“Waddada Suubban: Q10AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Waddada Suubban: Q10AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Waa inaan dunida lagu talax tegin laguna raalli noqdo wixii calaf ah ee aad hesho haba kuu yaraadaane!” (Mowduuci Seddaxaad.).

Moowduucaanu wuxuu toos ula xariiraa qormadaan soo qaadannay Jimcihi hore.

Abuu Hurayrah Alle ha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri: Haddii aan leeyahay Dahab buurta Uxud la’eg, waxaa i farxad galin lahaa inaanan waxba ka heysan oo ay iiga oollin seddex maalmood dabadood, waxaan u heysto oo aan ula haro maahee inaan isaga bixiyo dayn.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hurayrah Alle ha ka raalli noqde: wuxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri: fiiri Arrimaha adduunka qofka kaa liita oo kaa hooseeya, oo ha fiirin kan kaa sarreeya. Markaas baad texgalin kareeysaa galladaha Eebbe kuu galay. Taasi waa werinta Muslim. Ee werin kale oo Bukhaari ku taal waxay leedahay: markii ay dhacdo in midkiin uu arko qof maalka laga badiyay, kana qurux badan, waa inuu eegaa kan ka sii hooseeya. (Bukhaari).

Abuu Hurayrah Alle ha ka raalli noqde wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri:Lacnadi waxaa ay dushooda ahaatay kuwaa aan maan iyo maskax kale laheyn aan aheyn Diinnaarka, iyo Dirhamka iyo Shaalalka madoow iyo kuwa sharraxan, Yacni dharka qaaliga ah. Haddii la siiyana waxay dareemayaan farxad, haddii aan la siinna caro iyo xumaan ayaa galeyso. (Bukhaari).

Abuu Hurayrah Alle ha ka raalli noqde wuxuu yiri: waxaan arkay toddobaatan nin oo hunguri, hooy iyo Hu’ la’aan ah oo ka mid ah kuwa u taqisan oo ugu dhowrsoon asxaabtii Nabiga (S.C.W.). kuwaasoo ku caan ahaa magaca asaxaabtii “Sufah” mid ka mida oo lahaa ma jirin dhar dhan oo jirkiisa wada daboola, waxa kaliya ay lahaayeen waxaa ay aheyd maro ay cowrada ku asturtaan ama go’ yar, oo ay ku xiraan qoortooda; qaarkoodna go’yadoodu waxay gaarayeen jilbaha ama anqawyada. Kuwa ay go’yoodu intaa ka gaabnaayeenna waxaa caado u aheyd inay gacmahooda isku asturaan iyagoo ka baqaya in cowradoodu muuqato. (Bukhaari).
Abuu Hurayrah Wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: Adduunyadu waa xabsiga mu’minka iyo Jannada gaalka. (Muslim).

Ibn Cumar wuxuu sheegay in mar Nabigu (S.C.W.). ka qabtay garbahiisa oo uu yiri: Ugu noolow adduunyada sida aad tahay qariib ama masaafir. Marka kadib Ibn Cumar Alle ha ka raalli noqde wuxuu dhihi jiray, markaad dhaafto maalintii casirkana soo gaarto ha filan inaad habeenkeeda dhaafeyso oo aad waa berka gaareyso, oo ha rajeyn. Markii aad waabbariisatidna ka sugin fiidsi. Inta aad fayoowdahayna, u diyaar garoow bugto, inta aad nooshahayna isu diyaari geeri. (Bukhaari).

Abdul Cabbaas Sahal bin al-Saciidi Alle ha ka raalli noqde wuxuu yiri: ninbaa wuxuu u yimid Nabiga (S.C.W.). oo ku yiri: Rasuul Alloow ii sheeg camal haddii aan falo ay i jeclaanayaan Alle iyo Aadanuhuba. Nabiga (S.C.W.). wuxuu ku yiri: ha jeclaan Adduunyada Alle markaas waa ku jeclaane; ha u hanqal taagin oo ha hunguryeyn waxay dadku leeyihiin oo ay heestaan, iyaguna way ku jeclaane.’ Xadiiskaan waxaa kusoo weriyay senedyo suggan Ibn Maajah iyo qaar kaleba oo ehlu xadiiska ah!”

Nucmaan ibn Bashiir Alle ha ka raalli noqde waxaa lagasoo xigtay in Cumar bin Khaddaab (A.K.R.). yiri: markii ay dadku noqdeen hodon maal qabeen ah oo barwaaqo ku jira, waqtigiisi uu Khaliifada ahaa Muslimiinta iyo madaxweynahooda isagoo ka hadlaya noloshii adkeyd ay Muslimiintu soo mareen wuxuu yiri: waxaan arkay Nabiga (S.C.W.). oo maalmuhu ku dhaafaan gaajo daran oo aan heli karin xitaa hal xabbo oo timir ah kuna bi’iyo Gaajadiisa. (Muslim).

Caa’isha Alle ha ka raali noqdee waxay tiri: markii uu dhintay Nabigu (S.C.W.). wax afka la gelin karo oo cunno ah guriga ma ool, xoogaa sareen, Qamadi ah ma ahee oo aan in xoogaay ah ku nooleyn. Muddo kaddib ayaa waxaan damcay inaan miisaamo oo qorsheeyo ha yeeshee durbaba way innaga dhammaatay. (Bukhaari iyo Muslim).

Camar ibn Xaaris Alle ha ka raalli noqdee oo la dhashay Ummul mu’miniin Juwayriya ( A.K.R.). oo xaasaskii Nabiga (S.C.W.). ka mid aheyd wuxuu yiri: Nabigu markuu dhintay kama tegin Diinnaar iyo Dirham iyo Addoon ama addoomad iyo wax kale toonna, waxaa uu ka tegay oo kaliya baqashiisii caddeyd oo uu fuuli jiray, hubkiisii iyo dhulkiisii oo uu waqfay sadaqo iyo sama fal ahaan inay isticmaalaan oo ay intifaacsadaaan wixii kasoo baxa musaafiriinta uu ka go’o jiscinka iyo gaari raaca. (Bukhaari).

Khabaab ibn Arafh Alle ha ka raalli noqde wuxuu yiri: waxaan la haajirnay Nabiga (S.C.W.). si aan u raalli galinno Alle oo kaliya, sidaa aawgeedna ajarkeeynna aakhiro mid sugan u ahaado. Qaarkeen durbaba way dhinteen iyagoo aan wax ka arag kuna raaxeysan xasanaadkoodi Nolosha adduunkaan waxaa ka mid ahaa Muscab ibn Cumayr (A.K.R.). oo shahiidnimo ku helay dagaalkii “Uxud” wuxuu ka tegay go’ yar dhimashadiisii kadibb. Waxay aheyd maro aad u yar heer haddii aan ku qarinno madaxiisa, ay luguhiisa qaawanaanayaan haddii aan lugihiisa qarinnana madaxiisu qaawanaanayo. Markaasaa Nabigu (S.C.W.). na faray inaan asturno madaxiisa, kuna daboolno lugahiisa Caws. waxaana naga mid ahaa qaar kale oo ku raaxeysanaya nolosha loo waa siciyo yacni waxay hadda ku jiraan nolol barwaaqo, baraare iyo farxad leh. guulaha la gaaray iyo magaalooyinka la furtay aawgood! (Bukhaari iyo Muslim).

W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com
Shiribmaal@gmail.com
Laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN