XAQIIQDA NOLOSHA AAN KU NOOLNAHAY. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                             XAQIIQDA NOLOSHA AAN KU NOOLNAHAY.

Wax walba oo dunidan dhex jooga waxay leeyihiin wax kooba oo lagu ogaado inta ay ka kooban yihiin oo muhiim u ah garashadooda, in la gartaana ay muhiim tahay, sidaas darteed, maadaama dunida marka si kale loo dhigo ay macna ahaan tahay Nolol, waxaa muhiim inoo ah in aan ogaano inta koobta nolosheena ama ay ka koobantahay nolosha dunida aan ku dhex noolnahay.

Waxaa jira xaqiiqooyin badan oo halkan aan lagu soo koobi Karin oo ku saabsan nolosha, kuwaas oo ku xiran hadba dhinaca loo liiciyo ama loo leexsho, dhabta arrintaas in la ogaadana waa mid qayb wayn ku leh garashadeena nolosha aan ku noolnahay.

Hadaba waxaa is waydiin mudan maxay tahay nolosha maxayse ka koobantahay, su’aalahaas waaa kuwa in uu qofku gartaa ay waajib ku tahay haddii uusan garana qofkaas mar walba wuxuu marti u noqonayaa la yaab iyo naxdin iyo wax walba oo kadis ku noqda.

Xaqiiqda Nolosha ayaa ah mid ka kooban Farxad,Murugo, Khibrad, Xusuus, iyo shallayto waa laga yaabaa in ay jiraan qodobo kale oo muhiim ah oo intan kasii baaxad ama faaiido wayn, balse marka aan wax ku cabiro garashadayda gaaban ayaan gartay in aan intan kusoo koobo xaqiiqda nolosha aan ku noolnahay.

Hadaba waxaan jeclaa lahaa in qodabada aan xoogaa fartooda buuray in aan mid mid u macneeyo aniga oo tusaalayn doona mid walba qiimaha uu u taagan yahay iyo waxa laga baran karo.

1 Farxad waa kalimadda kaliya ee ifisa wax walba oo wanaagsan macaana leh, qof walba oo Noole ah, ha ahaado Noole Caqli leh sida dadka oo kale iyo noole aan caqli lahayn sida xaywaanada oo kale, mid walba si ayuu u doon doonaa farxadda.

Farxadda waa midda kaliya ee lagu wada ugaarsado dunidan, waana midda kaliya uu qof walba ku riyoodo, waa midda sababta in malaayiin ay naftooda ku waayaan ayaga oo baadi goob ugu jira heliddeeda, waa midda sababta in malaayin loo laayo si kuwa wax laaya ay u helaan deeqtoonaan iyo daganaan qalbi, taas oo macnaheeda la dhihi karo waa farxadda la goobayo.

Farxaddaas ayey dadka qaar isku dayaan in ay ku helaan xoolahooda, balse dhib ma ahanee wax kale kama sii helaan farxaddaas waa deeq Eebe oo cidduu doono ku mannaysto, ma ahan heliddeeda mid ku xiran Mansab iyo Hayb dhalasho ee waa garasho uu Rabi u garto cidda uu doono.

Qof walba wuu dhadhaminayaa farxadda inta uu dunida joogo, mase jirayo qof ka dhargayo, waayoo maba ahan mid laga dhargo amaba loogu tala galay in laga dhargo, macnaha farxadda ayaa ah in walba oo wanaagsan ay farxad yihiin.

2 Murugada waa midda u dhiganta farxadda, waana midda ka hor imaan karta amaba u babac dhigi karta awood kasta oo ay leedahay farxadda, waa midda lala abuuray farxadda oo Alle marka uu abuurayay shey walba ama wax walba wuxuu abuuray wax u dhigma oo soo labeeya sheygaas, sidaa darteed, murugada waa midda kaliya ee u dhiganta farxadda, waa midda lagu edbo qofka kibra, waa midda lagu tuso qofka xad gudba in ay jirayso siyaaba kale oo loo xanuujin karo.

