Hammi caashaq iyo hungo been ah Q1AAD.
Wiil iyo Gabar dhallinyaro ah oo la kala yiraahdo Axmed iyo Nasro, ayaa waxa ay isku barteen  mid ka mid ah baraha bulshadu aadka u adeegsadaan, gaar ahaan  Facebook-ga. Wiilka iyo gabarta ayaa waxay in muddo ah ka wada sheekaysan jireen si guud  iyadoo aysan jirin arrimo gaar ah ama haasaawe ka dhaxeeya labadooda.
Axmed iyo Nasro waxay ahaayeen laba qofood oo aad isu tixgeliya, kana dhaxayso xushmo walaaltinimo oo weliba gobanimo ku dheehantahay.
Had iyo gooraale waxay ahaayeen kuwa isu muujiya qadarin iyo qiimeyn dheeraad ah, waxaana u mid weliba midka kale tusayey sida uu agtiisa milgaha iyo muunada uga leeyahay.
Waxay meertada socoto maaliniba maalin tiigsato habeenba habeenba caraabiyo,ugu dambeyn waxay noqdeen, kuwa qabatimey inay sheekaystaan, waxaana yimid danayn badan iyo xiiso ka badan sidii hore, qof weliba is weydii inuu arrinkiisu ka duwan yahay sidii hore, waxaa la dhararaa mudada la kala maqanyahay, waxaana laysugu boholyoobaa si ka duwan sidii waagii hore.
 Wax uu xaalku sidaa sii ahaadoba, arrinkuna sidaa ku socdo maalin maalmaha ka mid ah ayuu Axmed ayaa dareenkii ku batey, waana sida dhaqanka ahe, had iyo goor sheegashada baahi ama soo bandhigideeda raggaa ku dhiirane wuxuu Axmed u soo bandhigey Nasra kana codsaday in xariirkii hore ee walaaltinimada ahaaÂ
xariir ka duwan oo haasaawe ah wadaagaan, arrinkaasi waa mid inta badan yimaad xiriirka iyo barashada labka iyo dhedigu inta badan haddey is dhexgalaayan yimaada, wiilku mar walba waa sahan wuxuuna sahan u yahay naftiisa, halka uu geediga noloshiisa ku furi lahaa, guri negi oo barwaaqo oo guul leh, gabartuna nafteeda waa sahan waxayna baadi goobeysaa saldhigii nolosheeda iyo halkey nolosheeda ku dhammeysan lahayd.
Axmed hilaadi waxaa u bidhaamey laac iyo deegaan qurxoon, oo naftiisu ku xasili doonto inta nolosha ka dhiman, wuxuuna is tusay inuu dareenkiisa la wadaago Nasro kana codsado iney xiriir yeeshaan haasaawe, kaasoo ay ugu gogolxaarayaan noloshooda dambe iyo aayahooda, waa sida inta badan dhacdee, arrintan Nasro waa soo dhaweysay, waxaanay noqotey mid dhiiri gelisa gacalka cusub iyo aas aaska loo dhigey, abuurka cusub ee lagu daadshay beerta jacaylka.
Waxaa lagu heshiiyay in abuurka cusub ee lagu daadshay beerta jacaylka wadaagaan, kana miro dhaliyaan si siman oo isu dheelitiran. Arrinkaasna si kalsooni iyo niyad sami loo wajaho, taasna waa laysku af gartay, qof walbaahina waxa uu dhankiisa ka muujiyay daacadnimo iyo rabitaan xad dhaaf ah,waanaa sida hadda ay dhallinyartu u badan tahay oo xiisaha ayaa keena in wax walba si qurxoon loo dhigo marka hore si qof walba qofka kale u soo jiito, aanba iraahdee aadamaha oodhan ayaa xiiso leh wax walba oo cusub usoo dhaweeya, waa halkii halkudhegu ka ahaa, wixii cusub caalamkaa jecel.
Waxaa si wadajir ah oo gardaaridey Jaceylkii laysku qabay, qof welibana dhankiisa wuxuu ka qirey in uu ku siyaaday kuna ballaartey oo biyo dhigay qalbigiisa daadkana rogey sida roobka ama ugu fatahay sida webigii Shabeelle. qof walbana qofka kale waa isisiiyay oo isku dhiibay naftana in uu u horaayo u sheegay laysagana soo dhawaadey intii hore, hadda kaftanku ka duwan kii hore, sheekaduna ka dhadhan macaan, waxaa la wada galay badweynkii kalgacalka.
