Qoraa Garyare iyo Qalinkii Taabo galay W/D: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Qoraa Garyare iyo Qalinkii Taabo galay.

Afka Soomaaliga ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid u koraya si aad ah, iyadoo bulshada Soomaaliyeed  aqoonyahankeeda iyo Afmaalkuba ay si wadajir ah xil isaga saareen.

Sida  adduunka oodhan ka jirta waxaa la horumariyey Afafka iyadoo weliba  Qalabyada cusub iyo agabyada danabeysan(Electric devices) lagu kaydiyey,  waxaa sidaa  garab socday in la sameeyey  Dhiganayaan iyo buug badan oo Afcelis ama Af rogaal ah(Qaamuus) kuwaasoo aad ka helayso Af walba oo dadka cara edeg adeegsadaan.

Waxaan maanta rabaa inaan halkan kaga hadlo, Qoraaga  caanka ah ee  Maxamuud Garyare oo guul weyn u soo hooyey  bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto, qoraaga ayaa ambaqaaday buug la yidhaahdo Bushaaro,  oo uu ku kaydiyey  erayada  joogtada ah iyo  magacbixin cusub oo Afka Soomaaliya iyo Jarmalka oo laysku Afceliyey ah.Buuggan Bushaaro ayaa ah mid qof walba oo aan aqoon Afka Jarmalka u fududeynayey  adeegsiga,  erayada iyo odhaahaha lagama maarmaanka u ah maalinlaha iyo is dhexgalka bulshada.

Buuggan oo la qorey  qaybtiisii ugu horreeyey 2010 taasoo ahayd keliya Afka Jarmalka iyo Soomaaliga,  kaddib markii ay bulshadu aragtey waxtarkiisa  ayaa waxay go’aansadeen  dalka Switzerland  Maktabadihiisu in laga dhigo Afaf badan.  Sida  Talyaani iyo Soomaali,  Faransiis iyo Soomaali,  waxaa kale oo loo beddelay isla iyada oo habkii uu qoraagu u dejiyey la raacayo,  Bersian iyo Jarmal, Bershiyaan iyo Faransiis,  Hebroon iyo Jarmal, Tigree iyo Jarmal.

Buuggan ayaa noqday mid dadyawga adduunka oo dhami ka helaan, hannaanka iyo habka qurxoon ee qoraagu u dhigey,  qoraaga ayaa ujeedkiisu ahaa markii hore inuu u hiiliyo keliya dhallinta iyo dadka cusub ee Soomaalida ah, ee waddamada looga hadlo Afka Jarmalka imanaya, sidii ay dhakhso ugu baran lahaayeen Afka Jarmalka,  maantase  dedaalkiisi wuxuu gaadhay in dhammaan bulshaweynta caalamka la qaato habki iyo hannaankii u dejiyey isagoo buug walba magaciisu ku xardhan yahay inuu yahay ninkii ambaqaaday.

Gu’gi 2009ki ayaa wiil dhallinyaro ah aniga Galayr ah wuxuu arkay dhawr jeer aniga oo gacanta ku sita buugaag Afka Soomaaliga ku qoran,  wuxuu si quudhsi iyo yasmo ku jirto ii yidhi, intaad isku daalineyso aqriska Afka Soomaaliga,  maad wax dhaama aqrisatid.

Hubaal inuusan ku qanacsanayn wiilkaas dhallinyarada ah ku hadalka Afka Soomaaliga,  waayo ma uusan liidaan aqrintiisa hadduu ku qanacsan yahay ku hadalkiisa.

Waxaan uga jeeda waxaa hal dal wada degan labadaa qof ee midna u arko Afka hooyo wax liita oo aan loo baahneyn ayna ka mudan yihiin Afafka kale,  iyo qoraaga suurtageliyey in Afkiisa buugga uu ku Afceliye(Turjumey) maanta laga dhigey in ka badan 10 Af oo dunida looga hadlo.

Si gaar ah dadka cidii daneyneysa, helida Buuggan oo ku qoran

  • Talyaani iyo Soomaali
  • Jarmal iyo Soomaali
  • Faransiis iyo Soomaali

Waxa ay kala xidhiidhi karaan  qoraaga oo aan halkan  idiinku soo gudbin doono, magaciisa iyo telefoonkiisa. Mahadsanidin

Qoraaga: Maxamuud Garyare

Kala xiriir: 0041796001300

Bartiisa Facebook-ga Garyare

W/D: Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

SHEEKOOYIN