Maryan ma ahayn Masiixiyad! W/Q: Bashiir M Xersi

 
Maryan ma ahayn Masiixiyad!
 
Hurdo ayaan ka soo toosay. Sida caadada ii ah, haddii aan ammin haysto waxaan isha mariyaa wararka iyo baraha bulshda.
Farriimihii la iigu soo diray Facebook waxaan ka xushay hal mid oo widaaygeey ii so diray. Haddaan furey waaba dhiillo iyo dhimaal. Waxaan ugu warceliyey hadal nuxurkiisa aha: wayska qalin daarasho iyo ku dhibcabadsi.
Ka sokow, farriimaha waxaa ku jiray mid ay ii soo dirtay Anfac Cabdullaahi, oo la dhalatay Dottoressa Maryan, oo ku geeriyootay qarixii isgoyska azione 14/oktoobar.
 
Yaanan idin ka ka la dhaafine, qolyo Soomaali Kirishtan ah, ayaa qoraal ay ku qoreen bolog ay leeyihiin ku sheegteen, in Dottoressa Maryan Cabdullaahi, ay eheed Masiixiyad ka mid ah! MAGAG! 
Marka aan arkay farriinta ay i la wadaagtay, in ay la mid tahay tan aan kor ku xusay, ayaan doorbiday, intii aan qoraal ku daalin lahaa, in aan toos u woco.
 
Salaan ka dib, ayaan waxoogaa is la qaadaadhignay arrinta, sababteeda iyo waxa ka dambayn kara. Waxaan ku qanciyey, in maadaama Dottoressa Maryan, Eebbe ha u raxmadee, ay noqotay qofkii ugu magaca iyo muuqa dheeraa dadkii ku geeriyooday qaraxaa, uu ujeedkoodu yahay, in ay dunida u tusaan, in ay ka mid eheed iyaga! 
 
Hadalkii haddii aan sii falanqaynnay aniga iyo Anfac, waxay ii sheegtay, in aabbahood Cabdullaahi, oo Ingiriiska uga yimid, in uu ka qaybgalo xafladda qalinjebinta Maryan, oo aan suuragalin, in aan is ku si u aragnay dhacdada been abuurka ah iyo ujeedka gurracan ee ay ka leeyihiin.
Qoys weli ay dareenkooda ku taagan tahay xanuunka waysmada gabadhooda, sidee ugu soo dhiirradeen, in ay xanuun kale ugu sii daraan? Waa midda aan qaadan waayey.
 
Waxaa la yaab leh, sida aan u noqonnay bulsho xumaha u faafisa si ka degdeg badan dab caws qabsaday.Ka sii darane, waxaan Illaa shalay arkayey, dad ku doodaya; naga hubiya, wuxu amay sax yihiin iyo waa laga yaabaa, in ay run tahay! Yaah!
 
Maloxun wax ka daran ma jiraan, ku ma sii jirto marka ay qof ama qoys taabanayso dareenkooda, dadnimadiida iyo durriyaddooda.Is ku aadka ugu adag, ee ay u sheegteen Masiixinnimada Maryan waa in warbaahinta dunidu si mug leh uga faalloodeen waxna uga qoreen, laga diyaarshay barnaamijyo maqal iyo muuqaal ah. 
 
Waxyaabaha ay xiganayaan waxaa ugu weyn saddax arrin, oo xigmad ku fadhin:
 
  •  Warbixinta Newyorka times, oo ay Dottoressa Maryan ku tilmaameen (xidigtii soo baxaysay) oo miyeysan ahayn; gabar hadda qalinjebin leheed, oo caafimaad baratay?.
  • In ay eheed, qof gargaar iyo gacanqabad. Oo haddaa ma dhaqan Kiristanka keliya ay leeyihiinaa?.
  •  In ay qaraabo yihiin nin Shabaabku dileen, oo adeer u ahaa. Qof magacaa leh, Dottoressa Maryan xigto la ma ahan. Kaba muhimsane, xilliga uu dhintay, Maryan carruur ayey eheed, marka ma jiri karin duruuf ay is ku baran kareen. Beenlow qof dhintay ama qof maqan ayuu marqaati ka dhigtaa.
 
Dhibka diimaha ayey ka mid tahaye, marka ay isu badalaan ugaarsi ama urursi. Mid magaca Eebbe ayuu ku dilayaa, mid kalana magaca Eebbe ayuu uga been abuuranayaa, Eebbena beri ayuu ka yahay labadaba.
 
Waa labo dhimasho; dhimashadii ajalleed, ee qarax diimeedku sababay iyo dhImashada  labaad been sheegadka diimeed ah, oo magacdil u ah Maryan.Sidee ka la duwanaasho loo helayaa, haddiiba laga dhigay masabbid iyo been? Ka darane, sideen hafar iyo warxumo tashiil, uga hortagaynaa, haddii anagu aanba nahay kuwa faafinaya ama wareejinaya?.
 
Qarax, qaarijin iyo qaxar gelinta Aadane dhaqan ka gurracan ma lahan, haddana, dad Muslin ah qarribkood Eebbe ugu dhawaaw waa dhaqanxumo iyo dhib kale. 
Magac, maal ama mansab ka raadi qof kale magacdilkii dhaqan ka xun ma jiro, haddana Eebbe ugu dhawaaw waa dhaqanxumo iyo dhib kale. 
 
 
Bashiir Maxamed Xersi 

SHEEKOOYIN