Ayada oo arrintu saas tahay, ayaa axmed maalintii danbe si degan u weydiiyey  Nasra in ay u sheegto, sida ay jeclaa lahayd in ay mustaqbalka u noolaato waxyaabaha ay dhibsato oo aysan jeclayn in lagu sameeyo, ama looga sheekeeyo,sidoo kale waxa ay isku gafi karaan haduu uu sameeyo marka ay noqdaan, naf iyo nolol wadaag, weydiintan ayaa ahayd mid ay ka dhex muuqato, dareen iyo rajo weyn oo uu qabo Axmed si uu ugu diyaar garoobo, timaadada isagoo wax walba ka yaqaan dabeecada iyo hab dhaqanka gacalisadiisana uu u bareero inuu nolosha la wadaago.
 Dareenkan ayaa ahaa mid muujinaya heerka rabitaan ee Axmed oo ahaa mid taagan sida wax aadane ah wax u raboodo siyaabaha ugu qotodadheer, waxaa kale oo ka dhexmuuqda sida uu sahankiisa ugu yahay mid dhiiran inuu u sahay iyo agab qaato, Axmed waxaa cad inuu danaynaayo Nasra dhankiisana ay tahay qof lagama maarmaan ah.
Dadka waayo arag ah eek u xeeldheer jacaylka ayaa dhaha, haddii qofku kuu noqdo lagama maarmaan iyo ma huraan waa maalinta suntan jacaylku kugu dhibicday. Waxa  nasro ogaatey heerka uu taagan yahay Axmed wuxuu dhankeeda geliyey rajo iyo filasho weyn, waxayna qalbiga gashatay in  Axmed ayada ka fikiraayo oo uu diyaar u yahay ilaalinteeda iyo dhowristeedaba, waana sida ay ahaydoo wiilku waxa uu rabay in aysan gabdhaan wanaagga iyo dadnimada dhammaysatay aysan si fudud farihiisa uga bixin.
Waxaa hadda Axmed aad u baadi goobayaa ogaanshaha dhan walba oo ku saabsan nolosha Nasra, waayo markii hore intuu ogaa ee nafteeda ahi waa koobneyd marka laga reebo, kaftanka guud iyo in qof weliba qofka kale ogyahay meesha uu ku noolyahay. Axmed wuxuu weydiiyey isagoo kaftamaya, horta weligay kuma weydiine ma dhabaa inaad dhalatey 1998 sida kuugu qoran boggaaga facebook-ga mise intaas waa ka weyntahay?
Waa la qosqoslay, waxayna tiri maxaad da’deyda ku faleysaa, saw dabeecadeyda iyo muuqaalkaygaba kumaad qancin mise waxaad is leedahay waa kaa weyntahay, haddana mar kale ayaa si wadajir ah loo wada qosley.
Sheekadi wax hadba dhinac loo dandaamiyo oo laysla wadoba, Nasri hadalka gacaliyaheeda wuxuu ahaa mid xiiso geliyey wayna soo dhowaysay, waxyaabo badan oo ay jeclaana lahayd in ay mustaqbalka heshana waa u sheegtey oo ay ugu horrayso in ay asaga hesho farxadna kula noolaato, sidoo kale waxa ay sheegtay in ay aad u neceb tahay in been loo sheego, weliba gacaliyaheeda ayay ku xejisay wayna uga digtay waxayna tiri: Haddaad iga ilaaliso been, runa ii sheegto ani gacanta ayaad igu haysaa!
Balse hadalka intiisa danbe ee ay uu  oo weydiinta ku soo biya shubatay gabadhu in la waydiiyo iyo ma jeclaysan, laakin in ay u sheegto ayay go’aansatay da’deedii.
Axmed oo ka helay sida ay uga warcelisay, haddana ogaaday inay beenta neceb tahay,  Axmed ayaa yiri: Nasraay been in aan sheego waa necbahay in la ii sheegana waan necbahay, maba dhacaysona sabab aan been isugu sheegno, waayo kalsooni walba waxaa burburiya beenta iyo balan xumada, intaas ayuu hadalkii waa ku dhammeeyay kuna soo gaabiyay.
