Waddada Suubban: Q8AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada Suubban: Q8AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Waa inaan dunida lagu talax tegin laguna raalli noqdo wixii calaf ah ee aad hesho haba kuu yaraadaane!”

Eebbe kor ahaaye wuxuu Qur’aankiisa kariimka ah ku yiri:
 إِنَّمَا مَثَلُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَاءٍ أَنزَلْنَاهُ مِنَ السَّمَاءِ فَاخْتَلَطَ بِهِ نَبَاتُ الْأَرْضِ مِمَّا يَأْكُلُ النَّاسُ وَالْأَنْعَامُ حَتَّىٰ إِذَا أَخَذَتِ الْأَرْضُ زُخْرُفَهَا وَازَّيَّنَتْ وَظَنَّ أَهْلُهَا أَنَّهُمْ قَادِرُونَ عَلَيْهَا أَتَاهَا أَمْرُنَا لَيْلًا أَوْ نَهَارًا فَجَعَلْنَاهَا حَصِيدًا كَأَن لَّمْ تَغْنَ بِالْأَمْسِ ۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ ﴿٢٤﴾.

Mataalka nolosha adduunku wax kale ma’ahee waa sida biyo aan kasoo dejinnay Cirka, oo isku bixiyay dhirtii dhulka oo waxaa dadka iyo duunyadaba ay ka cunaan ah illaa dhulku bilicdiiso qaatay oo is qurxiyay oo ay dadkiisu moodeen in uu gacanta ugu jiro, uu markaas amarkaygii u yimid habeen ama maalin oo ka dhignay gabaahiir sidii asigoo aan shalayba jirin, sidaasaan aayadaha ugu faahfaahinaynaa qoom fikiraya.’ (Suuraada Yuunis Aayadda: 24).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَاءٍ أَنزَلْنَاهُ مِنَ السَّمَاءِ فَاخْتَلَطَ بِهِ نَبَاتُ الْأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ الرِّيَاحُ ۗ وَكَانَ اللَّـهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ مُّقْتَدِرًا ﴿٤٥﴾ الْمَالُ وَالْبَنُونَ زِينَةُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَالْبَاقِيَاتُ الصَّالِحَاتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ أَمَلًا ﴿٤٦﴾.

Ugasoo qaad nolosha mataalka adduunka oo u sheeg inay la mid tahay biyo aan kasoo dejinnay oo dhirtii dhulka isku bixiyay dabadeedna noqonaysa xaabo engagan oo dabeyshu bitinayso. Eebbe waa karaa inuu falo wax walba, Maalka iyo carruurtu waa quruxda Nolosha adduunka. Camallada wanaagsan ee baaqiga noqda ayaa Rabbigaa agtiisa abaal iyo rajo wanaagsan.’ ( Suuradda Al-Kahaf Aayadaha 45-46:).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

 اعْلَمُوا أَنَّمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا لَعِبٌ وَلَهْوٌ وَزِينَةٌ وَتَفَاخُرٌ بَيْنَكُمْ وَتَكَاثُرٌ فِي الْأَمْوَالِ وَالْأَوْلَادِ ۖ كَمَثَلِ غَيْثٍ أَعْجَبَ الْكُفَّارَ نَبَاتُهُ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَاهُ مُصْفَرًّا ثُمَّ يَكُونُ حُطَامًا ۖ وَفِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَمَغْفِرَةٌ مِّنَ اللَّـهِ وَرِضْوَانٌ ۚوَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ ﴿٢٠﴾.

Ogaada in ay nolosha adduunku tahay oo kaliya cayaar iyo madaddaalo iyo qurux iyo isu faanid dhexdiinna ah iyo kala badsi maal iyo carruur; taasina waa sida dhul roob helay oo soo bixiddeedu farxad galisay ninka leh, ha yeeshee muddo kaddib qallaleysa oo aad arkeyso iyadoo huruud noqotay debadeedna noqonaysa xaabo. Aakhirana cadaab daran ayaa jirta iyo sidoo kale dembi dhaaf xag Eebbe ah iyo raalinnimadiisa wanaagsan, nolosha Adduunkuna ma aha waxaan raaxo lagu dagmo, sirmo aheyn.’ (Suuradda Al-Xadiid Aayadda 20:).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ الشَّهَوَاتِ مِنَ النِّسَاءِ وَالْبَنِينَ وَالْقَنَاطِيرِ الْمُقَنطَرَةِ مِنَ الذَّهَبِ وَالْفِضَّةِ وَالْخَيْلِ الْمُسَوَّمَةِ وَالْأَنْعَامِ وَالْحَرْثِ ۗذَٰلِكَ مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَاللَّـهُ عِندَهُ حُسْنُ الْمَآبِ ﴿١٤﴾.

Waxaa loo qurxiyay dadka jaceylka raaxada laga helo Dumarka iyo dhasha, iyo kaydka buurta oo kale ah ee dahabka iyo qalinka, iyo fardaha calaamadaysan, xoolaha iyo beeraha. Waxaasu waa raaxada nolosha adduunka. Eebbe agtiisa ayeey jirtaa meel wanaagsan oo loo noqdo.’ (Suuradda Aala-Cimraan Aayadda 14).

Waxaa kaloo Eebbe yiri kor ahaaye:

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّ وَعْدَ اللَّـهِ حَقٌّ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ۖ وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِاللَّـهِ الْغَرُورُ ﴿٥﴾.

Dadoow! Yabooha Eebbe waa dhab ee yaysan nolosha adduunku idin sirin hodmin, Allena yuusan idinku hodin mid wax hodaa.’ (Suuradda Faadir: Aayadda 5.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ أَلْهَاكُمُ التَّكَاثُرُ ﴿١﴾ حَتَّىٰ زُرْتُمُ الْمَقَابِرَ ﴿٢﴾ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ﴿٣﴾ ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ ﴿٤﴾ كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ الْيَقِينِ ﴿٥﴾.

Kala badsi adduunbaa idin mashquuliyay ilaa aad qabuuraha ka tagteen yacni ilaa geeridii idiin timid. Ma’ehee mar dambaad ogaan doontaan, misna ma’ehee mar dambaad ogaan doontaan, ma’ehee haddii aad ogaan lahaydeen ogaal dhab ah.’ (Suuradda at-Takaasur: Aayadaha 1-5.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaye:

وَمَا هَـٰذِهِ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا لَهْوٌ وَلَعِبٌ ۚ وَإِنَّ الدَّارَ الْآخِرَةَ لَهِيَ الْحَيَوَانُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ ﴿٦٤﴾.

Noloshaan adduunku ma’aha waxaan aheyn madaddaalo iyo cayaar, Daarta Aakhirana waa tan ah nolosha dhabtaa, haddii ay ogaan lahaayeen.’ (Suuradda al-Cankabuut: Aayada 64.).

Cutubkaan oo aad u dheer dartiis halkaas ayaan ku ha kinayaa ee Eebbe ha nagu sugo, Diinteenna Suubban, samirka iyo dulqaadka iyo ku qanacsanaanta dhib kasta ee na soo gaara ama nagu dhaca si guud iyo si gaar ahaanaydba. Eebbana waxaan ka baryaa inuu noo dembi dhaafo dhamaanteen!’

W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com
Shiribmaal@gmail.com
Laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN