Maansada Gaax jacayl W/C: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

 

Maansada  Gaax jacayl

Maansadan waxaa curisay  Sacdiyo  Abwaan Maxamuud Garcadde, waa maanso ka hadlaysa  dulqaadka iyo gigsashada dareenka jacaylka markuu dego wadnaha ee qofka ku keliyeysto iyo marka lala wadaago ee dib ugu guuleysto, bogasho wacan.

 

  • Jaceylkaan gu’yaal badan
  • Guudkeyga saartoo
  • La gucleeyey kaligeey
  • Gadgaddoonka jiifkiyo
  • Uga go’ay hurdada badi.
  • Gacal kaan u moodiyo
  • Geesigaan jeclaadane
  • Asoon garab i siineyn
  • La guhaadey kaligeey.

 

  • Muddo waxaan gooho
  • Ilmo goomaheygiyo
  • Gaadadeyda qooysaa
  • Iga goba’ tiraahdaba
  • Tiiraanyo gubaysaa
  • Keli aan la guuxaba
  • Garashiyo garowgaa
  • Gacal iyo walaalnimo
  • Lagu kala gudboon yahay.

 

  • Galad eebbe weeyaan
  • Waa guulle mahadiiis
  • Haddaan caawo soo galey
  • Gogol raaxo taalliyo
  • Gurigii negaadiga.

 

  • Galad eebbe weeyaan
  • Gaawihii marnaa iyo
  • Hashii iga gurneyde
  • Gu’yaal aan dhursagayey
  • Haddii godol irmaanto
  • Aan maaley gaaxdi.

 

  • Galad eebbe weeyaan
  • Geesigaan jeclaadoon
  • Uga go’ay raggoo idil
  • Haddii ow garwaaqsadey
  • Inow gacan isiiyiyo
  • Gaaf iyo aroosiyo
  • Aan guri yagleeyo.

 

  • Adna geesigeygow
  • Aboowow garaadkiyo
  • Garashiyo dadnimadaad
  • Asagaa ku gudubtoo
  • Aan kugu gacloodaye
  • Ammaan gaara iga hoo.

 

  • Adaa ii gurmadayoo
  • Dhibaatadii i gaartiyo
  • Jaceylki I gaasirey
  • Aan la gabi-dhacleeyoo
  • La galuubtey kaligey
  • Iga siiyey garabke
  • Gooni ila faqayeeee
  • Guullaha ilaahey
  • Gooh iyo dhib dhawr
  • Guryo samo ku noolow
  • Dadku gacalo kuu noqoy
  • Kuma gooyo cadawgune
  • Geed bira ha kaa dhigo
  • Farxad aanan guureyn
  • Abidkeed gureyn hano

 

  • W/C: Sacdiya  Abwaan Maxamuud Garcadde.

 

 

 

SHEEKOOYIN