayo ishaarid. Waa sheeko suugaaneed aad kala kulmeyso duurxul iyo sarbeebo badan oo isku awdalan. Sheekadan ayaa ahayd mid si weyn ay u daneeyeen, bahda af aqoonka ahi, sidoo kale waxay ahayd mid la odhan karo waxaaba laga baranayey afka. Qoraaga ayaa si hagar la’aan ah u haaneediyay una habeeyey sheekadan,waxaanay ka mid ahayd sheekooyinka loogu xiisaha badnaa ee ku soo baxay mareegta Laashin.

 

Horta yaa Abaal gala?

Sheekadan ayaa waxaa qorey qoraa, bare Xuseen Cabdulle (Wadaad) Sheekadan ayaa ahayd sheeko xambaarsaneyd waayo warran iyo wacyi la soo maray oo ku foognaa, habdhaqankii dowladnimo ee bulshadeenna. Qoraaga ayaa si farshaxannimo iyo xeeldheerinnimo ka muuqato, wuxuu ku soo gudbiyey, aqoon afeed, dhaqameed,m iyo bulsheed. Qoraaga ayaa sheekadan gundhig uga dhigay dambi baadhista iyo helidda xogaha sharciyada iyo qaanuunka xaquuqeed ee eedaysane iyo ilaaliye sharci (Criminal investigation). Waxaad ku arki doontaa sheekada dhexdeeda, nin qaanuunka u adeegsanaya siduu isagu rabo uguna tagrifalaya si ka baxsan xayndaabka iyo mid ilaalinaya, dhawraya oo ku dhaqmaya. Waxaad arkaysaa nin dhagarqabe ah oo la dhawrayo iyo mid aan waxba dhibine oo xabsi lagu dhadhabay. Sheekadan ayaa dhawaan soo bixi doonta iyada oo buug ah, magaceeduna noqon doonaa taxanaha koowaad: GODOB IYO GALLAD.

Sidoo kale waxaa uu qoraagu ka dib marka hawsha buuggu dhammaato dib inoogu bilaabi doonaa qaybta labaad ee taxanaha buugga oo sidan oo kale inta aynu qaybqayb u soo gudbino hadhowna buugeyn doonaa.

Dhammaan sheekooyinkan ayaa ahaa kuwo aad u xiiso geliyey bulshada aqris ku noolka ah ee ku xidhan mareegta Laashin. Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa guud ahaan qorayaasha kala duwan ee ku soo gudbiga qoraalladooda, curiskooda iyo hal abuurkooxa mareegta Laashin, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa qorayaashan afarta ah ee ku xusan qormadan.

Gunnaanad.

Mareegta Laashin iyo maamulkeeda, waxay si weyn u soo dhaweynayaa qof walba oo doonaya inuu wax qoro, wuxuu qoraana bulshada wax u taraan, ujeedkeennuna waa taageeridda qalinka iyo qoraalka, curinta hal abuur iyo farshaxan qoraaleed ama suugaaneed cuddoon.

Waxaan sidoo kale halkan Eebbe bari iyo xasuusba uga dhigaynaa, marxuum Axmed Xaayoow, oo ahaa raggii saldhiga iyo jiridda aas aaska u ahaa mareegta Laashin, kuna soo gudbiyey in ka badan 1000 qormo qoraaleed kala duwan iyo dhawr sheeko, oo mid ma mid ah uu buugeeyey. Farriinteenna ama dhambaalkeennu waa; Reeb wax soo saar lagugu xasuusto inta aad nooshahay, si aad raad iyo ruux nool u yeelato weligaa!

 

 

Soo dhawaada dhammaantiin.

Mahadsanidiin.

Maamulka mareegta Laashin.

 

SHEEKOOYIN