XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 48aad         

 

                                   1-LAMA YAQAAN IYO LA YAQAAN !!!

Lama yaqaan ayaa mararka qaar kuu noqda la yaqaan kuu dhow, halka la yaqaanka uu kuu noqdo mararka qaar lama yaqaan!!!!!
Mmus

 

                            2-Gaalnimada waxaa ka daran Daalinnimada
Qofka isaga oo Gaal ah wuu noolaan karaa waxna waa lala wadaagi karaa marka laga hadlayo waxyaabaha muhiimka u ah nolosha oo aan Alle lagu caasinayn, balse Daalimka waxba lalama wadaagi karo, mana ahan in uu noolaado Qofka dulmiga badan, maxaa yeelay Dulimilowga mar walba wuxuu taagan yahay Qarka Cadaabka.
Hadba, gaalka aan waxba kuu gaysan ee aan ku dulmin nacaybkiisa inta uu kugu fogaan lahaa, iska fiiri daalimka kula dhashay ee halka meel kugula hoyda kuguna qoyska ah ee kuu diiddan in aad noolaato.
Mmusa

                                            3-MACNAHA BANI AADANIMADA

Bani aadanimada macnaheeda waa in aad noolaataa oo wax barata dunidana aad nuurisaa waxna kusoo kordhisaa, ee ma ahan in aad noqoto mid nolosha diiddan waxna bur buriya.
Hadaba miyaanan xaq u lahayn in aan noolaano oo ku noolaano nabad galyo iyo nolol wax tar leh, midka taas inoo diidan, ee Qandaraasyada kala duwan maalin walba ku qaraabanaya waa midka aan inoo ogolayn Nolosha, in aan intaas fahmnana waa inoo muhiim.
Mmusa

                                                      4-Mustaqbalka 
Mustaqablakaaga waad samaysan kartaa marka aad si wanaagsan u maamulato xaalkaaga maanta, balse wixii kaa tagay maya.
Sidaa darteed maadaama wax waaraya aysan jirin, samee waxa ugu wanaagsan ee la samaysto oo ah daganaan qalbi oo naftaada iyo dadka aad la dhaqmaysidba ah.
Mmusa 

                                                 5-Maqnaashahaaga
Maqnaashahaaga iyo joogistaadaba in la tabaa way wanaagsantahay, balse marka aysan macna wayn lahayn waxay la mid tahay in aadan jirin, Dunida ku noolow, yaana lagu tabin oo macna ha yeelan, ka maqnaaw ayaa ka fiican.
Mmusa 

                                                    6-Maalka iyo dunida 
Maalka waa cudurka umaddan, dunidana waa daawada umaddan, haddii dunida ay cudurka ahaan lahayd maalkuna daawada noqon lahaa dadku goormay bogsan lahaayeen?
Sufyaanu Thowri

                                               7-Nolosha waa aaminaad

Nolosha waa aaminaad iyo isku kalsooni, marka aad naftaada aaminto kuna kalsoonaato ayaa fahmi karaysaa macnaha dhabta ah ee Nolosha.
Mmusa 

                                                 8-Khalad iyo Sax 
Khalad waa khalad xitaa haddii umadda dhan ay wada suubinayaan, 
Saxna waa sax, xitaa haddii umaddu dhan ay diiddo.
Mmusa 

                                             9-Kalsoonida naftaada
Kalsoonida naftaada waa mid horseeda awood u yeelashada gaaridda guushaada, cid taas kaa hor istaagi kartana ma jirto marka kalsooni nafeed ay kugu jirto.
Mmusa  

                                                 10-Kalsoonida waa Qurux
Kalsoonida waa qurux mar walba sida aad rabto ahow inta badan ee aad isku kalsoonaato waa inta badan ee ay quruxdaadu badato.
Mmusa 

                                                  11-Dhaqan iyo Af iyo Midab
Marka aad aragto Hooyo ama Aabo soomaaliyeed oo ilmahooda la dhex mushaaxaya Dariiqyada Magaalada waad u riyaaqaysaa marka hore ,maxaa yeelay, waxaa ku galaya Dareen Kalgacal oo midnimada Qoyska ah, waa laga yaabaa isla markaas in aad u fasirato in qoys wanaagsan ay yihiin, balse marka aad Daymo hoose usii yeelato oo aad aragto habartii iyo adoogii oo ku hadlaya Afka Soomaaliga ilmihiina ay ku hadlayaan af kale oo Qalaad, dhaqamada qoyskaas ay kala wataana uu kala fogyahay, tusaala ahaan ay labada waalid ka muuqato Islaanimada iyo Soomaalinimada, asturnaanta, iyo edebta naxariista lagu yaqaan dadkeena iyo fur furnaanta, balse dhanka ilmaha aad aragto in gabdhaha ay wada qaawan yihiin, wiilsha sidoo kale ay si qaab daran timaha ugu jarran yihin ama u labisan yihiin, dhaqanka awlaadaasna uusan meelna kasoo galayn dhaqanka waalidkood ,Luuqad ahaan xitaa marka ay wada xiriirayaa iyaga iyo waalidkood ay ku wada xiriirayaan luuqad aan ka tarjumayn midabkooda iyo issirkooda, maxaad ku tilmaami lahayd qoyskaas, yaasa ka mas’uul ah in qoyskaas kasoo wada jeeda halka meel isna wada dhalay ay sidaa dhaqan ahaan iyo af ahaanba u kala fogaadaan, dhibkaas ma Waalidka ayaa ka mas’uul ah mise awlaadda, mise deegaanka ay ku nool yihiin?
Mmusa  

 

                                                        12-Kaamirada
Kaamirada waxay qabataa ama wax ka tustaa dadka goobo gaaban oo aad u yar balse macnaha ama khabarka ay gudbiso ayaa aad u balaaran, sidaa darteed, xikmaddaas kaamirada waxaan ka qaadan karnaa in hadal badan ama wax qabad badan oo aan nafci lahayn ay ka qiimo badantahay wax yar oo la qabta balse saamayn balaaran yeelan kara.
Mmusa

                                                        13-Ka taxaddar
Ka taxaddar fikradaha kugu soo dhaco marka aad kaligaa tahay sidaas si la mid ah ka taxaddar carrabkaaga marka aad dad badan ku dhex jirtid.
Mmusa 

                                          14-Ka taxaddar qofka aad u furayso Afka
Ka taxaddar qofka aad u furayso afkaaga ama aad la wadaagayso arrimahaaga, inta daacadda ah dadku waa ku yaryihiin, inta u taagan jaajuusnimada iyo xantana waa ku badan yihiin.
Mmusa 

                                                             15-Iska illow
Ku qanacsanow inta ku jecel.
Caawi inta kuu baahan.
Kuwa ku dhaawacana iska cafi.
Kuwa kaa tagana iska hilmaan.
Mmusa

                                                          16-Hubi
Marka aad dadka wax badan u ogolaato hubi in naftaadana aad wax badan u ogoshahay.
Mmusa 

                                                          17-Hoo iyo isii 
Guurku waa mid ku dhisan, hoo iyo isii, haweynaydu waa mid u taagan isii , halka ninku uu mar walba hoo la micna yahay, balse taas macnaheeda maahan in haweenaydu aysan waxba dhiibin, halka ninka uu lacagta iyo haddiyadaha ka dhiibo , haweenaydu waxay ka dhiibtaa dareen iyo dhiiri galin u baddasha ninka waxa uu yahay, ama u muuqan karo.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN