Hammi caashaq iyo hungo been ah Q2AAD W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

 

Hammi caashaq iyo Hungo been ah Q2AAD.

Waxay xaaladdu sidaa ahaataba, maalin ayay gabdhii wiilkii u sheegtay arrin uusan jeclaysan, arrinka Nasra ay Axmed u sheegtay waxa uu ahaa, in ay jirto  arrin ay in badan maskaxdeed ku haysay, jecleydna in ay sameeyso bilowgii jeceylkooda, balse, ay ka ga baaqsatay sababo la xiriira in aysan isaga si qota dheer u aqoon oo ay barasho ugu laabneyd, balse, hadda ay baratay kuna kalsoontahay wax walbana  markaan u furan yihiin  in ay la wadaagtey .

Axmed  oo hadalka ka soo dhexgalay raagsadayna waxa loo sheegaayo  ayaa yidhi: “Gacaliso  waad mahadsantahay ee arrinku muxuu yahay?”

Waxay u sheegtay in ay doonayso in ay is barto gabar ay saaxiib weyn yihiin, , haddana ay meel wada joogaan gurina wada degan yihiin,sidoo kale waxay intaas u raacisay si uu ugu kalsoonada una dareemo in aysan wax kale ula jeedin  in ay gabarta ay baraysaa tahay gacanteeda middig oo aysan marnaba ka maarmin, sidaas darteed ay jeclaatay aadna u danaynayoso in ay is barto saaxiibkeedda cusub ee ay jacaylka wadaagaan iyo  saaxiibteeda  ay dhib iyo dheefba wadaagaan.

Ahmed soo jidintaas markii hore sooma dhoweyn waana ka biyo diiday, wuxuuna u arkay mashaqo cusub iyo qodax sun leh oo jeceylkiisa mudi karta , sidoo kale in ay gabartaasi keeni karto dhibaato hor leh oo xalkeedu gadaal ka adkaan doono ayuu is tusay, qalbigana waxaa ugu soo dhacday maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd:“Daad intuusan ku soo gaarin ayaa layska moosaa” .Markaasuu  ku yidhi weliba asaga oo si naxariis leh ula hadlaaya, hadalka jilcinaya  macaaneey jeceylkeenu in uusan qof seddexaad u baahneen ayaan anigu u arkaa, ee maad naga dayside  qof jeceylkeena hadhow xagal daac iyo docfaruur u keeni karta!.

Nasra oo la yaaban Axmed oo arrin ay soo jeedisay ka meer meeraaya  madaxana  malaha gacanta ku haysa oo amakaagsan kelmadaheedana  kululaynaysa ayaa axmed  ku tiri waryaa heedhe aniga saaxiibayday jeceylkeena waxna ka jari mayso waxna ku darri maysee maxaad ku diidey in aan maanta saaxiibayday ku barro?Mase waad isoo nacaysaayoo in aad cid iga ag dhow barato ma rabtid?.

Axmed oo Nasro dejinaayo arkayna in ay xaalad abuurayso ayaa ku beer laxowsaday xabiibti anigu waqti aan ku naco ma joogo adiga ayaan habeen iyo maalinba magacaada ku wardiyaye  muuqaadana adduunka ugu jeclahaye, maqalka oraahdaaduna   waaba  dheefta dhegahaygee  waadna ka dheregsantahee , ee  arrinka halkaas ha ula kicin, anigu  adiga kuma nacaayo saaxiibadaana ma diidaaye, kaliya jeceylkeena ayaan dalool laga soo gali karo ka owdayaahe, dammi dabka aad shidayso noloshaydiiyay.

Markaas Axmed waxa uu ilowsanaa in marka dumarku raban in ay ragga barnaamij ka dhaadhicyaan   ay xalad abuuran weliba marka ay ogyihiin in aan laga tegin karin xumaan kama aha, balse arrimahooda ayay ku fushadaan waana wadiiqo in badan u fududaysa.

Gabadhii Nasro waa aragtay in Axmed arrinka weli diidanyahay  sidoo kale waxa ay  aragtay meesha uu ka jilacsan yahay oo markii hore ay lahayd waad i nacaysaa sahan unbay ka ahayd balse hadda waxa ay rabtaa in ay godkaas  nacaybka la yiraa degto ciyaarta ka dheesho,  markaas ayay tidhi wiilow haddii aad  i jeceshay saaxiibayadana waad jeclaa lahayd oo soomaalidu waa ta tiraahda nin aad jeceshay eygiisana waa la jeclaadaaye  ee ima rabtide  waxaan ku ogaysiinayaa  in balaayada ay saaxibaday  gadaasha ku wadato ana aysan  iga maqneyn  ee taas  maanka ku haay aboowe taleefoonkii ay kuwada hadlaayeena casaanka ama meesha gaduudan ayay taabatay .

Axmed oo arkay in Nasra xanaaqday oo ay dhibsatay diidmadiisa ayaa dib isku milicsaday isna  canaantay naftiisii diidmada keentayna canaan iyo cambaarayn isku raaciyay, asagoo naftii la diriyay ayuu jirkiisa halmar eegay waase asagii oo wada qoyay ogaadii jirkiisuna wadda biyo noqotay  maxaa ku qoyay ayuu is waydiiyay waase ogaaday in uu dhididay.

Axmed suntii caashaqa ee mar hore gaartay ayaa ka dhididsiinaysa ee xanuun kale ma hayo. Tan kale Axmed in uu Nasra ka xaanajiyo marnaba asagu ma rabin ee way dhacday  xitaa ma hubsan in ay xanaaqday kaliya taleefoonka ,ay  goysay ayada oo aan la socod siin ayaa welwel baaxad wayn ku abuurtay.

Axmed ayaa is arkay isaga oo gunuunucaya,furuuryaha kala qaaday oo ku hadaaqaaya heestaan:

  • Sida ubadku hooyadu
  • Saxarka uga dhawrte
  • U Salaaxdo oogada
  • Qalbigaad sifeysaa
  • Sirgacana ka dhawrta.

Malaha heestaan waxa uu ula jeedaa naftu markay cariiri dareento waadigii  usoo gurman jiree maanta maadigaa  hulac  ku furay oo kululaynaya  qof kale darteedna  hadal aanan jeclaysan iiga oranaya  adduunyow xaalka ba’ ayuu ku calaacalay.

Markii hore gedacadbuu u jiifay hadda waa kan  hinqaday,oo waa kan kadaloobsaday oo fikiraaya muxuu ku fikiraya? wiilku maxaa ka qaldan? yaa wax ku sameeyay? wax kale kuma dhicin balse Nasra ayaa hadal ku kululaysay! Ar ninku beer jilacsanaa? Keligiis maaha ee waa nin kasta oo jacayl laabtiisu degaa inuu yahay mid nugul.

 Axmed markuu cabbaar joogey ayuu wacay Nasra kuna yiri: Gacaliso wax walba dartaa ayaan u samaynaa ee i bar abaayo waxba kama qabee ayadoo aragtay in ay guulaysatay oo siday rabtey loo yeelay,  ayaan tiri intaas unbaan kaa rabayu qaaliyow hadadna saaxiibaday ayaan ku barayaahee ogow soona diyaar garow.

Axmed oo si niyad ah ayuu  neefsaday korkiina  waa u qaboobay oo  layr caafimaad oo ka soo kicitintey meesha ay joogto ayaa dulmartay  markii ay qaali ku tiri, wuxuu yiri waa aqbalay waana sii diyaar garoobayaa .

Nasra dhanka saaxiibadeed Najma oo maanta dhan war ka sugaysay sariirnteedana dhabarka ku haysa sidoo kale hadalkii kulkulaa ay axmed iyo nasra isdhaafsanayeena maqlaysay ,natiijadii ka soo baxdayna raagsanaysa ayay Nasra  soo dul istaagtay   hadal ay Najma rabtana uga naxsatay  ayadoo dhoolacadaynaysana ku  tiri Axmed waa diyaar waan ku barayaa saaxiib ee ninka si fiican iiga hubi in u yahay mid ii qalma iyo in kale,Najma ayaa hadalkii  ku qabsatay kuna tiRi waa ogaa in aad tahay qof saaxiib lala noqdo mida ugu wanaagsaney, mar walbana garabkaaga ayaan ahay,  ee hadda  wac, Nasra ayaa qabsatay telefoonkii,  waxaana baxay dhawaqa telefoonka axmed, Dhala dhalalow dhalalalow.

 

 

SHEEKOOYIN