Murugada ma ahan mid sida farxadda oo kale loo goobo oo qof walba uu doono, balse waa mid ku timaada natiijada ka dhalata ficilada qofka uu sameeyo ama dadka ay isku sameeyaan, haddii ay ahaan lahayd naftooda ama mid ay iyaga isku geystaan.

Murugada dhan iftiin iyo dhan mugdi ahba waa leedahay, sida uu shey walba u leeyahya dhan wanaagsan iyo dhan xun, mararka qaar murugada waa mid loo baahan yahay oo ku tusaysa awoodda uu qofku is bado in aysan ahayn mid meel dheer jirta, sidoo kale waa mid ku tusta in qofku yahay daciif aan murugadaas ku habsatay iska qaadi Karin, murugada sida farxadda oo kale ma ahan oo iyada waa mid ka dhalata afcaasheena ama talaabooyinkeena khaldan ee nafsiyan aan isku geysayo haddii ay ahaan lahayd mid aan nafteena ku samayno ama mid aan dhexdeena isku samaynaba.

Murugada dhankeeda wanagsan marka aan tilmaano waa mid  caddaalad oo maxaa yeelay qof shalay ku xad gudbay qof kale oo ku cilladeeyay qofka wax aan awooddiisa ahayn ama uusan isagu isku geysan oo xaga rabi ahayd in isla qofkaas ay iyadana ku habsato tii uu qofka ku cilladaynayay, taas oo ah caddaalad ku tusaysa in murugada aysan la daris ahayn maskiinka aan wax haysan ee ay tahay la dariska noolaha oo dhan dad iyo dugaagba.

Murugada waa mid duusha oo kolba meel ku dagta sida farxadda oo kale, waa midda ka oohinaysa wax ka yar sakan malaayin qof, waa midda uu qof walba ka baqayo, waa midda uu qof wlaba tabayo sugayana xilliga ay ku dhacayso, waa hubaal in qof walba uu ku jiifo kuna soo tooso in uu daris la noqon doono murugada xilliga ay doontaba ha noqotee.

Marka uu qof inaga dhinto waa inoo murugo, marka uu qof inaga xanuunsado waa ino murugo, marka  ay dhaqaala la’aan nagu habsatana waa inoo murugo, marka aan wayno wax aan jeclayna waa inoo murugo, marka ay jiraan wax aan ka baqaynana waa inoo murugo, marka caafimad darro ay inala soo darastana waa inoo murugo, murugada dhankeeda wanaagsan waxaan ku tilmaami lahaa in ay tahay gogol xaaraha farxadda, farxadda iyo murugadana waa kuwa mar walba booska isku baneeya, marka ay mid maqantahayna midda kale ayaa booskeeda joogta oo buuxisa, wax walba oo xun waa inoo muruog, murugadana waa qayb ka mid ah xaqiiqda la doonayo in aan la noolaano oo nolosheena qaybta ka ah, ma ahan in aan ka cararnaa ee waa in aan wajahnaa waliba aan garanaa garasho wanaagsan oo dareen dagan leh, murugada meel walba oo ay ku habsato hubaal in farxadna ay ku habsanayso, inta badan oo aad murugootaa farxadda ayaa kuu dhow.

3 Khibrad waa barashada macallin la’aanta la doonayo in aan noloshaada ka barato, maxaa yeelay wax walba oo aad soo marta ama ku dhaafaa waa in aad kala hartaa khibrad ama cashar barrito dib kuu anfaca.

Khibradda waa nolosha macallinkeeda, waxaa la yiri qofka khibradda leh waxba kama taraan ama saamayn kuma yeeshaan farxadda iyo murugadaba, maxaa yeelay, wuxuu ogyahay ama garan karaa ina y labadaba yihiin wax aan lagu waarayn, hadana sii yihiin wax aan joogsanayn oo duul duulaya, maanta haddii ay adiga kaa maqantahayna ay ku maqantahay qof kale.

Hadaba qofka khibradda leh waa mid ka dhowrsada xilliga uuu farxadaysan yahay in uu xad gudbo ama ku xad gubo farxaddaas lagu mannaystay, sababta wuxuu ogyahay in uusan ku waarayn farxadda uu haysto, waxa uu haystana ay yihiin wax wareegaya qof walbana in uu dhadhansho ay qasab tahay, aysana ahayn mid laga dhargayo.

Murugada dhankeeda waa mid qofka khibradda leh uu uga faaiidaysto in uu dib u eegis ku sameeyo waxa ka khaldamay iyo waxa sababay in muusiibada ku habsatay ay ku dhacdo, inta uu xanuunka murugadaas la aadaari lahaa ama la ooyi lahaana, wuxuu muujiyaa adkaysi iyo in uu dib isku saxo, taas baddalkeedana wuxuu sameeyaa dadaal dheeri ah oo uu ku muujinayo in uu wax ka bartay sababta xaaladda xun uu markaa ku jiro.

Qofka khibradda u saaxiibka ah, ma ahan qof ku maadaysta labada dhinacba marka ay dadka ku sugan yihin macanaha kuwa faraxsan iyo kuwa tiiraanyeesanba, waa mid og qiyamkiisa iyo waxa uu u taagan yahay iyo heerka ay la egtahay tabartiisa, intaas oo kaliya kuma sinna garashadiisa ee waa mid mar walba u caqli celsha lana xanuunsada kuwa aan u adkaysan Karin dhadhanka xanuunka murugada.

Wuxuu kaloo garansan yahay in khalad walba uu galo uu ciqaabtiisa mudan doono oo aysan jirayn ficil natiijo la’aan, waxaa la dhihi karaa ama lagu sifayn karaa in uu yahay qof ka dharagsan in wax walba ay yihin wax qaddaran oo wax waaraya aysan jirayn dunidan, wax wlabana waqti kooban ay joogayaan.

Is baddalka xaaladahaas farxadda iyo musiibada ah ama murugada ahba waxaa la doonayaa in qofku uu ka siyaadsado khibrad ee uusan ku dhex lumin labadaas xaaladood ee midna macaantahay midna qaraartahay, waxaa la doonayaa in qalbigaada uusan ku sidban ka fakaridda uu ka fakarayo xaaladahaas is gaddiska badan.

Farxad marka aad ku jirtid laga yaabee in aad sii dhisayso wax walba oo farxaddaada nagayn kara sidaas si la mid ah marka aad muruga ku jirtidna aad ka fakarayso in murugada aysn kugu sii dheeraan, labadaas xaaladba lama doonayo in ay laabtaada ku dheeraadaan saamayntoda waa in aad u garataa in ay yihin wax kooban oo waqti kooban la marayo lana doonayo in aad wax ka barato, hadaba murugada iyo farxadda waa in aad ka barata khibrad.

4 Xusuusta  waa mid saamayn balaaran ku leh xaaladaha aan ku jirno, sida badan marka xusuus laga hadlayo waa dib u gocosho oo xusuusta waa mid tilmaanta wax lasoo dhaafay oo qalbiga uu gadaal u gocdo, inkastoo la dhihi karo mar walba waxay ku xirantahay waxa la xasuusanayo.

Xasuusta waa qodobka afaraad ee ku xiga saddexda qodob aan soo sheegay, sida runta ahna xusuusta ma ahan oo kaliya mid hal dhan laga eego waa mid laba bogle ah oo dhan wanaagsan iyo dhan xunba laga xasuuusto.

Waxaa dhici karta in qofku uu dib u xusuusto xusuus wanaagsanayd oo uu waa lahaan jiray, taas oo sababta in uu mararka qaar is bar bar dhig ku sameeyo naftiisa xaaladdii hore ay ku sugnayd xiliga farxadda iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay, haddii ay ahaan lahayd mid mugid ah iyo mid ifaysaba.