Gabadhuhu in ay dhibsadaan da’da oo la qariyaa ceeb kuma ah, hawraar baa tiraahda: Ninna mushaharkiisa ha weydiin gabarna da’deeda ha weydiin. balse wiilka ayaa is lahaa qoftaada dad,deeda ogow wiikii dad,dii loo sheegay ayuu meel ku qortay si uusan u gefin ama u ilaawin, keligaa qoslay, wuxuu niyada iska yari, sawtii  ragga soomaalida jeclaayeen gabar ugu yaraan 5 sanno ka yar, gabartan waxaadba tihiin isku ayni ama isku fil, maadaama aad isku sanad dhalateen.
Waa laba qof oo aan meel wada joogin isna arage, waxay sidii caadadu ahayd halkii ka wateen xiriirkoodi ku dhisnaa is fahanka, ee ay ku salaysnaa is arag la’aanta, qoraalka iyo farriimahana u badna, hilowgii iyo kalsoonidiina waa badatay, waxaana lays maqli jirey oo haatan farriimihii qoraalka waa laga codbey waxaa loo gudbey maqaal iyo cod.
Maalinba maalinta ka dambeysa xiriirkoodu waa sii laba lixaadsaday, waxaana la gaaray heer laysku qarwo.  Waxaa kordhay xiisihii, waxaanay xaalkoodu gaaray in marka daqiiqado lays moogaado ubax laysu daadiyo iyo erayo jacayl.
- Markaad maqantahay
- Magaalada dhan
- Mugdi weeyoo
- Waa madowdee
- Miyirki bay la tagteey
- Meeday/ Meeyey
- Waad I maanqaade
- Meeday/ meeyey
Axmed wuxuu ku indho sarcaaday oo la ashqaraarey waa quruxda iyo heemaalka eebbe u dhaliyey Nasra, ka sakoow dabeecad iyo dhaqan wanaageeda, waxay ahayd mid bili iyo biliciba isu raacday, hubqaadka iyo heensaheeduna isu dhan yihiin, Axmed iyadoo muuqata ma arag ee waa sawiradeeda waxaa maankiisa gediyey, wuxuuna ku dhaartey haddii dunida ay joogaan gabdho xuuralcayn ah inay iyadu kow ka tahay.
Axmed waxa uu mar walba naftiisa u sheegi jirey ineysan jirin qof u qalma ama kula tartami kara qurux, waa qalbi wax jecel iyo hawshiise, arrinkani waa mid dadka oo dhami ka siman yihiin, marka raggu wax calmado waa tii maahmaahdu lahaydd, “ Nin weliba midii uu calmado waa cambaro luul. Axmed isma oran mana jirin cid ka dhaadhicin kartaa, gabdho ka qurxoon baa jirey,
Heesaha jacaylkaa inoo bidhaaminaya.
Â
- Weli hooyo may dhalin
- Heblaayoow mid kula mida.
Â
- Xaqiiqdii mid kula mida
- Weli lama xambaarine
- Xuuralcayn la moodyey.
Â
- Weli dhaban mid kula mida
- Kama dhalan adduunkee
Â
- Dumar ugu filrooneey
- Dayax shan iyo tobanaay
- Dahab lagu masaaleey
- Da’da tii todaba toban
Â
- Mudantii haweenkaay
- marwadii la sheegee
- dadku wada majiirtaay
- dumar lama mid dhigayee
- muxubada kal gacalkaa
Â
- Qurux dumaroo
- Aadmi daawado
- Yuusuf  dabadii
- Saaka daalacay.
Â
Heesahan iyo kuwa badan ayuu ku caweyn jirey naftiisana ku maweelin jirey isaga oo dareenka hal abuurada iyo hooballada heesaha qaaday la qaba, waa dhab inaan dadku isku si wax u wada jeclaan isku qofna wada jeclaanine,n wax ay xaaladdu sidaas ahaataba maalin ayay gabadhii wiilkii u sheegatay arrin uusan wiilku jeclaysan.
La soco qaybaha kale
W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi