XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Â
Qaybtii 47aad        Â
                                                1-TijaabadaÂ
Tijaabada ugu daran ee nin rag ah lagu tijaabsho waa sida uu uga dhaadhacsho haweenta naftiisa ugu qaalisan in ay guursato isaga, isaga oo been kusoo xera galin farxadda uu kusoo xer galshana kula dhamaysta Nolosha.
MmusaÂ
                                              2-Tel iyo dadÂ
Waxaanu ku noolnahay duni ay Taleefoono Casri ah oo wax tar leh ay buuxsheen, iyo dadka aan wax garan oo faraha ka batay.
Mmusa
                                                  3-Tawadduc
Taadduca waa qayb ka mid ah Aqlaaqda wanaagsan.
isla waynidana waa astaanta Jahliga iyo halaaga.
Imaam Shaafici
                                                  4-TarbiyadaÂ
Sariirta inta la tago oo la dhar dhigto dhalmo way imaan kartaa kadib, balse taas macna dhab ah ma samayso inta awlaad aad leedahay tilmaan wanaagsan uma noqon karto tayyadaada ee tarbiyada iyo tababarkooda qaabka aad u samaysid ayaa tayadaada shaqsiyadeed ka tarjumi kara, qof walba oo wanaagsan oo loo riyaaqo maanta waxaa saamayn balaaran ku leh noloshiisa/nolosheeda qaabka loo soo tabiyeeyay.
Haddaba tarbiyada ma ahan iska tarbiyee ee waa in ay ka tarjuntaa shaqsiyna qofka aad tahay, marka aan leeyahay qofka aad tahay kama wado adiga kaliya ee waxaan ka wadaa halka aad kasoo jeeddo isir ahaan, qof walba farriin ayuu sidaa yuusa u sidaa oo u gudbinayaa ama ka gudbiyaan ayaa mar walba su’aal ka taagantahay?
Mmusa
                                        5-TAAJIRIINTA
Marka taajiriintu diriraan dhibanaha ugu horeeyo ee ay saamayso colaaddaas waa Faqiirka.
MmusaÂ
                                          6-Shamiiddo qoyanÂ
Nolosha waa sida adiga oo ku taagan shamiido qoyan, inta badan ee aad ku taagnaatana waa inta badan ee ay caqabadahaaga sii bataan, nolosha oo dhan ayaaba iska wada caqabad ah.
Mmusa
                                       7-Riyada wanaagsanÂ
Xusuustaada xun yeysan ka waynaan riyadaada wanaagsan.
MmusaÂ
Qof walba wuu qurux badan yahay si ayuuna u qurux badan yahay wuxuuna haystaa wax aan lala haysan, inkastoo quruxda sida loo fahmo lagu kala duwan yahay.
MmusaÂ
                                            8-QorsheeyahaÂ
Waqtiyeeyaha ugu wanaagsan waa Allah,Â
Waqtigiisa masoo dag dago mana soo daaho, xilliga ku haboon ayuuna yimaadaa, balse wuxuu u baahan yahay dulqaad iyo iimaan dhab ah, wuuna u qalmaa runtii in la sugto waxa uu Alle kuu qorsheeyay.
MmusaÂ
                                        9- Hawaynayda Xaaska ah
Hawaynayda xaaska ah waa mid mar walba is baddal badan xaga qorshaynta qoyskeeda, oo wixii saaka ama xalay lagu ogaa ay mar walba iska baddasho, halka uu ninku mar walba is waydiiyo bal in ay shaqayn karaan qorshayaasha badan ee xaaskiisu mar walba ula timaado.
MmusaÂ
                                      10-QORSHAHEENA IYO KAN ALLE
Qorshaha aan samaysano ama dagsano mid ka badan oo ka wanaagsan Alle ayaa mar hore inoo dajiyay.
MmusaÂ
                                                11- Qof qaas ah
Inta badan ee aad naftaada jeclaato waa inta badan ee aad naftaada ka warqabto, taas oo kaa dhigta qof aan dadka la mid ahayn, dadka waxaa ugu wanaagsan qofka isaga iska warqaba.
MmusaÂ
                                                         12-Ha khayaanin
Ha khayaanin qof ku aaminay
Hana aaminin qof ku khayaanay.
MmusaÂ
                                                         13- QancinÂ
Wax kaa galay ma jiraan dadka iyo waxa ay dhihi doonaan, sababta waxay tahay in aan adiga laguu abuurin in aad qof walba qanciso.
MmusaÂ
                                                   14-Qalbi iyo Maskax
Maskaxda qofka waa meesha ugu macaan ee la dago.
Qalbiga qofka waa meesha ugu nabad galayada badan ee la dago.
Mmusa
                                                      15-Qalbiga iyo indhahaÂ
Doorashada xubnahaaga lagu kala dooransiiyo waa mid adag, haddii lagu dhaho qalbigaada iyo indhahaga mid dooro, keebaa dooran lahayd? aniga qalbigayga, maxaa yeelay indhahayga inta badan ay arkaan ayaa badan, balse inta ay dareemaan ayaa yar, qalbigaygase wax badan mar arko, dareenkiisuna wuu yar yahay.
Mmusa Â
                                                        16-Qalbigaada raac
Qalbigaada raac balse maskaxdaada mar walba ha kula socoto.
Mmusa
                                 17-Garashadaada mar walba way koraysaa
Garashadaada mar walba way koraysaa, micnaha waa saaidaysaa inta korriimadaada socoto, mar walbana waxbaa kugu soo dhacaya ku tusinaya in shalay ama sanadkii la soo dhaafay ay wax kaa qaldanaayeen, haddii qaladkaas aad mar walba ka fakarto sida uu kaaga dhacay horey u socdokaaga ayaa xumaanayaa, qaladkii kaa dhacay in aad ka fakarto sida uu kaaga dhacay macna badan ma u yeelayso noloshaada maanta in ay wax ka qarribto mooyee, si qaladkaagi shalay aad u saxdo wanaaji ficilkaaga maanta si uu gogol xaar fiican ugu noqdo mustaqbalkaaga barri.
MmusaÂ
                                                         18-NoloshaÂ
Nolosha waa mid mar walba iska gaaban, sidaa darteed, ha ku lumin Xanaaq iyo Murugo, ugu raaxayso noloshaada si dagan oo caqliyaysan oo noloshaada dambe iyo tan haddaba aan wax u dhibayn.
MmusaÂ
                                                         19-Nolol fududÂ
Marnaba ha ku ducaysan Nolol fudud in lagu siiyo, ku ducayso in aad hesho awoodda aad ugu dulqaadan lahayd wax walba oo adag.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor
ekisyare@hotmail.com                                           Â