Xusuusta sidoo kale waa mid ka dhalata ficil wanaagsan ama xun oo aan horey usoo samaynay kaas oo mararka qaar ay abuuranto xaalad aan dib ugu milicsano waqti adag iyo waqti wanaagsan oo aan soo marnayba xusuustiisa waa mid aan dib u gocono.

Waxaa iga xusuusin ah in qodob walba qodobka uu ka horeeyo uu ku xiran yahay, nolosha maadaama ay sida silsilad isku xiran u tahay ayaan haddana qodobadan sidaas oo kale isugu xiray, inta qodob ee aad hadda soo aragteen iyo inta imaan doonto ee inoo dhimanba waa kuwa dhamaanba muujinaya sida aysan u kala maarmin iskuguna xiran yihin.

Waxaad soo aragteen farxad oo faafaahinteeda aan soo koobay, haddaan dhaho qallinka ayaan u qaadanayaa farxadda falsafaddeeda ma ahan mid aan halkan ku dhamayn karo, waxaa kaloo aragteen murugada oo aan Iyana soo koobay iyo khibradda oo labadoodaba la doonayo in laga dhaxlo iyo xusuusta oo marka ay saddexdaas is raacaan qofka mararka qaar waxaa suuragal ah in uu dib u milicsado noloshiisa.

5 shallaayto waa gunaanadka qodobka aan u doortay qormadan, shallaaytada ma ahan mid lagu amaanay diinta iyo dhaqankaba, waa mid soo saarta ceebta qofka iyo adkaysi la’aantiisa nololeed, waa mid ka dhalata khibrad la’aanta, waa mid loo nisbeeyo farxadda iyo murugada uu qofku soo wajahay.

Tusaala ahaan qofku isga oo farxad haysto ayaa laga yaabaa in uusan si fiican ama sida ay ahayd uga faaiidaysan farxaddiisa, sidaas si la mid ah qofka isaga oo murugaysan ayuusan garan qiimaha ay murugada u lahayd noloshiisa oo halkii laga doonayay in uu ka fogaado wixii sababay in uu murug ku dhaco ama ay musiibo ku habsato uu isla ficilkii hadana sameeyo, taas oo la dhihi karo khibrad kama uusan baran xaaladaha kala duwan ee uu soo maray.

Arrin aan si xun ama aan wanaagsanayn u maamulnay cawaaqibkeedana aanan mahdin waa in oo shallaayto mar walba oo waxaan ku hadaaqnaa haddii aan sidaa samayn lahaa sidaa ma noqoteen, taas oo muujinaysa in qofku uusan nafsiyan isku kalsoonayn.

Waxaa la doonayaa in qofku isku kalsoonaado oo uusan dib u milicsan wixii ka dhacay, wixii ka khladamayna uu gartaa sababta ay u khaldameen dibna u hagaajiyaa, wixii u hagaagsamayna uu kusii dadaalaa horumarintooda, maxaa yeelay, ficilkaaga hadda oo aad wanaajisaa waa wanaajinta mustaqbalkaaga barrito.

Hadaba Qormadan xaqiiqda nolosheena intaas ayaan kusoo koobi lahaa, wixii aan ka tagay adiga aqrinaya ku darso, wixii aan si aan wanaagsnayn u qeexayna waad iga sixi kartaa, talo iyo tusaalaba waa waxa aan u wada fadhino, ma ahan micnheeda in haddii aad qoraalkayga aqrinayso aan wax ku dheerahay ee micnaheeda waa in aan aad kuugu baahanahay, is waydiintuse waxay tahay sidee kuugu baahanahay?

Waxaa kaagan baahanahay in haddii ay qormadan ku anfacday aad la wadaagto walaalhaaaga kale, anigana igu kordhiso wixii aad igu kordhin karto, hubaal in wax badan oo iga maqan ay adiga kugu jiraan, maxaa yeelay qof walba Alle si gooni ah ayuu xikmadda u siiyay, Caqliyan iyo ficliyanba.

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Xabuu8@gmail.com

ekisyare@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN